dib ... u
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dib ... u
adv-loc: backwards
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajalid
(Ajalid-da)
1. (Waqti) dib u dhigid.
2. Geeri ku keenid; dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Akhirid
(Akhirid-da)
Wax goortaas la qaban lahaa, dib u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baajin
(Baajin-ta)
Wax la samayn lahaa dib u dhigid ama iska deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqasho
(Baaqasha-da)
Wax dhici lahaa oo aan dhicin; meel la aadi lahaa ama la iman lahaa iska deyn ama dib u dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barroosin
(Barroosin-ka)
Bir culus oo ilko dhawr ah oo dib usoo laaban iyo dabo daloosha oo silsilad loogu xiro leh, oo maraakiibta iyo doonyaha badda loogu tuuro kolka la joojina hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biciid
(Biciid-ka)
Ugaarta waaweyn oo Afrika jaad ka mid ah: wuxuu lee yahay geeso dheerdheer oo toostoosan oo dib u jeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caari
(Caari-da)
(bad; kd.) dib u noqosho; xagga xeebta ka durkid; (ama caarid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaryid
(Caaryid-da)
1. (bad) dib u noqosho; xagga xeebta ka durkid.
2. (ku caaryid) Meel xeeb ah baddu geyn, ku tufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawl
1. (Cawl-ka) Midab casiin-ka-warqab ah.
2. (Caw-sha) Ugaarta waaweyn jaad kamid ah; waxay leedahay: midab cawl ah oo uurka iyo barida ka cad, daliig madow oo wejiga bartankiisa (geesaha taniyo sanka) ku dhilan; geeso marka hore dib u rogan oo kol labaad horay u soo rogmada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Celin
(Celin-ta)
Gadaal u wadid; dib u laabid; joojin; hakin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceshiimeyn
(Ceshiimeyn-ta)
Dib u soo celin; isucelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daah
(Daah-a)
1. Ilixir laga sameeyey dhar ama shiraac ama wax kale oo lagu xiro albaabbada iyo khalfadaha, kd., ama qolalka lagu kala gooyo; ilixir.
2. Dib u dhac; raagis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahid
(Daahid-da)
1. (-') Daah u yeelid; ilixirid.
2. Raagid; dib u dhicid.
3. (ka soo daahid) madaxqaad; cudur ka kicid; diif cudur ka muuqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahin
(Daahin-ta)
Dib u dhigid; raajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaadi
(Dabaadi-ga)
(xoolo) weligood aad u danbeeya kolka la soconayo; dib u hara; aan caarad ahayn; haraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabammarid
(Dabammarid-da)
Weydaarasho; dib u noqosho; dhabarjebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabammarin
(Dabammarin-ta)
Meesha u danbaysa geyn; dib u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabbaal
1. (Dabbaal-ka) a) (xoolo, kd.) dib u soo rogid; celin; waabin. b) Qof aan caqli badnayn: nacas; doqon; seegseeg.
2. (Dabbaa-sha) Dabaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabbaalid
(Dabbaalid-da)
(xoolo, ugaar) dib u soo waabin; soo rogid; horjoogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabrayn
(Dabrayn-ta)
Weerar dabro ah dib u celin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
si ... u
[adverbial] [expression] like, as, how, so, in order that, in such a way
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aad ... u
[adverbial] [expression] very much, quite, a lot; hard, firmly
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hor ... u
adv-loc: forwards
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gees ... u
adv-loc: sideways
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoos ... u
adv-loc: downwards
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sare ... u
adv-loc: upwards
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
degdeg ... u
adv., time: immediately, right away, forthwith; hastily, hurriedly
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
si uun ... u
[adverbial] [expression] somehow, in one way or another
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxay ... u
question word: why?, what for?