didso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
didso
f.g3 (-saday, -satay) Xoolo iyadoo la didinayo kaxaysasho. la-mid: dudso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
didso
v. scare off, chase away (for oneself)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didso
(fal) xoolo ujeeddo gaar ah u didso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
didso
a: dudso
de: scare off, chase away (for oneself)
lx: didso
pd: (didsaday)
ps: v3a=tr
key: didso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibso
(fal) edeb iyo asluub yeelo oo gaabso. Dh: xishoo, sarriigo.
dibso: (ereydhawaaq) awr inuu labadiisa lugood isku soo dhaweeyo ku amar si aad u dabarto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Didmo
(Didma-da)
Wadajir iyo isku duubnaan loo yaaco, baqasho darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
didmo
m.dh Yaacidda xoolo, ugaar iyo wixi lamida baqdin awgeed la yaacaan. la-mid: dųdmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
didmo
vl. n. act of huddling together from fear
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didmo
-da: (magac, dhedig, keli) carar cabsiyi ku jirto oo is moogaan wadar loo yaaco. Dh: didid, baxsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
didmo
de: act of huddling together from fear
lx: didmo
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: didmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax adeegsasho. Tusaale: “Telefoon baan dirsaday”. 2. Wax dalbasho. Tusaale: “Cumar baa shaah dalbaday”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dirso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax adeegsasho. Tusaale: Telefoon baan dirsaday. 2. Wax dalbasho. Tusaale: Cumar baa shaah dalbaday. m.f.dh, dirsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirso
v. send something for oneself; send away for; order something for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dirso
-dirsaday / dirsatay: (v) 1. use (yuus). Ex: Taleefoonka ma dirsan karaa; can I use the telephone; 2. send something for oneself. Ex: waraaq buu dirsaday; he sent a letter by himself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirso
(fal) cid ama shy meel u dirid si aad ugu intifaacdo. Telifoonka dirso adigu.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirso
de: send s.t. for oneself; send away for; order s.t. for oneself
lx: dirso
pd: (dirsaday)
ps: v3a=tr
key: dirso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dudso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: didso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dudso
v. deliberately frighten (an animal in order to clear it away)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudso
(fal) eeg dudi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dudso
a: didso
de: deliberately frighten (an animal in order to clear it away)
lx: dudso
pd: (dudsaday)
ps: v3a=tr
key: dudso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fidso
f.g3 (-saday, -satay) Wax kala baxsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fidso
f.g3 (-saday, -satay) Wax kala baxsasho. m.f.dh, fidsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fidso
v. expand, enlarge, diffuse, spread ~ unroll something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidso
(fal) gogol iyo wixii la mid ah oo duuban kala baxso; kala fidso; kala fitaaxso.
fidso: (fal) lugaha iyo wixii la mid ah oo laabnaa, xagga hore u fidi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fidso
de: expand, enlarge, diffuse, spread ~ unroll s.t. for oneself
lx: fidso
pd: (fidsaday)
ps: v3a=tr
xe: Expand territorially!
xv: Dhul fidso!
key: fidso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqso
(fal) cabsi gesho oo naftaada ha ka baqdo. Baqso ragga oo ka wayn bud la dhac. Dh: didso, eryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dhib u qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibso
f.g3 (-saday, -satay) Wax dhib u qaadasho. m.f.dh, dhibsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibso
v. be annoyed, feel irritated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibso
-dhibsaday I dhibsatay: (v) hate (heeyt); loathe (loowth); feel offended by
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibso
(fal) wax dhacay ama la yidhi, dhibaato ka dareen ama ku dhibaatoo. Dh: karaahayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibso
de: be annoyed, feel irritated
lx: dhibso
pd: (dhibsaday)
ps: v3a=
key: dhibso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhidbo
(fal) walax bir, loox ama wax kale ah, dhulka ku adkayso oo ku taago. Dh: dhaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiddo
(Dhidda-da)
Caanaqub, kashiito, yaadaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiddo
m.dh (-ooyin, m.l) Caanaqub; kashiito.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiddo
f. n. porcupine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiddo
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan kuusan oo fuq yuuban, dushana qodxo dhaadheer ku leh oo ka mid ah duurjoogta hilibkoodu xalaasha yahay. Dh: gashiito, caanoqub, raamsato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiddo
de: porcupine
lx: dhiddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhiddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhifso
f.g3 (-saday, -satay) Si xoog iyo dhaqso leh wax u jiidasho. la-mid: dhufso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhifso
f.g3 (-saday, -satay) Si xoog iyo dhaqso leh wax u jiidasho. m.f.dh, dhifsasho. la-mid: dhufso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhifso
v. snatch for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhifso
de: snatch for oneself
lx: dhifso
pd: (dhifsaday)
ps: v3a=
key: dhifso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibsoo
(ereydhawaaq) eeg dibis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
didsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhiillaysan ahaansho (xoolo, ugaar iyo wixi lamida). la-mid: dųdsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
didsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhiillaysan ahaansho (xoolo, ugaar iyo wixi lamida). m.f.dh, didsanaan. la-mid: dųdsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
didsan
der. [adjective] paranoid, suspicious; scared, terrified, afraid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
didsan
-aa / nay: (adj) scared, paronoid, frightened
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didsan
(tilmaame) mid carar cabsiyi ku jirto ordaya oo baxsanaya.
didsan: (tilmaame) anfariirsan oo wuu arkaba ka cabsanaya. Ilmaha yari wuu didsan yahaye ha ka cabsiinnina. Dh: anfariirsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
didsan
a: dudsan
de: paranoid, suspicious; scared, terrified, afraid
lx: didsan
pd: (didsanaa)
ps: adj-der
key: didsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diibso
f.mg3 (-saday, -satay) Diib marsasho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diibso
v. use some scent, perfume oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diibso
de: use some scent, perfume oneself
lx: diibso
pd: (diibsaday)
ps: v3a=intr
key: diibso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiddo
(Diidda-da)
Oggolaad la'aan; wax yeelis la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįiddo
m.dh Ku gacan sayridda lagu gacan sayro codsi, amar, siismo iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiddo
dįiddo: m.dh Ku gacan sayridda lagu gacan sayro codsi, amar, siismo iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiddo
f. n. refusal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiddo
-da: (magac, dhedig, keli) wax la is faray ama talo la soo jeediyay, oo aan la oggolaan. Dh: diiddanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiddo
de: refusal
lx: diiddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: diiddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįidmo
m.dh la-mid: dįidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diidmo
dįidmo: m.dh la-mid: dįid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diidmo
Negation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diidmo
f. n. refusal; prohibition; veto
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diidmo
-diidmada: (n) negation (ni-geey-shin); refusal (rif-yuusal)-, rejection (ri-jak-shin) — see also [eeg] diidid
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Diidmo
Rifiuto
Refusal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diidmo
-da: (magac, dhedig, keli) jawaabta taban ee uu qofku ka baxsho marka aanu rabin wax la sheegayo ama la amrayo. Li: oggolaansho, yeelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diidmo
de: refusal; prohibition; veto
lx: diidmo
pd: (/da)
ps: n6-f
xe: veto
xv: diidmada qayaxan
key: diidmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįifso
f.mg3 (-saday, -satay) Diif iska tirid (qof). la-mid: dųufso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diifso
dįifso: f.mg3 (-saday, -satay) Diif iska tirid (qof). m.f.dh, dįifsasho. la-mid: dųufso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diifso
v. blow one's nose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diifso
-diifsaday / diifsatay: (v) blow one's nose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifso
(fal) diif yeelo. Gaajo la diifso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diifso
a: duufso
de: blow one's nose
lx: diifso
pd: (diifsaday)
ps: v3a=
key: diifso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Biyo, caano iyo wixi lamida in yar kululeysasho. 2. (f.mg) Ku d.: Wax diirrimaad ka helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diirso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Biyo, caano iyo wixi lamida in yar kululeysasho. 2. (f.mg) Ku d.: Wax diirrimaad ka helid. m.f.dh, diirsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirso
v. warm oneself; warm something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirso
(fal) (ku ~) ku caloolqaboojiso oo ku farax. Kumana diirsan maansadu hadday dunida aafayne.
diirso: (fal) wax dabka saaro oo qabawga ka bi'i. Shaaha diirso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirso
de: warm oneself; warm s.t. for oneself
lx: diirso
pd: (diirsaday)
ps: v3a=
key: diirso
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diismo
Compression
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Ilmo duud ku xambaarasho. 2. Biyo yar oo weel salkiisa ku jira ka shubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidso
f.mg3 (-saday, -satay) Waqti fiid ah maararroobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiidso
f.mg3 (-saday, -satay) Waqti fiid ah maararroobid. m.f.dh, fiidsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiidso
v. spend the evening, be (in a place) at dusk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiidso
(fal) inta ay fiidka noqonayso, sug oo u kaadso. Dh: caweysin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiidso
de: spend the evening, be (in a place) at dusk
lx: fiidso
nt: fiidsad (ka) [vn-m], fiidsasho [vn-f]
pd: (fiidsaday)
ps: v3a=
key: fiidso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
odióso
agg. - la kahdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ududso
(fal) arrin, dan ama wax la mid ah, maarayso adiga oo aan cid kale ku talo galin; talo abaabulo ama maamulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diddinso
f.g3 (-saday, -satay) Hoore yar meel ka shubasho. la-mid: dindinso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diddinso
v. get last drops of something, drink ~ drain off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diddinso
(fal) gororso oo wixii weel guntii biyo ku jiraba dharruuro. Dh: gororso, dindinso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diddinso
de: get last drops of s.t., drink ~ drain off (e.g., remaining liquid in a container)
lx: diddinso
pd: (diddinsaday)
ps: v3a=tr
key: diddinso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
didsasho
m.f.dh eeg didso. la-mid: dudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
didsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ujeeddo gaar ah u didin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dindinso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: diddinso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
did
f.mg1 (-day, -dday) Si aan habaysnayn u kala yaacid cabsi awgeed (xoolo ugaar iyo wixi lamida). la-mid: dųd².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
did
f.mg1 (-day, -dday) Si aan habaysnayn u kala yaacid cabsi awgeed (xoolo ugaar iyo wixi lamida). m.f.dh, didid. la-mid: dųd.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
did
v. bolt, scatter (of flock), stampede, disperse; be scared
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
did
(fal) cabsi la baxso oo caymad. Dh: baqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
did
a: dud
de: bolt, scatter (of flock), stampede, disperse; be scared
lx: did
pd: (diday / didday)
ps: v1=intr
key: did
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
Dio
s.m. - Ilaah, Eebbe.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dis
prefisso - horkabe muujinaya lid markab iwm.