dhuxuldhagaxeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuxuldhagaxeed
m.l Dhuxul dhagax noqday. la-mid: dhuxuldhuleed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxuldhagaxeed
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax macdan ah oo dhulka laga qodo oo shidaal ahaan loo isticmaalo. Tareennadii hori dhuxuldhagaxeed ayay ku socon jireen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
antarasayt
m.l (-yo, m.dh) (jooloji) Dhuxuldhagaxeed adag oo madow oo dhalaala oo ah dhuxusha ugu heerka sarraysa oo ay ku jiraan qiyaasta ugu yar ee biyo iyo maatarka aan xasilloonayn, iyo heerka xaddidan ee u sarreeya ee urkaarboonka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Channel Coal
Keli dhuxuldhagaxeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuxuldhuleed
m.l la-mid: dhuxuldhagaxeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Taallo dhagaxeed
Cairn
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul daaqeen
Grazing land
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuldhaqasho
vl. n., [compound] land conservation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuldhaqasho
de: land conservation
lx: dhuldhaqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f-cmp
key: dhuldhaqasho
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulduniyeed
m.l (c.fal.) Midka shanaad sagaalka meere qorraxeed marka la fiirsho xagga baaxadda ama weynaanta, isla markaas waa midka saddexaad marka la fiirsho ka fogaanta qorraxda. Oogada dhulka ee adag ee xagga usha ah waxaa loo yaqaan litosfeer, waxaana qayb weyn oo ka mid ah daboola biyoolayda dhulka, waxaana ku gedfan neefo loo yaqaan gibilka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhulduniyeed
Earth
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhulxuduneed
Geocentric
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhulxuduneed
Geocentric
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxulkureeb
-ka: (magac, lab, keli) jaad qudhaanta ka mid ah oo qaniinyo kulul, meesha uu qaniinana dirxi ku dhala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldhabaale
m.l Suulka iyo fardhexaadda gacanta oo si xoog leh laysugu dhufto si looga soo saaro shanqar iyadoo wax loogu baaqayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suuldhabaale
m.l Suulka iyo fardhexaadda gacanta oo si xoog leh laysugu dhufto si looga soo saaro shanqar iyadoo wax loogu baaqayo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuldhabaale
-suuldhabaalaha: (n) the act of snapping one's fingers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaale
-ha: (magac, lab, keli) sanqarta ay sameeyaan suulka gacanta iyo fardhexada marka si xoog leh laysugu dhufto oo fardhexadu calaacasha kaga sanqadhiso; kindho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawodhaqameed
-da: (magac, dhedig, keli) is dawaynta aan casriga ahayn ee shicibku isku daweeyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaldhalaalid
m.f.dh eeg dhaldhalaal². la-mid: dhaldhalaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaldhalaalid
-da: (magac, dhedig, keli) bilicbilic samayn oo hilhillaac yaryar oon indhaha wax yeelin bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexdhalaalid
m.f.dh eeg dhexdhalaal.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhul abaareed
-ka: (n) arid land (eerid landh); desert (dezert)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhumuc careed
Soil texture
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhuun dhuleed
Tunnel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuxulkurreeb
(Dhuxulkurreeb-ka)
1. Jiracqaniinyo kulul.
2. Arrin aad wax u xanuujisa oo laga gubto, sida qof waxtar badan geystey oo abaaldhac xun loogu gudey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuxulkurreeb
m.l 1. Jirac qaniinyo kulul. 2. Jaad dibaqallooca ka mid ah oo yar oo qaniinyo kulul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuxulkurreeb
m. n. biting ant species
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuxulkurreeb
cf: quraanyo
de: biting ant sp.
lx: dhuxulkurreeb
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhuxulkurreeb
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dul dhinaceed
Lateral surface
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldhabaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Suuldhabaale samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuldhabaalee
v. snap the fingers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaalee
(fal) sanqadh suulka iyo fardhexada ka samee. Suuldhabaalee oo ha hadlin haddaaad waxba garan waydo. Waxaan Saatir kuu qorin, ha suuldhabaalayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuldhabaalee
de: snap the fingers
initial: s
lx: suuldhabaalee
pd: (suuldhabaaleeyey)
ps: v2b=
key: suuldhabaalee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuldaaqsimeed
-ka: (magac, lab, keli) dhul xooluhu ku soofaan oo daaq leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duuddhadhaabeed
m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Duud bataax ama dhadhaab ah oo in yar ka hooseeya badda ama wabiga dushiisa, oo khatar ku ah bad maaxidda.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shuqduud jabaqeed
Acoustic grating