dhulqas
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhulqas
nickname-m spoiler
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhulqas
naanays loo baxsho wiil dhiblaw ah qas iyo rabshad sameeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulhays
m. n. land tenure
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulhays
de: land tenure
lx: dhulhays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: dhulhays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulqabo
f.mg3 (-btay, -batay) Si fudud dhaqan ugu barasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulqabo
f.mg3 (-btay, -batay) Si fudud dhaqan ugu barasho. m.f.dh, dhulqabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulqabo
(fal) hoy la dego ama beer meegaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulax
-a: (magac, lab, keli) fin ka soo baxa jidhka xilli kulaylaha oo xanuun kulul. Dh: dhullax.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhulka
ground
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulqan
dulqan¹: m.l la-mid: dalqan¹.
dulqan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: dalqan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilqad
m.l la-mid: dhillisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilqis
m.l la-mid: dhillin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhubqis
-ka: (magac, lab, keli) nuugid faruuryaha wax lala dhexgalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhulbar
(Dhulbar-ka, Dhulbar-ta)
Xarriiq male ku dhisan oo dhulka ku wareegsan, oo meesheed walba iyo dhulka labadiisa udub (madax) weligood isku in isu jiraan; labo bar oo is le'eg bay dhulka u kala goysaa; barka woqooyi iyo barka koofure.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulbar
m.l/dh Xarriiq dhulka u qeybisa laba qeybood oo isle'eg. la-mid: dhulbare.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulbar
m.l/dh Xarriiq dhulka u qeybisa laba qeybood oo isle'eg. la-mid: dhulbare.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulbar
m. n., [compound] the equator
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulbar
-ka: (magac, lab, keli) xarriiiq aan dhab ahaan u muuqan oo dhulka u kala qaybiya waqooyi iyo koonfur. Dh: dhulbadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulbar
de: the equator
lx: dhulbar
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n0-m/f-cmp
key: dhulbar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhullax
(Dhullax-a)
Kasoobbax yar oo dadka oogadiisa ka soo baxa; fin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhullax
m.l (-xyo, m.dh) Kasoobbax yar. la-mid: dhullux.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhullax
m.l (-xyo, m.dh) Kasoobbax yar. la-mid: dhullux.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhullax
m. n. small boil ~ abscess, pimple; spot (on the skin)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhullax
-a: (n) boil (boayl); abscess (ab-sees); pus-filled inflammation of the skin ~ kasoobax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhullax
-a: (magac, lab, keli) fin ka soo baxa jirka xilli kulaylaha oo xanuun kulul. Dh: saanfuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhullax
de: small boil ~ abscess, pimple; spot (on the skin)
lx: dhullax
pd: (-a)
ps: n2a-m
syn: fin, kasoobbax
key: dhullax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulmad
m.dh la-mid: dhulman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulmad
-da: (magac, dhedig, keli) dabool ama labo dabool oo isku aabbudhan oo ay xayawaanka badda ee yaryari ku jiraan. Dh: aleel, dhulman.
dhulmad -da: (magac, dhedig, keli) dhagax ballaadhan oo liidliid leh. Dulmad dariiqa yaallaan ku turunturrooday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhulman
(Dhulman-ta)
Dabool ama gun adag oo nafleyda yaryar oo badda qaarkeed samaysato oo ku gudajirto: waa qalbac ama labo qalbac oo isku aabburan oo aan sida bocosha u duubnayn ee fidsan; dhonbol; (ama dhulmad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulman
m.dh (-no, m.l) Qolof adag fidsan, laba qalbac ah oo nafleyda yaryar ee baddu ku dhex nooshahay. la-mid: dhulmad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulman
f. n. shell, seashell, bivalve, conch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulman
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhulmad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulman
de: shell, seashell, bivalve, conch
lx: dhulman
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: dhulman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhusaas
m.dh Ciddood (ugaar), ka weyn sagaaradana, eeladana ka yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuqis
m.dh la-mid: dhuugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuqis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhuuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilqasho
m.dh la-mid: dhillisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulnasin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul sannadkii hore la beeray, falitaanka ka dayn oo nasin.
dhulnasin: (tilmaame) dhul jilicsan oo biyo qabatin leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulqaado
f.mg3 (-atay, -adatay) U dh.: wax u adkaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulqaado
v., [compound] be patient (with)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulqaado
de: be patient (with)
lx: dhulqaado
pd: (dhulqaatay)
ps: v3b=cmp
see: dulqaado
key: dhulqaado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulqabad
m.l la-mid: dhulqabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulqabad
-ka: (magac, lab, keli) dhul aan la degi jirin hoy ka samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelaas
(Dheelaas-ka)
Cayaaraha faraxa iyo rayrraynta badan darteed loo sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelaas
dheelaas¹: m.l 1. Cayaaro farax iyo raynrayn badan darteed loo sameeyo. 2. la-mid: dheelaasid.
dheelaas²: f.mg1 (-say, -stay) Cayaaro farax iyo raynrayn badan darteed u samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheelaas
m. n. festivity
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheelaas
de: festivity
lx: dheelaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: dheelaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilqiso
dhilqiso¹: m.dh la-mid: dhillis.
dhilqiso²: f.g3 (-saday, -satay) la-mid: dhilliso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooqays
-ka: (magac, lab, keli) dhooqo marmarin. Dharka dhooqayska liga daa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul san
Arable land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulbadh
-ka: (magac, lab, keli) khad maanka laga yaqaan oo dunida aan ku noollahay u qaybiya koonfur iyo woqooyi. Dh: badhaale, dhulbadhe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulbare
m.l la-mid: dhulbar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhulbare
-dhulbaraha: (n) equator (ikweeytor) ~ xarriiqda dhul-baraha
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulbare
-ha: (magac, lab, keli) qof dadka dalxiisaya raaca oo dhulka la marayo dadka u sheegsheega oo tiltilmaama.
dhulbare -ha: (magac, lab, keli) eeg dhulbadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulbare
de: the equator
lx: dhulbare
pd: (/ha)
ps: n0-m-cmp
key: dhulbare
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuldhac
dhuldhac¹: m.l 1. Kabbiska guriga. 2. Jirro culus oo qof la kici waayo. 3. la-mid: dhuldhicid.
dhuldhac²: f.mg1 (-cay, -cday; -dhici) Jirro culus awgeed la kici waayid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuldhac
m.l 1. Kabbiska guriga. 2. Jirro culus oo qof la kici waayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuldhac
v. fall to the ground; get very sick, be seriously ill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuldhac
-a: (magac, lab, keli) bugtaan ama taagdarro aan lala shaqaysan karin oo dhulka loo dhaco. Dh: dhan'ujiif.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuldhac
de: fall to the ground; [fig.] get very sick, be seriously ill
lx: dhuldhac
pd: (dhuldhacay)
ps: v1=intr
key: dhuldhac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuldhax
-a: (magac, lab, keli) neef yar oo dhicis ah.
dhuldhax-a: (magac, lab, keli) jaad dhuxulkureebka ka mid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhullayn
Earthening
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulxaar
m.l (-rro, m.dh) Dhulfiiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulxaar
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhulfiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuqsad
m.l la-mid: dhuuqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuuqsan
der. [adjective] squeezed, tightened, pressed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuuqsan
(adj) tight (taay-t); tense (teensiy fastened firmly in place; secured ~ giigsan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuuqsan
cf: dhuuji
de: squeezed, tightened, pressed
lx: dhuuqsan
ps: adj-der
key: dhuuqsan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul aasid
Aggradation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhul-aasid
m.dh (jool) Dariiqadda uu webigu ku dhigo ama ku fuulo meelaha godgodan waxyaabaha adag ee uu sido.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhul-aasid
m.dh (jool) Dariiqadda uu webigu ku dhigo ama ku fuulo meelaha godgodan waxyaabaha adag ee uu sido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuqsasho
m.f.dh eeg dhuuqso. la-mid: dhuuqsad, dhuuqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhas
f.g1 (-say, -stay) Ayax, ukun dhul ku aasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhas
v. lay eggs in the ground (of turtles, insects, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhas
-tay: (v) lay eggs in the ground
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhas
(fal) ayax, ugxan dhulka ku aas oo ciidda ku qari. Dh: aas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhas
de: lay eggs in the ground (of turtles, insects, etc.)
lx: dhas
pd: (dhasay)
ps: v1=
key: dhas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhul
(Dhul-ka)
1. Meeraha korkiisa dadku deggan yahay oo ku nool yahay: xagga weynaanta waa meeraha shanaad, xagga qorrax xigiddana waa kan saddexaad; wuxuu u dhexeeyaa Waxaraxirta (Sahra) iyo Farrarre (Mariikh).
2. Dhulka intiisa negi oo engegan oo aan baddu fadhiyin.
3. Dhul kooban oo seere la yaqaan leh.
4. Ciidda aynnu cagaha ku haynno; duni; adduun; arlo; carro; if.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhul
m.l (-lal, m.l) 1. Meeraha dadku dushiisa ku nool yahay. 2. Barri. 3. Dal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhul
m.l (-lal, m.l) 1. Meeraha dadku dushiisa ku nool yahay. 2. Barri. 3. Dal.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul
Earth
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dhul
pr. n., loc. Earth (our world ~ the third planet)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhul
m. n. country, land; homeland, fatherland; earth, dirt, soil, ground
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhul
-ka: (n) 1. land (laandh); territory (tere-tori); country ~ wadan. 2. earth (eerath) ground (grawndh); soil (sooyl) ~ ciid
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhul
Terra
Land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhul
-ka: (magac, lab, keli) dunida ballaadhan ee aan ku dhaqannahay, xiddigga keliya ee biyo iyo hawo leh ee noole dul degi karo ama lagu dul noolaan karo. Dh: arlo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhul
de: disease of camels
lx: dhul
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: dhul
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhul
أرض
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuq
m.dh (-qo, m.l) Xubinta taranka ee haweenka gudaheeda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuq
m.dh (-qo, m.l) Xubinta taranka ee haweenka gudaheeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuq
f. n. hymen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuq
-da: (n) hymen (hay-men)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuq
de: hymen
lx: dhuq
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dhuq
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqa
magaalada: (n) mayor (meeyar) ~ sandike
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuq
f.g1 (-qay, -qday) la-mid: dhuug².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuuq
v. sip, suck in, inhale; light (cigarette); smoke
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuuq
-ay / day: (v) 1. suck (sak); absorb (absoorby suckle (sakal); draw liquid ~ nuug, dhuug. 2. Inhale (inheely draw smoke into the lungs; puff (paf) ~ jiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuq
(fal) dareere qori ama farta geli ka dibna ka leefleef ama ka muudmuudso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuuq
de: sip, suck in, inhale; light (cigarette); smoke
lx: dhuuq
pd: (dhuuqay)
ps: v1=
key: dhuuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuus
dhuus¹: m.dh Neef kolkol sanqari weheliso oo qurmuun oo nafleyda qaarkeed xaggeeda dambe ka timaadda. la-mid: dhuuso.
dhuus²: f.mg1 (-say, -stay) Dhuuso sii deyn.