dib'udey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udey
-da: (magac, dhedig, keli) mudhaha yicibta inta ay qalfoofka sare ee labaad ku jiraan.
dib'udey -da: (magac, dhedig, keli) geed yar oo qodax leh. Dibuddey baa i muday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'uday
-ga: (magac, lab, keli) xagga dambe eegid; gadaal fiirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhac
-a: (magac, lab, keli) marka cidi ka habsaanto waqtigii lagu talogashanaa.
dib'udhac -a: (magac, lab, keli) horumar la'aan. Li: horumar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhig
-ga: (magac, lab, keli) gadaal ama xagga dambe, wax geyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhis
-ka: (magac, lab, keli) hagaajinta iyo dib u cusboonaysiinta wax burbursan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskudey
v. try (to do something); test, try out
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskudey
de: try (to do s.t.); test, try out
lx: iskudey
pd: (iskudeyay ~ iskudeyey)
ps: v2a=expr
xe: He is trying to study hard.
xv: day
key: iskudey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibudday
(Dibudday-da, Dibudday-ga)
1. Miraha gudda (yicibta) intay qolofta kore oo labaad qabaan; cirujeed; ciddi-libaax.
2. Geed yar oo qodxo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibudday
m.l/dh 1. Mira yicib oo curdan ah. 2. Geed yar oo qodax leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibudday
f. n./m: core of fruit
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibudday
de: core of fruit
lx: dibudday
pd: (-da ~ -ga)
ps: n-f/m
key: dibudday
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dissuader
dissuader, v. - Ka waanin; waano ama taxadar siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhicid
-da: (magac, dhedig, keli) milaygii la sugayay, ka habsaamid. Dh: dibdhicid.
dib'udhicid-da: (magac, dhedig, keli) qayrkaa ka hadhid oo hurumar samayn waayid. Li: horumarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhigid
-da: (magac, dhedig, keli) gadaal geyn; xagga dambe ka dhigid. Li: horraysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhisid
-da: (magac, dhedig, keli) dib u hagaajin oo wax burburay cusboonaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'uhabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala daadsan dib iskugu dubbaridid oo dib u hagaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'uxorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xor ahaan jiray oo la qabsaday mar kale xorriyad u soo celin.