dhuxunkureeb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxunkureeb
-ka: (magac, lab, keli) arrin xanuun badan oo laga gubto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxunkurreeb
-ka: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo dadka qaniina oo hafeef kulul leh oo mar kasta oo aad xoqdo meeshii xanuunkii kugu soo baxayo ilaa maalmo dhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxulkureeb
-ka: (magac, lab, keli) jaad qudhaanta ka mid ah oo qaniinyo kulul, meesha uu qaniinana dirxi ku dhala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuxulkurreeb
(Dhuxulkurreeb-ka)
1. Jiracqaniinyo kulul.
2. Arrin aad wax u xanuujisa oo laga gubto, sida qof waxtar badan geystey oo abaaldhac xun loogu gudey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuxulkurreeb
m.l 1. Jirac qaniinyo kulul. 2. Jaad dibaqallooca ka mid ah oo yar oo qaniinyo kulul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuxulkurreeb
m. n. biting ant species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuxulkurreeb
cf: quraanyo
de: biting ant sp.
lx: dhuxulkurreeb
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhuxulkurreeb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiriiri
m.l 1. Jiraca qaarkii; xasharaad dadka qaniina; dhuxunkureeb. 2. Qof w. ah: qof caaro fudud ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wiriiri
m.l 1. Jiraca qaarkii; xasharaad dadka qaniina; dhuxunkureeb. 2. Qof w. ah: qof caaro fudud ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuudhi
-ga: (magac, lab, keli) dirxi cadka faraha lugaha hoostooda ku yaal ku dhasha oo qaniinyo cayayaan ka dhasha. Dh: wayaale.
dhuudhi -ga: (magac, lab, keli) dareen jidhku dareemo oo la moodo inuu xididdada iyo seedaha kor u xulayo oo ka yimaad kulaylka dabka oo aad loo xanuunsado. Halkii la iga gubay ayuu dhuudhi i rooray.
dhuudhi -ga: (magac, lab, keli) jaad qudhaanta ka mid ah oo yaryar oo qaniinyo kulul. Dh: dhuxulkureeb, dhuxunkureeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuxuldhuleed
m.l la-mid: dhuxuldhagaxeed.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dhuunjare
Qalab lagu jaro dhuumaha xiriirka biyaha ee leh middiyo garangarsan oo tiro ka saddex ah ee leh af fiiqan oo wax jara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuhunreeb
-ka: (magac, lab, keli) iswaraysi iyo is qancin la sameeyo si la isaga bogsiiyo xumo la isku tuhunsanaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duunkiyeel
(Duunkiyeel-ka)
(qof) aan talada dadka kale maqal oo raacin oo siduu isagu doono ama ay ula ekaato keliya yeela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duunkiyeel
m.l Qof madax adag oo aan talada dadka raacin ee sidii uu doono yeela.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duunkiyeel
m.l Qof madax adag oo aan talada dadka raacin ee sidii uu doono yeela.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duunkiyeel
m. n. opinionated ~ autocratic person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duunkiyeel
-ka: (magac, lab, keli) wuxuu doonaba yeele. Dh: danayste.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duunkiyeel
cf: keligitaliye
de: opinionated ~ autocratic person
lx: duunkiyeel
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: duunkiyeel
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhexbuureed
Intermont
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhulxuduneed
Geocentric
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhulxuduneed
Geocentric
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dhuusomareeb
pr. n., loc. Dusomareb [city in central Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Dhuusomareeb
cf: caasimad
de: Dusomareb [city in central Somalia] Capital of Galguduud region;
lx: Dhuusomareeb
pd: (Dhuusa Mareeb)
ps: n0-loc
key: Dhuusomareeb
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhumuc careed
Soil texture
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhuun dhuleed
Tunnel