dhurid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhurid
(Dhurid-da)
Biyo ama wax la mid ah meel ka shubid oo meel kale ku shubid, iyadoo weel yar (dhure, kd.) la dardara hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurid
m.f.dh eeg dhur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurmid
m.f.dh eeg dhuran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durid
(Durid-da)
1. Wax fiiqan oo jir ama wax kale muda ama dhexgala; mudid.
2. Qeydada iyo qaanuunka oo wax laga sheego si xooggooda iyo kartidooda wax loogu dhimo oo loo baabbi'iyo ama loo yareeyo; waxkasheegid; burin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durid
m.f.dh eeg dur.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durid
-da: (n) injection (in-jak-shen)-, injection with a syringe ~ duris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durid
-da: (magac, dhedig, keli) wax turqid ama mudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hurid
(Hurid-da)
1. Wax bixin; wax dhiibid; wax quurid.
2. Ka maarmid; deyn.
3. (dab) Bixid; ololid; shidmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurid
m.f.dh eeg hur². la-mid: huris².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hurid
vl. n. combustion, burning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hurid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, ololid oo shidmid.
hurid -da: (magac, dhedig, keli) wax quudhid oo niyad u siin. Dh: huris, dhiibid, bixin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hurid
de: combustion, burning
lx: hurid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: hurid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharid
(Dharid-da)
1. Godad ama aroorro ama haryuub yeelasho, sida kolka miraba qaarkood inta bislaad dhaafaan engeg soo galo oo kankoonsanaantii iyo dibbirkii ka ba'aan oo isku soo ururaan.
2. Haryuub iyo duudduub yeelashada oogada dadka kolkay gabowdo oo jilicdo; qaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharid
m.f.dh eeg dhar². la-mid: dhadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhumid
(Dhumid-da)
Wax la waayey noqosho; hallaabid; habaabid; lumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumid
m.f.dh eeg dhun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumid
-da: (magac, dhedig, keli) hallaabid oo wax la waayay noqosho. Wiilka yari magaalada ma garanayee dhumidda ka ilaali. Dh: hallaabid, lumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemin
(Heemin-ta)
Heenka ka dhurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuraal
dhuraal¹: m.l Ceel biyo yarood ah oo in qof la geliyo oo uu biyaha soo dhuro mooyee aan si kale looga cabbin.
dhuraal²: m.l/dh 1. Dh. ah: ceel biyo yarood ah oo aan wadaamaha la dardari karin. 2. Dhuridda biyo weel lagu dhuro iyadoo meel kale lagu shubayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mari
mari¹: m.dh Lax saddex jeer ama ka badan dhashay.
mari²: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xarig xooggan soohid. 2. Wadaan ceel biyo uga dhurid. 3. Dufan ama midab wax ku malaasid. 4. U m.: qof wax u akhriyid. 5. U m.: gabay cid u tirsin. 6. Cid rasaas ku layn. 7. Wax goob ku socodsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xarig xooggan soohid. 2. Wadaan ceel biyo uga dhurid. 3. Dufan ama midab wax ku malaasid. 4. U m.: qof wax u akhriyid. 5. U m.: gabay cid u tirsin. 6. Cid rasaas ku layn. 7. Wax goob ku socodsiin. m.f.dh, marin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bail
/beyl/bails, bailing, bailed;(n) 1. lacagta gof xiran lugu soo daayo ama lagu damiinto. e.g. She was set free on $2000 bail. (v) 2. doon biyo ka dhurid, (gurid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemin
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere la cabbayo dhammayn, fuuqsasho.
heemin -ta: (magac, dhedig, keli) hilib ama lafo karsamaya, duffanka dusha soo mara, ka dhurid.
heemin-ta: (magac, dhedig, keli) heenka ka dhurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo meel ka dhurid oo meel kale u dhurid. Saacad ayaan qayidda laaska ku dhammeeyey. Dh: dhurid, qayis.
qayid-da: (magac, dhedig, keli) bixbixin xoog ah oon xad lahayn. Dh: qayis, farriigid.
qayid-da: (magac, dhedig, keli) uunsi shidid. Dumarku qayidda aqallada way jecel yihiin. Dh: uunsiyid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
écoper
écoper, v. - dhurid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Sakeel
Weel inta badan caag ka samaysan ee loogu dhaqmo wax ku qaadidda iyo kaydinta sida ciid guridda, dhoobo qaadidda, biyo dhuridda iwm.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhukurid
-da: (magac, dhedig, keli) timaha madaxa ka wada xiirid oo dhako malaasan soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuryid
(Dhuuryid-da)
Xanuun dhuuri ah, iska dareemid; dhuuri hayn; kaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuryid
m.f.dh eeg dhuur³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafrid
(Dhafrid-da)
Inta la soojeedo in ka badan soo jeedid; seexasho la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafrid
m.f.dh eeg dhafar³. la-mid: dhafar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafrid
-da: (magac, dhedig, keli) saamalleylid oo hurdo la'aan soo jeedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhagrid
(Dhagrid-da)
Dad, kd. dhagar ku samayn; khatalid; sirid; mardabayn; dagid; hodid; khayaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagrid
m.f.dh eeg dhagar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagrid
vl. n. treason, betrayal, deception
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhagrid
-da: (n) the act of deceiving ~ khayaamid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagrid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, shirqool u samayn oo xeelad iyo khiyaano ku waxyeellayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagrid
de: treason, betrayal, deception rw: dhagar
lx: dhagrid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: dhagrid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharsid
(Dharsid-da)
1. Camashood; xanaaqid; dhirfid; carasho; dhiidhiyid.
2. (oogada dadka) jilcid, debcid gabow daraaddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharsid
m.f.dh eeg dharas².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharsid
f. n. rage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharsid
-da: (magac, dhedig, keli) xanaaqid oo weyrixid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharsid
de: rage
lx: dharsid
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dharsid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawrid
(Dhawrid-da)
1. Xumo ka ilaalin; xannaanayn.
2. Fiirin; u jeedid; eegid.
3. Sugid; korosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrid
m.f.dh eeg dhaw4. la-mid: dhawris, dhawritaan, dhawrmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawrid
vl. n. protecting, care-taking; awaiting, expectance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) ka dhursugid oo wuxu noqon doona isha ku hayn. Dh: sugid.
dhawrid -da: (magac, dhedig, keli) fiirin oo ka dhugasho; eegid oo isha ka buuxsasho. Dh: fiirin.
dhawrid -da: (magac, dhedig, keli) wax jabaya ama meel bugta aayar oo ilaalin. Ishu dhawridda ayay ku roontahay lugtuna dhibidda. Dh: miyirid.
dhawrid -da: (magac, dhedig, keli) u dulqaadasho; cid laga itaal roon yahay u ceesid. Dh: ceesid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhawrid
de: protecting, care-taking; awaiting, expectance
lx: dhawrid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: dhawrid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhergid
(Dhergid-da)
Caloosha cunno ka buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhergid
m.f.dh eeg dhereg³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhirfid
(Dhirfid-da)
Dhirif qabasho; dhiidhiyid; xanaaqid; dharsid; camashood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirfid
m.f.dh eeg dhirif².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirfid
-da: (magac, dhedig, keli) qaadanwaa xumaan laga dhiidhiyo oo laga gadoodo. dhirfoon: (tilmaame) gadood iyo qaadanwaa la kacsan oo la kardhanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoqrid
m.f.dh eeg dhoqor².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhugcid
(Dhugcid-da)
(miro) dhuguc noqosho; aad u bislaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugcid
m.f.dh eeg dhuguc². la-mid: dhuguc¹ (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulrif
m.l (-fyo, m.dh) (jool.) Lisanka dhulka ku dhaca ee ka dhasha dabaylaha, biyaha socda, mase barafka iyaga oo qaadaya waxyaalihii dhulka ka rifmay sida ciidda iyo dhagxaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuubid
(Dhuubid-da)
Wax dhuuban ka dhigid; miiqid; fiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuubid
m.f.dh eeg dhuub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuubid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhuuban oo miliilsan ka dhigid oo dhumuc yarayn. Dh: miliilin, dhumucyarayn.
dhuubid -da: (magac, dhedig, keli) milid oo wax rasiin ah ka dhigid. Dhuubidda sonkorta ma jecli. Dh: qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuugid
(Dhuugid-da)
Afka ama qalab kale, biyo ama wax kaloo shubma ku soo jiidid; nuugid; jaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuugid
m.f.dh eeg dhuug². la-mid: dhuugis, dhuuqid, dhuuqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuugid
-da: (magac, dhedig, keli) faruuryaha ku jaqid. Dh: nuugid, jaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuqid
(Dhuuqid-da)
Subag ama malab ama wax la mid ah, farta ku cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuqid
m.dh la-mid: dhuugid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuuqid
-da: (n) the act licking one's finger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dareere ah far ama wax la mid ah kolba gelin oo kolkii laga muudsadaba ku celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuusid
m.f.dh eeg dhuus².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuusid
-da: (magac, dhedig, keli) dhuuso keenid: neef qadhmuun dabada ka sii dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuxid
(Dhuuxid-da)
1. Dhuuxa lafaha ku jira la bixid; cunid.
2. Hadal ama arrin, aad ugu fiirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuxid
m.f.dh eeg dhuux³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuxid
-da: (magac, dhedig, keli) lafaha subagga ku dhex jira, kala bixid. Laf sagaaro dhuuxid ma leh.
dhuuxid -da: (magac, dhedig, keli) war la sheegay aad u dhugasho oo aad u fahmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shurfid
m.dh la-mid: shirfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuurid
m.f.dh eeg shuur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhud
(Dhud-da)
1. Daliigo miiqan ama soohan, oo inta laysku jebsho, xargaha laga sameeyo, middood.
2. Suuman ama xargo, qalab ka kooban yahay, midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhud
dhud¹: m.dh (-do, m.l) 1. Daliigo miiqan ama soohan, oo inta laysku jebsho, xargaha laga sameeyo, middood. 2. Summan ama xargo qalab ka koobanyahay middood. 3. Maro shan mitir ah. 4. Jirrid dhuuban.
dhud²: m.dh (fiisikis) Fallaadho ileys oo u socda si urursan. Waxa ay ka koobnaan kartaa saxaro (sida, dhud elektaroon) ama kaahin birlab danabeed (sida, hud raadar).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhud
m.dh (fiisikis) Fallaadho ileys oo u socda si urursan. Waxa ay ka koobnaan kartaa saxaro (sida, dhud elektaroon) ama kaahin birlab danabeed (sida, hud raadar).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhud
Beam
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhud
f. n. string, thread
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhud
-da: (magac, dhedig, keli) dunta marka la furfuro qaybaha yaryar ee ay u kala baxdo. Dhud maydhax ah iigu soo dhiib yartaan kuu soo diri doono.
dhud-da: (magac, dhedig, keli) laan geed ku taalla gaar ahaan galoolka.
dhud-da: (magac, dhedig, keli) fallaadho ilays ah oo ka soo jeeda, wax ifaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhud
de: string, thread
lx: dhud
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dhud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhur
(Dhur-ka)
1. Wax wanaagsan oo dhan; khayr; liibaan.
2. Taran; bulaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhur
dhur¹: m.l 1. Taran. 2. Nasiib. 3. Faa'iido.
dhur²: f.g1 (-ray, -rtay) Biyo weel dardarid iyadoo meel kale lagu shubayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhur
dhur¹: m.l 1. Taran. 2. Nasiib. 3. Faa'iido.
dhur²: f.g1 (-ray, -rtay) Biyo weel dardarid iyadoo meel kale lagu shubayo. m.f.dh, dhurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhur
m. n., [collective] good thing, blessing; success
dhur v. scoop up ~ out; use a scoop, spoon ~ ladle
dhur m. n. multiplication, increase; intensification; breed(ing)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhur
-ay / tay: (v) 1. scoop (iskuup); take up with a scoop 2. empty by scooping ~ ka dhur.
u dhuro: dhurtay / dhuratay: (v) behave like or become like. Ex: ha u dhuran sidii reerkiinii; don't behave like your family
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhur
(fal) dareere meel ku jira, weel godan kolba in kaga qaadqaad. Kaalay oo biyaha ila dhur.
dhur -ka: (magac, lab, keli) barako ama biro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duri
duri¹: m.l (-iyo, m.dh) Asal; fir; hidde.
duri²: f.mg1 (-ryay, -riday; -ryi) Hargabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duri
v. catch a cold ~ headcold
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duri
(magac, lab, keli) eeg duray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duri
de: catch a cold ~ headcold
lx: duri
pd: (duryay / duriday)
ps: v1=
syn: hargab
key: duri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dab shididdiisa bilaabid. 2. Dab ololin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dab shididdiisa bilaabid. 2. Dab ololin. m.f.dh, hurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huri
v. kindle (fire); burn ~ ignite something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
huri
-yey / say: (v) 1. start fire; set fire to; stoke (istook); ignite (ignaayt) ~ shid, ololi. 2. incite (inzaayt); provoke (provook); instigate (inistigeeyt) ~ kici
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huri
(fal) dab shid oo ololi. Dh: ololi, noolee, bixi. Li: bakhtii, demi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huri
de: kindle (fire); burn ~ ignite s.t.
lx: huri
pd: (huriyey)
ps: v2a=tr
key: huri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Urid
(Urid-da)
Wax sanku dareemo neecawdu keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urid
m.f.dh eeg ur³.