dhumbin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumbin
m.dh la-mid: yumbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumbin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel wada gelin; ku wada limmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumbi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: yumbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumbi
(fal) wax meel wada geli; ku wada limmi. Wiilka yar badda ha dhumbin. Dh: muquur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumin
m.f.dh eeg dhumi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumin
-ta: (magac, dhedig, keli) hallayn oo wax la waayay ka dhigid. Lacagta waan kuu dhiibi lahaaye dhumin baan ka baqayaa. Dh: hallayn, lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax baadiyeyn. 2. Biyo weel dardarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhumi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax baadiyeyn. 2. Biyo weel dardarid. m.f.dh, dhumin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhumi
v. lose intentionally, cause the loss of
dhumi v. scoop up ~ out (usually liquid)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhumi
-yey / say: (v) fail to find; lose (luus); waste (weeyst) ~ khasaari ~ lumin Ex: fursad baan dhumiyey; I wasted an opportunity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumi
(fal) hallee oo wax la waayay ka dhig. Dh: hallee, lumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dumin
(Dumin-ta)
Wax dhisan (aqal, kd.) oo la jebsho, la soo rido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumin
m.f.dh eeg dumi. la-mid: dumis¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dumin
-ta: (n) destruction (dis-tarak-shin); demolition (dhe-mi-lishin); tearing apart ~ burburin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dumin
Demolizione
Demolition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumin
-ta: (magac, dhedig, kali) dhisme taagnaa, burburin ama baabi'in. Wax dumin way fudduddahay wax dhisidna way cululstahay. Li: dhisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubin
(Hubin-ta)
(war, arrin) runteeda gaarid; shaki ka bixin; salgaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubin
m.f.dh eeg hubi.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HUBIN
Accertamento
Ascertainment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubin
-ta: (magac, dhedig, keli) war ama arrin jiriddeeda ka sal gaadhid. Dh: xaqiijin, hubsasho, hubsiimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg humid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimin
m.dh la-mid: damqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumbo
f.mg3 (-baday, -batay) la-mid: yumbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhumbo
v. dive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhumbo
-day / tay: (v) dive (daayv); plunge (palaanji) into water, especially headfirst ~ quus, tiimbo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumbo
(fal) biyo fadhiya muquuro. Dh: limmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhumbo
a: yumbo
de: dive
lx: dhumbo
pd: (dhumbaday)
ps: v3a=intr
syn: quus
key: dhumbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhumid
(Dhumid-da)
Wax la waayey noqosho; hallaabid; habaabid; lumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumid
m.f.dh eeg dhun.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumid
-da: (magac, dhedig, keli) hallaabid oo wax la waayay noqosho. Wiilka yari magaalada ma garanayee dhumidda ka ilaali. Dh: hallaabid, lumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhusin
-ka: (magac, lab, keli) dhulka xaggiisa hoose ee kaydisa nacfiga biyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhutin
(Dhutin-ta)
Qof ama nafley kale oo lug la', socodkiisa; heetin; (ama dhitin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhutin
m.f.dh eeg dhuti. la-mid: dhitin, dhitis, dhutis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhutin
vl. n. limping, lameness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhutin
-ta: (n) limpness (limp-nes); flabbiness (falaabi-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhutin
-ta: (magac, dhedig, keli) lug ka hoombin oo ka laangadhayn. Dh: dhitin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhutin
cf: heeti, muurri
de: limping, lameness
lx: dhutin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: dhutin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hulbin
(Hulbin-ta)
Hawl degdeg u qabasho; wax gurgurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulbin
m.f.dh eeg hulbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulbin
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl, degdeg u qabasho, u gurgurid.
hulbin -ta: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah marin. Hulbinta ka daa waxaraha yaryar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
humain
humain, adj. - bani'aadam.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kumbin
m.f.dh eeg kumbi. la-mid: yumbin. la-mid: kumbis (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo wada gelin oo quusin. Dh: kumbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shumin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhunkasho. Dh: dhunkasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yumbin
m.f.dh eeg yumbi. la-mid: dhumbin, kumbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbin
-ta: (magac, dhedig, keli) muquurid oo biyaha dhex quusin. Wilku yumbinta wuu nacaa Dh: muquurid, quusin, limmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharbin
(Dharbin-ta)
1. Qoyaan dharabkoo kale ah u yeelid; biyo yar ku darid; biifid.
2. (xoolaha la lisayo) dharaq ku reebid; dharqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbin
m.dh 1. la-mid: dharbis. eeg dharbi. 2. la-mid: dharqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbin
-ta: (magac, dhedig, keli) laxoox ama wax kale, biyo, shaah, maraq iyo wax la mid ah ku qoyn oo ka dhergin. Laxooxda dharbin la'aan laguma cuno. Dh: qoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibin
m.f.dh eeg dhiibi. la-mid: dhiibis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiibin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhabarka deri u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimbil
m.dh (-lo, m.l) 1. Dhulux yar oo nool (dab leh). 2. Raydabka mirihiisa curadka ah. la-mid: dhimbiil.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhimbil
m.dh (-lo, m.l) 1. Dhulux yar oo nool (dab leh). 2. Raydabka mirihiisa curadka ah. la-mid: dhimbiil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhimbil
f. n. spark (from a fire); flash
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhimbil
nickname; name-m flash; spark; live ember(s)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhimbil
-dhimbisha: (n) spark (ispaarkf, ember (im-ber) ~ dhinbil
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhimbil
a: dhinbil ~ dhinbiil
de: spark (from a fire); flash
lx: dhimbil
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: dhimbil
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhimbil
شَرَرَة، شَرَارَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhimrin
(Dhimrin-ta)
Jimic u gelid; u turid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimrin
m.f.dh eeg dhimri. la-mid: dhimris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimrin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, fududayn oo si debecsan ula dhaqmid; si naxariisi ku jirto ula tacaamulid. Dh: miyirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuftin
(Dhuftin-ta)
Dhufad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuftin
m.dh la-mid: dhifsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuftin
vl. n. jerking, snatching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuftin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhufad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuftin
de: jerking, snatching
lx: dhuftin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhuftin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumbad
m.l la-mid: yumbasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumbad
-ka: (magac, lab, keli) muquurasho biyaha la wada quuso. Dh: limmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhunjin
(Dhunjin-ta)
Liqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhunjin
m.f.dh eeg dhunji. la-mid: dhunjis, dhunxin, dhunxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhunjin
-ta: (magac, dhedig, keli) hunguriga marin oo caloosha u dhaafin. Dh: liqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhunxin
m.dh la-mid: dhunjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuban
Aan buurreyn oo ballaarrayn; miiqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax baaxaddiisa la yareeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuuban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax baaxaddiisa la yareeyey ahaansho. m.f.dh, dhuubnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuuban
der. [adjective] thin, narrow, slim, slender
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhuuban
nickname-f slender and proportionate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuuban
-dhuubnaa / dhuubnayd:, (adj) slender (islendher); slim (isliim)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhuuban
Snello
Slim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuban
(fal) sonkor, milix iyo wixii la mid ah, oo biyo ku milan si resiin ah.
dhuuban: (tilmaame) miliilsan oo aan buurnayn. Wiil dhuuban ayaa baabuurka wada. Li: buuran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuuban
de: thin, narrow, slim, slender
lx: dhuuban
pd: (dhuubnaa Pl: dhuudhuuban)
ps: adj-der
xe: You are not slim. Opp: buuran, shilis
xv: Maad dhuubnid.
key: dhuuban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuubid
(Dhuubid-da)
Wax dhuuban ka dhigid; miiqid; fiiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuubid
m.f.dh eeg dhuub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuubid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhuuban oo miliilsan ka dhigid oo dhumuc yarayn. Dh: miliilin, dhumucyarayn.
dhuubid -da: (magac, dhedig, keli) milid oo wax rasiin ah ka dhigid. Dhuubidda sonkorta ma jecli. Dh: qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuujin
(Dhuujin-ta)
Xoog u qabasho; adkayn; xajin; giijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuujin
m.f.dh eeg dhuuji. la-mid: dhuujis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuujin
-ta: (n) the act of tightening
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhuujin
Stringimento
To tighten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) giijin oo dabacsanaanta ka bi'in. Dh: giijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuukin
(Dhuukin-ta)
Aayar socosho hadba lug la qaado; gaatamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuukin
m.f.dh eeg dhuuki. la-mid: dhuukis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuukin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhuuqdhuuqsasho oo adoo isgaabinaya socosho. Dh: dhukusid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Drumlin
Gunburbaraf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shummin
m.dh la-mid: shummayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shummin
vl. n. kiss, act of kissing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shummin
-ta: (n) the act of kissing ~ shummis, dhunkasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shummin
-ta: (magac, dhedig, keli) labada faruuryood oo kalkacayl ahaan loo saaro meel ka mid ah jidhka qof kale...
shummin -ta: (magac, dhedig, keli) dhunkasho, shumis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shummin
a: shummayn
de: kiss, act of kissing
initial: s
lx: shummin
pd: (-ta Pl: shushummin (ta))
ps: vn8-f
key: shummin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimbiil
m.dh la-mid: dhimbil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimbiil
-sha: (magac, dhedig, keli) dhuxul dab ah oo baxaysa oo nool. Dhimbiil ayaan soo qaaday.
dhimbiil-sha: (magac, dhedig, keli) midho gal yar oo ballaadhan ku jira oo ka baxa geedaha sida galoolka iyo qudhaca. Dh: hinbiliil.