dib'uday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'uday
-ga: (magac, lab, keli) xagga dambe eegid; gadaal fiirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udey
-da: (magac, dhedig, keli) mudhaha yicibta inta ay qalfoofka sare ee labaad ku jiraan.
dib'udey -da: (magac, dhedig, keli) geed yar oo qodax leh. Dibuddey baa i muday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhac
-a: (magac, lab, keli) marka cidi ka habsaanto waqtigii lagu talogashanaa.
dib'udhac -a: (magac, lab, keli) horumar la'aan. Li: horumar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibudday
(Dibudday-da, Dibudday-ga)
1. Miraha gudda (yicibta) intay qolofta kore oo labaad qabaan; cirujeed; ciddi-libaax.
2. Geed yar oo qodxo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibudday
m.l/dh 1. Mira yicib oo curdan ah. 2. Geed yar oo qodax leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibudday
f. n./m: core of fruit
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibudday
de: core of fruit
lx: dibudday
pd: (-da ~ -ga)
ps: n-f/m
key: dibudday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhig
-ga: (magac, lab, keli) gadaal ama xagga dambe, wax geyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhis
-ka: (magac, lab, keli) hagaajinta iyo dib u cusboonaysiinta wax burbursan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'uhabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala daadsan dib iskugu dubbaridid oo dib u hagaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'uxorayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax xor ahaan jiray oo la qabsaday mar kale xorriyad u soo celin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iskuday
-ey iskudayday: (v) try (taraay); give a trial to; give something a try
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibudhac
(Dibudhac-a)
Waqtigii la rabey oo gadaal looga dhaco; (ama dibdhac).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibudhac
m.l la-mid: dibdhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibudhac
v., [compound] be late, in arrears; be postponed, delayed
dibudhac vl. n., [compound] postponement, lateness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibudhac
-a: (n), 1. regress (rig-rees); the act of going back or moving backward ~ dib u dhac, dibdhac 2. backwardness. 3. —dibudhac -ay / day: (v) delay (di-leey); be late
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dibudhac
Ritardo
Delay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirirday
(Dirirday-ga)
Xiddigo naafaha ku jira; waxay u dhexeeyaan koxdin iyo dirir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirirday
m.l Urur xiddiga ah oo Naafuhu ku jiraan oo u dhexeeya Koxdinta iyo Dirirka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirday
-ga: (magac, lab, keli) xiddigo naafaha ku jira oo u dhexeeya koxdinta iyo dirirka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dib u dhac
Under development
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'ugurad
-ka: (magac, lab, keli) dib u noqosho oo gadaal u ruqaansi. Dh: dib'ugurasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dib u gal
-ay / gashay: (v) enter again; re-enter (rii-enetr) ~ mar kale gal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibindaab
m. n. dishonesty, putting someone off; interference, meddling
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibindaab
de: dishonesty, putting s.o. off; interference, meddling Alt sp: dibindab
lx: dibindaab
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dibindaab
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dibugurad
Recessione
Recession
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqadayn
m.f.dh eeg diiqadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiradayn
m.dh (naxwe) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiradayn
m.dh (naxwe) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhicid
-da: (magac, dhedig, keli) milaygii la sugayay, ka habsaamid. Dh: dibdhicid.
dib'udhicid-da: (magac, dhedig, keli) qayrkaa ka hadhid oo hurumar samayn waayid. Li: horumarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhigid
-da: (magac, dhedig, keli) gadaal geyn; xagga dambe ka dhigid. Li: horraysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'udhisid
-da: (magac, dhedig, keli) dib u hagaajin oo wax burburay cusboonaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibindaabyo
(Dibindaabya-da)
Si silicdilyo ku jirto oo wax laysu yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibindaabyo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Waxyeello. 2. Khayaano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibindaabyo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Waxyeello. 2. Khayaano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibindaabyo
f. n. misleading, putting someone off, lead someone on; mistreatment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibindaabyo
-dibindaabyada: (n) 1. maltreatment (maal-tiriit-ment)-, mistreatment; the act of treating in a cruel way 2. cheating (jiit); deceit (disiit)', deception (di sap shan)', swindling ~ khayaano
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dibindaabyo
Maltrattamento
Ill-treatment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibindaabyo
-da: (magac, dhedig, keli)luggooyo iyo dhib cid loo geysto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibindaabyo
de: misleading, putting s.o. off, lead s.o. on; mistreatment
lx: dibindaabyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dibindaabyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibuggurayn
m.dh la-mid: dibugguryeyn.