dhulgoyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulgoyn
m.dh (jooloji) Jarida dhulka oo ay gooyaan wakiilo dabiici ahi, sida qorraxda, dabaysha, roobka, biyaha qulqula, barafka dhaqaaga, iyo badda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulgoyn
m.dh (jool.) Jarida dhulka oo ay gooyaan wakiilo dabiici ahi, sida qorraxda, dabaysha, roobka, biyaha qulqula, barafka dhaqaaga, iyo badda.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul goyn
Denudation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuungoyn
m.f.dh eeg dhuungoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuungoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef, gawricid oo dhuubta ka jarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) taar dhexdhexaad ah oo aalaaba ciidda lagu aaso oo saldanabyada ka imanaya waqal darruureedka u noqda wadiigo oo ka difaacda dooriyaha hilaaca iyo danaka ku dhici lahaa.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhullayn
Earthening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhudgo'an
-dhudgo'naa (adj) tired (taayridh); fatigued fa-tiigidh); exhausted (ig-zoostidh); weary. Ex: markuuyimid wuu dhudgo 'naa; j he was exhausted when he arrived.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulgoosi
m.l la-mid: dhulgoosad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulgoosi
m. n. feudalism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhulgoosi
-ga: (adj) feudalism (fiyuu-daliisim)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulgoosi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhulgoosad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulgoosi
de: feudalism
lx: dhulgoosi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dhulgoosi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulweyne
m. n., [compound] mainland
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulweyne
de: mainland
lx: dhulweyne
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: dhulweyne
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuungoys
m.l (taar.) Qalab ama aalad loo isticmaal ijiray in dambiilayaasha lagu surgooyo, gaar ahaan waxa laga isticmaali jiray dalka Faransiiska waqtiyadii hore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugo
f.g3 (-gtay, -gatay) 1. Wax fiirin. 2. Wax nishaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhugo
f.g3 (-gtay, -gatay) 1. Wax fiirin. 2. Wax nishaabid. m.f.dh, dhugasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhugo
v. glance, look at
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhugo
-dhugtay / dhugatay: (v) look at (luuk at); see (sii); gaze (geeys); glance (glaansi) ~ fiiri. Ex: hoos dhugo; look down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugo
(fal) fiiri oo si deggan u eeg. Bal ninkan dhugo oo gardarradiisa fiiri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhugo
de: glance, look at
lx: dhugo
pd: (dhugtay)
ps: v3b=intr
key: dhugo
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHOGON
(Dogon) C Manilkara mochisia (Bak.) Dubard. Sapotaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dul sarraysa u yeelid.
dulayn -ta: (magac, dhedig, keli) dulli iyo xaqiraad badid oo u sabibi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulgan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan wax u dhammeystirnayn ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhigayn
(Dhigayn-ta)
Dhigo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigayn
m.f.dh eeg dhigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guri dhigo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugtan
dhugtan¹: m.l la-mid: dhaqtan¹.
dhugtan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: dhaqtan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugtan
-ka: (magac, lab, keli) tartan loo galo toogfiicnida. Dh: dhoogtan.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHULBEY
Tetrapogon tenellus 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulley
m.dh.u Dad dhul ballaaran leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulley
-da: (magacwadareed) dadka inta iyagu dhul hanti u leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhulman
(Dhulman-ta)
Dabool ama gun adag oo nafleyda yaryar oo badda qaarkeed samaysato oo ku gudajirto: waa qalbac ama labo qalbac oo isku aabburan oo aan sida bocosha u duubnayn ee fidsan; dhonbol; (ama dhulmad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulman
m.dh (-no, m.l) Qolof adag fidsan, laba qalbac ah oo nafleyda yaryar ee baddu ku dhex nooshahay. la-mid: dhulmad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulman
f. n. shell, seashell, bivalve, conch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulman
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhulmad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulman
de: shell, seashell, bivalve, conch
lx: dhulman
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: dhulman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurgun
dhurgun¹: m.l Diismidda meel jirka ka mid ah oo barartay diisanta.
dhurgun²: f.mg1 (-umay, -untay; -umi) Meel jirka ka mid ah oo baratay diismid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhurgun
m.l Diismidda meel jirka ka mid ah oo barartay diisanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof sharafta ka dhigid oo qayrkii ka reebid.
dullayn -ta: (magac, dhedig, keli) dibi iyo wixii la mid ah, dulle la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulleyn
(Dulleyn-ta)
Dulli ku ridid; dulli badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulleyn
m.f.dh eeg dullee.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
horgoyn
screening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hungo madhan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hungeyn
(Hungeyn-ta)
Hungo ka dhigid, badid; quusin; qadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungeyn
m.f.dh eeg hungee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale surka ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luggoyn
(Luggoyn-ta)
Luggooyo badid; dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luggoyn
m.f.dh eeg luggoo. la-mid: luggooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luggoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) luggooyo cid ku samayn oo dhibaatayn. Dh: hantaaqid, dhibid, badid, luggoys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgoyn
m.f.dh eeg qurgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dil oo qudha ka goo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surgoyn
m.f.dh eeg surgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suulgoy
-da: (magac, dhedig, keli) casaanyada badda jaad kamid ah. Suulgoy ayaan soo arkay maanta. Dh: suulgoys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deligoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qofka lagu qasbaayo inuu qabto hawl tamartiisa ka badan. Dh: dhabarjab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalfeyn
m.f.dh eeg dhalfee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigeyn
(Dhiigeyn-ta)
Dhiig ka dhigid; dhiig ka keenid; dhiig u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigeyn
m.f.dh eeg dhigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhiig yeelasho.
dhiigeyn-ta: (magac, dhedig, keli) dhiig yaacin. Dh: dhiiji.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul san
Arable land
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul xun
Badland
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulhays
m. n. land tenure
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulhays
de: land tenure
lx: dhulhays
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: dhulhays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuqmeyn
m.f.dh eeg dhuqmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) la ordid dhagartiyo qaadhaammadii lala dhuxlaynaayay. Dh: gucleyn. Wa: dhuxdhuxlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeelgoyn
(Jeelgoyn-ta)
Xiisaggoyn; jeelbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeelgoyn
m.f.dh eeg jeelgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xiisabeelid; xiisagoyn. Dh: nacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuxgoyn
m.f.dh eeg ruuxgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuxgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dilid oo noole nafta ka goyn; kaw ka siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suulgoys
m.dh la-mid: suulalgoys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suulgoys
-ta: (magac, dhedig, keli) carsaanyada badda jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhajisgoyn
m.dh Daaweynta cudurka dhejiska.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhogorgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) doogashada ay xooluhu wacdiga ka soo doogtaan ee ay dhogorta beddelayaan. Dh: doogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulgoosad
m.l Hab dhaqan-dhaqaale ku dhisan oo dhul-beereed dadyari hantiyo. la-mid: dhulgoosi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulgoosad
m.l (taar.) Hab dhaqan-dhaqaale ku dhisan oo dhul-beereed dadyari hantiyo. la-mid: dhulgoosi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulgoosad
-ka: (magac, lab, keli) dhul in la iska goosto oo deegaan laga dhigto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuun-goys
m.l (taar.) Qalab ama aalad loo isticmaal ijiray in dambiilayaasha lagu surgooyo, gaar ahaan waxa laga isticmaali jiray dalka Faransiiska waqtiyadii hore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabargoyn
(Dabargoyn-ta)
Ciribtir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabargoyn
m.f.dh eeg dabargoo. la-mid: dabargoys (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabargoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax jirey baabi'intii. Dabargoynta lagu sameeyey geedihii waad yaabi markaad aragto kaymaha. Dh: dabarjarid, tirtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaggoyn
(Dagaggoyn-ta)
Ahaanta neef yahay ku dago gooya oo loo bixin karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagaggoyn
f. n., [compound] giving part of herd as contribution to another person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaggoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) seko xilligii iyo nisaabkii loogu talagalay gaadhid. dagaggoys-ka: (magac, lab, keli) xoolo la leeyahay oo tiro ahaan gaadhey intii sakada lagaga bixin lahaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagaggoyn
a: dagaggoys
de: giving part of herd as contribution to another person
lx: dagaggoyn
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: dagaggoyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaalcayn
m.dh la-mid: dhaaclayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul guud
Common
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhuleeyey
grounded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulnasin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul sannadkii hore la beeray, falitaanka ka dayn oo nasin.
dhulnasin: (tilmaame) dhul jilicsan oo biyo qabatin leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuungooy
v. cut someone's throat; take someone's means of sustenance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuungooy
de: cut s.o.'s throat; [fig.] take s.o.'s means of sustenance Alt sp: dhuungoo
lx: dhuungooy
pd: (dhuungooyey)
ps: v2a=tr
key: dhuungooy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuxyayn
(Dhuuxyayn-ta)
(geel, kd.) si adag u dabrid; dhudhummada aad uga xirid; isasaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuxyayn
m.f.dh eeg dhuuxyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuuxyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka awrka labada jeeni ee hore la isu saaro ee la dabro. Dhuuxyayn buu ku daaqayaa awrku. Dh: qabir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuxulayn
m.f.dh eeg dhuxulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dab shidmaya, dhuxul ku gurid.
dhuxulayn-ta: (magac, dhedig, keli) dhuxul gurid oo ka ganacsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulugleyn
m.f.dh eeg duluglee. la-mid: dulugleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadalgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod xoog ah dartii, boodh iyo siigo isku qarin; meesha lagu joogsaday siigo ka kicin. Dh: fadlin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faylagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) boqnagoyn oo si daran u dhaawicid.
faylagoyn-ta: (magac, dhedig, keli) labada faylood jarid. Dh: faylajarid.