dib'uhabayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'uhabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala daadsan dib iskugu dubbaridid oo dib u hagaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibuhabayn
m.dh 1. Hagaajinta lagu sameeyo maamul, nidaam, waxbarasho iyo wixi lamida. 2. Dayactir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibuhabayn
vl. n. reorganizing, reorganization, improvement
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibuhabayn
de: reorganizing, reorganization, improvement Alt sp: dibuhabeyn
lx: dibuhabayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dibuhabayn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dib u habayn
-ta: (n) modification (moodi-fi-keey-shin)', adjustment (adh-jast-ment)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
reformation
/refarmeyshan/ (n) dib-uhabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'uxorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xor ahaan jiray oo la qabsaday mar kale xorriyad u soo celin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'uday
-ga: (magac, lab, keli) xagga dambe eegid; gadaal fiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibuxorayn
m.dh Madaxbannayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugdhabayn
m.f.dh eeg dugdhabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiliqdhabayn
m.f.dh eeg wiliqdhabee. la-mid: wiliqdhabays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabshaan
-ka: (magac, lab, keli) qof aan waxtar lahayn, xayraan ah, fikir iyo hadaf midna aan lahayn oo malaayacni ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabtaban
(tilmaame) koronto nooceedu tabane yahay waayo, labada xarig ee korontada mid waa dabtaban midna waa dabtogan; dab aan rakaad lahayn oo toosan sida ka dhagaxda ku jira. Xarigan korontadu waa dabtaban yahay. Li: dabtogan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahabeyn
m.f.dh eeg dahabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hanti, dahab ka dhigid. Xoolihii oo dhan dahabeyn ayaan ku wadaa.
dahabeyn -ta: (magac, dhedig, keli) walax, midab dahab u rogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danabayn
m.f.dh eeg danabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax danab ridaya, ka yeelid. Birlabta ayaa kaalin weyn ku leh danabaynta.
danabayn -ta: (magac, dhedig, keli) walxaha aan lahayn danab, danab u yeelid. Walxuhu way u kala nugul yihiin danabaynta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabbayn
(Dhabbayn-ta)
1. Dhabbe marid; qoodayn; socod.
2. Dhabbe ka dhigid.
3. Habka xaskusha loo tumo qaarkiisa danbe: waa tumidda labaad oo ku xigta god ka soo bixinta, oo laga dhigo wax xallefsan, oo kolka qorraxda lagu waro durba engega.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbayn
m.f.dh eeg dhabbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan jid ahayn daw la maro ka bannayn. Dh: waddayn, jidayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
di'itaan
m.l la-mid: di'id.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
di'itaan
-ka: (magac, lab, keli) roob soo daadasho oo di'id. Di'itaanka roobka aad baa loogu baahnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udey
-da: (magac, dhedig, keli) mudhaha yicibta inta ay qalfoofka sare ee labaad ku jiraan.
dib'udey -da: (magac, dhedig, keli) geed yar oo qodax leh. Dibuddey baa i muday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibudday
(Dibudday-da, Dibudday-ga)
1. Miraha gudda (yicibta) intay qolofta kore oo labaad qabaan; cirujeed; ciddi-libaax.
2. Geed yar oo qodxo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibudday
m.l/dh 1. Mira yicib oo curdan ah. 2. Geed yar oo qodax leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibudday
f. n./m: core of fruit
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibudday
de: core of fruit
lx: dibudday
pd: (-da ~ -ga)
ps: n-f/m
key: dibudday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dufan marin ama ku idaamid. Jimcabarkhadluhu waa maalinta dufanaynta geesaha lo'da.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ridgitaanka hilibka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hibatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka murugoosho wax horay u dhacay laga qoomammeeyo. Dh: shallayn, hibatays, qoomammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Midabayn
(Midabayn-ta)
Midab u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midabayn
m.f.dh eeg midabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) midab ama midabbo kala jaadjaad ah u yeelid. Dh: naqshaday midabays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sababayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabab u yeelid. Dh: sababays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aba'abayn
-ta: (magac, dhedig, keli) talo ku meelgaadh ah oo mushkilo taagan lagu xalliyo.
aba'abayn-ta: (magac, dhedig, keli) hadaaqa ilmaha yar lagu aamusiiyo. Maandhow aba'abayn baan ku wadi ubadka reer Xooshe. Dh: abaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birlabayn
-ta: (magac, lab, keli) habka walxaha ama biraha loogu geddiyo birlab.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Birqabayn
Forging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bisharayn
-ta: (magac, dhedig, keli) u cid kale, war farxadi ka buuxbdo u sheegid. Bishaarayntay roobkiyo, barwaaqaan Bismillaahi sugaynaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dannabayn
m.f.dh eeg dannabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhac
-a: (magac, lab, keli) marka cidi ka habsaanto waqtigii lagu talogashanaa.
dib'udhac -a: (magac, lab, keli) horumar la'aan. Li: horumar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibla'aan
m.dh 1. Dib la'aanshada. 2. (fk) Si fudud u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibutaati
m.l (-iyo, m.dh/-iyaal, m.l/dh) Xildhibaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibutaati
m. n. deputy; member of parliament
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibutaati
-ga: (n) deputy (depyuti); member of parliament; MP ~ xildhibaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibutaati
de: deputy; member of parliament
lx: dibutaati
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: dibutaati
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqadayn
m.f.dh eeg diiqadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiradayn
m.dh (naxwe) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiradayn
m.dh (naxwe) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaqayn
m.f.dh eeg dubaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dibaaq samayn; foorado samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
is-hubayn
-ta: (magac, dhedig, keli) iskaa hub u qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof muruq qabtay, shey kulul saarsaarid. Dh: diirdiirin, solid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuhubayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cilladayn: wax shaki ku jiro ka dhigid; shuhubays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qoofalidda gammaanka lugta iyo jeeniga la isku xidho. Dh: shakaalid, shakalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibaatayn
m.f.dh eeg dhibaatee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhibaato gaadhsiin. Dh: dhibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'ugurad
-ka: (magac, lab, keli) dib u noqosho oo gadaal u ruqaansi. Dh: dib'ugurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabagabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl la hayay dhammayn. Dh: dhammaystirid, dabayaaqayn, gunaanadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebagabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax socday soo dhammayn; soo afjarid. Dh: gabagabayn, dhamayn, gunaanad. Li: bilaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habhablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) habhab ut socosho ama u ordid. Dadka culculus orokoodu waa habhableyn. Dh: habhablays, buldhuqbuldhuqleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Itataabayn
(Itataabayn-ta)
Gargaarid, turid; jimic u gelid; waxtarid; dhimrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itataabayn
m.f.dh eeg itataabee. la-mid: itataabin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labalabayn
-ta: (n) hesitation (hezeteeyshin); doubt (dhaawf); wavering (weey-varing); skepticism- shaki-ga, laballaboow -ga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabshadayn
(Rabshadayn-ta)
Rabshad gaarsiin, ku kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshadayn
m.dh la-mid: rabshayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rabshad iyo qas samayn; xiisad kicin. Dh: fidmayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bir-qaabayn
Casting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabayaaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl amat arrin soo gebagebayn. Dabayaaqo ayaan ka gaadhay sheekada. Dh: dhammaad. Li: billow.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dib u habee
- yey / habeysay: (v) modify (moodifaay)', rearrange (ri-a-reeynj) ~ wax ka badal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibudhacsan
Comp. adj., (ie. n., adj.): late, postponed, delayed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibudhacsan
de: late, postponed, delayed
lx: dibudhacsan
pd: (dibudhacsanaa)
ps: adj-cmp
key: dibudhacsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibuggurayn
m.dh la-mid: dibugguryeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goondhabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si boob ku jiro, hareeraha wax uga cunid ama uga jiidasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) laba labo u qaadidda wax aad tiriynayso. Tusbaxa labalabaynta ka daa oo halhal u tiri. Dh: labalabays.
laballabayn -ta: (magac, dhedig, keli) walbahaar qofka gala sida uu go'aan u qaadanayo oo uu is yidhaa 'ma yeeshaa mise waad iska dhaaftaa'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibindaabyeyn
(Dibindaabyeyn-ta)
Waxyeello nac ku jiro cid gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibindaabyeyn
m.f.dh eeg dibindaabyee.