dib u
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dib u
again, re-
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajalid
(Ajalid-da)
1. (Waqti) dib u dhigid.
2. Geeri ku keenid; dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akhirid
(Akhirid-da)
Wax goortaas la qaban lahaa, dib u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baajin
(Baajin-ta)
Wax la samayn lahaa dib u dhigid ama iska deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqasho
(Baaqasha-da)
Wax dhici lahaa oo aan dhicin; meel la aadi lahaa ama la iman lahaa iska deyn ama dib u dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barroosin
(Barroosin-ka)
Bir culus oo ilko dhawr ah oo dib usoo laaban iyo dabo daloosha oo silsilad loogu xiro leh, oo maraakiibta iyo doonyaha badda loogu tuuro kolka la joojina hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biciid
(Biciid-ka)
Ugaarta waaweyn oo Afrika jaad ka mid ah: wuxuu lee yahay geeso dheerdheer oo toostoosan oo dib u jeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caari
(Caari-da)
(bad; kd.) dib u noqosho; xagga xeebta ka durkid; (ama caarid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaryid
(Caaryid-da)
1. (bad) dib u noqosho; xagga xeebta ka durkid.
2. (ku caaryid) Meel xeeb ah baddu geyn, ku tufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawl
1. (Cawl-ka) Midab casiin-ka-warqab ah.
2. (Caw-sha) Ugaarta waaweyn jaad kamid ah; waxay leedahay: midab cawl ah oo uurka iyo barida ka cad, daliig madow oo wejiga bartankiisa (geesaha taniyo sanka) ku dhilan; geeso marka hore dib u rogan oo kol labaad horay u soo rogmada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Celin
(Celin-ta)
Gadaal u wadid; dib u laabid; joojin; hakin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceshiimeyn
(Ceshiimeyn-ta)
Dib u soo celin; isucelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daah
(Daah-a)
1. Ilixir laga sameeyey dhar ama shiraac ama wax kale oo lagu xiro albaabbada iyo khalfadaha, kd., ama qolalka lagu kala gooyo; ilixir.
2. Dib u dhac; raagis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahid
(Daahid-da)
1. (-') Daah u yeelid; ilixirid.
2. Raagid; dib u dhicid.
3. (ka soo daahid) madaxqaad; cudur ka kicid; diif cudur ka muuqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahin
(Daahin-ta)
Dib u dhigid; raajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaadi
(Dabaadi-ga)
(xoolo) weligood aad u danbeeya kolka la soconayo; dib u hara; aan caarad ahayn; haraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabammarid
(Dabammarid-da)
Weydaarasho; dib u noqosho; dhabarjebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabammarin
(Dabammarin-ta)
Meesha u danbaysa geyn; dib u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabbaal
1. (Dabbaal-ka) a) (xoolo, kd.) dib u soo rogid; celin; waabin. b) Qof aan caqli badnayn: nacas; doqon; seegseeg.
2. (Dabbaa-sha) Dabaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabbaalid
(Dabbaalid-da)
(xoolo, ugaar) dib u soo waabin; soo rogid; horjoogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabrayn
(Dabrayn-ta)
Weerar dabro ah dib u celin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dig up
/dhig-ap/ (v) qodid (faagid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dib
1. (Dib-ka) (hilib) dhabarka xoolaha qaarkiisa danbe.
2. (Dib-ta) Gadaal; waa danbe; kaddib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dib
dib¹: m.l (-bab, m.l) Dhabarka xoolaha qaarkiisa danbe (hilib). la-mid: dųb¹.
dib²: m.dh.fk 1. Gadaal. 2. Ka d./kadd.: xagga dambe ka xiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dib
dib¹: m.l (-bab, m.l) Dhabarka xoolaha qaarkiisa danbe (hilib). la-mid: dųb.
dib²: m.dh.fk 1. Gadaal. 2. Ka d./kadd.: xagga dambe ka xiga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dib
adv., time: again; after; later; re-
dib adv-loc: back, backwards; to the rear
dib [feminine] n., loc. back, rear
dib m. n. rump of animal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dib
-ka: (n) 1. rump (ramp)-, tail (teeyl), buttock (batak) ~ bari, sayn, gummad. 2. (adv) later (leeyt); after (af-ter); again (a-geeyn) ~ gadaal, mar kale. Ex: dib baan idiinka soo sheegeynaa; we shall inform you later
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dib
Post
Post
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dib
-ka: (magac, lab, keli) hilibka xoolaha, gadoobka danbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibi
(Dibi-ga)
Neef lo' ah oo lab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibi
m.l (dibi/-iyo, m.dh) Labka lo'da.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibi
m.l (dibi/-iyo, m.dh) Labka lo'da.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibi
m. n. bull, ox; oxen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibi
-ga: (n) bull (buul); ox (okis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibi
-ga: (magac, lab, keli) lo'da ka labka ah. Ninkii seexduu sicii dibi dhalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibi
cf: lo'; Opp: sac
de: bull, ox; [pl] oxen
lx: dibi
pd: (-ga Pl: dibi (da))
ps: n5-m, n2a-m
key: dibi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dibi
قبيلة
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dieu
dieu, n.m. - Rabbi; Alle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dib_1
de: again; after; later; re-
hm: 1
lx: dib
pd: (dibna)
ps: adv-time
key: dib_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dib_2
de: back, backwards; to the rear
hm: 2
lx: dib
pd: (dibna)
ps: adv-loc
key: dib_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dib_3
cf: dhabar [anatomical], gadaal [locative]
de: back, rear
hm: 3
lx: dib
pd: (-ta)
ps: n4-f-loc, n1-f
key: dib_3
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dib_4
de: rump of animal
hm: 4
lx: dib
pd: (-ka)
ps: n4-m
key: dib_4
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibad
(Dibad-da)
Meel bannaan ama aan kor ka awdneyn; (ama dibed).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibad
m.dh 1. (fk) Meel bannaan ama awdnayn. 2. Dal shisheeye. la-mid: dibed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibad
m.dh 1. (fk) Meel bannaan ama awdnayn. 2. Dal shisheeye. la-mid: dibed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibad
f. n., loc. outside, out-of-doors, outside, external
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibad
-da: (n) 1. outside (aawt-saaydh); out (aawt); exterior (ekis- tiiriyer). Ex: guriga dibaddiisa; outside of the house. 2. (adj) abroad (a-baroodh)', external (ikis-teernal) ~ khaarij. Ex: arrimaha dibadda; external affairs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibad
-da: (magac, dhedig, keli) wax meesha aad joogto ka baxsan. Dibadda ayaynu xalay seexannay. Dh: barrax. Li: gudo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibad
de: outside, out-of-doors, outside, external
lx: dibad
pd: (-da)
ps: n1-f-loc
xe: outside the building
xv: dibed
key: dibad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dibad
ثَوْرِ ذَكَرِ الْبَقَرِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibaw
-ga: (magac, lab, keli) geed u eg uubataysta oo caano leh laguna daweeyo geestuul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbo
f.mg3 (-baday, -batay) 1. Dad ama xoolo rugtoodii ka dhixid. 2. Dayax soo bixi waayid. la-mid: dubbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibbo
v. stay out all night, not spend the night at home
dibbo v. be invisible, obscure, overcast (as the moon)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbo
(fal) xilligii hoynta ka dibdhac; mayraca ku raag oo horay ha u soo hoyan. Dh: dibboo, miro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibed
m.dh la-mid: dibad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibed
f. n., loc. outside, external
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dibed
Fuori; estero
Out; foreign
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibed
-da: (magac, dhedig, keli) eeg debed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibed
a: dibad
de: outside, external
lx: dibed
pd: (-da)
ps: n1-f-loc
key: dibed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibin
(Dibin-(a)
Labada cad oo hilibka ah oo ilkaha iyo cirridka korkooda ku yaal oo kolkii laysku qabto afka daboola, midkood; bushin; (ama debin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibin
m.dh (-bno, m.l) Labada cad oo hilibka ah oo ilkaha iyo cirridka korkooda ku yaal, oo afka daboola, ereyadana codeeya middood; bushin; faruur. la-mid: debin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibin
m.dh (-bno, m.l) Labada cad oo hilibka ah oo ilkaha iyo cirridka korkooda ku yaal, oo afka daboola, ereyadana codeeya middood; bushin; faruur. la-mid: debin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibin
f. n. lip
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibin
-ta: (n) lip (lip) -bishin, faruur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibin
-ta: (magac, dhedig, keli) labad faruuryood middood. Awrta kolka la xidhiidhinayo dibinita ayaa laga xidhaa. Dh: faruur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibin
de: lip
lx: dibin
pd: (-ta Pl: dibno (/ha))
ps: n3-f
syn: bushin, faruur
key: dibin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibir
1. (Dibir-ka) Dhul cag'adayg ah oo ciiddiisu dhooddi tahay; aan cadduun ahayn.
2. (Dibir-ta) Siyaalaha laysu legdo tu kamid ah; legdin; dibirrooti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibir
m.l Dhul ciid adag, dhano ah oo aan geedo badan lahayn; dhooddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįbir
m.dh (-bro, m.l) Legdin dhulka si xoog leh laysugu dhufto. la-mid: dibirrooti¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibir
m. n. heavy soil
dibir [feminine] n. a fall in wrestling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibir
-ka: (n) hard ground, a solid surface of earth ~ gawaan
dibir -ta: (n) the act of putting someone down by wrestling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibir
-ka: (magac, lab, keli) dhul dedibley ah oo daaqsin iyo daran iyo hawo kulul leh, qawyo badan oo biyaha iyo milixda hodan ku ahna wuu leeyahay. Li: suubaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibis
(ereycodeed) awrta lagu yidhaa oo lagu amarayo inuu lugaha isku keeno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diblo
m.dh la-mid: dublo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibno
m. n., pl. lips
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibno
-dibnaha: (n) [Plural of dibin-ta] lips (lipis)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibno
de: lips
lx: dibno
pd: (/ha Sg: dibin (ta))
ps: n3-m-pl
xe: your lips
xv: dibnahaaga
key: dibno
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid dibir ku dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibri
(fal) ledeg oo xambaaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibso
(fal) edeb iyo asluub yeelo oo gaabso. Dh: xishoo, sarriigo.
dibso: (ereydhawaaq) awr inuu labadiisa lugood isku soo dhaweeyo ku amar si aad u dabarto.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hibou
hibou, n.m. - guumeys; nooc shimbiraha kamid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dib_u_1
de: backwards Opp: hor ... u 'forwards'
hm: 1
lx: dib ... u
ps: adv-loc
key: dib_u_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dib_u_2
de: again, re-
hm: 2
lx: dib u
ps: time-expr
xe: Tell it again!
xv: Dib u sheeg!
key: dib_u_2
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dig out
/dhig-awt/ (v) soo-saarid (soo-qufid).