dib'ugurad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'ugurad
-ka: (magac, lab, keli) dib u noqosho oo gadaal u ruqaansi. Dh: dib'ugurasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dibugurad
Recessione
Recession
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibuggurad
(Dibuggurad-ka)
Dibuggurasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibuggurad
m.l la-mid: dibuggurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'ugurasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka halkii la taagnaa si tartiibtartiib ah xagga danbe loogu socdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'uxorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xor ahaan jiray oo la qabsaday mar kale xorriyad u soo celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibuggurayn
m.dh la-mid: dibugguryeyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dib u gurasho
-gurashada: (n) retreat (ritriit). Ex: dib u gurasho xeel dagaal; tactical retreat
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabuubad
m.l la-mid: dabuubasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabuubad
-ka: (magac, lab, keli) weedh ujeeddo leh dhihid. Dabuubad aan milgo lahayn aammus baa dhaama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruurad
m.l la-mid: daruurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayuurad
(Dayuurad-da)
Gaadiid la duuliyo oo baalal leh oo dadkiyo alaabadaba qaada, qaarkoodna lagu dagaallamo oo aad u dheereeya (ama diyaarad)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayuurad
m.dh (-do, m.l) Gaadiid hawada mara, rakaabka iyo xamuulka qaada, jaad ka mid ahna lagu dagaallamo. la-mid: dayaarad, diyaarad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dayuurad
Aircraft
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayuurad
f. n. airplane, plane; aircraft
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayuurad
-da : (n) airplane (eer-paleeynn); aeroplane (eero-paleeyn); aircraft (eer-karaaft) airliner (eer-laayner) ~ dayaarad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayuurad
-da: (magac, dhedig, keli) gaadiid leh baadad iyo makiinad uu ku duulo oo marta hawada sare, aadna u orod badan oo leh saddex shaag mid hore iyo laba danbe oo lammaane ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayuurad
bw: Arabic
de: airplane, plane; [pl] aircraft
lx: dayuurad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dayuurad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'uday
-ga: (magac, lab, keli) xagga dambe eegid; gadaal fiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabuurad
m.dh (-do, m.l) Loox ballaaran oo afar gees ah, badanaa midab leh oo jeeso wax lagula qoro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabuurad
m.dh (-do, m.l) Loox ballaaran oo afar gees ah, badanaa midab leh oo jeeso wax lagula qoro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabuurad
f. n. blackboard
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabuurad
-da: (n) blackboard (bal-aak-boodh); surface on which to write with chalk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabuurad
-da: (magac, dhedig, keli) loox xalleefsan oo balaadhan oo wax lagu qoro ayada oo la adeegsanayo tabaashiir ama qalin weyn; looxa midabbo kala duwan yeelan kara oo baldhaban oo fasalka wax lagu barto lagu dhejiyo ama laga taago ardayda hortooda oo wax lagu dulqoro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabuurad
bw: Arabic
de: blackboard
initial: s
lx: sabuurad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: sabuurad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sabuurad
سبورة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabagurid
-da: (magac, dhedig, keli) cid ka dabashaqayn oo kolba waxa ay hayso iyo halka ay joogto ka warhayn. Dh: dabagalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayuurad
m.l la-mid: dhayuure.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhac
-a: (magac, lab, keli) marka cidi ka habsaanto waqtigii lagu talogashanaa.
dib'udhac -a: (magac, lab, keli) horumar la'aan. Li: horumar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibugguro
m.dh la-mid: dibuggurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibugguro
v. retreat, withdraw
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibugguro
de: retreat, withdraw
lx: dibugguro
pd: (dibuggurtay)
ps: v3b=
key: dibugguro
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
inaugural
/inoogyural/ (adj) 1. xaflad furitaan ama khudbo furitaan ah (furitaanka meel ugu horreeya). 2. caleema-saar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
inaugural
inaugural, adj. - boogajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggurid
m.f.dh eeg dabaggur². la-mid: dabaggur¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dib u guro
-gurtay I guratay: (v) retreat (ritriit)', back away (baak aweey)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'usocod
-ka: (magac, lab, keli) marka qofku isaga oo xagga hore u jeeda tallaabooyin gadaal u qaado. Li: horusocod.
dib'usocod -ka: (magac, lab, keli) cid aan horumar samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibugguree
f.mg2 (-reeyay, -reysay) la-mid: dibugguryee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibugguryo
m.dh la-mid: dibuggurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibuggurasho
(Dibuggurasha-da)
Xaggii laga yimid iyo gadaal aayar u socosho. u noqosho; dib u faagasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibuggurasho
m.dh 1. Cabsi darteed gadaal u bixid. 2. Xeelad dagaal oo ciidanku adeegsado. la-mid: dibuggurad, dibugguro, dibugguryo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibuggurasho
m.dh 1. Cabsi darteed gadaal u bixid. 2. Xeelad dagaal oo ciidanku adeegsado. la-mid: dibuggurad, dibugguro, dibugguryo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibuggurasho
vl. n. retreat, withdrawal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibuggurasho
a: dibuggurad (ka) [vn2-m]
de: retreat, withdrawal
lx: dibuggurasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dibuggurasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhicid
-da: (magac, dhedig, keli) milaygii la sugayay, ka habsaamid. Dh: dibdhicid.
dib'udhicid-da: (magac, dhedig, keli) qayrkaa ka hadhid oo hurumar samayn waayid. Li: horumarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhigid
-da: (magac, dhedig, keli) gadaal geyn; xagga dambe ka dhigid. Li: horraysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhisid
-da: (magac, dhedig, keli) dib u hagaajin oo wax burburay cusboonaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'uhabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala daadsan dib iskugu dubbaridid oo dib u hagaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibugguryee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Dibuggurasho sameyn. la-mid: dibugguree.