diarrea
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
diarrèa
s.f. - shuban, ban.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
diarrhea
(n) a condition of having feces that contains abnormally high levels of water.
shuban
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Diarrhea
Shuban
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
diarrhoea
/dhayariya/ (n) shuban.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
diarrhoea
n., dabaxaw, -di; this man has diarrhoea, ninkaasi dabaduu ka baxayaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darree
(fal) xoolo soo arooray, dar u samee.
darree: (fal) timaha darro mari. Intaad ceelka shubayso timaha darree. Dh: dhoobee.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Debarred
heergaar la'aan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharraan
f. n. nudity, state of being naked
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharraan
de: nudity, state of being naked {UJ}
lx: dharraan
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: dharraan
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Diastema
Fanax
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
disagree
/dhisagrii/ (v) ku khilaafid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
disagree
v.i., diid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
disarray
/dhisarey/ (n) fawdo (nidaam-darro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digarrogad
m.l la-mid: digarrogasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Area
Bed
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Area
Bed
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
area
/eeriya/ (n) 1. bylleer. The room has an area of 1,300 square feet. 2. meel adduunky ku mid eh sithy waddang amy beled. My mother came from that area.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àrea
s.f. - bed, masaaxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arre
-ha: (magac, lab, keli) yaxaaska kiisa lab. Ma arraa ma urraa, ma Ibliis dhego laa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dare
/dheer/ (v) 1. ku dhiirrasho (ku indha-adaygid) (v) 2. ku carayn (la taxadiyid) (n) 3. taxadi (carayn).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dare
v.tr. - siin, dhiibid, bixin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dare
v.., (be not afraid of) ha biqin, sababo; do not dare, ka xishoo, baq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dire
m.l.u Tirxi yar yar, saxarrada soo raaca, oo daba cun cun leh. la-mid: diro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dire
m.l.u Tirxi yar yar, saxarrada soo raaca, oo daba cun cun leh. la-mid: diro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dire
m. n. transmitter
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dire
/dhayar/ (adj) aad u daran (aad u xun).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dire
-diraha: (n) sender (sendhar); transmitter (taraanis-miiter)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dire
vtr. - dhihid, sheegid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dire
dire, v. - U sheeg; loo sheego; dhihid; dheh; la dhaho; la yidhi.
c'est-à-dire - La yidhaahdo; kala ah.
dire des riens, des absurdités - Hadal doqonimo; Hadal nacasnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dire
de: transmitter
lx: dire
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irre
-ha: (magac, lab, keli) qof aan camalkiisa la bixin karin, Irre aayar kuma dhaafo. Dh: kibraani, cawaandi, muusanaadi, sannaadi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
arrêt
arrêt, n.m. - hakadka yar ee hadalka ama waxa la qabanaayo; joogsi
maison d'arrêt - Jeel; Xabsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Barre
name: Baree
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Barre
nickname-m, name-m specked, speckled, spotted, marked, stained. Lit: he who was born with a birth mark. Syn: Barrow, Barrey,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Barre
ama Barrow, magac loo baxsho wiil bar ama calaamad muuqata jidhka ku leh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
barre
barre, n.f. - qori lagu xidho dariishadaha korkooda si ilxidhka loogu godbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Barre
de: Baree nickname for someone with freckles or moles
lx: Barre
ps: name-m
key: Barre
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
birra
s.f. - biir (khamri).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birre
(Birra-ha)
1. Ubaxa cawska.
2. Qolofta badarka qaarki, (sida bariiska) ku rogan; bariiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birre
m.l 1. Miiqyo dhuudhuuban, cawska fiidiisa ka baxa oo markay qallalaan wax mudi kara. 2. Qolofka badarka qaarkii sida bariiska ku rogan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birre
m.l 1. Miiqyo dhuudhuuban, cawska fiidiisa ka baxa oo markay qallalaan wax mudi kara. 2. Qolofka badarka qaarkii sida bariiska ku rogan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Birre
name: Beerey
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birre
m. n., [collective] spear of grain (with husk); grass flower
birre m. n., [collective] grass species, with thorny offshoots
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birre
-ha: (magac, lab, keli) ubaxa ka baxa doogga dheeraada. Meel birre leh lo'da daaji. Dh: bile.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Carre
nickname; name-m Sandy; challenger, darer, warner; provocateur; agitator
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
carré
carré, n.m. - Labajibbaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabre
-ha: (magac, lab, keli) dagaalka oo la isku soo rogaalceliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbe
-ha: (magac, lab, keli) istijada ama biyaha lagu istijaqaato. Dh: darabyeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Nafley, nafley kale oo geel ah daro ku qabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daree
v. get a strangle hold (in wrestling)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daree
(fal) «u ~» dar samee; dar laga cabbo xidh. Intaanan adhiga la soo horin u daree. dareeme -ha: (magac, lab, keli) miiqyo dhaadheer oo cayayaanka qaarkood leeyihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daree
de: get a strangle hold (in wrestling)
lx: daree
pd: (dareeyey)
ps: v2b=
key: daree
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darri
f. n. lack of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darri
-da: (magac, dhedig, keli) xaafad; aqal ka mid ah reero meel wada yaal. Dh: tarri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darri
de: lack of
lx: darri
pd: (-da)
ps: n0-f
key: darri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darro
(Darra-da)
Jaad dhoobada kamid ah oo timaha, nadaafo darteed, loo marsado oo inta lagu engejiyo laga mayro oo uskaga oo dhan ka saarta; xaraar; malaas; balaso; deeb; (ama tarro).
-darro: Tiraab ereyada qaarkood gadaal kaga dhega, ulajeeddadiisuna tahay: la'aan, yari, xumo...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darro
m.dh Dhoobo jilicsan oo timaha lagu nadiifiyo ama lagu qurxiyo; malaas; xaraar. la-mid: tarro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darro
f. n., (mass n.): red clay (used for cleansing the hair)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darro
-da: (magac, dhedig, keli) ciid gebiyadu yeeshaan oo inta la qooyo timaha la mariyo si ay nidiif u noqdaan injirtuna uga dhimato. Dh: malaas, xaraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawre
m.l Qof socoto ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawre
-ha: (magac, lab, keli) jaad fardaha ka mid ah duulaaga sugulka ah.
dawre -ha: (magac, lab, keli) qof socoto ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayre
(timaame) xoolo halkay degenaayeen caws ka waayey oo dabadeed isaga tegay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
diary
/dhayari/ (n) xusuus-gor.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Diary
Xasuus-qor
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dirge
/dharj/ (n) hees tacsiyeed oo dabacsan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dirge
n., (funeral song) dikri, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirri
(Dirri-da, Dirri-ga)
Ban aan wax ku yaal la arag; aan cidi joogin; bannaan; digdigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirri
m.l/dh 1. Ban diiran oo aan cidi ku nooleyn. 2. Digdigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirri
f. n. open ground ~ country, stretch of hard barren land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirri
(tilmaame) meel adag. Dh: adayg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirri
cf: bannaan
de: open ground ~ country, stretch of hard barren land
lx: dirri
pd: (-da ~ -ga)
ps: n1-f, n2a-m
key: dirri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garre
(Garra-ha)
Kalluun badeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garre
m.l Nooc kalluunka ka mid ah oo badda ku nool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Garre
m. n. Somali clan of southern Somalia and northern Kenya
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garre
m. n., [collective] ocean fish species
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Garre
name-m ocean fish sp., plaintiff, lawsuit, verdict; justice, the law
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harre
-ha: (magac, lab, keli) xayawaan barribiyood ah oo ku nool haraha jiilaalkiina dhoobada isku aasa. Dh: rah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
iarda
s.f. - yardi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
marèa
s.f. - badda kiciddeeda iyo degiddeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marra
fk. la-mid: mar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marra
kolna; marna. Marra ma arag ninkaa. Dh: kola, kolna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marre
(Marra-ha)
Quraanka oo suuradihiisa kol la wada akhriyo ama suurad keliya 114 jeer la akhriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marre
m.l (dii.) Qur'aanka caddaddiisa (114) oo hal mar la akhriyo. la-mid: marro (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marre
m.l (dii.) Qur'aanka caddaddiisa (114) oo hal mar la akhriyo. la-mid: marro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marre
m. n. reading of the whole Koran at one session
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marre
-ha: (magac, lab, keli) Qur'aanka oo suuradihiisa kol la wada akhriyo ama suurad keliya 114 jeer la akhriyo. Reerka marre ha loo akhriyo. Dh: xirsixidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marre
a: marro
de: reading of the whole Koran at one session (usually as a ritual to benefit the sick)
lx: marre
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: marre
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mirra
s.f. malmal; murre.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirre
-ha: (magac, lab, keli) milgo iyo sharaf. Hadal mirre leh ku hadal. Dh: xushmad.
mirre-ha: (magac, lab, keli) magaca geed malmal ka baxo lagana sameeyo mooyaha iyo tibaha.
mirre-ha: (magac, lab, keli) martabo sare oo lagu gaadho dilka cadawga. Mirre beegsani maayoo, midigtii ba ka beelay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warra
-da: (magac, dhedig, keli) hoosaasin ama lugooyo. Warrada ka daa dadka. Dh: luggooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarre
m.l (-rayaal, m.l/dh) Buluunbulyo; xar. la-mid: xorre (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarre
-ha: (magac, lab, keli) bahal dalooliya qoryaha ama udbaha oo duula. Dh: xar.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Amarre
name-m blessed; authorized; endowed with divine blessing; possessing supernatural power. Syn: Amran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Amarre
Amarre: magac loo baxsho wiil dhashay isaga oo ay weheliyaan arrimo lala yaabay oo aan hore loo arag.
Amarre: magac loo baxsho wiil la aaminsan yahay in uu la dhashay barako iyo macno gaar ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
amarre
amarre, n.f. - Baroosin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baarre
nickname; name-m tip, peak; lit: high caste. Syn: Baar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Baarre
magac loo baxsho wiil qurux badan oo dhirta caleenteeda cusub la wadaaga bilicda ama dhererka iyo toosnida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarre
-ha: (magac, lab, keli) ubbooyinka subagga lagu dhigto jaad ka mid ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
barrel
/baarral/ (n) 1. fuusto (foosto) ama shay wax dareere ah ama cabbitaan lugu shubo. e.g. barrel of oil (n) 2. dhuunta qoriga ee xabbadu ka dhacdo.

Barrel
Barmiil