dhowrto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhowrto
-da: (magac, dhedig, keli) caano reerka laga soo guro oo meel la isugu keeno dabadeedna la siiyo inta u jilicsan ee saboolka ah ama marti timid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawrto
(Dhawrta-da)
Deeq la urursho oo laysu keeno oo wadajir, xag Ilaah loo baxsho; sadaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrto
m.dh Deeq dad badan laga soo urursho oo sadaqo ahaan loo bixiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawrto
f. n., [collective] food contributed to communal meal, alms
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhawrto
dhawrtada: (n) alms (al-mas) collection
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhawrto
de: food contributed to communal meal, alms
lx: dhawrto
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: dhawrto
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhowrso
-dhawrsaday / dhawrsatay: (v) be righteous (raay-jas); be pure; be virtuous; resist temptation ~ dhawrso Ex: xumaanta ka dhowrso; be pure from immorality
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibdar
m.l (-rro, m.dh) 1. Caano yar oo dhowrto ahaan la isugu daro. 2. Xoolaha markay dararaan oo uu naaskoodu gaaro xoorka caanaha. 3. Dhaawac gaara caanamareenka naaska oo ay candhadu caanaha ceshan weydo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoweyto
adv., time: recently
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoweyto
(adv) recently (rii-santli); lately (leeytli); not long ago ~ dhawaan, dhawayd, dhawaan. Ex: Ayaan dhowayto; a recent day
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoweyto
cf: dhowaan
de: recently
lx: dhoweyto
ps: adv-time
key: dhoweyto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhowr
m.l.t. la-mid: dhawr¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhowr
v. look at ~ for; expect, anticipate, wait for; protect, give care to
dhowr num: several, a few, some; small number (less than ten)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhowr
-ay / tay: (v) 1. wail (weeyt); await (a-weeyt); hold on (holdh-ori); pause (paaws) ~ sug, dhowr. 2. expect (ikis-pekt); anticipate (an-tisi-peeyt) ~ filo. 3. (n) (deter) couple (ka-pal); some; several (se- varal) ~ xoogaa. Ex: dhowr jeer baan ku soo wacay; I have called you several times. Dhowr qof; some people
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhowr
بِضْعَة، بِضَعِ، وَقَايَةً
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoqro
f.g3 (-oday, -otay) Cunto la cunayo meel godan oo iidaanka lagu shubo u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhowmo
f. n. sex, sexual intercourse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhowmo
-dhowmada: (n) sexual intercourse; copulation (kapi-leey-shin); intercourse (tnter-koos); sex (sa-kis); coitus (kootes) ~ dhawmo, galmo, wasmo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhowmo
a: dhawmo
de: sex, sexual intercourse
lx: dhowmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhowmo
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhowre
Keeper
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhowre
nickname; name-m expecting, anticipating, awaiting; protect, care giver
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrmo
m.dh 1. Eegmo. 2. la-mid: dhawrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawrmo
f. n., [abstract] caring, concern, care
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhawrmo
de: caring, concern, care
lx: dhawrmo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: dhawrmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Xumaan, ceeb iyo wixi lamida iska ilaalin. 2. Wax ka cabsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhawrso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Xumaan, ceeb iyo wixi lamida iska ilaalin. 2. Wax ka cabsasho. m.f.dh, dhawrsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawrso
v. protect oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhawrso
dhawrsaday/dhawrsatay: (v) be righteous (raay-jas); be virtuous; resist temptation ~ dhowrso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawrso
(fal) meelaha ay sumcadxumo ka iman karto iska jir; wixii xun ka gaabso. Dh: gaabso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhawrso
de: protect oneself
lx: dhawrso
pd: (dhawrsaday)
ps: v3a=
key: dhawrso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhowr_1
de: look at ~ for; expect, anticipate, wait for; [ext.] protect, give care to
hm: 1
lx: dhowr
pd: (dhowray)
ps: v1=
see: dhawr
key: dhowr_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhowr_2
a: dhawr
de: several, a few, some; small number (less than ten)
hm: 2
lx: dhowr
pd: (-ka)
ps: num-m
key: dhowr_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhararto
-da: (magac, dhedig, keli) wax sacab ka baxsan muggii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawrnow
inch. v. be protected
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhawrnow
de: be protected
lx: dhawrnow
pd: (dhawrnaaday)
ps: v3a=inch
key: dhawrnow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrtee
f.g2 (-teeyay, -taysay) Dhawrto bixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawrtee
v. contribute to communal meal; give alms
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhawrtee
de: contribute to communal meal; give alms
lx: dhawrtee
pd: (dhawrteyey)
ps: v2b=
key: dhawrtee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhererto
(Dhererta-da)
Sacab muggi; xantoobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhererto
m.dh Sacab muggii; xantoobo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhererto
m.dh Sacab muggii; xantoobo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhererto
f. n. handful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhererto
de: handful
lx: dhererto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhererto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoweyso
f.g3 (-stay, -satay) Wax meel dhow keensasho. la-mid: dhaweyso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhoweyso
f.g3 (-stay, -satay) Wax meel dhow keensasho. m.f.dh, dhoweysasho. la-mid: dhaweyso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoweyso
v. draw something near, bring something close to ~ for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoweyso
(fal) meel agtaada ah keeno. Miiska soo dhoweyso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoweyso
de: draw s.t. near, bring s.t. close to ~ for oneself
lx: dhoweyso
pd: (dhoweystay)
ps: v3b=tr
key: dhoweyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadhowto
Hadhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadhowto
fk. la-mid: hadhow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadhowto
adv., time: later on, soon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhowto
(falkaabe) eeg hadhow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadhowto
a: hadhow ~ hadhdhow
de: later on, soon
lx: hadhowto
ps: adv-time
key: hadhowto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrtayso
f.g3 (-stay, -satay) Dhawrto dad ka urursasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhawrtayso
f.g3 (-stay, -satay) Dhawrto dad ka urursasho. m.f.dh, dhawrtaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawrtayso
v. contribute food to a communal meal; give alms
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawrtayso
(fal) dadka soo dhexmar oo baryootan. Dh: dewerso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhawrtayso
de: contribute food to a communal meal; give alms
lx: dhawrtayso
pd: (dhawrtaystay)
ps: v3b=
key: dhawrtayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhow
Aan fogeyn; ogog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhow
f.mg4 (-waa, -wayd) Wax aan fogayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhow
f.mg4 (-waa, -wayd) Wax aan fogayn ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhow
adj., loc. near, nearby, close
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhow
-aa: (adj) 1. near (niyar); close (kalows)-, just about; almost; nearly ~ dhaw: Ex: mustaqbalka dhow; the near future ~ dhowaan: 2. (adv) recently (rii-santili) ~ dhawaan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhow
Vicino
Near
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhow
(tilmaame) eeg dhaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhow
a: dhaw
de: near, nearby, close Opp: fog
lx: dhow
pd: (dhowaa)
ps: adj-loc
xe: One afternoon he went to share news with a family that was nearby.
xv: Galab buu reera ka ag dhowaa u wareysi tagey.
key: dhow
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhow
مُقْتَرِب لَدَى وَلَدُن وَعِنْدَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doro
m.dh Ciyaarta turubka marka ay laba kooxood oo iska soo horjeeda ay tiro isle'eg iska qabtaan; baatad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dowr
(Dowr-ka)
1. (ceel, kd.) Biyo ka gurid; engeg; kagguur; goof.
2. Kaalin; qayb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dowr
dowr¹: m.l (-rar, m.l) 1. Ceel biyihii ka guureen, goof, gorof. 2. (riw.) la-mid: dǫor. Kaalin.
dowr²: f.mg1 (-rar/-rtay, m.l) Ceel biyihii ka guureen oo muddo qallallaa noqosho. la-mid: dawr².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dowr
m.l (-rar, m.l) 1. Ceel biyihii ka guureen, goof, gorof. 2. (riw.) la-mid: dǫor. Kaalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dowr
v. go ~ run dry, be empty; run out of good ideas
dowr m. n. dry well; dried out stream ~ pond
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dowr
-ka: (magac, lab, keli) marka ceelka abaari gudhiso. Ceelka dowr baa ku dhacaye biyuu lahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horo
f.g3 (-rtay, -ratay) Xoolo ooman biyo hormo-hormo ugu sii daysasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
òrto
s.m. - beer yar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
córto
agg. - gaaban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharo
-da: (magac, dhedig, keli) walxo dab nool ah oo ka soo finiina dab shidan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawo
f.g3 (-wday, -watay) la-mid: dhaawo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawr
1. (Dhawr-ka) Tiro kow ka badan sagaalna aan dhaafin.
2. (Dhawr-ta) Wixii waxyeello leh oo dhan; cabsi; dugaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawr
dhawr¹: m.l.t Tiro laba ka badan kana yar siddeed. la-mid: dhowr.
dhawr²: m.l Erey ereyada lammane ah lagu isticmaalo oo 'xannaano' ama 'difaac' micneeya. Tusaale: “Dhididdh.”, “Hantidh.”
dhawr³: m.dh Wixii waxyeello leh oo dhan.
dhawr⁴: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Xumo ka ilaalin; xannaanayn. 2. Fiirin; u jeedid; eegid. 3. Sugid; korosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhawr
dhawr¹: m.l.t Tiro laba ka badan kana yar siddeed. la-mid: dhowr.
dhawr²: m.l Erey ereyada lammane ah lagu isticmaalo oo 'xannaano' ama 'difaac' micneeya. Tusaale: Dhidid dh., Hanti dh.
dhawr³: m.dh Wixii waxyeello leh oo dhan.
dhawr⁴: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Xumo ka ilaalin; xannaanayn. 2. Fiirin; u jeedid; eegid. 3. Sugid; korosho. m.f.dh, dhawrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawr
v. take care of, protect (against), watch over; look closely at, observe closely, scrutinize; expect, await, watch for
dhawr m. n., num-m (adj.): group, small number (less than ten); some, several, a few
dhawr [feminine] n. terror, something frightening ~ dangerous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhawr
-ay -tay: (v) 1. wait (weeyt); / await (a-weeyt); hold on (holdh-on); pause (paaws)~ sug, dhowr. 2. expect (ikis-pekt); anticipate (an- tisi-peeyt) filo, ka dhursug. 3. (n) couple (ka-pal) several (se-varal) ~ xoogaa. Ex: dhawr jeer; several times
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhawr
Alcuni
Some
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawr
(fal) dhanka wax kaa jiro u jeedso. I soo dhawr! Dh: fiiri, day, jalleec, jeedaali, dhugo.
dhawr: (fal) ilaali oo daranyada ka dhaw. Reerka waraabaha ka dhawr.
dhawr: (fal) (ka ~) wax jabaya ama meel bugta aayar oo ilaali. Gacanta ku jaban, dhaqdhaqaaqa ka dhawr. Dh: miyir.
dhawr: (tilmaame) waxoogaa aan tiradoodu badnayan. Dhawr neef oo geel ah ayuu leeyahay.
dhawr -ka: (magac, lab, keli) tiro aan la xaddidin oo hal ka badan tobanna ka yar. Waxad degdeg ugu celcelisaa 'aqal dhawr gu' dhisnaa dabar dhawr gu' dhexyaal'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhito
(Dhita-da)
Caano ama subag ama wax kale oo inta la uruursho meel la dhigto, si waa danbe, dan loogu qunsado; dhigaal; kayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhito
m.dh (-ooyin, m.l) Caano loo keydiyey in la lulo ama la dhamo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhito
f. n. hoard, store (of food)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhito
-dhitada : (n) savings (seeyvingsf deposit (di-paasity, reserve (riseerv)-, fund (fandh), hoard (hoodhy cache (kaash) ~ dhigaal, kayd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhito
-da: (magac, dhedig, keli) subag burcad ah oo maalin ay dhiili dhashay oo inta la isku ururiyo oo sida kubbada mar meel dhoto' loogu siiyo. Dh: fud.
dhito -da: (magac, dhedig, keli) wax aad meel dhigato si aad mar danbe u isticmaashid. Dhitadii waa la iga dhuuqay. Dh: kayd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhito
de: hoard, store (of food)
lx: dhito
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dhito
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoor
(Dhoor-ka)
Hab carruurta yaryar loogu xiiro - xagga reer-miyiga qaarki - oo daliig dheer oo timo ah oo is haysa foodda taniyo qadaadka loo reebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoor
m.l (-rar, m.l) 1. Daliig timo ah oo carruurta yaryar, madaxa bartankiisa loogu reebo. 2. Carjaw ama baalal kor u taagan oo shimbiraha qaarkood madaxa bartankiisa ku yeeshaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhoor
m.l (-rar, m.l) 1. Daliig timo ah oo carruurta yaryar, madaxa bartankiisa loogu reebo. 2. Carjaw ama baalal kor u taagan oo shimbiraha qaarkood madaxa bartankiisa ku yeeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoor
m. n. traditional child's haircut; mohawk haircut
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoor
-ka:: (n) a traditional style in which hair is cut for young boys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoor
(fal) weel buuxi oo afka sare jooji. Li: dhin.
dhoor -ka: (magac, lab, keli) madaxa halka ugu sarraysa timaha ka baxa ee foodlayda loogu reebo marka hareeraha loo xiiro.
dhoor-ka: (magac, lab, keli) halka ugu sarraysa ee kuruska geela ama buurta dusheeda. Dh: fig. tag. Li: sal, gun, hoos.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoor
de: traditional child's haircut; mohawk haircut the head is shaved with a crest down the middle
lx: dhoor
pd: (-ka Pl: dhoorar (ka))
ps: n4-m
key: dhoor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhows
m.l Nin laxaad weyn leh oo nacas ah.