dhoqranaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoqranaan
m.f.dh eeg dhoqran. la-mid: dhoqranaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqranaan
m.dh eeg boqran. la-mid: boqranaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la boqray oo boqor laga dhigay ahaan. Boqranaanta boqoradda waa la wada ogol yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqranaan
m.f.dh eeg daqran². la-mid: dakhranaan, dakhranaansho, daqranaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) nabar madaxa ama weejiga ku lahaan. Dh: dakhranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoornaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buuxa oo aan dhinnaan lahayn. Li: madhnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoohanaan
(Dhoohanaan-ta)
Qof dhoohan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoohanaan
m.f.dh eeg dhoohan. la-mid: dhoohanaansho, dhoohnaan, dhoohnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoohanaan
f. n., [abstract] absent-mindedness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoohanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax muuqiisu joogo oo maankiisu maqan yahay ahaan. Dh: maahsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoohanaan
de: absent-mindedness
lx: dhoohanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
syn: laabla'aan
key: dhoohanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoqranaansho
m.l/dh la-mid: dhoqranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarsanaan
m.f.dh eeg dhaarsan. la-mid: dhaarsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dhaar galay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrsanaan
m.f.dh eeg dhawrsan. la-mid: dhawrsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawrsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) edeb lahaan oo af iyo addinba ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiirranaan
(Dhiirranaan-ta)
(qof) dhiirran ahaan; geesinnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirranaan
m.f.dh eeg dhiirran. la-mid: dhiirranaansho (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiirranaan
f. n., [abstract] bravery, courage, fearlessness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) baqdin la'aan iyo waabasho la'aan. Dh: calooladayg, geesinimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiirranaan
de: bravery, courage, fearlessness
lx: dhiirranaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
syn: geesinnimo
key: dhiirranaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoofsanaan
m.f.dh eeg dhoofsan. la-mid: dhoofsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoofsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dal kale safar ugu maqan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhanaan
1. Dhadhanka cusbada leh.
2. (Dhanaan-ka) Dhadhanka cusbada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaan
dhanaan¹: m.l Dhadhan aan macaanayn, kharaarayn, carrabku uusan jeclaysan oo laga helo cusbada, liinta iyo wixi lamida.
dhanaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Wax dhadhan cusbo leh noqosho.
dhanaan³: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhadhan cusbo yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhanaan
m.l Dhadhan aan macaanayn, kharaarayn, carrabku uusan jeclaysan oo laga helo cusbada, liinta iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhanaan
m. n., [abstract] (adj.): tartness, acrid ~ salty flavor; tart, sour, salty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhanaan
-ka: (n) 1. sour (saawar) taste; salty taste ~ mayac. Ex: caano dhanaan ah: sour milk. 2. (adj) salty (soolti); something containing, or seasoned with salt. 3. tasting like lemons
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanaan
-ka: (magac, lab, keli) dhadhanka cusbadu ama ciirtu leedahay oo kale. Dhanaan baan la cabbi kari waayey caanihii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhanaan
de: tartness, acrid ~ salty flavor; [atr.] tart, sour, salty
lx: dhanaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
key: dhanaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhanaan
مَرَارَةَ، عُفُوصِةَ، حَرْوَةَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoqran
f.mg4 (-naa, -nayd) Qare, bocor, iyo wixi lamida wax dhoqor loo yeelay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hornaan
m.f.dh eeg horan. la-mid: hornaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqnaan
m.f.dh eeg dhaqan³. la-mid: dhaqnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dhaqaale qaba ahaan. Dh: dhaqnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharnaan
m.f.dh eeg dharan. la-mid: dharnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurnaan
m.f.dh eeg dhuran². la-mid: dhurnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabranaan
m.f.dh eeg dabran². la-mid: dabranaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax labada lugood ee hore ka xidhan ahaan. Awrku wuu baxsane dabranaanta u daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhakanaan
(Dhakanaan-ta)
(qof) dhakan ahaan; dhego cuslaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakanaan
m.f.dh eeg dhakan. la-mid: dhakanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhakanaan
f. n., [abstract] hardness of hearing, partial deafness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax maqalla'aan. Dh: dhegacuslaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhakanaan
de: hardness of hearing, partial deafness
lx: dhakanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dhakanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawanaan
m.dh la-mid: dhaawanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawrnaan
(Dhawrnaan-ta)
Wax dhawran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrnaan
m.f.dh eeg dhawran. la-mid: dhawrnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhawrnaan
f. n., [abstract] state of being safe ~ protected
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhawrnaan
a: dhawrnaansho (/ha) [vn6-st]
de: state of being safe ~ protected
lx: dhawrnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dhawrnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoobnaan
(Dhoobnaan-ta)
1. Dhisnaan; malaasnaan.
2. Taallaysnaan; tuunsanaan.
3. Tuurnaan; xoonsanaan; yoobsanaan.
4. (fallaar) Waabaayaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobnaan
m.f.dh eeg dhooban². la-mid: dhoobnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoobnaan
f. n., [abstract] state of being molded, formed, built, smeared
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoobnaan
-ta: (n) the act or an instance of gathering ~ dhoobashoa Ex: maxaad meesha la dhooban tihiin? why are you all gathering here?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhooban ahaan. Dh: tubnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoobnaan
de: state of being molded, formed, built, smeared
lx: dhoobnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dhoobnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoohnaan
m.dh la-mid: dhoohanaan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhoohnaan
Distrazione
Absent mindedness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoohnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhoohanaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHOORNAAY
(Dornai) N Cadaba farinosa Forsk. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhukanaan
(Dhukanaan-ta)
Wax dhukan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhukanaan
m.f.dh eeg dhukan. la-mid: dhukanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhukanaan
f. n. state of having small ears; not hearing well
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhukanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhego gaagaaban oo sida caadiga ah ka yaryar lahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhukanaan
a: dhukanaansho (/ha) [vn6-f-st]
de: state of having small ears; [fig.] not hearing well
lx: dhukanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-st
key: dhukanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doonanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) muddada u dhexaysa isasiinta iyo meherka gabadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hafranaan
m.f.dh eeg hafran. la-mid: hafranaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Holganaan
(Holganaan-ta)
Qof holgan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holganaan
m.f.dh eeg holgan. la-mid: holganaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
holganaan
m. n., [abstract] unjust treatment; state of being passed over ~ left out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
holganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dulman ahaan; dulmanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
holganaan
de: unjust treatment; state of being passed over ~ left out
lx: holganaan
pd: (-ta)
ps: n2-m-abs
key: holganaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurranaan
m.dh la-mid: hurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korranaan
m.f.dh eeg korran. la-mid: korranaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kale fuushanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daboqanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) laf ka mid ah lafaha yaryar ee ugu dambeeya lafaha dhabarka. Dh: dabagibinta, dabadhilif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakhranaan
m.dh la-mid: daqranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawanaan
m.f.dh eeg dhaawan. la-mid: dhaawanaansho, dhawanaan, dhawanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacsanaan
m.f.dh eeg dhacsan. la-mid: dhacsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taariikhdii la isticmaali lahaa dhamaatay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaanaan
m.f.dh eeg dhanaan³. la-mid: dhanaanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanaanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhandhanka ciirta yeelasho; wax dhanaan oo sida cusbada u dhandhamaya ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharra'aan
m.dh la-mid: dharla'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharraqaan
-ka: (magac, lab, keli) ci'da waraabaha. Xalay warraabaha dharraqaankiisa ayaan ka seexan weynay. Dh: qaloonbi, golomis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxlanaan
m.f.dh eeg dhaxlan. la-mid: dhaxlanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaylanaan
f. n., [abstract] perfection, irreproachability
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaylanaan
de: perfection, irreproachability
lx: dhaylanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dhaylanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegganaan
m.f.dh eeg dheggan. la-mid: dhegganaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegganaan
f. n., [abstract] adherence, state of being stuck ~ attached to something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ku naban ahaan. Dh: dheggenaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegganaan
de: adherence, state of being stuck ~ attached to s.t.
lx: dhegganaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: dhegganaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegsanaan
m.f.dh eeg dhegsan. la-mid: dhegsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ku naban ahaan. Dh: nabnaan, dhejisnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dherganaan
m.f.dh eeg dhergan. la-mid: dherganaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibbanaan
(Dhibbanaan-ta)
Dhib qabid; kadeednaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibbanaan
m.f.dh eeg dhibban. la-mid: dhibbanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibbanaan
f. n., [abstract] state of being wounded ~ in difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kadeed iyo rafaad qabid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibbanaan
de: state of being wounded ~ in difficulty
lx: dhibbanaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: dhibbanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhidbanaan
m.f.dh eeg dhidban. la-mid: dhidbanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhidbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qotoman oo meel ku taagan ahaan. Dh: qotonsanaan.