dhufaanmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufaanmid
m.f.dh eeg dhufaanan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufaanmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid la tumay oo dhufaan laga dhigay noqosho. Dh: bohonoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufaamid
-da: (magac, dhedig, keli) neef ama qof lab, xiniinyaha ka saarid ama tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhufaanid
(Dhufaanid-da)
(xoolo) wax dhufaanan ka dhigid; xiniinyo ka bixin; koron ama senge ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufaanid
m.f.dh eeg dhufaan². la-mid: dhufaan¹ (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhufaanid
-da: (n) castratioi (kaas-tareey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufaanid
-da: (magac, dhedig, keli) lab, xiniinyaha ka saarid ama xiniinyaha ka tumid oo bohon ka dhigid. Dh: tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhukaamid
(Dhukaamid-da)
Dhukaan ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhukaamid
m.f.dh eeg dhukaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhukaamid
-da: (magac, dhedig, keli) cudurka dhukaanka qaadid. Qaniinkii cunay ayaa awrka dhukaamidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaamid
(Dhaamid-da)
1. Wasakh ku dhoobid; uskag ka buuxin.
2. Ka wanaagsanaan, ka fiicnaan; ka door roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaamid
m.f.dh eeg dhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan badanay ka roonaan; in yar ka fiicnaan. Dh: roonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhufaan
(Dhufaan-ka)
(xoolo) xiniinyihii laga baxshey; dhufaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufaan
dhufaan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. (-nno, m.dh) Dh. ah: neef xoolo ah la xiniinya baxshay. 2. la-mid: dhufaanid.
dhufaan²: f.g1 (-nay, -ntay) Neef xoolo ah xiniinya bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhufaan
dhufaan¹: m.l (-nno, m.dh) (-nno, m.dh) Dh. ah: neef xoolo ah la xiniinya baxshay.
dhufaan²: f.g1 (-nay, -ntay) Neef xoolo ah xiniinya bixin. m.f.dh, dhufaanid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhufaan
m. n. castred animal; castration, gelding
dhufaan v. castrate, geld
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhufaan
-ay / tay: (v) castrate (kaas-tareeyt); geld (geldh); emasculate (imaas-kileeyt); make sterile (isteeral)
dhufaan -ka: (n) castrater (kaas-tareyter) or castrator (kaas-tareytor)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufaan
(fal) neef ama qof lab, xiniinyaha ka saar oo wax tuman ka dhig. Dh: tun.
dhufaan-ka: (magac, lab, keli) labka oo xiniinyaha laga saaro. Dh: koran. Li: qoodh, xiniiyaqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabmid
m.f.dh eeg dhaaban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) si xoog ah meel ugu qotonsamid. Dh: qotonsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacaamid
m.f.dh eeg dhacaan³. la-mid: dheecamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dheecaan keenid. Dh: dheecaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaamid
m.f.dh eeg dhanaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanaanid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhanaana noqosho; dhanaan ahaansho. Karuurku dhanaanidda ayuu ku macaan yahay. Dh: dhanaanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhufaan_1
de: castred animal; castration, gelding
hm: 1
lx: dhufaan
pd: (-ka)
ps: n2-m; vn-m
key: dhufaan_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhufaan_2
cf: koron, senge
de: castrate, geld
hm: 2
lx: dhufaan
pd: (dhufaanay)
ps: v1=tr
key: dhufaan_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhufaanan
(xoolo) la dhufaanay; xiniinyihii laga baxshey; koron ama senge laga dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufaanan
dhufaanan¹: f.mg1 (-nmay, -nantay; -nmi) Wax la dhufaanay noqosho.
dhufaanan²: f.mg4 (-nnaa, -nnayd) Wax la dhufaanay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhufaanan
der. [adjective] castrated, gelded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufaanan
(tilmaame) lab xiniinyaha laga saaray oo la tumay. Dh: tunnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhufaanan
de: castrated, gelded
lx: dhufaanan
pd: (dhufaannaa)
ps: adj-der
key: dhufaanan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugtamid
m.dh la-mid: dhaqtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugtamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoog ku tartamid. Dh: dhoogtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duufsamid
(Duufsamid-da)
Qof la duufsaday noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufsamid
m.f.dh eeg duufsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulaaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) laaqmid iyo yalaalugood ay xanuun darteed calooshu samayso. Cunto aan nadiif ahayni hulaaqmid way keentaa.
hulaaqmid-da: (magac, dhedig, keli) dab, qiiqaabid; soo hurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhantaalmid
m.f.dh eeg dhantaalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhantaalmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid kala dhiman oo ay wax u dhimanyihiin ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufaannaan
m.f.dh eeg dhufaanan². la-mid: dhufaannaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufaannaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la dhufaanay oo xiniinyihii laga saaray ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuryaamid
m.f.dh eeg dhuuryaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daarmid
m.f.dh eeg daaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daarmid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, nal ama wax kale, shidmid oo if bildhaamaya bixin. Tiriiggu daarmiddii wuu iska diiday: Dh: daarmis, shidmid, ifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaabid
(Dhaabid-da)
Si xoog leh wax meel ugu mudid, ugu adkayn, dhidbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabid
m.f.dh eeg dhaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabid
-da: (magac, dhedig, keli) si xoog ah dhulka ugu qotomin. Dhaabidda waranka ha igaga cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaadid
(Dhaadid-da)
1. Dhaad ka xirid.
2. Ogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaadid
m.f.dh eeg dhaad². la-mid: dhaadis, dhaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhąadid
m.dh la-mid: dhąagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ogaansho ay hubsiimo ku jirto. Dh: hadid.
dhaadid -da: (magac, dhedig, keli) u fiirsasho oo aad ula socosho. Dhabbadii markay naga duween shicibku dhaadaayay. Dh: eegid, dhursugud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafid
(Dhaafid-da)
1. Gudbid; ka dheerayn; ka hormarid; ka tegid.
2. Iska deyn; dan u gelid la'aan; cafiyid; saamixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafid
m.f.dh eeg dhaaf.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhaafid
Discount
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhaafid
take-over
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaafid
-da: (v) overtake (oowvar- teyk); the act of passing ka hor marid. Ex: baabuur dhaafid badnidaa; You are overtaking too many cars
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaafid
Oltrepassare
To surpass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafid
-da: (magac, dhedig, keli) ka gudbidda ama waydaarashada wixii hore. Dh: ka gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaagid
m.dh la-mid: dhaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhąagid
m.dh Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac shan dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. la-mid: dhąadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaamin
(Dhaamin-ta)
1. Dhaan kaxayn.
2. Afka ka joojin; buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaamin
m.f.dh eeg dhaami. la-mid: dhaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) reer biyo u doonid oo aroorid.
dhaamin -ta: (magac, dhedig, keli) weel, buuxin oo daf ka siin. Dh: buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaamis
m.l la-mid: dhaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaamis
-ka: (magac, lab, keli) biyo soo gurid; ceel biyo ka keenid oo cid harraadan u geyn. Dh: aroor.
dhaamis-ta: (magac, dhedig, keli) ka roonaanshaha cid kale. Dh: dhaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaansi
(Dhaansi-ga)
Dhaansasho; Dhaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansi
m.l la-mid: dhaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg dhaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawid
m.f.dh eeg dhaaw². la-mid: dhaaw¹, dhaawis, dhaw¹, dhawid, dhawis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawid
-da: (magac, dhedig, keli) in xun u yu'asho: xumaan u rajayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacmid
m.f.dh eeg dhacan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kaa tegay oo fogaadey. Irmaankiinu maantuu dhacmee idhanka loo qaadey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafmid
m.f.dh eeg dhafan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqmid
(Dhaqmid-da)
1. Dhaqan wanaagsan ku sugnaan.
2. Mayrmid; qasaalmid, liin bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqmid
m.f.dh eeg dhaqan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhaqan oo jira ahaan; tarmid oo badasho. Dhulka badhbaa dhaqmidda lo'da ku habboon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhinmid
(Dhinmid-da)
Wax dhimman noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinmid
m.f.dh eeg dhiman².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhufsad
(Dhufsad-ka)
Dhufsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufsad
m.l la-mid: dhifsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufsad
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhufad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhukaan
(Dhukaan-ka)
Cudur geela ku dhaca oo qaniinka ka kaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhukaan
dhukaan¹: m.l Cudur ur qurmoon leh geela ku dhaca, neefka daaqa u diida oo uu la caatoobo.
dhukaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Dhukaan qaadid (geel).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhukaan
m.l Cudur ur qurmoon leh geela ku dhaca, neefka daaqa u diida oo uu la caatoobo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhukaan
m. n. disease of camels; camel with the disease
dhukaan v. be sick (of a camel)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhukaan
-ka: (n) disease that infects [affects] camels ~ dhugato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhukaan
-ka: (magac, lab, keli) cudur xoolaha ku dhaca gaar ahaanna geela. Dhab baa loo hadlaa waxaynu nahay duul dhukaan qaba e.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurmid
m.f.dh eeg dhuran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulaami
(fal) dhinac u rid. Dh: ciirsii, dullaami, dilaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duufaan
(Duufaan-ka, Duufaan-ta)
Roob iyo dabaylo is wata oo daadku dhulka badanki qarsho, sida tii dhacday waagii Nebi Nuux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufaan
m.l/dh (-nno, m.dh) Dabayl xoog leh, roob wadata oo waxyeello dhulka gaarsiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duufaan
m.l/dh (-nno, m.dh) Dabayl xoog leh, roob wadata oo waxyeello dhulka gaarsiisa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Duufaan
Storm, Hurricane
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duufaan
m. n. storm, rainstorm
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Duufaan
nickname-m typhoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duufaan
-ta: (n) storm (istoom), hurricane (heri-keyn)-, tropical cyclone
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Duufaan
Uragano
Hurricane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duufaan
-ka: (magac, lab, kali) roob iyo dabayl xoog leh oo is wata. Duufaan baa dumiyey daarihii magaalada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duufaan
bw: Arabic
de: storm, rainstorm
lx: duufaan
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2-m/f
key: duufaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalmid
m.dh la-mid: falmid.