dibirlaxle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibirlaxle
-ha: cayayaan ka mid ah kuwa duula oo dhobo buulal ka dhista, qaniinyo kulul na leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Koob yar oo sida badan dhoob ka samaysan oo lagu cabbo bunka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilaale
-ha: (magac, lab, keli) koob shaaha lagu shubto, lagu cabbo oo dheg la qabsado leh, ka samaysan dhoobo. Bilaale shaaha ii keen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirane
m.l (-nayaal, m.l/dh) (xisaab) Dhakhsaha isbeddelka ee fansaar marka loo eego doorsoomaha madax bannaan. Waxa kale loo yaqaan wehliyaha xigsineed ama fansaar diiran. .
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diirane
Derivative
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirbax
-a: (magac, lab, keli) marka uu qof ama neef dubka sare xanuun ama dab awgii uga qaadmo. Dh: dubbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirnax
diirnax¹: m.l Dareen raxmad leh oo qof ku dhasha marka uu arko qof dhibaateysan.
diirnax²: f.mg1 (-xay, -xday; -nixi) U d.: dareen raxmad leh cid u hayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diirnax
diirnax¹: m.l Dareen raxmad leh oo qof ku dhasha marka uu arko qof dhibaateysan.
diirnax²: f.mg1 (-xay, -xday; -nixi) U d.: dareen raxmad leh cid u hayn. m.f.dh, diirnixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirnax
m. n., [abstract] sympathy, pity, compassion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirnax
(fal) «u ~» ka nax oo u naxariiso. Dh: dubnax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirnax
de: sympathy, pity, compassion
lx: diirnax
pd: (-a)
ps: n0-m-abs
syn: dunji
key: diirnax
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Birhayle
Nooc ka tirsan qardhabada birta ee ka samaysan birlab heer sare ah oo lagu jaro birnugaylka fidsan, siligga iyo wixii la xiriira oo qaradoodu ku siman tahay ilaa mm. 2.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ciiraale
nickname-m grayish in color; cloudish
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
digitale
agg. - raadka faraha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilaley
m.dh Darbad d.: dabayl xoog leh oo hadba dhinac ka timaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirinle
m.l Shaqaalaha cuntada kariya ee haddana qeybiya; kaantunle.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diirrane
name-m warm, tepid; intimate, close. Syn: Diirran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Diirrane
magac loo baxsho wiil kolkii uu yaraa aad u firfircoonaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dillaale
m. n. broker, middleman
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dillaale
a: dullaal ~ dullaale
de: broker, middleman
lx: dillaale
pd: (/ha)
ps: n7-m, n5b-m
key: dillaale
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hiiraale
nickname-m bald. Syn: Bidaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hiiraale
magac loo baxsho wiil salxo leh oo wejigiisa ay timuhu ka durugsan yihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraale
-ha: (magac, lab, keli) qof bidaar leh. Dh: bidaarre.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
liberale
agg. - xornimada raacsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiraale
m.l (-layaal, m.l/dh) Roob xoog leh oo habeenkii da'a oo xilliga dayrta yimaada. la-mid: miiroole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiraale
-ha: (magac, lab, keli) roob weyn oo ungod iyo daroora cufan leh. Waxaa mayay soo madaw waxaa miiraale yimid ninkii meelloow ka roor.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
desirable
/dhisayrabal/ (adj) la rabo (loo baahan yahay).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
désirable
désirable, adj. - la jeclaan karo; loo bogi karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diinlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) 1. Qof aan diin aaminsanayn. 2. Qof aan akhlaaq wanaagsan lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diinlaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) 1. Qof aan diin aaminsanayn. 2. Qof aan akhlaaq wanaagsan lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diinlaawe
m. n. atheist, unbeliever, person without religion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diinlaawe
-diinlaawaha: (n) atheist (eey-thi-yiist) ~ mulxid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diinlaawe
-ha: (magac, lab, keli) cidda aan aamminsanayn jiritaanka ilaahay ama aan cibaado fiican lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diinlaawe
de: atheist, unbeliever, person without religion
lx: diinlaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: diinlaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giiryaale
(Giiryaala-ha)
Qof aan geesi ahayn; fuley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giiryaale
m.l Qof aad fuley u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giiryaale
m. n., [compound] coward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giiryaale
-ha: (magac, lab, keli) qof fule ah.Li: geesi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
giiryaale
de: coward
lx: giiryaale
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: giiryaale
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
libérable
libérable, adj. - siideyn; fara ka qaadid; xoreyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaryaale
-ha: (magac, lab, keli) eeg dabarriyaale.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
habillable
habillable, adj. - la labisan karo; la xidhan karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįrircawleed
m.l Dirirsagaaro. la-mid: Dirir (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirircawleed
-ka: (magac, lab, keli) roobka bisha labaad ee qu'ga da'a.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damiirlaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan lahayn damiir kala sooca xumaanta iyo samaanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibishaxad
-ka: (magac, lab, keli) awrka qooqan oo inta uu kaadidiisa dabada ku soo daro, qanaanta iskaga rusheeya, si uu u hubiyo qoodhnimadiisa. Dh: dhebidhisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbirsamid
m.f.dh eeg dibbirsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbirsamid
-da: (magac, dhedig, keli) calool, dibbiro buuxsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibidaabyee
(fal) cid kale, luggooyo u horseed. Dh: dibindaabyee, haddimee, hagardaamee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diradiraale
-diradiraalaha: (n) monger (man-ger); troublemaker (tarobal'maykar); quarrelmonger, one who stirs up trouble or strife
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diradiraale
-ha: (magac, lab, keli) qofka dadka u kala sheega war xun oo la isku naco ama la isku dilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirgalaal
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah xiddigaha waaweyn oo keli ah aadna u cad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bad birlabeed
n. phr. magnetic field
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bad_birlabeed
de: magnetic field Pl: bad birlabeedyo
lx: bad birlabeed
ps: np
key: bad_birlabeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbarjalawle
-ha: (magac, lab, keli) caanaha lo'da laga maalo milayga ay dhalmadeedu cusub tahay ee ay baruurta leedahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinbiralaaye
-ha: (magac, lab, keli) nooc haadka ka mid ah oo yilida u eg oo shinbiraha iyo bahalaha yaryar cuna kolkuu lalayana wuxu awood Eebbe u siiyay inu hawada iska joogsan karo wakhti dheer.
shinbiralaaye -ha: (magac, lab, keli) qori labo farraarood leh oo cinjir dhexda ka ballaadhan lagu xidho oo dhagax yar la saaro oo shinbiraha lagu gano.