dhul sabool
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul sabool
Waste land

Dhul san
Arable land
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulqabo
f.mg3 (-btay, -batay) Si fudud dhaqan ugu barasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulqabo
f.mg3 (-btay, -batay) Si fudud dhaqan ugu barasho. m.f.dh, dhulqabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulqabo
(fal) hoy la dego ama beer meegaaro.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhul sare
-dhluka sare: (n) highland (haay-laandh)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundalool
f.mg1 (-oolay, -ooshay) U dh.: arrin xog-ogaal u noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuundalool
f.mg1 (-oolay, -ooshay) U dh.: arrin xog-ogaal u noqosho. m.f.dh, dhuundaloolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundalool
-ka: (magac, lab, keli) xiisayn oo ku xeeldheeraan; u jajabnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhool ka qosol
v. smile
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulsaaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Lacag la amaahday faa'iido dheeraad ah ku kordhisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulsaaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Lacag la amaahday faa'iido dheeraad ah ku kordhisasho. m.f.dh, dulsaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hullaabo
f.g3 (-btay, -batay) Maro qaarka sare ku dedasho. la-mid: hillaabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hullaabo
v. drape (a cloth) around oneself (in order to hide from view)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hullaabo
(fal) dhar adigoon madaxa saarin qaarka sare ku duubo. Dh: hillaabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hullaabo
bw: hillaabo
de: drape (a cloth) around oneself (in order to hide from view)
lx: hullaabo
nt: hullaabad (ka) [vn-m], hullaabasho (/da) [vn-f]
pd: (hullaabtay)
ps: v3b=tr
key: hullaabo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u yabooh
v. give alms, give something to someone who begs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunsalool
-ka: (magac, lab, keli) casuumad kooban oo duco bun iyo salool la samaysto, inta badan casarka Arbacada la samaysto.
bunsalool -ka: (magac, lab, keli) bir af balaadhan iyo dabo la qabto oo dheer leh oo bunka lagu saloosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daldalool
(Daldalool-ka)
Meelo badan daloollo kaga yaalliin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalool
daldalool¹: m.l 1. Daloollo badan oo uu weel iyo wixi lamida yeesho. 2. Iimo; ceebaal. la-mid: dulduleel¹.
daldalool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Wax daloollo badan yeelasho. la-mid: dulduleel².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daldalool
daldalool¹: m.l 1. Daloollo badan oo uu weel iyo wixi lamida yeesho. 2. Iimo; ceebaal. la-mid: dulduleel, goldaloolo.
daldalool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Wax daloollo badan yeelasho. m.f.dh, daldaloolid. la-mid: dulduleel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daldalool
m. n. many holes (in something)
daldalool v. be full of holes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daldalool
-a: (adj) holey (hooli); having holes or full of holes
daldalool -ka: (n) loopholes (luup-hoolis); holes (hoolis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalool
-ka: (magac, lab, keli) meel banbannaan yaryar leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufsasho
m.dh la-mid: dhifsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhufsasho
-da: (n) the act of pullin
isku dhufo: (v) 1. multiply (moolti-palaay). 2. hit or strike sharply for example, two objects together
isku dhufasho -da: (n) multiplication (moolti-pili-keeyshin) —ku dhufo: (v) hit (hit strike (istaraayk). Ex: dhulka ku dhufo; knock down to the ground; Ku dhufo oo ka dhaqaaq; hit and run
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul goyn
Denudation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulqaado
f.mg3 (-atay, -adatay) U dh.: wax u adkaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulqaado
v., [compound] be patient (with)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulqaado
de: be patient (with)
lx: dhulqaado
pd: (dhulqaatay)
ps: v3b=cmp
see: dulqaado
key: dhulqaado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulqabad
m.l la-mid: dhulqabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulqabad
-ka: (magac, lab, keli) dhul aan la degi jirin hoy ka samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhululubo
m.dh Koombo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhululubo
Cylinder
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhululubo
Cylinder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhululubo
- dhululubada: (n) cylinder (si-lindar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhululubo
-da: (magac, dhedig, keli) shaxan leh joog dhan walba ka wareegsan oo afkiisa iyo salkiisuba goobo yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuunqabo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Nafley ceejin. 2. Cid cunaqabatayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuunqabo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Nafley ceejin. 2. Cid cunaqabatayn. m.f.dh, dhuunqabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuunqabo
v. suffocate, strangle; deprive someone of sustenance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuunqabo
(fal) xoolo macalqabo oo dillaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuunqabo
de: suffocate, strangle; [fig.] deprive s.o. of sustenance
lx: dhuunqabo
pd: (dhuunqabtay)
ps: v3b=tr
key: dhuunqabo
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dul madow
Black body
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulkahoor
dulkahoor¹: m.dh Daruur qof korkiisa curatay oo da'day.
dulkahoor²: f.mg1 (-ray, -rtay) Daruur qof dushiisa ku di'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulsabbee
f.g2 (-beeyay -baysay) Heehaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dulsabbee
f.g2 (-beeyay -baysay) Heehaabid. m.f.dh, dulsabbayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulsabbee
v. float, keep afloat ~ on the surface of water
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dulsabbee
-yey / dulsabseysay: (v) float (falowt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulsabbee
(fal) biyo dushooda saarnaw oo dhaqdhaqaaq la'aan dul ool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulsabbee
de: float, keep afloat ~ on the surface of water
lx: dulsabbee
pd: (dulsabbeeyey)
ps: v2b=tr
key: dulsabbee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hansabood
-ka: (magac, lab, keli) badhaadhe iyo barwaaqo. Hantidii la ragaayiyo, hansaboodkii ma waayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
berisabool
m.l Xilli ay dhibaato badan jirto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
berisabool
-ka: (magac, lab, keli) dhib waa la soo maray; beri xun oo la xasuusto. Li: berisamaad.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dhexsaloog
Dhex tidic, soohid, isku marid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul aasid
Aggradation
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul jarid
Degradation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuqsasho
m.f.dh eeg dhuuqso. la-mid: dhuuqsad, dhuuqsi.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dul sallax
Surface, plane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalandhool
(Dhalandhool-ka)
Qorrax kulul ku socod; boqool; wirwir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalandhool
dhalandhool¹: m.l Socodka la socdo waqtiga qorraxdu kulushahay; baqool. la-mid: dhalandhoolid.
dhalandhool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Qorrax kulul ku socosho; baqoolid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalandhool
m.l Socodka la socdo waqtiga qorraxdu kulushahay; baqool.
dhalandhool²: f.mg1 (-oolay, -ooshay) Qorrax kulul ku socosho; baqoolid. m.f.dh, dhalandhoolid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalandhool
v. travel ~ journey under a hot sun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalandhool
-ka: (magac, lab, keli) socoto meel loo socdo xilli ay qorraxdu kulushahay; hayaan meel fog loo hayaamo. Dhalandhool dhul kaa dheer isagaa dhaqso u tega. Dh: hayaan.
dhalandhool -ka: (magac, lab, keli) socodka la socdo xilliga cadceed kulaylaha ah ee hadhka lagu jiro. Waxan ka soo dhalandhoolay aqalkaygii markaan hadhimeeyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalandhool
cf: qorrax
de: travel ~ journey under a hot sun
lx: dhalandhool
pd: (dhalandhoolay)
ps: v1=
key: dhalandhool
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul gariir
Earth quake
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundaloolid
m.f.dh eeg dhuundhalool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundaloolid
-da: (magac, dhedig, keli) xiisayn oo aad ugu jajabnaan ama ku xeeldheeraan.