dhuunyeedhin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunyeedhin
-ta: (magac, dhedig, keli) nafbaxa neef geel ah oo dhimanaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunyeedhi
(fal) codka wax dhimanaya ku hadal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuunyeerin
(Dhuunyeerin-ta)
Neefka dhimanaya codka ka yeera.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunyeerin
m.f.dh eeg dhuunyeeri. la-mid: dhuunyeeris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuunyeerin
vl. n., [compound] last gasp of dying animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunyeerin
-ta: (magac, dhedig, keli) nafbaxa neef geel ah oo dhimanaya. Dh: dhuunyeedhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuunyeerin
de: last gasp of dying animal
lx: dhuunyeerin
pd: (-ta)
ps: vn-f-cmp
key: dhuunyeerin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunyeeri
f.mg2 (-iyay, -isay) Ruux bixidda ka hor si gaar ah u yeerid (neef geel ah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuunyeeri
v. gasp, wheeze (of a dying camel ~ human)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuunyeeri
de: gasp, wheeze (of a dying camel ~ human)
lx: dhuunyeeri
pd: (dhuunyeeriyey)
ps: v2a=intr
key: dhuunyeeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunyeeris
m.l la-mid: dhuunyeerin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunyeeris
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhuunyeedhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunxidhan
-ka: (magac, lab, keli) hadalka oo la kari waayo xabeeb ama xanuun aawadood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundhas
m.dh (-syo, m.dh) Dareere ama neef xoog u diisan oo ka soo baxaysa dhuun af-yar kana dhalata nakhaska (qashinka) ay tuurayaan marwaxadaha neefeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhuundhas
Jet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhas
-ta: (magac, dhedig, keli) geed quwaax xabag kugu dhegdhegta leh oo ka baxa ciidcasta. Dh: gundheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundhaw
dhuundhaw¹: m.l 1. Gowricidda neef geel ah la gowraco. 2. la-mid: dhuundhebid .
dhuundhaw²: f.g1 (-dhebay, -dhawday; - dhebi) Neef geel ah gowricid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhaw
(fal) neef geel ah gawrac oo dhuunta middi kaga taag.
dhuundhaw -ga: (magac, lab, keli) gawraca geela oo ah middi neefka lagaga taago labada kalxamood dhexdooda oo hunguriga lagu kala jaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunxidh
-ka: (magac, lab, keli) gadhka cufan ee cunaha ka baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuuxgeed
m.l (baay.) habdhiska kelli ee jirridda ubaxlayda iyo beerlammaanayaasha oo badanaa ka sameysan nudaha baarankiima. Xididdada qaarkood, habdhiska kelli wuxuu noqdaa baarankayma, halkii uu ka noqon ahaa saylam, xididdada noocaas ahina waxay leeyihiin dh. g.. Shaqada dh. g.ku waa kaydinta cuntada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaneedin
(Haaneedin-ta)
Haaneed ka dhigid; hab wanaagsan u yeelid; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaneedin
m.f.dh eeg haaneedi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneedin
-ta: (magac, dhedig, keli) lisidda geela lafteeda. Haaneedinta hasha ayrada ah labo nin uun baa iska xajin karta.
haaneedin -ta: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan oo loo haneedi karo u joojin.
haaneedin -ta: (magac, dhedig, keli) haaneed ka dhigid; hab wanaagsan u yeelid. Dh: haaneedis, qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundhuun
dhuundhuun¹: m.l 1. Hilib aad loo daahiyay. 2. Miro aad u bisil. 3. la-mid: dhuundhuumid.
dhuundhuun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay; - uumi) 1. Wax bisayldhaaf ah noqosho (hilib). 2. Wax aad u bisil noqosho (miro).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhuun
-ka: (magac, lab, keli) gubasho ama bislaasho xoog ah oo mataataq ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunidoon
m.l Qof raadinaaya cunto uu ku noolaado kaliya; hunguridoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuunidoon
m.l Qof raadinaaya cunto uu ku noolaado kaliya; hunguridoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundhebid
m.f.dh eeg dhuundhaw². la-mid: dhuundhaw¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhebid
-da: (magac, dhedig, keli) gawricid oo dhuunta middi kaga taagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuniddoon
-ka: (magac, lab, keli) qof dhuuni uu quuto raadinaya.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dhuunleexshe
Qalab ku shaqo leh leexinta iyo toosinta laga doonayo dhuumaha xiriirka biyaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunxidhmid
-da: (magac, dhedig, keli) xabeeb ama xanuun la hadli kari waayid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ARUUNDO-DIHIN
(arundo-dehen) N Solanum schimperianum A.Rich. Solanaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamuunyeeysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax ciil iyo caro awgeed bushimaha la qaniinaaya ahaansho.