dhulballaadhsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulballaadhsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhulballaadhsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulballaadhsad
-ka: (magac, lab, keli) qorshe ujeeddadiisu tahay in dhul dad kali leeyihiin xoog ama xeelad lagu qaato. Dh: dhulballaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalballaadhsi
-ga: (magac, lab, keli) dal dad kali leeyihiin xoog ku qaadasho oo kaagii ku darsasho. Dh: dalballaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulballaarsi
m.l Qabsashada ay cidi qabsato dhul aanay lahayn. la-mid: dalballaarsi, dhulballaarsad, dhulballaarsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulballaarsi
m.l Qabsashada ay cidi qabsato dhul aanay lahayn. la-mid: dalballaarsi, dhulballaarsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulballaarsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhulballaadhsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulfidsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhulballaadhsi. dhulfiiq -a: (magac, lab, keli) qof dhulka hara oo qashinka ka xaadha.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhulbalaarsi
-ga: (n) territorial expansion (tere-tori-yaal ikis-paan-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulballaadhsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dal dad kale ku duulid oo qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalballaarsi
m.l la-mid: dhulballaarsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalballaarsi
vl. n., [compound] territorial expansion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalballaarsi
-ga: (magac, lab, keli) dalkaagii ku dad kali leeyihiin xoog ugu darsasho. Dh: dalballaadhsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalballaarsi
de: territorial expansion
lx: dalballaarsi
pd: (-ga)
ps: vn-m-cmp
key: dalballaarsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulballaarsad
m.l la-mid: dhulballaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulballaarsasho
m.dh la-mid: dhulballaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulballaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dal dad kale ku duulid oo qabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balbalaadhi
(fal) wax isku yaalla ama isku duuban, kala saarsaar oo fidi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhul'abaahi
(Dhul'abaahi-ga)
Cudur geela ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhul-abaahi
m.l Cudur awrta ku dhaca oo caarka ka soo rida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhul-abaahi
m. n., [collective] disease of camels
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambacaadsi
m.l la-mid: dhabbacasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhambacaadsi
-ga: (magac, lab, keli) bogga dhulka ku xajin. Dh: dhambacaadsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is ballaadhi
v. expand
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_ballaadhi
de: expand See also: isballaadhin
lx: is ballaadhi
pd: (ballaadhiyey)
ps: v2a=expr
key: is_ballaadhi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dal-ballaarsi
-ga: (v) territorial expansion
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambacaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid dhambacaad u jiifin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhubbadqaad
-ka: (magac, lab, keli) wada sheekaysi iyo is dhegaysto. Dh: xabadqaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulkaxaadis
-ka: (magac, lab, keli) inta sare aayar uga qaadid. Kolka la goolabo hadhuudhka ayay dulkaxaadistu dhib yar tahay.
dulkaxaadis -ka: (magac, lab, keli) hadal dul marid oo xaqiiqada dhabta ah guudka ka marmarid. Dh: dulkaxaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalfallaadh
-a: (magac, lab, keli) shimbir calool cad dhabarkana madaw iyo buluug ah oo baadad dhaadheer oo falladh u eg iyo dabo fantaxle leh oo xiiliba meel u hayaanta oo kooxkoox u duula.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balbalaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax isku yaalla ama isku duuban, kala saarsaarid oo fidin. Dh: balbalaarin, balballaadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaballaadh
-ka: (magac, lab, keli) neef dhasha shinkiisii oo shan iyo toban cisho ay ka hadhsan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambacaadis
dhambacaadis¹: m.l la-mid: dhambacaadin.
dhambacaadis²: m.dh la-mid: dhambacaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambacaadso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: dhabbaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhambacaadso
v. lie on one's stomach
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhambacaadso
-day/tay: (v) recline (rikalaayb); lie with the front or face downward; lie in a prone (parown) position
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhambacaadso
(fal) dhulka bogga saar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhambacaadso
de: lie on one's stomach
lx: dhambacaadso
pd: (dhambacaadsaday)
ps: v3a=
key: dhambacaadso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuumaalaysi
m.l la-mid: dhuumaalaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuumaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) ciyaar inta ay labo kooxood la isku qaybiyo qaybi is qariso qaybna ay doondoonta. Ka la helo waa la dhaafaa ka aan la helinna inta aan la arag ama la taaban ayuu golaha soo galaa oo uu yidhaa biraan birxoosh, xalay dabadeed, dab laguu oog oo kolba tirada aan la arag inta ay le'eg tahay ayaa lagu kala badiyaa. Carruurta waxay noqon karaan koox kolba midi uu indhaha isqabto kuwa kalina dhuuntaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isballaadhin
vl. n., [abstract] expansionism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isballaadhin
-ta: (n) expansion (ikispaashin); expansibility ~ isballaarin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isballaadhin
bw: isballaarin
cf: durugsi; rw: ballaadh
de: expansionism
lx: isballaadhin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: isballaadhin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taltallaabsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg taltallaabsad.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dooxo ballaadhan
Vale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobbadillaacsi
m.l la-mid: doobbadillaacsasho.