dhulub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhulub
(Dhulub-ka)
Koob yaroo aan dheg lahayn; murbaale; bilaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulub
m.l (-byo, m.dh) Koob yar oo aan dheg lahayn; bilaale, murbay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulub
m. n. cup without handles
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulub
-ka: (magac, lab, keli) weel yar oo shaxan dhululubo leh oo aan dheg la qabto lahayn. Dhulubka shaah ha iigu shubin. Dh: burjuq, murbaale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulub
cf: koob
de: cup without handles
lx: dhulub
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: dhulub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuub
(Dhuub-ka)
1. Waxyaalo dhawr ah oo laysku xiray ama laysku duubay; xirmo.
2. Daliig mayrax ah ama wax la mid ah.
3. Sacab muggi; dhererto; xantoobo.
4. Ubaxa docihiisa middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuub
dhuub¹: m.l (-bab, m.l) 1. Daliig mayrax ama xaskul ah. 2. Laa barshin oo caw ah oo isku xiran. 3. Sacab muggiis oo badar, sonkor iyo wixi lamida ah. 4. Mid ka mid ah ubaxa docihiisa.
dhuub²: m.dh Dhenged.
dhuub³: f.g1 (-bay, -btay) Wax baaxaddiisa yaryar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuub
m.l (-bab, m.l) 1. Daliig mayrax ama xaskul ah. 2. Laa barshin oo caw ah oo isku xiran. 3. Sacab muggiis oo badar, sonkor iyo wixi lamida ah. 4. Mid ka mid ah ubaxa docihiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuub
m. n. thin person, long narrow object
dhuub v. bind long ~ thin objects together, bundle
dhuub m. n. bundle (of long ~ thin items); handful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuub
-ay / tay: (v) make longer, slender and round; attenuate (a-ten-yu-weeyt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuub
(fal) wax dhuuban oo aan buurnayn ka dhig. Birta dhuub oo mudac le'ekeysii. Dh: miiq.
dhuub: (fal) sonkor, milix iyo wixii la mid ah, biyo ku mil oo resiin ka dhig. Sonkor noo dhuub. Dh: tariib.
dhuub -ka: (magac, lab, keli) liillan maydhax ah oo aan weynayn. Hoo dhuubka maydhaxda ah ii calali.
dhuub -ka: (magac, lab, keli) laacasha iyo faraha oo la soo goday lagu qaadi karo; sacab muggii. Dh: sacab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shulub
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dalab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
annilliid
-da: (magac, dhedig, keli) faylam ka mid ah lafdhabarla'da oo ka kooban goryaano maraaraysan. Wuxuu leeyahay jidh jilicsan oo dhulubaysan kaas oo ay ka muuqdaan maraaryo. Dh: dirxidhuleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhululub
m.dh (-byo, m.dh) (xisaab) Adke ku soohdimaysan dul dhululubaysan iyo laba sallax oo barbarro ah, ama dusha adkahan oo kale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhululub
m.dh (-byo, m.dh) (xisaab) Adke ku soohdimaysan dul dhululubaysan iyo laba sallax oo barbarro ah, ama dusha adkahan oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhudhub
(Dhudhub-ta)
1. Meel la maro oo ciriiri ah.
2. Waddo buuro isu dhow dhex marta oo dhib lagu mari karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhudhub
f. n. impassable place; narrow valley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhudhub
-ta: (magac, dhedig, keli) laag ka dhex dillaacda meel buuraley ah ama meel cidhiidhi ah oo aan laga bixi karin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhudhub
bw: sakal, shakal
de: impassable place; narrow valley
lx: dhudhub
pd: (-ta)
ps: n2a-f, n1-f
syn: jiqjiq
key: dhudhub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhukubo
m.dh Qiimaha iyo anfaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhullux
m.l la-mid: dhullax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhullux
-a: (magac, lab, keli) eeg dhullax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dululub
(Dululub-ka)
Hoobad; qulul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dululub
m.l (-byo, m.dh) Meel hoobad ah oo biyuhu ayan ku hakan karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dululub
v. run down a slope; disappear ~ be absorbed quickly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dululub
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere meel ku gembin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dululub
bw: qulul
de: run down a slope; disappear ~ be absorbed quickly
lx: dululub
nt: dululub (ka) [vn2a-m]
pd: (dululubay)
ps: v1=
key: dululub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhul
(Dhul-ka)
1. Meeraha korkiisa dadku deggan yahay oo ku nool yahay: xagga weynaanta waa meeraha shanaad, xagga qorrax xigiddana waa kan saddexaad; wuxuu u dhexeeyaa Waxaraxirta (Sahra) iyo Farrarre (Mariikh).
2. Dhulka intiisa negi oo engegan oo aan baddu fadhiyin.
3. Dhul kooban oo seere la yaqaan leh.
4. Ciidda aynnu cagaha ku haynno; duni; adduun; arlo; carro; if.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhul
m.l (-lal, m.l) 1. Meeraha dadku dushiisa ku nool yahay. 2. Barri. 3. Dal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhul
m.l (-lal, m.l) 1. Meeraha dadku dushiisa ku nool yahay. 2. Barri. 3. Dal.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul
Earth
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dhul
pr. n., loc. Earth (our world ~ the third planet)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhul
m. n. country, land; homeland, fatherland; earth, dirt, soil, ground
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhul
-ka: (n) 1. land (laandh); territory (tere-tori); country ~ wadan. 2. earth (eerath) ground (grawndh); soil (sooyl) ~ ciid
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhul
Terra
Land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhul
-ka: (magac, lab, keli) dunida ballaadhan ee aan ku dhaqannahay, xiddigga keliya ee biyo iyo hawo leh ee noole dul degi karo ama lagu dul noolaan karo. Dh: arlo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhul
de: disease of camels
lx: dhul
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: dhul
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhul
أرض
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuu
(Dhuu-ga)
Dharka haragga laga sameeyo; qayraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuu
m.l (-uuyo, m.dh) Harag jilicsan oo waayadii hore dhar laga dhigan jiray. la-mid: dhugi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuu
m. n. garment made of leather
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuu
-ga: (n) primitive leather wear [clothing]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuu
de: garment made of leather
lx: dhuu
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: qayraan
key: dhuu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duub
(Duub-ka)
Maro dhuuban oo si gaar ah loo sameeyey oo loo qurxiyey oo raggu madaxa ku xirto; cimaamad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duub
duub¹: m.l (-bab, m.l) 1. Maro yar oo si gaar ah madaxa loogu xirto. 2. D. ah: xirmo tubaako, dhis, gaarso iyo wixi lamida ah.
duub²: f.g1 (-bay, -btay) Xoolo si loo kaxeeya meel isugu keenid.
duub³: f.g/mg1 (-bay,-btay) 1. (f.g) Dermo, maro, xarig iyo wixi lamida dhowr jeer isku-dulwareejin. 2. (f.g) Nabar gaarso ku marid. 3. Cid boqrid. 4. Cajalad, hadal, hees, iyo wixi lamida ku sajalid. 5. (f.g) Xoolo si ay u dheereeyaan u kaxayn. 6. (f.g) Xoolo jihaday u socdeen ka leexin. 7. (f.mg) Isk u d.: qof ku dhegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duub
duub¹: m.l (-bab, m.l) 1. Maro yar oo si gaar ah madaxa loogu xirto. 2. Nin beeshiisi u soo dooratay in uu madax u noqdo; boqor, ugaas, suldaan, malaaq iyo wixi lamida. 3. D. ah: xirmo tubaako, dhis, gaarso iyo wixi lamida ah.
duub²: f.g/mg1 (-bay,-btay) 1. (f.g) Dermo, maro, xarig iyo wixi lamida dhowr jeer isku-dulwareejin. 2. (f.g) Nabar gaarso ku marid. 3. Cid boqrid. 4. Cajalad, hadal, hees, iyo wixi lamida ku sajalid. 5. (f.g) Xoolo si ay u dheereeyaan u kaxayn. 6. Xoolo si loo kaxeeya meel isugu keenid. 7. (f.g) Xoolo jihaday u socdeen ka leexin. 8. (f.mg) Isk u d.: qof ku dhegid. m.f.dh, duubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duub
v. fold, roll up, wind; put a turban on; appoint as king ~ leader, crown; wrap ~ tie up; bandage
duub m. n. turban
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DUUB
(Dob) N Bothriochloa insculpta (A.Rich.) A. Camus. Gramineae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duub
-ay / tay: <v) 1. roll (root); wrap (raap); fold (fooldh) ~ laab, galool. 2. record (rikoordh). Ex: cajalad ku duub; with tape
duub: -ka: (n) 1. roll (rowl); something rolled up ~ galool. Ex: laba duub ii soo dhiib; sei I me two rolls. 2. turban (toorban) Ex:, duub cad; white turban
duub: -ay / tay: (v) wrap up (raap ap); enfold (enfooldh)-, fold (fooldh)-, roll (rooZ)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duub
(fal) wax fidsan isku laablaab. Aloolka duub oo meel ku tiiri. Dh: giringiri. Li: fidi.
duub -ka: (magac, lab, keli) cimaamad iyo wixii la mid ah oo raggu madaxa ku duubtaan. Culimadii hore waxa lagu yaqiin duub.
duub -ka: (magac, lab, keli) bir wareegsan oo gacanta dumarku gashado inta badanna ka samaysan naxaas. Inanta duub u geli oo da'deed raaci. Dh: jijin.
duub -ka: (magac; lab, keli) nin beeshiisu u soo dooratay inuu madax u noqdo oo uu u taliyo. Dh: bogor, hoggaandhaqameed, malaaq, wabar, ugaas, suldaan, islaam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuf
-ka: (magac, lab, keli) dhagaculays uu maqalku adkaado.
dhuuf -ka: (magac, lab, keli) dareere isjiidanaya oo ka soo baxa labada dul ee sanka. Dh: duuf, siin.
dhuuf -ka: (magac, lab, keli) neef aan la xalaalayne, iskiisa u dhintay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuug
(Dhuug-ga)
Cayayaan duula oo qaniinyo kulul oo geela cuna; gendi; riibi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuug
dhuug¹: m.l.u Cayayaan ay fowfowlaha isku bahyihiin, leh af dhuuban oo uu dhiigga xoolaha kaga nuugo, geeluna dhukaanka ka qaado.
dhuug²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Biyo iyo wixi lamida afka ama qalab kale, ku soo jiidid. 2. Sigaar cabid. la-mid: dhuuq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuug
dhuug¹: m.l.u Cayayaan ay fowfowlaha isku bahyihiin, leh af dhuuban oo uu dhiigga xoolaha kaga nuugo, geeluna dhukaanka ka qaado.
dhuug²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Biyo iyo wixi lamida afka ama qalab kale, ku soo jiidid. 2. Sigaar cabid. m.f.dh, dhuugid. la-mid: dhuuq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuug
m. n., [collective] tse-tse fly
dhuug v. sip, suck in, inhale; smoke (tobacco)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuug
-ga: (n) tsetse fly, also tzetze fly; a two-winged bloodsucking African fly
dhuug -ay / tay: (n) suck (sak); suckle (sakal); absorb (ab soorb) ~ nuug, dhuuq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuug
(fal) nuug. Dhuug naaska. Dh: jaq.
dhuug-ga: (magac, lab, keli) cayayaan diqsiga waaweyn u eg oo waxa uu qaniino dhiigga ka jaqa. Dh: gendi, riibi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuh
hu' ama maro haragga riyaha ka sameysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuun
1. (Dhuun-ka) Naf; ruux; qof.
2. (Dhuun-ta) a) Ul ama bir dhuuban ama wax kaloo la mid ah oo dhexda ka daloola oo biyaha iyo wixii la mid ahi dhex maraan. b) Hunguriga cad; cunaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuun
dhuun¹: m.l 1. Caano si aad ah u suusacay. 2. Malax. 3. Dh.kayga, dh.kaaga iyo wixi lamida: naftayda, naftaada iyo wixi lamida.
dhuun²: m.dh (-uumo, m.l) 1. Tuubada cuntada caloosha geysa; hunguri. 2. Bir, caag iyo wixi lamida dhexda ka daloola, oo hooraha lagu nuugo. 3. Jid toosan oo dhuuban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuun
dhuun¹: m.l 1. Caano si aad ah u suusacay. 2. Malax. 3. Dh.kayga, dh.kaaga iyo wixi lamida: naftayda, naftaada iyo wixi lamida.
dhuun²: m.dh (-uumo, m.l) 1. Tuubada cuntada caloosha geysa; hunguri. 2. Bir, caag iyo wixi lamida dhexda ka daloola, oo hooraha lagu nuugo. 3. Jid toosan oo dhuuban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuun
m. n., [abstract] life
dhuun [feminine] n. reed; water pipe, tube, hose; throat, wind pipe, gullet, trachea; barrel (of a gun)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuun
-ta: (n)[plural dhuumaha] 1. throat (throwt); gullet (galet); esophagus, also oesophagus ~ hunguri, jidiin, buuc, cune 2. straw (istaroof, pipe (paayp); hose. (hoowsf conduit (kon-dhu-witf tube (tuub) ~ tuubbo. Ex: duumaha biyaha; the water pipe ~ tuubbo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhuun
Tubo
Pipe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuun
-ka: (magac, lab, keli) wax kaste oo la cuno. Dh: dhuuni.
dhuun-ka: (magac, lab, keli) xoolaha dhaqasho aan la isku siin ee in la maalo oo keli ah la isku ergiso.
dhuun-ta: (magac, dhedig, keli) walxo dhaadheer oo dululubooyin ah oo ka sameysan bir ama caag oo loogu talagalay inay qaadaan waxyaabaha dareeraha ah sida biyaha iyo neef-shidaaleedda.
dhuun-ta: (magac, dhedig, keli) marrinka ay marto cuntadu. Dhuunta ayaa laga qalay.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhuun
حُلْقُومٍ، حَلْقَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuq
f.g1 (-qay, -qday) la-mid: dhuug².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuuq
v. sip, suck in, inhale; light (cigarette); smoke
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuuq
-ay / day: (v) 1. suck (sak); absorb (absoorby suckle (sakal); draw liquid ~ nuug, dhuug. 2. Inhale (inheely draw smoke into the lungs; puff (paf) ~ jiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuq
(fal) dareere qori ama farta geli ka dibna ka leefleef ama ka muudmuudso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuuq
de: sip, suck in, inhale; light (cigarette); smoke
lx: dhuuq
pd: (dhuuqay)
ps: v1=
key: dhuuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuur
(Dhuur-ta)
Geed dheeraada oo weligi cagaar ah oo badanaa ka baxa dhulka dhanada ah ama badaha u dhow ama bacadka ah; laamihiisa caleemo kama baxaan ee waxay yeeshaan faraq timo cagaaran u eg iyo iniino kulkulacsan oo kurtumo yaryari ku xardhan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuur
m.dh Geed abaareed dheer oo ka baxa dhulka dhanada ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuur
m.dh Geed abaareed dheer oo ka baxa dhulka dhanada ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuur
f. n., [collective] evergreen tree species
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHUUR
(Durr) S,C,Og Tamarix aphylla (L) Karst. Tamaricaceae,
N Tamarix nilotica (Ehrenb.) Bunge Tamaricaceae.
C, S Reseda oligomeroides Schinz. Resedaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuur
-ka: (n) woods (wuudhisy, a dense growth of trees; forest (foorest) ~ jiq, baadiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuur
-ta: (magac, dhedig, keli) geed ka baxa dooxyada biyaha iyo dixaha oo laamo dhaadheer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuur
de: evergreen tree sp. grows at river banks and around lakes
lx: dhuur
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: dhuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuus
dhuus¹: m.dh Neef kolkol sanqari weheliso oo qurmuun oo nafleyda qaarkeed xaggeeda dambe ka timaadda. la-mid: dhuuso.
dhuus²: f.mg1 (-say, -stay) Dhuuso sii deyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuus
dhuus¹: m.dh Neef kolkol sanqari weheliso oo qurmuun oo nafleyda qaarkeed xaggeeda dambe ka timaadda. la-mid: dhuuso.
dhuus²: f.mg1 (-say, -stay) Dhuuso sii deyn. m.f.dh, dhuusid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuus
v. break wind, pass gas, fart
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuus
-ay / tay: (v) fart (faartf break wind; expel intestinal gas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuus
(fal) neef qadhmuun dabada ka sii daa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuus
de: break wind, pass gas, fart
lx: dhuus
pd: (dhuusay)
ps: v1=intr
key: dhuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuux
(Dhuux-a)
1. (oogada nafleyda) sooh baruurta u eg oo xididdo yaryari ku dhafan yihiin oo lafaha dheerdheer ku dhexjira.
2. Lafta geedaha.
3. Togga calooshiisa biyuhu maraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuux
dhuux¹: m.l 1. Sooh baruurta u eg oo xididdo yaryari ku safanyihiin oo lafaha dheerdheer ku dhex jira oogada nafley. 2. Lafta geedaha walax yar oo jilicsan oo ku dhex jira. 3. Togga calooshiisa biyuhu maraan.
dhuux²: m.l (cilmiga naflayda) Nudo jilicsan oo ku yaallo moqorka dhexe iyo meelaha bannaan ee gudaha lafta. Markay dhashaan iyo markay yaryihiin xayawaanku dhuuxa lafahooda oo dhami waxa uu sameeyaa unugyada dhiigga.
dhuux³: f.g1 (-xay, -xday) 1. Laf, dhuux kala bixid. 2. Hadal ama arrin aad u fahmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuux
dhuux¹: m.l 1. Sooh baruurta u eg oo xididdo yaryari ku safanyihiin oo lafaha dheerdheer ku dhex jira oogada nafley. 2. Lafta geedaha walax yar oo jilicsan oo ku dhex jira. 3. Togga calooshiisa biyuhu maraan.
dhuux²: m.l (cilmiga naflayda) Nudo jilicsan oo ku yaallo moqorka dhexe iyo meelaha bannaan ee gudaha lafta. Markay dhashaan iyo markay yaryihiin xayawaanku dhuuxa lafahooda oo dhami waxa uu sameeyaa unugyada dhiigga.
dhuux³: f.g1 (-xay, -xday) 1. Laf, dhuux kala bixid. 2. Hadal ama arrin aad u fahmid. m.f.dh, dhuuxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuux
m. n., (mass n.): marrow (of bone)
dhuux v. extract marrow from the bone; learn thoroughly; squeeze last drop from something
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhuux
nickname; name-f/m bone marrow. Lit: pure, beautiful, handsome; obedient, loyal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuux
-a: (n) 1. bone marrow; marrow (maarow) ~ dhuuxa lafta ku dhex jira.
dhuux -ay / day: (v) 1. break a bone to get marrow. 2. apprehend (ap-rihendhy, seize the meaning; understand or comprehend ~ fahan. Ex: dhuux warkayga; understand what I am saying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhuux
magac loo baxsho gabadh qurux iyo laf leh oo asli ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuux
(fal) lafta intaad kala jebisid dufanka ku jira dhexdeeda ee cad ka la soo bax.
dhuux: (fal) u fiirso hadalka ama talada qofka. Dhuux hadalkayga oo wax ku qaado. Dh: dhugo.
dhuux-a: (magac, lab, kali) subagga ku jira lafaha dhexdooda.
dhuux-a: (magac, lab, keli) laag, tog ama webi halka biyuhu maraan; meel biyo mareen ah.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dudub
name-m strong; powerful
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duluc
1. (Duluc-a) Dhuub ama daliig ama xarig yar oo dharka qaarki iyo kolayada, kd.t afkooda tolan la dhexgeliyo oo lagu roorsho kolka la xirayo.
2. (Duluc-da) a) Danta iyo ulajeeddada dhabta ah oo hadalka lagu hadlayaa u dhaca hayo. b) Waxa buug ama sheeko ama hadal kale ku saabsan yahay; ulajeeddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duluc
duluc¹: m.l (-cyo, m.dh) 1. Googgaradda haweenka xarigga kor uga jira oo lagu xiro marka la qaadanayo. 2. Googgaradda xaggeeda sare ee xarigga duluca ah la geliyo.
duluc²: m.dh 1. Nuxurka hadalka. 2. Ujeeddada hadalka. Tusaale: “Dulucda hadalkiisu waa in dagaalka la joojiyo”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duluc
duluc¹: m.l (-cyo, m.dh) 1. Googgaradda haweenka xarigga kor uga jira oo lagu xiro marka la qaadanayo. 2. Googgaradda xaggeeda sare ee xarigga duluca ah la geliyo.
duluc²: m.dh 1. Nuxurka hadalka. 2. Ujeeddada hadalka. Tusaale: Dulucda hadalkiisu waa in dagaalka la joojiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duluc
m. n. drawstring
duluc [feminine] n. argument, content (of a speech, book), theme, issue, point, 'the bottom line'
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duluc
-da: (n) 1. emphasis (em-fa-sis); first importance; significance (sig-nifi-kansi). 2. issue (i-shuu)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Duluc
Versione
Version