dhuqdhuqaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuqdhuqaysasho
m.f.dh eeg dhuqdhuqayso. la-mid: dhuqdhuqaysad, dhuqdhuqaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuqdhuqayso
f.g3 (-stay, -satay) Hanti aan badnayn meel si joogto ah uga helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuqdhuqaysad
m.l la-mid: dhuqdhuqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhudhunsasho
m.f.dh eeg dhudhunso. la-mid: dhudhunsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuqdhuqaysi
m.l la-mid: dhuqdhuqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqdhaqsasho
m.f.dh eeg dhaqdhaqso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurdarraysasho
m.f.dh eeg dhurdarrayso. la-mid: dhurdarraysad, dhurdarraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhadhansasho
(Dhadhansasha-da)
Cunno ama wax kale, carrabka gaarsiin si dhadhankooda loo garto ama loo macaansado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhansasho
m.f.dh egg dhadhanso. la-mid: dhadhansad, dhadhansi, dhadhensad, dhadhensasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhadhansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaydhayasho
m.f.dh eeg dhaydhayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuldhaqasho
vl. n., [compound] land conservation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuldhaqasho
de: land conservation
lx: dhuldhaqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f-cmp
key: dhuldhaqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuqmeysasho
m.f.dh dhuqmeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududaysasho
m.f.dh eeg fududayso. la-mid: fudaydsad, fudaydsasho, fudaydsi, fududaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) sahlasashada wax adayg laga filanayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhursasho
m.f.dh eeg hundhurso. la-mid: hundhursad, hundhursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidhaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) neef ari ah shidhaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uduufaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) uduufo wax ka dhigasho, wax liita ka dhigasho. Dh: uduufaysad, uduufaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagdhaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si dhaqso ah wax u samayn oo degdegid. Dh: dhakhsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhansasho
m.dh la-mid: dhadhansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhandhansasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad afka gelisay, macaansasho oo sii dareemid. Dh: dhadhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuudhuumasho
m.dh la-mid: dhuundhuumasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuudhuumasho
-da: (magac, dhedig, keli) kolba meel isku qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaalaysasho
(Dhaqaalaysasha-da)
Si dhaqaale ah u maamulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaalaysasho
m.f.dh eeg dhaqaalayso. la-mid: dhaqaalaysad, dhaqaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaalaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhaqaalaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadhumaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) hal la lisayo, lugaha kala durkin oo gardawaaxsad. Dh: faadhumaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qundhacaysasho
m.f.dh eeg qundhacayso. la-mid: qundhacaysad, qundhacaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuumaalaysasho
m.f.dh eeg dhuumaalayso. la-mid: dhuumaalaysad, dhuumaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuumaalaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhuumaalaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhudhunsanaansho
m.l/dh la-mid: dhudhunsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhudhunsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhudhunsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodhaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) boodh marsad si salaad loo tukado. Dh: goggobaysasho, booraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhaarasho
m.dh la-mid: dhardhaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhadhaarro dhigasho; in cunto la karsado isku diyaarin. Imikaan dhadhaarasho u qababaalayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhensasho
m.dh la-mid: dhadhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammaysasho
m.f.dh eeg dhammayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax is u dhammaystirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhedhensasho
m.dh la-mid: dhadhansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheeraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax gaaban biirsasho oo in ku darsasho. Dh: biirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhillaysasho
(Dhillaysasha-da)
Dhillannimo ku kicid; dhilloobid; sineysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhillaysasho
m.f.dh eeg dhillayso. la-mid: dhillaysad, dhillaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulqaadasho
m.f.dh eeg dhulqaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhunkuxsasho
m.f.dh eeg dhunkuxso. la-mid: dhunkuxsad, dhunkuxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunqabasho
m.f.dh eeg dhuunqabo. la-mid: dhuunqabad (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunqabasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dillaalid oo xoolo gar u xeraysasho. Dhuunqabashadii ayuu ka lacagaystay. Dh: macalqabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geydhaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) geydhe gurasho; midho qadhaadh oo wax lagu aslo oo gaydhe la yidhaahdo soo gurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haldhacsasho
(Haldhacsasha-da)
(ka haldhacsasho) Hadal xog ah oo la qarina hayey, si xirrib ah qof uga soo ridasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhacsasho
m.f.dh eeg haldhacso. la-mid: haldhacsad, haldhacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadal sir ah oo la qarinayey si xeelad ah qof uga soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haldhansasho
m.f.dh eeg haldhanso. la-mid: haldhansad, haldhansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sadaqaysasho
(Sadaqaysasha-da)
Sadaqo u baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sadaqaysasho
m.f.dh eeg sadaqayso. la-mid: sadaqaysad, sadaqaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadaqaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) Alle dartii maal u baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shushubsasho
m.f.dh eeg shushubso. la-mid: shushubsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daruuraysasho
m.f.dh eeg daruurayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daruuraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) fad iyo daruuro yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darxumaysasho
m.f.dh eeg darxumayso. la-mid: darxumaysad, darxumaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darxumaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) darxumo iyo dhib qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabataysasho
(Dhabataysasha-da)
Qumanyaysasho; ilayn; cawryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabataysasho
m.f.dh eeg dhabatayso. la-mid: dhabataysad, dhabataysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhandhensasho
m.dh la-mid: dhadhansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhardhaarasho
(Dhardhaarasha-da)
Dhardhaar u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhardhaarasho
m.f.dh eeg dhardhaaro. la-mid: dhadhaarad, dhadhaarasho, dhadhaarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawrtaysasho
(Dhawrtaysasha-da)
1. Dhawrto dadka ka uruursasho, raadsasho; baryootan.
2. Dhawrto u baxsasho; sadaqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrtaysasho
m.f.dh eeg dhawrtayso. la-mid: dhawrtaysad, dhawrtaysi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhawrtaysasho
-da: (n) alms-seeking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinacaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac keliya ka isticmaalid; mar walba xag keliya ka joogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhataysasho
-da: (magac, dhedig, keli) boob iyo dhac gaysasho; wax aanad lahayn bililiqaysasho. Dh: bililiqaysasho, farataysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuqfuuqsasho
(Fuuqfuuqsasha-da)
Dhawr jeer fuuqsasho, siiba iyadoo weel naas leh laga cabba hayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqfuuqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo yar oo hadhay, neefta ku soo jiidasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurtumaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) kurtun yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubdhacsasho
m.f.dh eeg xuubdhacso. la-mid: xuubdhacsad, xuubdhacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubdhacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xuubka sare iska bedelid oo xuub siibasho. Masku caan ayuu ku yahay xuubdhacsashada. Dh: xuubdhacsi, xuubsiibad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiidhiibsasho
(Dhiidhiibsasha-da)
Labada lugood oo horay loo fidiyo, iyadoo la fadhiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiidhiibsasho
m.f.dh eeg dhiibdhiibso. la-mid: dhiidhiibsad, dhiidhiibsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiidhiibsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhidhiibsi u fadhiisasho; fadhi dhidhiibsi ah fadhiisasho. Dh: dhidhiibsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirirtaysasho
m.f.dh eeg dhirirtayso. la-mid: dhirirtaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuudhuumashow
m.l la-mid: dhuundhuumashow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuun hubsasho
n. phr. test-tube
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuun_hubsasho
de: test-tube
lx: dhuun hubsasho
ps: np
key: dhuun_hubsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundhuumasho
m.f.dh eeg dhuundhuumo. la-mid: dhuudhuumasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhuumasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhuudhuumasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qondhacaysasho
m.f.dh eeg qondhacayso. la-mid: qondhacaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guuldarraysasho
(Guuldarraysasha-da)
Dagaal ama tartan ku jabid; guuldarraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuldarraysasho
m.f.dh eeg guuldarrayso. la-mid: guuldarraysad, guuldarraysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guuldarraysasho
vl. n. being defeated, state of defeat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuldarraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) dagaal ama tartan ku jabid; guuldarraysasho.
guuldarraysasho -da: (magac, dhedig, keli) tartan ama dagaal ku guulaysan waayid. Guuldarraysasho looma niyad jabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guuldarraysasho
a: guuldarraysad (ka) [vn2-m], guuldarraysi (ga) [vn2a-m]
de: being defeated, state of defeat
lx: guuldarraysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: guuldarraysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayladhufaanasho
m.f.dh eeg dhayla-dhufaano. la-mid: dhayladhufaanad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulballaarsasho
m.dh la-mid: dhulballaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulballaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dal dad kale ku duulid oo qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhursanaansho
m.l/dh la-mid: hundhursanaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
rikoodh haysasho
to hold a record
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidhaansasho
m.f.dh eeg bidhaanso. la-mid: bidhaansad, bidhaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax muuqda eegashada muuqaalkiisa. Bidhaansasho ayuu ku daba socdaa awrta. Dh: bildhaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butuluqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kaa miisaan weyn oo culus dusha ku qaadasho oo la butuluqsasho. La butuluqsasho ayaan bakhaarkan ku keenay mandadda hadhuudhka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaqabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) baabuurta socota oo ciyaalku xagga dambe qarsoodi ku qabsadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddaansasho
daddaansasho¹: m.dh la-mid: dandaansasho.
daddaansasho²: m.f.dh egg daddaanso. la-mid: daddaansad, dandaansad, dandaansasho.