dhul-rif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhul-rif
m.l (-fyo, m.dh) (jooloji) Lisanka dhulka ku dhaca ee ka dhasha dabaylaha, biyaha socda, mase barafka iyaga oo qaadaya waxyaalihii dhulka ka rifmay sida ciidda iyo dhagxaanta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulrif
m.l (-fyo, m.dh) (jool.) Lisanka dhulka ku dhaca ee ka dhasha dabaylaha, biyaha socda, mase barafka iyaga oo qaadaya waxyaalihii dhulka ka rifmay sida ciidda iyo dhagxaanta.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul rif
Abrasion

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuljiif
-ka: (magac, lab, keli) cadayga dhulka ku dagaaga ee aan sare u bixin.
dhuljiif -ka: (magac, lab, keli) bahal, qori ama wax kale oo ogaanshala'aan wax kugu yeela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulbaraf
m.l Dhul baraf si joogto ah u fadhiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulbaraf
-ka: (magac, lab, keli) dhul koonfurta ama woqooyiga dunida ku yaal oo uu had iyo jeer baraf saaran yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuljarid
m.dh (jooloji) Goynta dhulka dushiisa, gaar ahaan dooxada webiyada si dooxada salkeedu loo sii goto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuljarid
m.dh (jool.) Goynta dhulka dushiisa, gaar ahaan dooxada webiyada si dooxada salkeedu loo sii goto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhilif
(Dhilif-ka)
Barida idaha kolonta ka laallaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilif
m.l (-lfo, m.l) Mara yar oo calal ah; duug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhilif
m. n. tip of a sheep's tail
dhilif m. n. worn out piece of cloth, rag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhilif
-ta: (magac, dhedig, keli) badhida idaha bulka yar ee kolanta u eg ee ka lulata. Dh: dhillif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhirif
(Dhirif-ka)
Sida la noqdo ama layska dareemo kolka xumaan lays taarto; dhiidhi; xanaaq; caro; umal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirif
dhirif¹: m.l Caro; xanaaq.
dhirif²: f.mg1 (-rfay, -riftay; -rfi) Dhirif dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhirif
dhirif¹: m.l Caro; xanaaq.
dhirif²: f.mg1 (-rfay, -riftay; -rfi) Sida la noqda ama layska dareemo marka xumaan lays taarto; dhiidhi; xanaaq; caro; umal. m.f.dh, dhirfid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhirif
v. be ~ get angry
dhirif vl. n. anger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhirif
-dhirfay/dhii rtay: (v) become angry (aan-gari); anger (aan-ger)
dhirif -ka: (n) anger (ang-ger); rage (reeyj); fury (fiy / '); wrath (raath); indignation (in-dig-neey-shin) ~ caro, xanaaq, cadho. Ex: wuu dhirfay; he became angry
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhirif
Ira
Ire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirif
-ka: (magac, lab, keli) cadhoda, qofka marka lagu xad gudbo uu sameeyo. Dh: dhiidhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhurid
(Dhurid-da)
Biyo ama wax la mid ah meel ka shubid oo meel kale ku shubid, iyadoo weel yar (dhure, kd.) la dardara hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurid
m.f.dh eeg dhur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuuri
(Dhuuri-ga)
Xanuun yar oo xididdada la roora.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuri
dhuuri¹: m.l Xanuun.
dhuuri²: m.l Dixiri yar oo waqtiyada dharabka qofka kaba la'aanta socda cagaha ka gala.
dhuuri³: f.mg1 (-riyay, -riday; -ryi) Xanuun dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuuri
dhuuri¹: m.l Dixiri yar oo waqtiyada dharabka qofka kaba la'aanta socda cagaha ka gala.
dhuuri²: f.mg1 (-riyay, -riday; -ryi) Xanuun dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuuri
m. n., [abstract] ache, pain
dhuuri v. ache, hurt, give pain
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhururi
m.dh la-mid: dhururuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhururi
-da: (magac, dhedig, keli) lacag qaddaadiic ah. Lacagta dhururida gaar u tiri. Dh: dhuruuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalfiif
m.dh Jab yar oo ka mid ah wax burburay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalfiif
-ta: (magac, dhedig, keli) burburin xoog ah; cardaaduqe meel la gaadhsiiyo. Haddii aan dhalfiifaha ka dhigin wax la dhoodhoobay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhukurid
-da: (magac, dhedig, keli) timaha madaxa ka wada xiirid oo dhako malaasan soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulfiiq
m.l (-qyo, m.dh) Qof u qaybsan xaaqidda ama nadiifinta magaalada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulfiiq
m.l (-qyo, m.dh) Qof u qaybsan xaaqidda ama nadiifinta magaalada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulfiiq
-a: (magac, lab, keli) qalab dhulka lagu haro.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul jarid
Degradation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhul-aasid
m.dh (jool) Dariiqadda uu webigu ku dhigo ama ku fuulo meelaha godgodan waxyaabaha adag ee uu sido.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhul-aasid
m.dh (jool) Dariiqadda uu webigu ku dhigo ama ku fuulo meelaha godgodan waxyaabaha adag ee uu sido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulgariir
dhulgariir¹: m.l (-rro, m.dh) Ruxashada dhulka ka dhacda oo dushiisa dildillaac u yeesha oo burbur iyo waxyeello badan keenta.
dhulgariir²: m.l (-rro, m.dh) (jooloji) Dhaqaaqa ama jaraynta oogada dhulka oo ku billaabata si dabiici ah, kana billaabata meel ka hooseysa oogada dhulka. Mararka qaarkood dhaqaaqaasi wuxuu u keenaa isbeddel waara heerka sinnaanta dhulka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulgariir
dhulgariir¹: m.l (-rro, m.dh) Ruxashada dhulka ka dhacda oo dushiisa dildillaac u yeesha oo burbur iyo waxyeello badan keenta.
dhulgariir²: m.l (-rro, m.dh) (jool.) Dhaqaaqa ama jaraynta oogada dhulka oo ku billaabata si dabiici ah, kana billaabata meel ka hooseysa oogada dhulka. Mararka qaarkood dhaqaaqaasi wuxuu u keenaa isbeddel waara heerka sinnaanta dhulka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhulgariir
Earthquake
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulgariir
m. n., [compound] earthquake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhulgariir
-ka: : (n) earthquake (eerth-kuweek)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulgariir
-ka: (magac, lab, keli) gilgilashada dhulka ee ka dhalata xuuraanka obocdiisa oo keenta qaabdoorsanka biyoosfeerka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulgariir
de: earthquake
lx: dhulgariir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhulgariir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhulgariir
زَلْزَالَ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuljiifee
(fal) bogga u seexo oo sidii wax wax gaadaya ama ka gabbanaya yeel. Dh: ateeree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuun-limf
m.l (dhuumo ..., m.) (c.nafl) Dhuumo u eg aroorayaasha, kuwaasi oo limf ka soo qaada nudaha kuna shuba aroorayaasha waaweyn ee wadnaha gala.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalfiifo
-ha: (magac, lab, keli) burbur aad u yaryar awal yaa dhalfiifaha ka dhigay dhaabihii nabadda. Dh: burbur, rigaaxaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulnasin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhul sannadkii hore la beeray, falitaanka ka dayn oo nasin.
dhulnasin: (tilmaame) dhul jilicsan oo biyo qabatin leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dul-ordid
m.f.dh eeg dul-orod.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul gariir
Earth quake