dhumin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumin
m.f.dh eeg dhumi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumin
-ta: (magac, dhedig, keli) hallayn oo wax la waayay ka dhigid. Lacagta waan kuu dhiibi lahaaye dhumin baan ka baqayaa. Dh: hallayn, lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumbin
m.dh la-mid: yumbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumbin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel wada gelin; ku wada limmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax baadiyeyn. 2. Biyo weel dardarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax baadiyeyn. 2. Biyo weel dardarid. m.f.dh, dhumin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhumi
v. lose intentionally, cause the loss of
dhumi v. scoop up ~ out (usually liquid)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhumi
-yey / say: (v) fail to find; lose (luus); waste (weeyst) ~ khasaari ~ lumin Ex: fursad baan dhumiyey; I wasted an opportunity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumi
(fal) hallee oo wax la waayay ka dhig. Dh: hallee, lumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dumin
(Dumin-ta)
Wax dhisan (aqal, kd.) oo la jebsho, la soo rido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumin
m.f.dh eeg dumi. la-mid: dumis¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dumin
-ta: (n) destruction (dis-tarak-shin); demolition (dhe-mi-lishin); tearing apart ~ burburin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dumin
Demolizione
Demolition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumin
-ta: (magac, dhedig, kali) dhisme taagnaa, burburin ama baabi'in. Wax dumin way fudduddahay wax dhisidna way cululstahay. Li: dhisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg humid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimin
m.dh la-mid: damqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhumid
(Dhumid-da)
Wax la waayey noqosho; hallaabid; habaabid; lumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumid
m.f.dh eeg dhun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumid
-da: (magac, dhedig, keli) hallaabid oo wax la waayay noqosho. Wiilka yari magaalada ma garanayee dhumidda ka ilaali. Dh: hallaabid, lumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhusin
-ka: (magac, lab, keli) dhulka xaggiisa hoose ee kaydisa nacfiga biyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhutin
(Dhutin-ta)
Qof ama nafley kale oo lug la', socodkiisa; heetin; (ama dhitin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhutin
m.f.dh eeg dhuti. la-mid: dhitin, dhitis, dhutis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhutin
vl. n. limping, lameness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhutin
-ta: (n) limpness (limp-nes); flabbiness (falaabi-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhutin
-ta: (magac, dhedig, keli) lug ka hoombin oo ka laangadhayn. Dh: dhitin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhutin
cf: heeti, muurri
de: limping, lameness
lx: dhutin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: dhutin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shumin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhunkasho. Dh: dhunkasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbin
(Anbin-ta)
Jid ama meel ka habaabin; dhumin; lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxalwareeji
f.g2 (-iyay, -isay) Cid wax ay dhaxal u lahayd ka dhumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawaanraaci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Xoolo badan didin. 2. Wax dhumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunajebi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof sharaf iyo qiimo uu lahaa ka dhumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiisadhac
f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Ka x.: wax rabiddooda dhumin; xiiso wax loo qabay lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoor
xoor¹: m.l (-rar, m.l) 1. Bahal dabacaddaha la bah ah; wuxuu leeyahay dhogor adag oo duf ah oo bey ah; aad wuxuu u laayaa halaqa, jiirka, kd., fudaydna looma dili karo. 2. la-mid: xoor 2 (2).
xoor²: m.dh 1. Xumbo cad oo caanaha la lisay yeeshaan. 2. la-mid: xoor 1 (2). Magac xiddigood.
xoor³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax tuurid. 2. Wax dhumin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muunajebi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof sharaf iyo qiimo uu lahaa ka dhumin. m.f.dh, muunajebin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiisadhac
f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Ka x.: wax rabiddooda dhumin; xiiso wax loo qabay lumin. m.f.dh, xiisadhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoor
xoor¹: m.l (-rar, m.l) 1. Bahal dabacaddaha la bah ah; wuxuu leeyahay dhogor adag oo duf ah oo bey ah; aad wuxuu u laayaa halaqa, jiirka, kd., fudaydna looma dili karo. 2. la-mid: xoor ²: .
xoor²: m.dh 1. Xumbo cad oo caanaha la lisay yeeshaan. 2. la-mid: xoor ¹: . Magac xiddigood.
xoor³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax tuurid. 2. Wax dhumin. m.f.dh, xoorid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dally
/dhaali/ (v) waqti-dhumin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dawdle
/dhodhal/ (v) 1. gaabin (dhuukubid) (v) 2. waqti-dhumin (aayar wax u samayn).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
goof off
/guuf-of/ (n) 1. waqti-dhumis (v) 2. waqti-dhumin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hang out
/haang-awt/ (v) waqti ku-dhumin, ku war-wareegid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
kill
/kil/ (v) 1. dil (gudha ka jarid) 2. waqti dilid (waqti dhumin) e.g. kill time. 3. laba shimbirood hal dhagax ku dilid (laba natiijo hal ficil ka helid). e.g. Kill two birds with one stone.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
loaf
/lowf/ (n) 1. rooti weyn (hal xabbo oo aad u weyn) 2. waqti dhumin; waqti khasaarin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lose
/luus/lost; (v) 1. dhumin; lumin 2. khasaarid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lounge about
/ (around)/ (v) waqti dhumin (iska war-wareegid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
niggle
/nigal/ (v) 1. waqti badan ku dhumin (siiba wax aan micna weyn lahayn) 2. wareerin ama welwel gelin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
poke along
/powk alon/ (v) waqti dhumin (caajisnimo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaamin
(Dhaamin-ta)
1. Dhaan kaxayn.
2. Afka ka joojin; buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaamin
m.f.dh eeg dhaami. la-mid: dhaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) reer biyo u doonid oo aroorid.
dhaamin -ta: (magac, dhedig, keli) weel, buuxin oo daf ka siin. Dh: buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacmin
m.f.dh eeg dhacmi. la-mid: dhacamin, dhacamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacmin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aad u fogayn. Dhacminta ka daa wuu hallaabiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiimin
m.f.dh eeg dhiimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiimin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar midab bixin; liinbixin oo midabkiisii ka fasiqid. Dh: fasiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhimrin
(Dhimrin-ta)
Jimic u gelid; u turid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimrin
m.f.dh eeg dhimri. la-mid: dhimris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimrin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, fududayn oo si debecsan ula dhaqmid; si naxariisi ku jirto ula tacaamulid. Dh: miyirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuftin
(Dhuftin-ta)
Dhufad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuftin
m.dh la-mid: dhifsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuftin
vl. n. jerking, snatching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuftin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhufad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuftin
de: jerking, snatching
lx: dhuftin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhuftin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhulman
(Dhulman-ta)
Dabool ama gun adag oo nafleyda yaryar oo badda qaarkeed samaysato oo ku gudajirto: waa qalbac ama labo qalbac oo isku aabburan oo aan sida bocosha u duubnayn ee fidsan; dhonbol; (ama dhulmad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulman
m.dh (-no, m.l) Qolof adag fidsan, laba qalbac ah oo nafleyda yaryar ee baddu ku dhex nooshahay. la-mid: dhulmad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulman
f. n. shell, seashell, bivalve, conch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulman
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhulmad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulman
de: shell, seashell, bivalve, conch
lx: dhulman
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: dhulman
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhumi_1
cf: dhun
de: lose intentionally, cause the loss of
hm: 1
lx: dhumi
pd: (dhumiyey)
ps: v2a=tr
key: dhumi_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhumi_2
de: scoop up ~ out (usually liquid)
hm: 2
lx: dhumi
pd: (dhumiyey)
ps: v2a=tr
syn: dhur
key: dhumi_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhunjin
(Dhunjin-ta)
Liqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhunjin
m.f.dh eeg dhunji. la-mid: dhunjis, dhunxin, dhunxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhunjin
-ta: (magac, dhedig, keli) hunguriga marin oo caloosha u dhaafin. Dh: liqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhunxin
m.dh la-mid: dhunjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurmid
m.f.dh eeg dhuran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuujin
(Dhuujin-ta)
Xoog u qabasho; adkayn; xajin; giijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuujin
m.f.dh eeg dhuuji. la-mid: dhuujis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuujin
-ta: (n) the act of tightening
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhuujin
Stringimento
To tighten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) giijin oo dabacsanaanta ka bi'in. Dh: giijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuukin
(Dhuukin-ta)
Aayar socosho hadba lug la qaado; gaatamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuukin
m.f.dh eeg dhuuki. la-mid: dhuukis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuukin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhuuqdhuuqsasho oo adoo isgaabinaya socosho. Dh: dhukusid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Drumlin
Gunburbaraf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shummin
m.dh la-mid: shummayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shummin
vl. n. kiss, act of kissing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shummin
-ta: (n) the act of kissing ~ shummis, dhunkasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shummin
-ta: (magac, dhedig, keli) labada faruuryood oo kalkacayl ahaan loo saaro meel ka mid ah jidhka qof kale...
shummin -ta: (magac, dhedig, keli) dhunkasho, shumis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shummin
a: shummayn
de: kiss, act of kissing
initial: s
lx: shummin
pd: (-ta Pl: shushummin (ta))
ps: vn8-f
key: shummin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhin
f.g1 (-imay, -intay; -imi) Wax intay ahaayeen in yar ka goyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhin
f.g1 (-imay, -intay; -imi) Wax intay ahaayeen in yar ka goyn. m.f.dh, dhimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhin
v. reduce, lessen, curtail, diminish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhin
-dhimay / dhintay: (v) 1. cut (kat), reduce the size; reduce (ridhiyuus): discount (dis-kawnt) ~ yaree. Ex: Fadlan qiimaha wax ka dhin; Please make a discount on the cost [the price], 2. do (dhuu); carry out; commit. Ex: maxaan kuu dhimay? what did I do to you?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhin
(fal) intii la rabay, ka yaree; weel ha buuxin. Li: buuxi.
dhin: (fal) ha buuxine in ka nusqaami. Dh: inqi.
dhin: (fal) (wax u ~) waxyeello u geyso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhin
de: reduce, lessen, curtail, diminish
lx: dhin
pd: (dhimay)
ps: v1=
see: isdhin
key: dhin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhun
f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Wax baadiyoobay ama hallaabay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhun
f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Wax baadiyoobay ama hallaabay noqosho. m.f.dh, dhumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhun
v. be ~ get lost, lose one's way
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhun
-dhumay / dhuntay: (v) 1. lose (luus) ~ xoor. Ex: furihii baa iga dhumay; I lost the key. 2. be lost; get lost (luus); be unable to find one's way ~ lun [lumay]. Ex: ilmihii dhumay; the lost child. 3. waste (weeyst); fail to take advantage of or use for profit ~ khasaar & wakhti badan baa iga dhumay; I have wasted [lost] a lot of time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhun
(fal) hallaw; habaw; lun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhun
cf: dhumi
de: be ~ get lost, lose one's way
lx: dhun
pd: (dhumay)
ps: v1=intr
key: dhun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dhisme burburin. 2. Dhisme furfurid.