dhufeeco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufeeco
-da: (magac, dhedig, keli) geed caleemaad, maydhaxda laga gurto, weelka laga tolo, kana baxa dhulka togagga ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaleeco
(Dhaleeca-da)
Nabar ama iin oogada ka soo baxa; iin foolxun oo ceebaal laysaga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaleeco
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Cudur bushinta ku dhaca oo ay la caddaato. 2. Eed iyo ceebayn loo jeediyo cid fal xun ku kacday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaleeco
m.dh (-ooyin, m.l ) 1. Cudur bushinta ku dhaca oo ay la caddaato. 2. Eed iyo ceebayn loo jeediyo cid fal xun ku kacday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaleeco
f. n. disapproval, criticism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaleeco
-dhaleecada: (n) stigma (istig-ma); aspersion (as-peer-shin); criticism (kiriti-siizim); disapproval ~ ceeb, magac xumo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaleeco
-da: (magac, dhedig, keli) nabar xumaada oo geela ka soo baxa. Hal dhaleeco leh ayaa geela la socota.
dhaleeco -da: (magac, dhedig, keli) dacaayad iyo hadallo wax dhimaal ah oo cid laga baahiyo. Waxaad wadaa waa dheleeco ee wax jira maaha. Dh: fadeexad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaleeco
de: disapproval, criticism
lx: dhaleeco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhaleeco
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhaleeco
نَقْدِ، اسْتِنْكَارِ، إِدَانَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shafeeco
(Shafeeca-da)
Samafal ama waxtar, qof kale gelliimiddi lagu helo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shafeeco
m.dh 1. Raxmad iyo naxariis xag Eebbe laga helo. 2. Gargaar iyo naxariis. la-mid: shafeec¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shafeeco
m.dh 1. Raxmad iyo naxariis xag Eebbe laga helo. 2. Gargaar iyo naxariis. la-mid: shafeec.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shafeeco
f. n. favor, intercession, good deed, favorable intervention
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shafeeco
name-f favor, good deed. Syn: Shafeec
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shafeeco
-shafeecada: (n) divine help; Godly help —u shafeec -ay / day: (v) help someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shafeeco
-da: (magac, dhedig, keli) gallad Eebbe oo lagu helo samafalka aad samayso. Shafeecada Nebigeenna ﷺ Allow hanaga qadin. Dh: gargaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shafeeco
de: favor, intercession, good deed, favorable intervention
initial: s
lx: shafeeco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: shafeeco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleeco
m.dh la-mid: dhalleexid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleeco
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhaleeco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shafeecso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax faa'iidadooda iyo waxtarkooda isticmaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufo
f.g/mg3 (-ftay, -fatay) la-mid: dhifo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhufo
v. pull with a jerk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhufo
-dhuftay / dhufatay: (v) pul (puul); jerk (jerk); give a sudden quick pull ~ dhifo [opposite of riix] Ex: soo dhifo; pull back,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufo
(fal) wax, si xoog ah u gundhi.
dhufo: (fal) si degdeg ah wax ula bood oo xaf sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhufo
de: pull with a jerk
lx: dhufo
pd: (dhuftay / dhufatay)
ps: v3b=
key: dhufo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Cid dulli badid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dufee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Cid dulli badid. m.dh, dufayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dufee
v. spoil, degrade, ruin; humiliate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufee
(fal) duf ka dhig. Maydhaxda aad kebedda ku samaynayso dugfee.
dufee: (fal) xumee oo sidii hore si ka sii liidata ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dufee
de: spoil, degrade, ruin; humiliate
lx: dufee
pd: (dufeeyey)
ps: v2b=tr
key: dufee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeco
m.dh (-ooyin, m.l) Nayl rajo ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeco
f. n. orphaned female lamb that follows the adult ewes; orphan child
heeco m. n., idiom: person who blindly follows others
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeco
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo isagoon naaska dayn hooyadiis dhimato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheego
f.g/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax qof kale sameeyey wax u eg samayn; ka xigasho. 2. (f.mg) Ka dh.: hilib iyo wixi lamida gogasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheego
f.g/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g ) Wax qof kale sameeyey wax u eg samayn; ka xigasho. 2. (f.mg) Ka dh.: hilib iyo wixi lamida gogasho. m.f.dh, dheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheego
v. imitate, act like someone else; pay close attention to another's actions, copy; forge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheego
(fal) afkaar ama xog ka soo amaaho dukumenti ama kutubo kale oo asal ah. Tixdan waxan ka soo dheegtay buugga Saabxidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheego
de: imitate, act like s.o. else; pay close attention to another's actions, copy; [ext.] forge
lx: dheego
pd: (dheegtay)
ps: v3b=
key: dheego
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheeho
(fal) si fiican wax u hummaagso. Dheeho bal sida ay u egtahay taswiirteedu. Dh: eego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: dhifso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhufso
v. snatch for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufso
(fal) wax qof gacantii ku jira ama meel yaal xoog iyo degdeg u qaado. Dh: xaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhufso
de: snatch for oneself
lx: dhufso
nt: dhufsad (ka) [vn2-m], dhufsasho (/da) [vn6-f]
pd: (dhufsaday)
ps: v3a=
key: dhufso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hudeec
(Hudeec-a)
Socod gaabsi ah; hadaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hudeec
hudeec¹: m.l la-mid: hadeec¹.
hudeec²: f.mg1 (-cay, -cday) la-mid: hadeec².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hudeec
v. walk slowly, take short steps
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hudeec
(fal) eeg hadaaf.
hudeec-a: (magac, lab, keli) socod gaabis ah. Dh: hadaaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hudeec
de: walk slowly, take short steps
lx: hudeec
nt: hudeec (a) [vn2a-m]
pd: (hudeecay)
ps: v1=
key: hudeec
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeeco
m.dh la-mid: dabci¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabeeco
m.dh la-mid: dabci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabeeco
-da: (magac, dhedig, keli) dhalan ay dadku ku kala duwan yihiin oo baaxaalliga xidhiidh la leh. Suubban waa gabadh dabeeco fiican. Dh: camal, dabeecad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufato
m.dh la-mid: dafo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufato
-da: (magac, dhedig, keli) haad waxa dadku ay faraha ku hayaan iyo xaywaanka yar xoog u la boodda oo la lasha.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhufeys
Trench
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhufeys
m. n. trench, entrenchment, foxhole, fort bunker
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhufeys
de: trench, entrenchment, foxhole, fort bunker
lx: dhufeys
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: dhufeys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuflee
(fal) marka la dabbaalanaayo lugaha dhaqdhaqaaji oo biyaha la dhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuleed
Wax dhul lee yahay ama lug ku lee yahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuleed
n. phr., genetive: terrestrial, earthly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuleed
de: terrestrial, earthly
lx: dhuleed
ps: np-gen
key: dhuleed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dureemo
m.dh la-mid: dareemo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dureemo
-da: (magac, dhedig, keli) geed cawseed meelaha dooxayada ah ku badan oo xooluhu gu' iyo jiilaal ba daaqaan oo ay ku cayilaan. Dameerihii waa kuwaa dureemada dooxa daaqaya. Dh: dareemo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafeefo
f.g3 (-ftay, -fatay) Jir gubtey xanuun ka dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hafeefo
v. cause to feel a burning sensation; make one hurt from heat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafeefo
(fal) cudurdaar iska sii horraysii. Dh: afeefo, cudurdaaro.
hafeefo: (fal) mid hafeefanaya oo uu nabar gaadhay ahaw. Dh: afeefo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hafeefo
cf: halco
de: cause to feel a burning sensation; make one hurt from heat
lx: hafeefo
pd: (hafeeftay)
ps: v3b=tr
key: hafeefo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jafeeco
(Jafeeca-da)
Nagaar weyn oo weligi si hunbulan u baxa; wuxuu bixiyaa ubax cillaan ah oo aad u qurux badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafeeco
m.dh (botani) Nagaar weyn oo weligi si hunbulan u baxa; wuxuu bixiyaa ubax cillaan ah oo aad u qurux badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jafeeco
m.dh (botani) Nagaar weyn oo weligi si hunbulan u baxa; wuxuu bixiyaa ubax cillaan ah oo aad u qurux badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jafeeco
f. n., [collective] large flowering plant species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JAFEECO
[JAFERO] Ipomoea citrina 01, Triumfetta actinocarpa 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JAFEECO
(Jafeo) C Ipomoea citrina Hall.F. Convolvulaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafeeco
-da: (magac, dhedig, keli) geednagaadh weyn oo si hunbulan u baxa oo ubax qurux badan leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jafeeco
cf: nagaar
de: large flowering plant sp.
lx: jafeeco
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: jafeeco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shafeec
(Shafeec-a)
Shafeeco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shafeec
shafeec¹: m.l la-mid: shafeeco.
shafeec²: f.mg1 (-cay, -cday) Qof ciriiri ku jira Ilaah gargaar uga baryid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shafeec
f.mg1 (-cay, -cday) Qof ciriiri ku jira Ilaah gargaar uga baryid. m.f.dh, shafeecid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shafeec
m. n. favor, good deed
shafeec v. do good, do someone a favor
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shafeec
name-m favor, good deed. Syn: Shafeeco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shafeec
-a: (magac, lab, keli) shafeeco.
shafeec: (fal) noqo ilma yar oo saqiirnimo ku dhintay. Adigu shafeec. Dh: saqiir. Li: weynaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shufeer
* (Shufeer-ka)
Kan baabuurrada wada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shufeer
m.l (-rro, m.dh) Qof baabuur wada; wade.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shufeer
m.l (-rro, m.dh) Qof baabuur wada; wade.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shufeer
m. n. driver, chauffeur
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shufeer
-ka: (n) chauffeur (shu-feer); driver (dharaay-ver); motorist (moota-riist) darawal, wade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shufeer
-ka: (magac, lab, keli) kan baabuurta wada; darewal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shufeer
de: driver, chauffeur
initial: s
lx: shufeer
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: dareewal {C & S < Eng}
key: shufeer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabeelo
-ha: (magac, lab, keli) meelaha naagaha xuni joogaan. Naa dhillaad tahayoo dhiqlaa ku galee dhabeelaha may ku geeyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhufasho
(Dhufasha-da)
Si xoog iyo dhaqso leh ujiidid; dhufad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufasho
m.dh la-mid: dhifasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof wax uu gacanta ku haysto ka gundhin.
dhufasho -da: (magac, dhedig, keli) (isku ~) xisaabta isku badista; 5x3 waa asto tirada la helo marka lambarka 3 shan goor la isku geeyo.
dhufasho -da: (magac, dhedig, keli) meel ama wax kale ku jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shareeco
(Shareeca-da) Xeerka iyo dhaqanka wanaagsan oo Ilaah dadka u soo dejiyo; (ama shareecad, sharci).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shareeco
m.dh Axkaamta diinta islaamka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shareeco
m.dh Axkaamta diinta islaamka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shareeco
f. n. Muslim law, Sharia
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shareeco
-shareecada: (n) Islamic law; shari'a or sharia also shari'ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shareeco
-da: (magac, dhedig, keli) xeer iyo dhaqan wanaagsan oo Ilaah dadka u soo dejiyay. Dh: shareecad, sharci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shareeco
bw: Arabic
de: Muslim law, Sharia
initial: s
lx: shareeco
pd: (/da)
ps: n0-f
see: sharci
key: shareeco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalleecso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: dhalleexso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalleecso
(fal) dhankaaga u qalloociso. Baaldiga dhalleecso oo gacanta la gal. Dh: janjeedhso.