dibaaxin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaxin
m.f.dh la-mid: dubaaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Boodboodid yaryar oo kolkol hilibku yeesho, siiba muruqyada; burunjiyayn; jarcayn. la-mid: dubaaxi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Boodboodid yaryar oo kolkol hilibku yeesho, siiba muruqyada; burunjiyayn; jarcayn. m.f.dh, dibaaxin. la-mid: dubaaxi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaxis
dibaaxis¹: m.l la-mid: dubaaxin.
dibaaxis²: m.dh (cilmiga naflayda) Kala baxa iyo ururka hirarka muruqyada xiraadka la' ee mara dheefmareenka, kuwaa oo suurtoggeliya socodka cuntada. Waxaana keena uururka muruqyada wareegsan ee gidaarka calool yarada. la-mid: dubaaxis².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibaaxis
m.dh (cilmiga naflayda) Kala baxa iyo ururka hirarka muruqyada xiraadka la' ee mara dheefmareenka, kuwaa oo suurtoggeliya socodka cuntada. Waxaana keena uururka muruqyada wareegsan ee gidaarka calool yarada. la-mid: dubaaxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubaaxin
(Dubaaxin-ta)
Boodboodid yaryar oo kolkol hilibku yeesho, siiba muruqyada; burunjiyeyn; jarcayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaxin
m.dh la-mid: dibaaxin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dubaaxin
-ta: (n) spasm (ispaa-sam); shivering (shever-ing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef la gawracay, dhaqdhaqaaq neefka markaa uun la bireeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibaadin
(Dhibaadin-ta)
Xoolo dhibaad ah, gabadha la guursadey siin, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibaadin
m.f.dh eeg dhibaadi. la-mid: dhibaadsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh xoolo diiqa ah siin. Dhibaadintu waa dhaqan habboon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaax
m.l la-mid: daabax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaji
m.l la-mid: diibaaji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibaaji
m. n. deposit, security
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibaaji
-ga: (n) deposit (dipaa-zit)-, down payment, security (si-kuriti) ~ see [eeg] dabaaji, curaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibaaji
-ga: (magac, lab, keli) lacagta la sii horraysiiyo kolka wax la kala kiraysanayo. Dh: carbuun, diibaaji, diimaasi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibaaji
de: deposit, security
lx: dibaaji
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
see: diibaaji
key: dibaaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaxo
f.mg3 (-xay, -xday) Meel jirka ka mid ah gariirid. la-mid: dubaaxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibaaxo
f.mg3 (-xay, -xday) Meel jirka ka mid ah gariirid. m.f.dh, dibaaxasho. la-mid: dubaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dibaaxi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubaaxi
v. twitch (of freshly-slaughtered carcass)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dubaaxi
-yey / say: (v) feel spasm or sudden, involuntary muscle contractions
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaxi
(fal) neef la gawracay, dhaqdhaaq samee oo kaga gariirsii saanta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubaaxi
de: twitch (of freshly-slaughtered carcass)
lx: dubaaxi
pd: (dubaaxiyey)
ps: v2a=
key: dubaaxi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaalin
(Dabaalin-ta)
Qof ama wax kale oo aan dabaal aqoon biyo dhexmarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaalin
m.f.dh eeg dabaali. la-mid: dabaalsiin, dabbaalin, dabbaalsiin, dabbaalsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dabaalsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaaxid
m.dh la-mid: daabaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) gawricid; qoorta ka jarid. Dh: qalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dillaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diyaarin
(Diyaarin-ta)
Diyaar ka dhigid; darbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diyaarin
m.f.dh eeg diyaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diyaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg diyaargarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaxis
dubaaxis¹: m.l la-mid: dubaaxin.
dubaaxis²: m.dh la-mid: dibaaxis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fitaaxin
(Fitaaxin-ta)
Wax fitaaxsan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fitaaxin
m.f.dh eeg fitaaxi. la-mid: fataaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fitaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax fidsan ka dhigid oo ballaadhin; kala jiidid. Dh: fitaaxis, fidin, ballaadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibaaxid
(Jibaaxid-da)
Jibaax ku marid; jiirid; jeexid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaaxid
m.f.dh eeg jibaax². la-mid: jibaax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah dhexmaris; awood ku mar meel aan bannaan ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhex jibaaxid meel kayn ah. Dh: xulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nikaaxin
(Nikaaxin-ta)
Nin iyo naag isku xirid, isu meherin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nikaaxin
m.dh la-mid: nikaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tibaaxid
(Tibaaxid-da)
War ama wax kale oo aan la hubin ama sugnayn, sheegid, faafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tibaaxid
m.f.dh eeg tibaax². la-mid: tibaax¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tibaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) war aan la hubin sheegidda. Dh: faafin, dulmarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaaxsiin
m.f.dh eeg dabaaxsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaaxsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) gawracid oo qoorta ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirbaaxid
m.dh la-mid: dharbaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirbaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dharbaaxo ku dhifasho. Dh: dharbaaxid. dhirbaaxo -da: (magac, dhedig, keli) gacantaada oo kala fidsan ruux ku dhufashadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaaxsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Dabaaxid samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaaxsii
(fal) gawrac oo qoorta ka goy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaalin
m.dh la-mid: dabaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aan dabbaal aqoon biyo dhexmarsiin, dabaalsiin biyaha dhexdooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaabin
m.dh la-mid: dembaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dembi inay gasho sabab u noqosho. Dh: dambaabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaajin
m.dh la-mid: dembaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dambaabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dembaabin
m.f.dh eeg dembaabi. la-mid: dambaabin, dambaabis, dambaabsiin, dambaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dembaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dambaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dembaajin
m.dh la-mid: dembaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dembaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale dambaabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigaalin
m.f.dh eeg dhigaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) qori dhigaal ah, ku turgid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaakhid
m.dh la-mid: dabaakhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibaaqtan
(fal) ka jawaab wixii laguu geystay af iyo addin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diiwaanin
(Diiwaanin-ta)
Diiwaan gelin, ku qorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiwaanin
m.f.dh eeg diiwaani.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiwaanin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qorid oo diiwaanka gelin. Dh: diiwaangelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaacin
(Dillaacin-ta)
Cad is haysta (maro, xaashi, kd.) labo meelood ama ka badan u kala jeexid; dhanbalid; qarrarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dillaacin
m.f.dh eeg dillaaci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dinnaahin
-ta: (magac, dhedig, keli) codka celceliska ah ee dibiga ama libaaxa. Dh: bunnaaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibaadsiin
m.dh la-mid: dhibaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaadsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh xoolo u diqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirbaaxayn
m.dh la-mid: dharbaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirbaaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dharbaaxo ku dhifasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibkanaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) xagga dambe ka cayilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) jibaaxis ku marid meel hawd ah. Dh: xulitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibin
(Dibin-(a)
Labada cad oo hilibka ah oo ilkaha iyo cirridka korkooda ku yaal oo kolkii laysku qabto afka daboola, midkood; bushin; (ama debin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibin
m.dh (-bno, m.l) Labada cad oo hilibka ah oo ilkaha iyo cirridka korkooda ku yaal, oo afka daboola, ereyadana codeeya middood; bushin; faruur. la-mid: debin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibin
m.dh (-bno, m.l) Labada cad oo hilibka ah oo ilkaha iyo cirridka korkooda ku yaal, oo afka daboola, ereyadana codeeya middood; bushin; faruur. la-mid: debin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibin
f. n. lip
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibin
-ta: (n) lip (lip) -bishin, faruur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibin
-ta: (magac, dhedig, keli) labad faruuryood middood. Awrta kolka la xidhiidhinayo dibinita ayaa laga xidhaa. Dh: faruur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibin
de: lip
lx: dibin
pd: (-ta Pl: dibno (/ha))
ps: n3-f
syn: bushin, faruur
key: dibin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baacin
(Baacin-ta)
1. Baac wax ku cabbirid.
2. Wax la dhifanayo, kor u sii wadid, taniyo inta gacantu ka wada kala baxdo.
3. (u baacin) u taagid.
4. Kor u qaadid; bilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baacin
m.f.dh eeg baaci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacin
-ta: (magac, dhedig, keli) baac ku cabbirid; gacmaha oo la kala baxshay, wax dhererkii ku qiyaasid.
baacin -ta: (magac, dhedig, keli) wax inta sare loo qaado, lagu simo halka ugu sarraysa ee ay gacmuhu gaadhi karaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baafin
(Baafin-ta)
Wax lumay ama aan la aqoon meel laga helo, weyddiin iyo 'war yaa arkay?' ku baadi goobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baafin
m.f.dh eeg baafi. la-mid: baafis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baafin
f. n. inquiry, search
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baafin
-ta: (n) inquiry about missing or lost
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baafin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax Jumay raadintii. Baafin baa baadi lagu helaa. Dh: yabcohin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baafin
de: inquiry, search
lx: baafin
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: baafin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
baafin
مَطْلُوبٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahin
m.f.dh eeg baahi². la-mid: baahis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bąahin
m.f.dh eeg bąahi. la-mid: bąahis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baahin
-ta: (n) broadcasting; publication (pab li keey shin); propagation (poro-pageey-shin); dissemination-faafinta, warbaahin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahin
-ta: (magac, dhedig, keli) fidinta wax lagu faafiyo meel aanu hore u gaadhsiisnayn. Dh: fidin, firdhin.