dhuunyeeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunyeeri
f.mg2 (-iyay, -isay) Ruux bixidda ka hor si gaar ah u yeerid (neef geel ah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuunyeeri
v. gasp, wheeze (of a dying camel ~ human)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuunyeeri
de: gasp, wheeze (of a dying camel ~ human)
lx: dhuunyeeri
pd: (dhuunyeeriyey)
ps: v2a=intr
key: dhuunyeeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuunyeerin
(Dhuunyeerin-ta)
Neefka dhimanaya codka ka yeera.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunyeerin
m.f.dh eeg dhuunyeeri. la-mid: dhuunyeeris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuunyeerin
vl. n., [compound] last gasp of dying animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunyeerin
-ta: (magac, dhedig, keli) nafbaxa neef geel ah oo dhimanaya. Dh: dhuunyeedhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuunyeerin
de: last gasp of dying animal
lx: dhuunyeerin
pd: (-ta)
ps: vn-f-cmp
key: dhuunyeerin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunyeeris
m.l la-mid: dhuunyeerin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunyeeris
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhuunyeedhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunyeedhi
(fal) codka wax dhimanaya ku hadal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunyeedhin
-ta: (magac, dhedig, keli) nafbaxa neef geel ah oo dhimanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuxyee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Neef geel ah si aad ah u qabbirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuuxyee
v. tie up (camels, etc.) tightly, bind up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuxyee
(fal) awr, si fiican oo uuna fakan karin u dabar. Dh: dabar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuuxyee
de: tie up (camels, etc.) tightly, bind up
lx: dhuuxyee
pd: (dhuuxyey)
ps: v2b=
key: dhuuxyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundhebid
m.f.dh eeg dhuundhaw². la-mid: dhuundhaw¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhebid
-da: (magac, dhedig, keli) gawricid oo dhuunta middi kaga taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuxdheere
(Dhuuxdheera-ha)
Dhuuxa arxaanka dhex mara; xangulle; xididmaskaxeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuxdheere
m.l Dhuuxa dheer oo dhex mara lafdhabarta; xangulle.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuuxdheere
m.l Dhuuxa dheer oo dhex mara lafdhabarta; xangulle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuuxdheere
m. n., [compound] marrow of the spine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuxdheere
-ha: (magac, lab, keli) dhuuxa lafdhabarta dhex mara. Dh: xididmaskaxeed, xangulle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuuxdheere
de: marrow of the spine
lx: dhuuxdheere
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: dhuuxdheere
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunyo
(fal) wax, cunto ka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dureeri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dareeri (1).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daanyeer
m.l (-rro, m.dh) la-mid: daayeer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daanyeer
m.l (-rro, m.dh) la-mid: daayeer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daanyeer
m. n. monkey species, baboon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daanyeer
-ka: (n) monkey (man-ki)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daanyeer
-ka: (magac, lab, keli) jaad xayawaanka naasleyda ka mid ah oo xagga abuurta iyo baaxaalliga dadka u dhow. Wax kaste oo uu dadku cuno ba wuu cunaa geedahana wuu fuulaa oo kooxkoox ayuu u nool yahay. Daanyeer dabacase, dariiqa bannee. Dh: afargacmoodle, daayeer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daanyeer
a: daayeer
de: monkey sp., baboon
lx: daanyeer
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: daanyeer
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daanyeer
فَرْد
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuubnee
(fal) wax miliilsan oo dhumucyar ka dhig. Dh: miliili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuunxir
(Dhuunxir-ka)
Garcuneed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunxir
m.l Dh. ah: nooc garka ka mid ah oo ka baxa cunaha korkiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuunxir
m. n., [compound] neck tie
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunxir
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhuunxidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuunxir
de: neck tie
lx: dhuunxir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhuunxir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuunyid
(Dhuunyid-da)
Dhuuni siin; dheefin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunyid
m.f.dh eeg dhuuni².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhuuni siin; wax si joogta ah u quudin. Dh: quudin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuurtee
m.dh Geedgaab cufan oo ka mid ah dhir-abaareedka oo ay xooluhu daaqaan, lehna caleemo yaryar oo dhuudhuuban.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HUNQUERI
(Hungueri) May Citrulus lanatus (Thunb.) Matsum & Nakai Cucurbitaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHUUN-KAR
(Dunkarr) N Juncus maritimus Lam. Juncaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunbuur
m.l (-rar, m.l) Buntuq, lix xabbabood qaada oo xabbad-keliyaale u dhaca; dhoombir.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dhuunjare
Qalab lagu jaro dhuumaha xiriirka biyaha ee leh middiyo garangarsan oo tiro ka saddex ah ee leh af fiiqan oo wax jara.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuuxgeed
m.l (baay.) habdhiska kelli ee jirridda ubaxlayda iyo beerlammaanayaasha oo badanaa ka sameysan nudaha baarankiima. Xididdada qaarkood, habdhiska kelli wuxuu noqdaa baarankayma, halkii uu ka noqon ahaa saylam, xididdada noocaas ahina waxay leeyihiin dh. g.. Shaqada dh. g.ku waa kaydinta cuntada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuunyaale
(Dhuunyaala-ha)
1. Cayayaan yaryar oo duulduula oo gelmiga u eg.
2. Qof cunno jacayl meel walba u galgala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunyaale
m.l 1. Nooc ka mid ah dhurde. 2. (-layaal, m.l/dh) Qof cunna jecli awgeed meel walba u gala.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuunyaale
m.l 1. Nooc ka mid ah dhurde. 2. (-layaal, m.l/dh) Qof cunna jecli awgeed meel walba u gala.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuunyaale
m. n. insect species; greedy person, glutton
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunyaale
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo malabka sameeya. Dhuunyaalaha yariba malabkuu dhitaystay buu beri danbe dhuuqaaye. Dh: dhurde.
dhuunyaale-ha: (magac, lab, keli) dheecaan yar oo malabka u eg oo uu gemmigu sameeyo.
dhuunyaale-ha: (magac, lab, keli) ruux hunguri iyo cunno jacayl meel kasta u gala.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuunyaale
de: insect sp.; [fig.] greedy person, glutton
lx: dhuunyaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhuunyaale
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulduniyeed
m.l (c.fal.) Midka shanaad sagaalka meere qorraxeed marka la fiirsho xagga baaxadda ama weynaanta, isla markaas waa midka saddexaad marka la fiirsho ka fogaanta qorraxda. Oogada dhulka ee adag ee xagga usha ah waxaa loo yaqaan litosfeer, waxaana qayb weyn oo ka mid ah daboola biyoolayda dhulka, waxaana ku gedfan neefo loo yaqaan gibilka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhulduniyeed
Earth
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dhuunleexshe
Qalab ku shaqo leh leexinta iyo toosinta laga doonayo dhuumaha xiriirka biyaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhuumi
(fal) wax la karinayo, aad u muudhmuudhi. Hilibka ka dhuundhuumi carruurta. Dh: muudhmuudhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunxirmid
m.f.dh eeg dhuunxiran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunxirmid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhuunxidhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuryaamid
m.f.dh eeg dhuuryaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqanwareeri
f.g2 (-iyay, -isay) Bulsho dhaqanhabow ku beerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhul-duniyeed
m.l (c.fal.) Midka shanaad sagaalka meere qorraxeed marka la fiirsho xagga baaxadda ama weynaanta, isla markaas waa midka saddexaad marka la fiirsho ka fogaanta qorraxda. Oogada dhulka ee adag ee xagga usha ah waxaa loo yaqaan litosfeer, waxaana qayb weyn oo ka mid ah daboola biyoolayda dhulka, waxaana ku gedfan neefo loo yaqaan gibilka.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHUUMA-DHEERE
(DOma-dere) NFD, May, S Cassia abbreviata Oliv. Caesalpinaceae.