digirinxidh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digirinxidh
-ka: (magac, lab, keli) hab marada ama go'a loo xidho iyada oo si iswaydaar ah loo marinaayo dhuunta hoosteeda isla markaana laga soo wareejin tunka ka dibna la isku xidhayo labada daraf ee marada, iyada oo ayay marada intii kale na jidhka ku raaracsantahay ilaa hoos.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digriyid
(Digriyid-da)
Digriga wadaaddada dariiqooyinku hadba qabtaan, maamulkiisa iyo samayntiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digriyid
m.f.dh eeg digri². la-mid: digri¹, dikri¹, dikriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirixidh
a) xirsixidh u samee.
xirixidh-ka: (magac, lab, keli) qur'an ama duco kale oo la akhriyo si shar oo dhan looga gashaanto. Dh: nabaadiinaxidh, xirixidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirnixid
m.f.dh eeg diirnax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirnixid
-da: (magac, dhedig, keli) naxariis iyo dareen darteed cid ugu nixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciniinid
m.f.dh eeg ciniin². la-mid: caniinid, cinniinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciniinid
-da: (magac, dhedig, keli) ciniin ama ciniini noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damiinid
m.dh la-mid: dammiinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damiinid
- da: (magac, dhedig, keli) masuuliyad qof damiin laga noqdo qaadid. Dh: damiinis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digiigix
m.l 1. Naxariis. 2. Meel hoobad ah. la-mid: dagiigix.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digiigix
m.l 1. Naxariis. 2. Meel hoobad ah. la-mid: dagiigix.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digiigix
-a: (magac, lab, keli) dareen naxariiseed oo kugu dirqiya inaad qof dhibban u damqato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digirrin
-ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah baadleyda oo digaagga ka yara weyn oo habeenkii geedaha dulseexda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirinle
m.l Shaqaalaha cuntada kariya ee haddana qeybiya; kaantunle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dikriyid
m.f.dh la-mid: digriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dikriyid
-da: (magac, dhedig, keli) digri akhriyid; duco iyo Allabari aan sabab lahayn samayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
diminish
/dhiminish/ (v) yarayn, naaqusin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
diminish
v.tr., dhin, gaabi, yaray, yaraysii, yarayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diniimid
m.dh la-mid: diddimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Finiinid
(Finiinid-da)
Xoog u ganmid ama u dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finiinid
m.f.dh eeg finiin². la-mid: faniinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finiinid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, finiin ku tuurid ama ku ganid.
finiinid-da: (magac, dhedig, keli) aad u kululaanshaha daawaha oo loxooxda ku dhega. Dabka badan ka daa finiinid buu daawaha u keeniye.
finiinid -da: (magac, dhedig, keli) xoog u ganmid ama u dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giriifid
-da: (magac, dhedig, keli) cabasho muujin; muddaaharaad muujin; shaqajoojin samayn; si wadar ah oo dad meel ka wada shaqeeyaa ay wakhti shaqada u hakiyaan si ay cabashadooda u muujiyaan. Maanta giriifiddii masar laba qof baa lagu dilay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giringir
giringir¹: m.dh (-ro, m.l) la-mid: garangar¹.
giringir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: garangar².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kirikidh
-ka: (n) [Sports] cricket (kirikit)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miciinid
(Miciinid-da)
Cid miciin u gelid; teegaarid; gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miciinid
m.f.dh eeg miciin². la-mid: maciin¹, maciinid, miciin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miciinid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid: gargaarid, Nin itaal yarbaa miiciinid xaq u leh. Dh: maciinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niggixid
m.dh la-mid: ningixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigrigid
m.f.dh eeg rigrig².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigrigid
-da: (magac, dhedig, keli) walax ama weel afkiisa tolmo tidic ah ku samayn; afka ka adkayn tolmo afka kaga tolid. Masaftani rigrigid bay u baahan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriwixid
m.f.dh eeg biriwax². la-mid: birikinnaas¹, birikinnaasid, biriwax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalriixid
-da: (magac, dhedig, keli) deegaan ciddii hore u degganeynd dad ku soo guurey ka riixdaan. Dh: dalqaadid, udubkuriix.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunxidh
-ka: (magac, lab, keli) gadhka cufan ee cunaha ka baxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digigixoo
(fal) dareen cadho ah ka muuji falka xun ee la sameeyey. Dh: dhiidhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digiigixo
f.mg3 (-gixday, -gaxatay; -gaxan) 1. U d.: cid u naxariisasho. 2. Meel hoobad ah ka daadegasho. la-mid: dagiigoxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digiigixo
f.mg3 (-gixday, -gaxatay; -gaxan) 1. U d.: cid u naxariisasho. 2. Meel hoobad ah ka daadegasho. m.f.dh, digiigaxasho. la-mid: dagiigoxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirimaad
-ka: (magac, lab, keli) eeg diirrimaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dingiigid
m.dh la-mid: dangiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dingiigid
-da: (magac, dhedig, keli) jiif makhaddado la jiqilaysto oo xusulka la barkado lugahana la fidsado u seexad. Dh: dangiigid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dirindiir
-ta: (n) caterpillar (kata-pilar) ~ diirdiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirindiir
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg diir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firimbidh
-ka: (magac, lab, keli) qof aan shaqaysan oo waxba haysan. Dh: bayhoof, firinbidh, firimbir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giringiri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: garangari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirnixid
m.f.dh eeg jiirnax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilibxidh
(fal) fal ama sixir oo raadqaad; baab naannaabiya oo dib u soo noqod dhaqso loo helo u jar. Dh: raadqaad, fal, sixir, jilibxir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miciinbid
-ka: (magac, lab, keli) cid gargaar ka doonid; dhib cid ula ciirsasho. Dh: maciinbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriirixid
m.f.dh eeg biriirix.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riixriixid
(Riixriixid-da)
Riixid badan; tuutuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digigixasho
-da: (magac, dhedig, keli) cadho ismoogaan ah oo marka fal xun la sameyey aad ka cadhootid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DIGIR-JINNI
(Digir-jini) S Clitoria ternatea L. Papilionaceae.
N Cassia sp. Caesalpinaceae.
S Cassia occidentalis L. Caesalpinaceae.