digaggubid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digaggubid
(Digaggubid-da)
Hoog ku falid; ciribtirid; baabbi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digaggubid
m.f.dh eeg digaggub². la-mid: digaggub¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digaggub
digaggub¹: m.l Baabbi'inta wax la baabbi'iyo. ld
digaggub²: f.g1 (-bay, -btay) Wax ciribtirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digaggub
v., [compound] overthrow, destroy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digaggub
de: overthrow, destroy
lx: digaggub
pd: (digaggubay)
ps: v1=cmp
key: digaggub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaggabid
(Gaggabid-da)
Nabar laysku dhuftay ama wax kaloo lays gaarsiiyey, la wareerid, la dhicdhicid, la liicliicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaggabid
m.f.dh eeg gaggab². la-mid: gaggab¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaggabid
-da: (magac, dhedig, keli) miyirka beelid. Dh: gaggab, wareerid.
gaggabid-da: (magac, dhedig, keli) nabar la isku dhuftay ama wax kaloo la is gaadhsiiyey, la wareerid oo la dhicdhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggurid
m.f.dh eeg dabaggur². la-mid: dabaggur¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugaagoobid
m.f.dh eeg dugaagow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugaagoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dugaag noqosho; sida dugaagga u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xirribaggubid
(Xirribaggubid-da)
Qof aan marmarsiinyo haysan, gefkiisa, si xun u sheegsheegid, ugu cadaadin, ugu lafajebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirribaggubid
m.f.dh eeg xirribaggub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaggabi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid, nabar ay la miyir beesho surka kaga dhufasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaggabi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid, nabar ay la miyir beesho surka kaga dhufasho. m.f.dh, gaggabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaggabi
v. stun, cause to faint, shock someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaggabi
-yey / say: (v) shock (shaak); daze (dheeyz); stun (istan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaggabi
(fal) madaxa ama tunka wax weyn oo wareeriya kaga dhufo; wax miyirdooriya ku dhifo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaggabi
de: stun, cause to faint, shock s.o.
lx: gaggabi
pd: (gaggabiyey)
ps: v2a=tr
key: gaggabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacgabid
(Dacgabid-da)
Itaalgabid; axgabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacgabid
m.f.dh eeg dacgab². la-mid: dacgab¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dacgabid
vl. n., [compound] inattention, carelessness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacgabid
-da: (magac, dhedig, keli) awoodda oo yaraata ilaa wax la qaban kari waayo. Dh: itaalgabid, axgabid, hawlgabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dacgabid
de: inattention, carelessness
lx: dacgabid
pd: (-da)
ps: vn1-f-cmp
key: dacgabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaagid
(Dagaagid-da)
Gaajo iyo diihaal darti la qaxid; dalaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaagid
m.f.dh eeg dagaag². la-mid: dagaag¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagid
-da: (magac, dhedig, keli) baahid oo dhulka ku dul ballaadhasho; sida ay u baxaan geedaha aan jirridda lahayn sida xabxabka. Dh: dagaagis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daguugid
m.f.dh eeg daguug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digaagad
f. n. hen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
digaagad
-da: (n) hen (hen); female chicken ~ dooro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digaagad
-da: (magac, dhedig, keli) digaagga tiisa dhedig ee dhasha ukunta la cuno. Dh: dooro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digaagad
de: hen
lx: digaagad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: digaagad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaggabin
m.f.dh eeg gaggabi. la-mid: gaggabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaggabin
-ta: (magac, dhedig, keli) miyirtirid oo kala garashada ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaggabis
m.l la-mid: gaggabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaggabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gaggabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higaagid
m.f.dh eeg higaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
higaagid
-da: (magac, dhedig, keli) dibbirid; fuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagagubad
m.l la-mid: cagaggubyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabagurid
-da: (magac, dhedig, keli) cid ka dabashaqayn oo kolba waxa ay hayso iyo halka ay joogto ka warhayn. Dh: dabagalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaguugid
-da: (magac, dhedig, keli) si aad ah u madax'adayg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digdhebid
(Digdhebid-da)
Digta oo la gooyo ama lagu dhufto: dilid; birayn; gowricid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digdhebid
m.f.dh eeg digdhaw². la-mid: digdhaw¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaggufid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la cuno oo kolka hore lagu dego lana dudubiyo haddana aanan la dhammaynin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargudbid
m.f.dh eeg gargudub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargudbid
-da: (magac, dhedig, keli) labada dhinac webi iyo wax la mid ah, u kala tallaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higaagmid
m.f.dh eeg higaagan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riixgubid
m.f.dh eeg riixgub². la-mid: riixguub¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Argaggixid
(Argaggixid-da)
Cabsi weyn oo kedo ah, qabasho; naxdin la gariirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
argaggixid
m.f.dh eeg argaggax². la-mid: argaggax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
argaggixid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi kedis ah, darteed la gariirid; baqdin la ashqaraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagaggubyo
(Cagaggubya-da)
Ciidda qorraxdu kululayso; cirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaggubyo
m.dh Kulka cagta nafleydu dareento markay kulaylka qorraxdu ku dhacdo ciidda. la-mid: cagagubad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagaggubyo
f. n., [compound] hot foot, intense heat of sand that burns the feet
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagaggubyo
de: hot foot, intense heat of sand that burns the feet
lx: cagaggubyo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: cagaggubyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaggelid
(Dabaggelid-da)
Ka harid la'aan; dabasocosho; dabajoogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggelid
m.f.dh eeg dabaggal². la-mid: dabaggal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggelid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba meesha la maro ka dabategid. Dembiyada waxa lagu helaa dabaggelid. Dh: dabagalid, baadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaggibin
(Dabaggibin-ta)
Lafdhabarta (xiriirka) dadka meesha ugu danbaysa oo ay ku dhammaato: waa laf yar oo ka samaysantay afar ricirood oo midoobey oo af fiiqan yeeshay; lafdhumuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggibin
m.dh Lafdhbarta dadka meesha u dambeysa ee ay ku dhammaato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaggibin
m.dh Lafdhbarta dadka meesha u dambeysa ee ay ku dhammaato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaggibin
f. n., [compound] bottom part of the spinal column
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabaggibin
-ta: (n) the lowest part of the spinal column ~ laf-dhumuq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggibin
-ta: (magac, dhedig, keli) lafdhabarta dadka meesha ugu dambaysa oo ay ku dhammaato. Waa laf yar oo ka samaysan afar ricirood oo isu tegay oo af fiigan leh. Dabaggibinta ayuu odaygii ka jabay. Dh: lafdhumuq, xaarquud, dabadhilif.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaggibin
de: bottom part of the spinal column
lx: dabaggibin
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: dabaggibin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibuggurad
(Dibuggurad-ka)
Dibuggurasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibuggurad
m.l la-mid: dibuggurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafaggurid
(Lafaggurid-da)
Jabka lafaha, siiba kuwa madaxa, wax ka qabasho, farsamayn, kabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafaggurid
m.f.dh eeg lafaggur². la-mid: lafaggur¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaggubyood
m.f.l eeg cagaggubyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyashubmid
m.f.dh eeg biyashuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaggubyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Cagagubyo dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagaggubyow
v. feel intense heat in the feet because of the hot sand
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagaggubyow
de: feel intense heat in the feet because of the hot sand
lx: cagaggubyow
pd: (cagaggubyooday)
ps: v1=intr
key: cagaggubyow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaargudid
-da: (magac, dhedig, keli) si heello loo soo tunto oo loo soo ciyaaro, meel degaanka ka fog. habeenkii u guurid oo gudid. Dh: cayaargudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daganduugid
m.f.dh eeg daganduug². la-mid: daganduug¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daganduugid
-da: (magac, dhedig, keli) wax deggan dabada ka marid oo dhicid ama wada dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugatoobid
m.f.dh eeg dhugatow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugatoobid
-da: (magac, dhedig, keli) geel dhugato qaba ahaan. Sida qaalin dhugatoobay oo geelii laga reebay, dhallinyaro ma raacee kelaan dhaxanta meeraaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibaggaarid
(Jibaggaarid-da)
(ka jibaggaarid) salgaarid; gungaarid; jibakeenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaggaarid
m.f.dh eeg jibaggaar². la-mid: jibaggaar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaggaarid
-da: (magac, dhedig, keli) asligii hore ku noqosho ama ku celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiiraggo'id
(Jiiraggo'id-da)
Muruqgo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiiraggo'id
m.f.dh eeg jiiraggo'². la-mid: jiirgo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalagguurid
m.f.dh eeg kalagguur³. la-mid: kalagguuris.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigkushubid
m.dh (daaw.) Dhiig laga soo miiray qof caafimaad qaba oo dhiig bixiye ah (donor) oo lagu shubo aroor ka mid ah xididdada dhiigga ee qof kale oo dhiiggiisu ku fillaan waayey tiro yari ama tayo xumi awgeed oo ka iman karta shil ama cudur.