dib u gurasho
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dib u gurasho
-gurashada: (n) retreat (ritriit). Ex: dib u gurasho xeel dagaal; tactical retreat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'ugurasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka halkii la taagnaa si tartiibtartiib ah xagga danbe loogu socdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibuggurasho
(Dibuggurasha-da)
Xaggii laga yimid iyo gadaal aayar u socosho. u noqosho; dib u faagasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibuggurasho
m.dh 1. Cabsi darteed gadaal u bixid. 2. Xeelad dagaal oo ciidanku adeegsado. la-mid: dibuggurad, dibugguro, dibugguryo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibuggurasho
m.dh 1. Cabsi darteed gadaal u bixid. 2. Xeelad dagaal oo ciidanku adeegsado. la-mid: dibuggurad, dibugguro, dibugguryo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibuggurasho
vl. n. retreat, withdrawal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibuggurasho
a: dibuggurad (ka) [vn2-m]
de: retreat, withdrawal
lx: dibuggurasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dibuggurasho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drawback
/dro-bak/ (v) 1. dib u-gurasho 2. dhibaato, khasaare.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
relapse
/rilaaps/ (v) dib-u gurasho (dib u noqosho, siiba wax xun ama meel xun).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
retire
/ritayar/ (v) 1. hawl-gabid (shaqo ka fariisi, da' darteed) 2. ka tegid (meel kale u bixid) 3. dib-u gurasho 4. sariir aadid (seexasho).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
retreat
/ritriit/ (v) dib-u gurasho (dib u cararid, dib-u faagasho).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
retrocèdere
v.intr. - dib u gurasho, dib u noqosho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ripiegare
v.tr. e intr. - sii qalloocin, sii laabid; dib u gurasho (ciidan).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ritirarsi
v.rifl. - dib u gurasho, ka noqosho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ritiro
s.m. - qaadasho (da); dib u gurasho (da).
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
shirk (v)
oos nadhaal; ha biyaal
dib u gurasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqabeenlee
(fal) wax baqanaya oo dib u gurasho samaynaya iska dhig. Adoo xeelad dagaal u jeeda bagabeenlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqacarar
-ka: (magac, lab, keli) dib u gurasho lagu dagaallamo oo iyadoo la baxsanayo dagaalka la sii wado. Dibigu waa baqacarare yaanu ku jiidhin. Dh: baqacaymad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faagad
-ka: (magac, lab, keli) dib u gurasho dagaal loo diyaar yahay; cabsi darteed dib u gurasho. Fulay faagashadii faydashaa xigta.
faagad -ka: (magac, lab, keli) kolka ay dibidu isku hanjabayso oo isguulguulayaan, dagaalka ka hor ayay dib u kala fogaadaan oo jeenyaha iyo geesaha dhul ku qodaan iyaga oo ciid dib u saydhinaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulmid
-da: (magac, dhedig, keli) sida qof cabsi gashay dib u gurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ribbasho
-da: (magac, dhedig, keli) dib u gurasho oo wax jiray ka noqosho. Ribbashadu niyadjab ayay abuurtaa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
perdre
perdre, v. - khasaarid; jabid.
perdre sa place - shaqo beelay; booskiisii shaqada laga eryay.
perdre une personne - qofka dhinto.
perdre son temps - waqtigiisu ka lumo.
perdre l'occasion - fursad ka luntay; nasiib darro ku dhacday.
perdre haleine - neefsan waaye; neefsashada gabay.
perdre du terrain - dib u gurasho.
perdre la tête - waasha.
perdre la vie - dhinta.
se perdre - luma; fakada; habaaba.
se perdre dans un bois - hawdka ku luma.
se perdre dans la foule - dadka ku dhex luma; muuqaalkiisa la waayo.
se débaucher - wiil yar oo luma.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
plier
plier, v. - isku laalaabid.
s'affaisser, se courber - soo foorarsi.
se soumettre - u hogaansi
céder, reculer - dib u gurasho; ka tanaasulid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
reculade
reculade, n.f. - dib u gurasho
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
replier
replier, se, v. - dib u gurasho
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
récession
récession, n.f. - dib unoqosho; dib u gurasho
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dib u doorasho
-da: (n) re-election (ri-elak-shiri) ~ mar kale doorasho
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dib u guro
-gurtay I guratay: (v) retreat (ritriit)', back away (baak aweey)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabuubasho
m.dh eeg dabuubo. la-mid: dabuubad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabuubasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabuubad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruurasho
m.f.dh eeg daruuro². la-mid: daruurad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhukurasho
-da: (magac, dhedig, keli) timaha madaxa wada xiirid. Dh: moolo, seemanaqurde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib'ugurad
-ka: (magac, lab, keli) dib u noqosho oo gadaal u ruqaansi. Dh: dib'ugurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibuggurad
(Dibuggurad-ka)
Dibuggurasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibuggurad
m.l la-mid: dibuggurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibugguryo
m.dh la-mid: dibuggurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dib u faago
v. step back, withdraw
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dib u qabso
-qabsaday / qabsatay: (v) recapture (ri-ikaap-jar)', capture again ~ mar kale gacanta ku dhig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibuggurayn
m.dh la-mid: dibugguryeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durduurasho
(Durduurasha-da)
Si durduur ah wax u cabbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durduurasho
m.f.dh eeg durduuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durduurasho
-da: (magac, dhedig, keli) kolka biyaha xooluhu ka dhergaan ee dib loo marinayo kol labaad. Dh: rakaad, maris. Li: kamiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiilgurasho
(Hiilgurasha-da)
Meel dhow u guurid; hiisha ka bixid: oodrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiilgurasho
m.f.dh eeg hiilguro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiilgurasho
-da: (magac, dhedig, keli) baradii la deganaa meel aan ka fogayn uga guurid. Hiilgurasho geedi maaha, halo raacisna xeerrin maaha. Dh: oodrogasho, digarogasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dib u quudsi
Feedback
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dib u barafcw
Regelation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isku afgarasho
vl. n., [compound] mutual agreement
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bargarasho
m.f.dh eeg bargaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bargarasho
-da: (magac, dhedig, keli) lexjeclo iyo barjacayl. Sida loo kala bargarasho fiican yahay ayaa loo kala dhaqasho fiican yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burursasho
m.dh la-mid: burbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burursasho
-da: (magac, dhedig, keli) kala bashaaqsasho oo burur ku cunid. Xabxabka burursashada ka daa oo jarjaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusburasho
m.f.dh eeg cusburo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusburasho
-da: (magac, dhedig, keli) cusbur marsasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dib u dhac
Under development
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dib u dhis
-ay I tay: (v) rebuild (ri-bilidh)-, build again ~ mar kale dhis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dib u noqo
-noqday I noqotay: (v) go back ~ laabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaxasho
m.f.dh eeg dibaaxo. la-mid: dubaaxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibugguree
f.mg2 (-reeyay, -reysay) la-mid: dibugguryee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirdirasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka aad qof u adegsanaysid si celcelis ah. Dirdirasho ayaad ilmaha yar ku kadeeday ee ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ducuumasho
m.f.dh eeg ducuumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duhursasho
(Duhursasha-da)
(qof) meel duhur ku gaarid ama ugu soo gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duhursasho
m.f.dh la-mid: duhurso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duhursasho
-da: (magac, dhedig, keli) dib u dhicid illaa ay cadceeddu kululaanayso ama duhur noqonayso. Dh: dharaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durugsasho
(Durugsasha-da)
Sii fogeysasho; wax ku sii darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durugsasho
m.f.dh eeg durugso. la-mid: durjisad, durjisasho, durugsad, durugsi, duruqsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durugsasho
vl. n. act of moving something away
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durugsasho
de: act of moving s.t. away
lx: durugsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: durugsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furfurasho
(Furfurasha-da)
Wax soohnaa ama xirxirraa, xariggii ama iiilammadii ama duntii isu haysey ama lagu tolay meelo badan ka go'id, ka furmid, ka roorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furfurasho
m.f.dh eeg furfuro. la-mid: furfurad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furfurasho
-da: (magac, dhedig, keli) shey ama hawl, sii baahitaan.
furfurasho-da: (magac dhedih, keli) wax gaar kuu ah, iskaa u kala daadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgufasho
m.f.dh eeg hurgufo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurgufasho
-da: (magac, dhedig, keli) habaaska ka qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurgumasho
m.f.dh eeg hurgumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibamarasho
m.f.dh eeg ibamaro. la-mid: ibamarad, ibamaryeysad, ibamaryeysasho, ibamaryeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karuurasho
m.f.dh eeg karuuro. la-mid: karoorad, karoorasho, karuurad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murgucasho
m.f.dh eeg murguco². la-mid: murgacad, murgacasho, murgucad, murkucad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murgucasho
vl. n. sprain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murgucasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax ka noqosho oo dhaawac jab u dhaw dhaawacmid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murgucasho
de: sprain
lx: murgucasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: murgucasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
murgucasho
الْتِوَاءُ المَفْصِلِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suxuurasho
(Suxuurasha-da)
Suxuur cunid; hiraabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suxuurasho
m.f.dh eeg suxuuro. la-mid: suxuu-rad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suxuurasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunno cunid inta aan waagu caddaanin si aad ugu qaddid maalin soomeed. Suxuurasho la'aan ku soomay shalay: Dh: hiraabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burbursasho
m.f.dh eeg burburso. la-mid: burbursad, burbursi, burursad, burursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burbursasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax adke ah oo afka kuugu jira jajabsashadii. Burbursashada nacnaca waa lagu ilka beelaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashuurasho
m.dh la-mid: canshuurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurasho
-da: (magac, dhedig, keli) badeecad, cudhaadh ka bixin. Dh: canshuurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaxirasho
m.f.dh eeg dabaxiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharfurasho
-da: (magac, dhedig, keli) is qaawin oo dhar dhigasho. Dh: isqaawin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dib u buuxi
-yey / say: (v) refill (riifil) ~ mar kale buuxi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dib u dooro
-doortay / dooratay: (v) re-elect (rii-ilekt)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dib u habee
- yey / habeysay: (v) modify (moodifaay)', rearrange (ri-a-reeynj) ~ wax ka badal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibugguryee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Dibuggurasho sameyn. la-mid: dibugguree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibunoqosho
m.dh Dibuggurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digarogasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka meel laga guuro ee meel kale oo u dhow loo guuro. Dh: daldalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digigixasho
-da: (magac, dhedig, keli) cadho ismoogaan ah oo marka fal xun la sameyey aad ka cadhootid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudduubasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax fidsanaa, dhawr jeer laallaabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furufurasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax soohnaa ama xidhxidhnaa, xadhiggii ama liillimadii ama duntii isu haysey ama ku tolnayd meelo ka bixbixid oo kala furfurmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurguurasho
(Gurguurasha-da)
Labada low iyo labada gacnood ku socosho.