dhuusaquraar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuusaquraar
m.l Qof da' yar, fudud oo faduul badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuusa'ure
-ha: (magac, lab, keli) geed ka mid ah geedquwaaxa caleen dhanaan oo la cuno leh siina daaya dheecaan laaya cayaanka. Dh: jinow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulgaraac
-a: (magac, lab, keli) makiinado qaar waawayn iyo qaar yaryarba leh oo meelaha la dhisayo ciidda lagu nabo oo dhulka lagu kabbiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhusinraac
m.l (baayoloji) Koridda xubno ka tirsan geedka iyaga oo ka jawaabaya cuf-isjiidadka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhusinraac
m.l (baay.) Koridda xubno ka tirsan geedka iyaga oo ka jawaabaya cuf-isjiidadka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhuun qaac
Chimney
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuuniraac
-a: (n) 1. mercenary (mersaneri); mercenary person or soldier. 2. belly-worshiper; hireling (haayr-lingf opportunist (aper-tuu-nist) ~ calooshiis u shaqayste
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhuuniraac
Mercenario
Mercenary
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuniraac
-a: (magac, lab, keli) danayste halka uu dhuuni ka so galayo uun daba socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugkufaar
m.l (-rro, m.dh) Hanti weyn oo ka kooban badanaa dahab iyo wixi lamida oo ummado hore looga haray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuunirraac
(Dhuunirraac-a)
1. (qof) Hadba meeshii uu moodayo inuu cunno ka hela hayo, u lala; cunnada keliya ka murga ee aan ceebta iyo denbiga iyo anshaxa iyo dhaqan-wanaagga midna eegin; dhadhamarraac.
2. * Askar la kireysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunirraac
m.l (-cyo, m.dh) Qof hadba meeshii uu moodaayo in dani ugu jirto isxijiya ee aan ceebta anshaxa iyo dhaqan-wanaagga midna eegin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuunirraac
m.l (-cyo, m.dh) Qof hadba meeshii uu moodaayo in dani ugu jirto isxijiya ee aan ceebta anshaxa iyo dhaqan-wanaagga midna eegin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuunirraac
m. n., [compound] opportunist, greedy person; mercenary soldier
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuunirraac
de: opportunist, greedy person; mercenary soldier Alt sp: dhuuniraac
lx: dhuunirraac
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: dhuunirraac
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHUUR-YARYAR
(Dur-yeyer) N Cressa cretica L. Convolvulaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuumadhuumaw
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhuumaalaysi.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHUUN-DHURWAA
(Dun-dorwa) N Adenium obesum (Forsk) Roem. & Schult. Apocynaceae.