dhulfiiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulfiiq
m.l (-qyo, m.dh) Qof u qaybsan xaaqidda ama nadiifinta magaalada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulfiiq
-a: (magac, lab, keli) qalab dhulka lagu haro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulxaar
m.l (-rro, m.dh) Dhulfiiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulnadiifiye
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhulfiiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugmo
-da: (magac, dhedig, keli) jidhka oo dufan la mariyo oo gacanta lagu duugo.
duugmo -da: (magac, dhedig, keli) qalab badanaa caw ka samaysan oo dhulka lagu haro, qashinkana lagu xaadho. Dh: dhulfiiq, minfiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalfiif
m.dh Jab yar oo ka mid ah wax burburay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalfiif
-ta: (magac, dhedig, keli) burburin xoog ah; cardaaduqe meel la gaadhsiiyo. Haddii aan dhalfiifaha ka dhigin wax la dhoodhoobay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuljiif
-ka: (magac, lab, keli) cadayga dhulka ku dagaaga ee aan sare u bixin.
dhuljiif -ka: (magac, lab, keli) bahal, qori ama wax kale oo ogaanshala'aan wax kugu yeela.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalfiifo
-ha: (magac, lab, keli) burbur aad u yaryar awal yaa dhalfiifaha ka dhigay dhaabihii nabadda. Dh: burbur, rigaaxaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulfidsi
m.l Dhulballaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulfidsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhulballaadhsi. dhulfiiq -a: (magac, lab, keli) qof dhulka hara oo qashinka ka xaadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiiq
(Dhiiq-da)
Xoolaha la lisa hayo, inta kol naaska ka soo baxda kolka sacabku xamatuuriyo; toog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiq
dhiiq¹: m.dh 1. Xoolo la lisayo inta hal mar naaska ka soo baxda. 2. In yar oo dareere ah oo hal mar la dhiijiyo.
dhiiq²: f.mg1 (-qay, -qday) Naas ibtiis caano ka imaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiiq
dhiiq¹: m.dh 1. Xoolo la lisayo inta hal mar naaska ka soo baxda. 2. In yar oo dareere ah oo hal mar la dhiijiyo.
dhiiq²: f.mg1 (-qay, -qday) Naas ibtiis caano ka imaansho. m.f.dh, dhiiqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiiq
f. n., [collective] amount of milk given at one milking
dhiiq: v. trickle (of milk); give some milk (of udder)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiq
-da: (magac, dhedig, keli) caano yar oo hal mar ah naaska laga dhiijiyo.
dhiiq: (ereycodeed) lagu tusmeeyo dhawaaq dhuuban oo meel cidhiidhi ah ka soo baxa, sida ka dhuusada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliiq
f.g1 (-qay, -qday) 1. Caw, maqaar iyo wixi lamida kala jeexid. 2. Ka d.: qof dhar, darajo iyo wixi lamida si sharaf darro ah uga qaadid. 3. Ka d.: mindi, seef iyo wixi lamida galka ka saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daliiq
f.g1 (-qay, -qday) 1. Caw, maqaar iyo wixi lamida kala jeexid. 2. Ka d.: qof dhar, darajo iyo wixi lamida si sharaf darro ah uga qaadid. 3. Ka d.: mindi, seef iyo wixi lamida galka ka saarid. m.f.dh, daliiqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daliiq
v. separate into fibers (straw, palm leaves, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daliiq
(fal) si aan ka dhergid iyo hanbo midna lahayn wax u cun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daliiq
de: separate into fibers (straw, palm leaves, etc.)
lx: daliiq
pd: (daliiqay)
ps: v1=tr
key: daliiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiliq
m.l/dh la-mid: dhillis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaliil
dhaliil¹: m.l/dh Daldalool iyo iin wax leeyahay.
dhaliil²: f.g1 (-iilay, -iishay) Daldalool iyo iin wax leeyihiin sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaliil
dhaliil¹: m.l/dh Daldalool iyo iin wax leeyahay.
dhaliil²: f.g1 (-iilay, -iishay) Daldalool iyo iin wax leeyihiin sheegid. m.f.dh, dhaliilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaliil
v. disapprove of, look down on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaliil
-sha: (magac, dhedig, keli) goldaloolo iyo nusqaan cid ama hawl leedahay. Qof walba dhaliil ayuu leeyahay. Dh: dhalliil, nusqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaliil
cf: darraw
de: disapprove of, look down on
lx: dhaliil
pd: (dhaliilay)
ps: v1=
key: dhaliil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhallii
-sha: (magac, dhedig, keli) aragti laga masuugo ama ruux aad intaa uga hanwaynayd wax aan u qalmin ku arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhasiiq
m.l Bakhayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuftin
(Dhuftin-ta)
Dhufad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuftin
m.dh la-mid: dhifsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuftin
vl. n. jerking, snatching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuftin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhufad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuftin
de: jerking, snatching
lx: dhuftin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhuftin
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulrif
m.l (-fyo, m.dh) (jool.) Lisanka dhulka ku dhaca ee ka dhasha dabaylaha, biyaha socda, mase barafka iyaga oo qaadaya waxyaalihii dhulka ka rifmay sida ciidda iyo dhagxaanta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulciir
(fal) si awood la'aan ah shay korkiisa ugu dhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duldiir
m.l Awr rarku haaro u yeelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horfiiq
(Horfiiq-a)
Nin dad ama qolo ama guddi u madax ah; waayeel; taliye; guddoonshe; hormuud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horfiiq
m.l (-qyo, m.dh) Qof dad hoggaamiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horfiiq
m. n. leader, chairman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horfiiq
-a: (magac, lab, keli) qof cid madax u ah oo hoggaamiya: nin dad ama qolo ama guddi u madax ah. Dh: hormuud, madax, guddoomiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horfiiq
de: leader, chairman
lx: horfiiq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: horfiiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Talfiiq
(Talfiiq-a)
Qori ama wax kale oo la mid ah oo caarad fiiqan oo wax mudda leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talfiiq
m.l Qoryo yaryar oo caarad dhuuban oo wax mudda leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
talfiiq
m. n. stake, spike
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talfiiq
-a: (magac, lab, keli) qori ama wax kale oo af fiiqan oo wax muda. Ka leexo halkaa talfiiq badan bay leedahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
talfiiq
de: stake, spike (piece of wood sharpened at one end)
initial: t
lx: talfiiq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: talfiiq
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul rif
Abrasion
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhul-rif
m.l (-fyo, m.dh) (jooloji) Lisanka dhulka ku dhaca ee ka dhasha dabaylaha, biyaha socda, mase barafka iyaga oo qaadaya waxyaalihii dhulka ka rifmay sida ciidda iyo dhagxaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuldhicid
m.f.dh eeg dhuldhac². la-mid: dhuldhac¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuldhicid
-da: (magac, dhedig, keli) taagdarro ama bugtaan xoog ah la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulgariir
dhulgariir¹: m.l (-rro, m.dh) Ruxashada dhulka ka dhacda oo dushiisa dildillaac u yeesha oo burbur iyo waxyeello badan keenta.
dhulgariir²: m.l (-rro, m.dh) (jooloji) Dhaqaaqa ama jaraynta oogada dhulka oo ku billaabata si dabiici ah, kana billaabata meel ka hooseysa oogada dhulka. Mararka qaarkood dhaqaaqaasi wuxuu u keenaa isbeddel waara heerka sinnaanta dhulka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulgariir
dhulgariir¹: m.l (-rro, m.dh) Ruxashada dhulka ka dhacda oo dushiisa dildillaac u yeesha oo burbur iyo waxyeello badan keenta.
dhulgariir²: m.l (-rro, m.dh) (jool.) Dhaqaaqa ama jaraynta oogada dhulka oo ku billaabata si dabiici ah, kana billaabata meel ka hooseysa oogada dhulka. Mararka qaarkood dhaqaaqaasi wuxuu u keenaa isbeddel waara heerka sinnaanta dhulka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhulgariir
Earthquake
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulgariir
m. n., [compound] earthquake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhulgariir
-ka: : (n) earthquake (eerth-kuweek)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulgariir
-ka: (magac, lab, keli) gilgilashada dhulka ee ka dhalata xuuraanka obocdiisa oo keenta qaabdoorsanka biyoosfeerka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulgariir
de: earthquake
lx: dhulgariir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhulgariir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhulgariir
زَلْزَالَ
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuljiidad
m. n., [compound] gravity {physics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhuljiidad
-ka:: (n) gravity (garaa-vati) ~ cufjiidad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuljiidad
de: gravity {physics}
lx: dhuljiidad
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhuljiidad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuljiifee
(fal) bogga u seexo oo sidii wax wax gaadaya ama ka gabbanaya yeel. Dh: ateeree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafsiin
m.f.dh eeg dhaafsii. la-mid: dhaafsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) soohdin iyo wax la mid ah ka tallaabsiin oo xagga kale u weydaarin.
dhaafsiin-ta: (magac, dhedig, keli) wax, mid kale ka horraysiin; ka badsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafsiis
m.l la-mid: dhaafsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhaafsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaliilid
(Dhaliilid-da)
Sidii laga filana hayay si weydaarsan oo ama ka hoosaysa ama ka liidata, ku arkid; ceeb u yeelid; saluugid; ka qawadid; liidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaliilid
m.f.dh eeg dhaliil².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaliilid
Insoddisfazione
Dissatisfaction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheefsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) quudsiin oo dheefta uu u baahin yahay siin. Dh: quudsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelsiin
m.dh eeg dheelsii. la-mid: dheelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoofniin
vl. n. departure, takeoff (as of a plane)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoofniin
-ka: (n) departure (di-paarjar); departing (di-paarting) ~ bixitaan, dhoofitaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoofniin
de: departure, takeoff (as of a plane)
lx: dhoofniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: dhoofniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuljarid
m.dh (jooloji) Goynta dhulka dushiisa, gaar ahaan dooxada webiyada si dooxada salkeedu loo sii goto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuljarid
m.dh (jool.) Goynta dhulka dushiisa, gaar ahaan dooxada webiyada si dooxada salkeedu loo sii goto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulnasin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul sannadkii hore la beeray, falitaanka ka dayn oo nasin.
dhulnasin: (tilmaame) dhul jilicsan oo biyo qabatin leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmifiir
m.l.kh la-mid: dulmidiid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul gariir
Earth quake