dhuungoys
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuungoys
m.l (taar.) Qalab ama aalad loo isticmaal ijiray in dambiilayaasha lagu surgooyo, gaar ahaan waxa laga isticmaali jiray dalka Faransiiska waqtiyadii hore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuun-goys

dhuungoyn
m.f.dh eeg dhuungoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuungoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef, gawricid oo dhuubta ka jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuungoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) 1. Nafley dilid; qurgoyn. 2. Cunaqabatayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuungoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) 1. Nafley dilid; qurgoyn. 2. Cunaqabatayn. m.f.dh, dhuungoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuungoo
-ga: (magac, lab, keli) cudur cunaha xidha oo loo dhinto.
dhuungoo -ga: (magac, lab, keli) qof bakhayl ah oo aan cidda u dhaw waxba siin.
dhuungoo-ga: (magac, lab, keli) qof wax gawraca oo xoolaha dhuunta jara.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuungooy
v. cut someone's throat; take someone's means of sustenance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuungooy
de: cut s.o.'s throat; [fig.] take s.o.'s means of sustenance Alt sp: dhuungoo
lx: dhuungooy
pd: (dhuungooyey)
ps: v2a=tr
key: dhuungooy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuugis
m.dh la-mid: dhuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuugis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunyo
(fal) wax, cunto ka dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg hungayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulgoyn
m.dh (jooloji) Jarida dhulka oo ay gooyaan wakiilo dabiici ahi, sida qorraxda, dabaysha, roobka, biyaha qulqula, barafka dhaqaaga, iyo badda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulgoyn
m.dh (jool.) Jarida dhulka oo ay gooyaan wakiilo dabiici ahi, sida qorraxda, dabaysha, roobka, biyaha qulqula, barafka dhaqaaga, iyo badda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuntow
(Dhuuntow-ga)
Cudur dalqada ku dhaca; majin: qun; xoqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuntow
m.l Cudur qanjirrada dalqada ku dhaca; majin; qun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuuntow
m.l Cudur qanjirrada dalqada ku dhaca; majin; qun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuuntow
m. n. disease of the throat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuntow
-ga: (magac, lab, keli) cudur cunaha ku dhaca oo loo dhinto. Dh: xoqato, majin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuuntow
de: disease of the throat
lx: dhuuntow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dhuuntow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suulgoys
m.dh la-mid: suulalgoys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suulgoys
-ta: (magac, dhedig, keli) carsaanyada badda jaad kamid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul goyn
Denudation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundhas
m.dh (-syo, m.dh) Dareere ama neef xoog u diisan oo ka soo baxaysa dhuun af-yar kana dhalata nakhaska (qashinka) ay tuurayaan marwaxadaha neefeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhuundhas
Jet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhas
-ta: (magac, dhedig, keli) geed quwaax xabag kugu dhegdhegta leh oo ka baxa ciidcasta. Dh: gundheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suunogoys
m.l.kh (-syo, m.dh) S. ah: haweeney dhalma days ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Unuungoyn
(Unuungoyn-ta)
Madaxa ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuungoyn
m.f.dh eeg unuungoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuungoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) noole madaxa kagoyn; nafta goyn. Dh: unuungooyo, dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhusundhus
(Dhusundhus-ka)
Geedquwaaxa geed kamid ah oo leh dhacaan iyo ur aad u lifaaqoon oo kan gaaska (la shito) u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhusundhus
m.l (dhusundhus, m.dh) Geed-quwaax leh dheecaan dufan leh oo urtiisu sida gaaska tahay. la-mid: dhudhus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhusundhus
m. n. incense-bearing tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhusundhus
-ka: (magac, lab, keli) geed weyn oo leh dheecaan sida gaaska u ura.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhusundhus
de: incense-bearing tree sp.
lx: dhusundhus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: dhusundhus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunidoon
m.l Qof raadinaaya cunto uu ku noolaado kaliya; hunguridoon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuunidoon
m.l Qof raadinaaya cunto uu ku noolaado kaliya; hunguridoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuungooyo
-da: (magac, dhidig, kali) madax ka goyn neef amma aadame. Dadkii la laayay waa la wada unuungooyay. Dh: unuungoyn, kurgoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhunko
f.g3 (-kaday, -katay) Bushimaha cid kale ku taabasho kalgacayl ama xurmo awgeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhunko
f.g3 (-kaday, -katay) Bushimaha cid kale ku taabasho kalgacayl ama xurmo awgeed. m.f.dh, dhunkasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhunko
v. kiss
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhunko
-dhunkaday / dhunkatay: (n) kiss (kis) ~ shummi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhunko
(fal) qof kale, jacayl ama qaddarin, dibnahaaga meel jidhkiisa ka mid ah ku qabo. Dh: shummi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhunko
de: kiss
lx: dhunko
pd: (dhunkaday)
ps: v3a=tr
key: dhunko
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuubo
f.mg3 (-bay, -batay) 1. Noqosho wax dhuuban. 2. Noqosho wax caato ah.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhuubo
nickname; name-f tall and slender
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhuubo
naanays loo baxsho gabadh dheer oo dhuuban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuubo
(fal) dhumucyaraw oo weyd noqo. Dh: dhuubnaw.
dhuubo: (fal) adke, biyo ku mil oo rib ka dhigo. Hadduu macaanku kaa yaraado sonkor dhuubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuge
m.l Geed-gaab aan qodax lahayn oo dhirta daawada ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuumo
f.mg3 (-uuntay, -uumatay) Meel aan muuqaalkiisa looga jeedin galid (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuumo
f.mg3 (-uuntay, -uumatay) Meel aan muuqaalkiisa looga jeedin galid (nafley). m.f.dh, dhuumasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuumo
v. hide oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuumo
(fal) is qari oo meel indhaha dadka ka qarsoon gal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuumo
de: hide oneself
lx: dhuumo
pd: (dhuuntay / dhuumatay)
ps: v3b=intr
key: dhuumo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuni
(Dhuuni-ga)
Waxyaalaha la cuno oo oogada nuxrur geliya oo dhan; cunno; oon; dheef.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuni
dhuuni¹: m.l 1. Cuntada dadku cuno. 2. Qof cuntada ku mamman.
dhuuni²: f.g1 (-nyay, -niday; -nyi) Qof cunnasiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuuni
m.l 1. Cuntada dadku cuno. 2. Qof cuntada ku mamman.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuuni
m. n. food, nourishment; glutton, greedy for food
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuuni
-ga: (n) food (fuudh) ~ hunguri, cunto. 2. (adj) greedy (giriidhi); gluttonous (galat nesf, extremely eager or desirous ~ damaaci, halac, hunguriweyne
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuni
-ga: (magac, lab, keli) waxa la quuto oo dhan; wixii dheef ah ee la cuno. Dh: quud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuuni
de: food, nourishment; [fig.] glutton, greedy for food
lx: dhuuni
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dhuuni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuso
(Dhuusa-da)
Neef kolkol shanqari weheliso oo nafleyda qaarkeed xaggeeda danbe ka timaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuso
m.dh la-mid: dhuus¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuuso
f. n. fart
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuuso
-duusada: (n) fart (faart) intestinal gas ~ dhuusid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuso
-da: (magac, dhedig, keli) naqas qadhmuun oo dadka xaggiisa danbe ka yimaadda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuuso
de: fart
lx: dhuuso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhuuso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dungo'
-a: (magac, lab, keli) wax dunida ka dhammaaday noqo. Dh: sayngo', cayngo', dabargo'.
dungo' -a: (magac, lab, keli) wax dunida ka dhammaaday noqosho. Dungo' buu maroodigii ku noqday dhulka Soomaalida. Dh: sayngo', cayngo'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dungoo
(fal) shey cidhibtir oo tafiirtir. Dh: sayngoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duugis
(Duugis-ta)
Duugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugis
m.dh la-mid: duugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duugis
vl. n. burial
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duugis
-ta: (v) burial (beeriyal) funeral (fiyuu-naral) ~ duugid, aas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg duugid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duugis
de: burial
lx: duugis
pd: (-ta)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: duugis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duugow
(Duugow-ga)
1. Duugoobid; duugid.
2. Xabaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugow
duugow¹: m.l la-mid: dugoobid.
duugow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Duug noqosho (wax).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duugow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Duug noqosho (wax). m.f.dh, duugoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duugow
vl. n. depreciation, getting worn out, aging; burial
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugow
(fal) baali noqo; wax gaboobay noqo.
duugow -ga: (magac, lab, keli) mar walaxi baali noqoto oo uu muddo badan jiro. Dh: baaliyoow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duugow
de: depreciation, getting worn out, aging; burial Originally: state of no longer having its original value
lx: duugow
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
key: duugow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duunyo
(Duunya-da)
Xoolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duunyo
m.dh 1. Hanti, maal. 2. Bahaayin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duunyo
m.dh 1. Hanti, maal. 2. Bahaayin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duunyo
f. n., [collective] livestock; animal; animals, herds
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duunyo
-duunyada: (n) livestock (laayv istak); domestic animals, such as cattle or horses, raised for home use or for profit, especially on a farm ~ xoolo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duunyo
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha ama hantida uu qof leeyahay. Dh: hanti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duunyo
de: livestock; animal; animals, herds
lx: duunyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: duunyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungay
(fal) hungo madhan ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungod
m.dh la-mid: hongod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cid wax seegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hungow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cid wax seegid. m.f.dh, hungoobid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hungow
-hungoobay / hungowday: (v) gain nothing; be empty-handed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungow
(fal) wax waa oo faramadhnaan la noqo; meel wax ka soo waa. Dh: hantaaqan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hungry
/hangari/ (adj) baahan, gaajoonaya.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hungry
a., gaajaysan, ninkii gaajaysna; he is always humgry, had iyo goor waa gaajaysan yahay; be hungry, gaajo; I am hungry, waan gaajoonayaa or gaajaa i haysa; I feel a hungry fit, gaaja xun yaa i haysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huunno
-da: (magac, dhedig, keli) erey lagu yidhaa qof loo muujinayo walaaltinimo iyo jacayl. Dh: walaal, abboowe, abbaaye, aaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huunyo
(Huunya-da)
Dhamiijada shinbiraha siiba qaniinka diyaadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huunyo
m.dh.u Deris ku nool yaryar oo digaagga gasha.