dhugatoobid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugatoobid
m.f.dh eeg dhugatow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugatoobid
-da: (magac, dhedig, keli) geel dhugato qaba ahaan. Sida qaalin dhugatoobay oo geelii laga reebay, dhallinyaro ma raacee kelaan dhaxanta meeraaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudgaloobid
m.dh eeg duudgalow². la-mid: duudgalow¹, duurgalow¹, duurgaloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duurgaloobid
m.dh la-mid: duudgaloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaboobid
(Dhaboobid-da)
Wax suuraggalay noqosho; dhab noqosho; run noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaboobid
m.f.dh eeg dhabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhab ah noqosho. Dh: rumoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaloobid
m.f.dh eeg dhalow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuroobid
(Dhuroobid-da)
Wax wanaagsan oo dhan helid; liibaanid; bulaalid; tarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuroobid
m.f.dh eeg dhurow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duugoobid
(Duugoobid-da)
Duug noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duugoobid
m.f.dh eeg duugow². la-mid: duugow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugoobid
-da: (magac, dhedig, keli) gaboobid darteed wax burburaya noqosho. Dh: baaliyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubayoobid
m.f.dh eeg dubayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubayoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dubayo lagu sameeyey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuftoobid
(Shuftoobid-da)
Shufto noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuftoobid
m.f.dh eeg shuftow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuftoobid
-da: (magac, dhedig, keli) shufto noqosho; shuftayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqayoobid
(Dhaqayoobid-da)
Dhaqayo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqayoobid
m.f.dh eeg dhaqayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqayoobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef, jani caana yaraysay noqosho. Hashu dhaqayoobid ayay ku dhawdahay. Dh: janiyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaboobid
m.f.dh eeg dharabow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharasoobid
m.f.dh eeg dharasow². la-mid: dharasow¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugaagoobid
m.f.dh eeg dugaagow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugaagoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dugaag noqosho; sida dugaagga u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurdarroobid
m.f.dh eeg dhurdarrow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaloobid
m.f.dh eeg dhaqaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax daranyada laga dhabay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuraakoobid
m.dh la-mid: shiraakoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuraakoobid
-da: (magac, dhedig, keli) shirkad noqosho; shirkoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurdhagaxoobid
m.f.dh eeg uurdhagaxow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
catoobid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cataw ah ku hadlid; calaacalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'oobid
m.f.dh eeg da'ow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'oobid
-da: (magac, dhedig, keli) gaboobid oo wax da' weyn jooga ahaan. Dh: gaboobid, duqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadoobid
(Dadoobid-da)
Dhalanka iyo baxaalliga dadkoo kale yeelasho; dad noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadoobid
m.f.dh eeg dadow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadoobid
-da: (magac, dhedig, keli) yeelashada dhaqanka fiican ee dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawoobid
m.dh la-mid: daawoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ka bogsashada cudurka. Dawoobid dhakhso ah ayaan kuu rajaynaynaa. Dh: bogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayoobid
(Dayoobid-da)
Dayow ku dhicid; ismadaxmarid; asqoobid; dhami'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayoobid
m.f.dh eeg dayow². la-mid: dayow¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo jahawareer ku jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugatow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhugato qaadid (geel).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugatow
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhugatoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dufoobid
(Dufoobid-da)
1. Duf noqosho.
2. (qof) duf ku dhicid; xumaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufoobid
m.f.dh eeg dufow². la-mid: dufow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dulloobid oo sidii hore ka sii liidasho. Dh: humoobid, calaloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duqoobid
(Duqoobid-da)
Duq noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqoobid
m.f.dh eeg duqow³. la-mid: duqow¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqoobid
-da: (n) the act of ageing (ey/'iMg); aging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) gabow iyo da weynaan uu nooluhu gaadho. Duqoobid ba ka soo muuqata. Dh: gabow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaboobid
(Gaboobid-da)
In badan jirid; filka meesha ugu danbaysa gaarid; duqoobid; odayoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaboobid
m.f.dh eeg gabow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) cimri dheeraansho iyo da'weyni. Dh: duugoobid, duqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caatoobid
(Caatoobid-da)
1. Caato noqosho.
2. Daalid, noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatoobid
m.f.dh eeg caatow². la-mid: caatow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid weyd ah noqosho.
caatoobid -da: (magac, dhedig, keli) daalid; noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawoobid
m.f.dh eeg daawow. la-mid: dawoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dawo ku bogsasho oo ku caafimaadid. Kolkii nafaqada la siiyay ayaa daawoobid ugu horraysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangoobid
m.f.dh eeg dangow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhakoolid
(Dhakoolid-da)
Meel cidla' ah, iska taagnaan ama ka dhisnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakoolid
m.f.dh eeg dhakool². la-mid: dhakool¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakoolid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhakool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamoogid
m.dh la-mid: dhamooqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamoogid
-da: (magac, dhedig, keli) maahid oo mid muuqiisu joogo maankiisuna maqan yahay ahaan. Dh: dhammaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamooqid
m.f.dh eeg dhamooq². la-mid: dhamoogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamooqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qoyan oo sida qooshka ah marmarin oo ku maliiqid. Dh: dhaboolaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhedoobid
m.f.dh eeg dhedow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugtamid
m.dh la-mid: dhaqtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugtamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoog ku tartamid. Dh: dhoogtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogoobid
m.f.dh eeg doogow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul, doog yeelasho oo tigaad cusub bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulloobid
(Dulloobid-da)
Dulli ku dhicid; duf ku bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulloobid
m.f.dh eeg dullow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulloobid
-da: (magac, dhedig, keli) daranyo iyo dacdarro la ba'yaalid; dulli noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gantoobid
m.f.dh eeg gantoob². la-mid: gandoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gandooban oo aan dhannayn ka dhigid. Dh: gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hungoobid
(Hungoobid-da)
Qof ama meel wax loo doontay, wixii ka waayid; ku luggo'id; qadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungoobid
m.f.dh eeg hungow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungoobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama meel wax laga filayay ka waayid oo faramadhnaan kala noqosho. Dh: luggu'id, hantaaqmid, qadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasoobid
m.f.dh eeg khasow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasoobid
-da: (magac, dhedig, keli) been iyo wixii la mid ah, ku ceeboobid; arrin ku hungoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ubaxoobid
m.f.dh eeg ubaxow. la-mid: ubxoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ubaxoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ubax noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaboobid
m.f.dh eeg danabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) danab yeelasho. Isliska walaxaha danaboobid ayaa ka dhalata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daxaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) daxal yeelasho ama wax midhidhay ahaan. Dh: daxlid, midhidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhayloobid
(Dhayloobid-da)
(hilib) sida kan dhaylada u jilcid; karshimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayloobid
m.f.dh eeg dhaylow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegaqorid
m.f.dh eeg dhegaqor².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegatirid
m.f.dh eeg dhegatir². la-mid: dhegatir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegatirid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhegabeel kuridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqoobid
m.f.dh eeg dhiiqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoobo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhilloobid
(Dhilloobid-da)
Dhillo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilloobid
m.f.dh eeg dhillow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhilloobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhillo ah noqosho. Dh: shaqabadoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooboobid
m.f.dh eeg dhoobow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooboobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoobo noqosho; wax dhooqoobay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooqoobid
m.f.dh eeg dhooqow.