dhoyli'i
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoyli'i
-da: (magac, dhedig, keli) garaadxumo iyo caqlidarro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayli
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo markaas dhashay dilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhayli
v. kill (young person ~ animal through overwork, etc.)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhayli
de: kill (young person ~ animal through overwork, etc.)
lx: dhayli
nt: dhaylid (da) [vn-f]
pd: (dhayliyey)
ps: v2a=
key: dhayli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooli
m.dh (-iyo, m.l) 1. Sariir yar oo dadka buka ama dhaawaca ah lagu qaado; wasaasin. 2. Baabuur qafilan oo dad jirran ama dhaawaca ah lagu qaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhooli
m.dh (-iyo, m.l) 1. Sariir yar oo dadka buka ama dhaawaca ah lagu qaado; wasaasin. 2. Baabuur qafilan oo dad jirran ama dhaawaca ah lagu qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooli
-ga: (magac, lab, keli) baabuur gurmadka degdegga ah loo adeegsado oo bukaanka iyo dadka halista ah lagu qaado. Dhakhtarka waxa loogu deeqay labo dhooli. Dh: ambalaas.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhoyla
nickname-f stupid, unintelligent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhoyla
naanays loo baxsho gabadh fahmo xun oo baahsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhallii
-sha: (magac, dhedig, keli) aragti laga masuugo ama ruux aad intaa uga hanwaynayd wax aan u qalmin ku arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaylid
(Dhaylid-da)
Qof dhallinyaro ah, hawl ama wax kale ku dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaylid
m.f.dh eeg dhayl².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaylid
-da: (magac, dhedig, keli) kala dhantaalid. Faataxo dhamaantiin umara inan Illaah dhaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaylin
m.f.dh eeg dhayli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaylin
-ka: (magac, lab, keli) waraabaha baruurta cunay xaarkiisa. Dabadana adkee dhaylin baad diru lahay deene.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogli'i
-da: (magac, dhedig, keli) la'aanta war xaqiiqa ah oo lagu kalsoonaado. Xogli'i dagaal lama galo. Dh: warla'aan. Li: xogla'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diinli'i
m.dh la-mid: diinla'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diinli'i
-da: (magac, dhedig, keli) eeg diinla'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoolbirid
m.f.dh eeg dhoolbir². la-mid: dhoolbir¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoolbirid
-da: (magac, dhedig, keli) wejifurnaan; iyo dhoollacaddayn. Dhoolbiriddu waa sadaqad. Dh: dhoollacaddan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoyla'aan
m.dh Dhoy la'ahaanshada. la-mid: dhooyla'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoyla'aan
f. n. lack of intelligence, stupidity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoyla'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) maan ama caqli gaaban la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoyla'aan
de: lack of intelligence, stupidity
lx: dhoyla'aan
pd: (-ta)
ps: n-f
key: dhoyla'aan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoonli'i
m.dh la-mid: aqoonla'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqoonli'i
-da: (magac, dhedig, keli) cilmi la'aan; jaahilnimo; aqoon la'aan.
aqoonli'i-da: (magac, dhedig, keli) kasmaddarro; caqli xumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awoodli'i
m.dh la-mid: awoodla'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaylaysi
-ga: (magac, lab, keli) dhaylo cunid baarlamaankii.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dheelitir
Miisaamid, ciirtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoylaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Qof caqli yar. la-mid: dhooylaawe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoylaawe
m. n. stupid ~ unintelligent person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoylaawe
-ha: (magac, dhedig, keli) caqli laawe ama qofka aan dantiisa garan. Dh; henfede.
dhoylaawe -ha: (magac, lab, keli) maangaab aar garaad lahayn. Dh: garaaddarane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoylaawe
de: stupid ~ unintelligent person
lx: dhoylaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhoylaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqali'i
m.l Waayitaanka la waayo wax laga shaqeeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaqali'i
m.l Waayitaanka la waayo wax laga shaqeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqoli'i
m.dh Hayn la'aanta aan shaqo la hayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqoli'i
f. n., [abstract] unemployment
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqoli'i
a: shaqola'aan
de: unemployment
initial: s
lx: shaqoli'i
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: shaqoli'i
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooyla'aan
m.dh la-mid: dhoyla'aan.