ereyga

dhuunxidhmid

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuunxidhmid

DHAN

-da: (magac, dhedig, keli) xabeeb ama xanuun la hadli kari waayid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhuunxirmid

DHAFAN

m.f.dh eeg dhuunxiran.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuunxirmid

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhuunxidhmid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuunxidh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) gadhka cufan ee cunaha ka baxa.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuunxidhan

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) hadalka oo la kari waayo xabeeb ama xanuun aawadood.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhuundhebid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dhuundhaw². la-mid: dhuundhaw¹ (2).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuundhebid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) gawricid oo dhuunta middi kaga taagid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhuundhuumid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dhuundhuun². la-mid: dhuundhuun¹ (3).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuundhuumid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) aad u bislaasho oo u muudhmuudhid. Hilibku dhuundhuumidda ayuu ku macaan yahay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dabxidhid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) si aanu yool u qabsan hubka cadawgu, rasaasta mar qudha wada ridid. Dabxidhid maad samayn halkuu birigaanku ka soo dhacayey.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhaniimid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dhaniin². la-mid: dhashiimid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhuundhas

DHAFANDHAAF

m.dh (-syo, m.dh) Dareere ama neef xoog u diisan oo ka soo baxaysa dhuun af-yar kana dhalata nakhaska (qashinka) ay tuurayaan marwaxadaha neefeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Dhuundhas

DHAFANDHAAF

Jet

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuundhas

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) geed quwaax xabag kugu dhegdhegta leh oo ka baxa ciidcasta. Dh: gundheer.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhuundhaw

DHAFANDHAAF
1

dhuundhaw¹: m.l 1. Gowricidda neef geel ah la gowraco. 2. la-mid: dhuundhebid .

2

dhuundhaw²: f.g1 (-dhebay, -dhawday; - dhebi) Neef geel ah gowricid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuundhaw

DHAFANDHAAF
1

(fal) neef geel ah gawrac oo dhuunta middi kaga taag.

2

dhuundhaw -ga: (magac, lab, keli) gawraca geela oo ah middi neefka lagaga taago labada kalxamood dhexdooda oo hunguriga lagu kala jaro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhandhamid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: dhadhamid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhandhamid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) sida cunto ama cabbitaan carrabku u dareemo oo uu dhandhankoogu yahay. Dh: dhadhamid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhandhemid

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: dhadhamid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhuundhuun

DHAFANDHAAF
1

dhuundhuun¹: m.l 1. Hilib aad loo daahiyay. 2. Miro aad u bisil. 3. la-mid: dhuundhuumid.

2

dhuundhuun²: f.mg1 (-uumay, -uuntay; - uumi) 1. Wax bisayldhaaf ah noqosho (hilib). 2. Wax aad u bisil noqosho (miro).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuundhuun

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) gubasho ama bislaasho xoog ah oo mataataq ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhuunidoon

DHAFANDHAAF

m.l Qof raadinaaya cunto uu ku noolaado kaliya; hunguridoon.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhuunidoon

DHAFANDHAAF

m.l Qof raadinaaya cunto uu ku noolaado kaliya; hunguridoon.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhuunxiran

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Xabeebid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

dhuunxiran

DHAFANDHAAF

v. lose one's voice from talking ~ shouting too much

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuunxiran

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) xabeeb darteed la hadli kari waayid. Dh: dhuunxidhan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

dhuunxiran

DHAFANDHAAF
1

de: lose one's voice from talking ~ shouting too much

2

lx: dhuunxiran

3

pd: (dhuunxirmay)

4

ps: v1=intr

5

key: dhuunxiran

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Dhuux dhul

DHAFANDHAAF

Earth core

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuundhuumi

DHAFANDHAAF

(fal) wax la karinayo, aad u muudhmuudhi. Hilibka ka dhuundhuumi carruurta. Dh: muudhmuudhi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuuniddoon

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qof dhuuni uu quuto raadinaya.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuunyeedhi

DHAFANDHAAF

(fal) codka wax dhimanaya ku hadal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhuuryaamid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dhuuryaan².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuunyeedhin

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) nafbaxa neef geel ah oo dhimanaya.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

duunyodhaqid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) qaabka xoolaha loo xannaaneeyo ee daranyada looga ilaaliyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Dhuun dhuleed

DHAFANDHAAF

Tunnel

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

dhuundaloolid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg dhuundhalool.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhuundaloolid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) xiisayn oo aad ugu jajabnaan ama ku xeeldheeraan.

waa la naqliyay ✓