dib'uxorayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'uxorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xor ahaan jiray oo la qabsaday mar kale xorriyad u soo celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibuxorayn
m.dh Madaxbannayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'uhabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala daadsan dib iskugu dubbaridid oo dib u hagaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'uday
-ga: (magac, lab, keli) xagga dambe eegid; gadaal fiirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'ugurad
-ka: (magac, lab, keli) dib u noqosho oo gadaal u ruqaansi. Dh: dib'ugurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibuhabayn
m.dh 1. Hagaajinta lagu sameeyo maamul, nidaam, waxbarasho iyo wixi lamida. 2. Dayactir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibuhabayn
vl. n. reorganizing, reorganization, improvement
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibuhabayn
de: reorganizing, reorganization, improvement Alt sp: dibuhabeyn
lx: dibuhabayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dibuhabayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibuggurayn
m.dh la-mid: dibugguryeyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dib u habayn
-ta: (n) modification (moodi-fi-keey-shin)', adjustment (adh-jast-ment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'ugurasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka halkii la taagnaa si tartiibtartiib ah xagga danbe loogu socdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) la ordid dhagartiyo qaadhaammadii lala dhuxlaynaayay. Dh: gucleyn. Wa: dhuxdhuxlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udey
-da: (magac, dhedig, keli) mudhaha yicibta inta ay qalfoofka sare ee labaad ku jiraan.
dib'udey -da: (magac, dhedig, keli) geed yar oo qodax leh. Dibuddey baa i muday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibudday
(Dibudday-da, Dibudday-ga)
1. Miraha gudda (yicibta) intay qolofta kore oo labaad qabaan; cirujeed; ciddi-libaax.
2. Geed yar oo qodxo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibudday
m.l/dh 1. Mira yicib oo curdan ah. 2. Geed yar oo qodax leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibudday
f. n./m: core of fruit
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibudday
de: core of fruit
lx: dibudday
pd: (-da ~ -ga)
ps: n-f/m
key: dibudday
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibirayn
m.f.dh eeg sibiree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sicir marin. Dh: shammiintayn, sibidhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaxiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Ku d.: wax, wax kale ku xiriirsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaxiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Ku d.: wax, wax kale ku xiriirsan ahaansho. m.f.dh, dabaxirnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaxiran
(fal) (ku ~) cid kale waxay samayso la samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daruurayn
(Daruurayn-ta)
(cir) daruur soo yeelasho, ku soo gurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruurayn
m.f.dh eeg daruuree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cirka oo daruuro yeesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuxyayn
(Dhuuxyayn-ta)
(geel, kd.) si adag u dabrid; dhudhummada aad uga xirid; isasaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuxyayn
m.f.dh eeg dhuuxyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuxyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka awrka labada jeeni ee hore la isu saaro ee la dabro. Dhuuxyayn buu ku daaqayaa awrku. Dh: qabir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuxulayn
m.f.dh eeg dhuxulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dab shidmaya, dhuxul ku gurid.
dhuxulayn-ta: (magac, dhedig, keli) dhuxul gurid oo ka ganacsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhac
-a: (magac, lab, keli) marka cidi ka habsaanto waqtigii lagu talogashanaa.
dib'udhac -a: (magac, lab, keli) horumar la'aan. Li: horumar.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dibugurad
Recessione
Recession
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibagorayo
m.dh Maridda hal irmaan si candhada ka bararisa loo maro.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskuxiran
-aa: (adj) 1. connected (konektidh). 2. coherent (kow-hiirant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'usocod
-ka: (magac, lab, keli) marka qofku isaga oo xagga hore u jeeda tallaabooyin gadaal u qaado. Li: horusocod.
dib'usocod -ka: (magac, lab, keli) cid aan horumar samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diradirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) iska horkeenista labo dhinac ayadoo qofba intiisa xun ka kale loo sheegayo. Dh: namiimayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggorayo
m.dh Meel ku aaddan maraqsaarka awr dhaan ah, heeryadu ka furantahay wax la geshado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diraddirayn
(Diraddirayn-ta)
(dad) inay wax isyeelaan ama colloobaan ama is nacaan ka xoojin; iskuddirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraddirayn
m.dh eeg diraddiree. la-mid: diraddire, diraddiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggorayeyn
m.f.dh eeg dabaggorayee.