dhoollatus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoollatus
dhoollatus¹: m.l 1. Isu miciyalisashada awrta qooqan. 2. Xoogga cidi leedahay oo la soo bandhigo si cadowga loogu niyad jebiyo. 3. Fulabbajis; bowdaqaawis. 4. la-mid: dhoollatusid.
dhoollatus²: f.mg1 (-say, -stay) 1. Awrta qooqan isu miciyallisasho. 2. Xoogga qolo leedahay muujin, si cadowgu u arko oo u tixgeliyo. 3. Fulabbajin. la-mid: dhoollatuso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhoollatus
dhoollatus¹: m.l 1. Isu miciyalisashada awrta qooqan. 2. Xoogga cidi leedahay oo la soo bandhigo si cadowga loogu niyad jebiyo. 3. Fulabbajis; bowdaqaawis.
dhoollatus²: f.mg1 (-say, -stay)1. Awrta qooqan isu miciyallisasho. 2. Xoogga qolo leedahay muujin, si cadowgu u arko oo u tixgeliyo. 3. Fulabbajin. m.f.dh, dhoollatusid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoollatus
v., [compound] show one's teeth; show strength
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoollatus
-ka:: (n) display of force; military parade; showdown (shoow-dhaawn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoollatus
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhoolatus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoollatus
de: show one's teeth; [fig.] show strength
lx: dhoollatus
pd: (dhoollatusay)
ps: v1=cmp
key: dhoollatus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoollatuso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: dhoollatus².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoollatuso
(fal) cududdaada iyo muruqaaga cadawga tus oo dhoollatus samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoolatus
-ka: (magac, lab, keli) muruqmuujinta ay awrtu isku sameeyaan ee ay miciyada isku listan. Awrba awrka kale ayuu dhoolatus u sameeyaa. Dh: dhoollatus.
dhoolatus -ka: (magac, lab, keli) muujinta cudud millateri oo ciidan sameeyo. Dh: dhoollatus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoollatusad
(Dhoollatusad-ka)
1. Isu miciyallisadka awrta qooqan.
2. (*) Xoogga qolo leedahay oo la soo bandhigo si cadowgu u arko oo u tixgeliyo.
3. Fulabbajis; bowdaqaawis.
4. Dagaal been ah; garmaame.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoollatusad
m.l la-mid: dhoollatusid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoollatusad
vl. n.-idiom: show of strength ~ force; mock war
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoollatusad
-ka: (magac, lab, keli) muruqmuujin samayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoollatusad
de: show of strength ~ force; mock war Lit: show teeth
lx: dhoollatusad
pd: (-ka)
ps: vn2-m-idiom
key: dhoollatusad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoollatusid
m.f.dh eeg dhoollatus². la-mid: dhoollatus¹ (4), dhoollatusad, dhoollatusasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoollatusid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoollatus samayn; muruq iyo awood muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garmaame
(Garmaama-ha)
1. Rogrogga iyo tabaynta dagaalka.
2. Dagaal been ah; dhoollatusad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoollatusasho
m.dh la-mid: dhoollatusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmaame
m.l 1. Orod iyo durduro farduhu sameeyaan waqtiga barwaaqada ah. 2. Dhoollatusad. 3. la-mid: garmaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmaamee
f.mg2 (-meeyay, -maysay) 1. Garmaame samayn (faras). 2. Dhoollatusad samayn.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
manovra
s.f. - dhoollatusad ciidan, manaawaraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babactan
-ka: (magac, lab, keli) dagaal beenbee ah muujin. Dh: dhoollatus, goolaaftan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caylagolyo
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir yar oo fudfudud oo fiidmeerta u eg oo xilliga barwaaqada ah inta ay isku soo ururto dhoollatus qurux badan hawada ku samaysa oo kolba dhinac u duusha. Dh: caylo, ceerilleef.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coobbakarid
-da: (magac, dhedig, keli) astaan dagaal muujin ah. Dh: doobbatuurid, dhoollatusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
coobbakarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunaha oo ladibiriyo ama la buuro inta neefta la isku celiyo dagaal ama cid guulguulid darteed. Dh: doobin, dhoollatus, coobbakaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawi
-da: (magac, dhedig, keli) fiirsasho indho ka buuxsi ah meel fagaare ah. Daawi ayaa maanta la iskugu soo baxay iyo dhoollatus.
daawi -ga: (magac, lab, keli) wax kasta oo aan noolayn oo ah mood. Dh: manoole. Li: noole.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goolaaftan
-ka: (magac, lab, keli) carashada awrtu markay dagaal isku diyaarinayso ee ay isu dhibishaxanayso. Awrta goolaaftankeeda kala caydhi. Dh: hanjabaad, cartan, dhoollatus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minawaar
-ka: (magac, lab, keli) markab dagaal oo weyn. Minawaarka nimankii ka degay maato loo galiye. Dh: markab.
minawaar-ka: (magac, lab, keli) carbinta ciidamada. gaadiidka badda iyo dhulka si xirfadi ku jirto loo carbiyo. Dh: dhoollatus.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoollo
-dhoollaha: (n) [plural of dhool] incisors (in-saay-zeris); located at the front of the mouth
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doollar
m.l Lacagta rasmiga ah ee waddanka Mareykanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doollar
m.l Lacagta rasmiga ah ee waddanka Mareykanka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doollar
m. n. dollar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Doollar
-ka: (magac, lab, keli) lacagta Mareykanka. Nin Doollar haystaa daara dhisi kara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doollar
de: dollar Alt sp: doolar
lx: doollar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: doollar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogatus
hogatus¹: m.l (-syo, m.dh) 1. Tusaale cid arrin laga siiyo. 2. Sawir iyo wax u eg oo wax lagu muujiyo.
hogatus²: f.g1 (-say, -stay) Cid wax tusaalayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hogatus
m.l (-syo, m.dh) 1. Tusaale cid arrin laga siiyo. 2. Sawir iyo wax u eg oo wax lagu muujiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hogatus
m. n. demonstration, illustration
hogatus v. illustrate, demonstrate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogatus
-ka: (magac, lab, keli) hadal waano iyo wacyigelin ah oo tusaalayaal waayo hore dhacay wax kuugu soo bandhiga. Dh: tusaalayn.
hogatus -ka: (magac, lab, keli) meelo badan wax ka tusid ama u caqlicelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoolato
(Hoolata-da)
Cudur madaxa ku dhaca oo timaha ka hoola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolato
m.dh Cudur madaxa ku dhaca oo timaha ka hoobiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoolato
m.dh Cudur madaxa ku dhaca oo timaha ka hoobiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoolato
f. n., [collective] disease of the scalp (causing loss of hair)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolato
-da: (magac, dhedig, keli) cudur madaxa ku dhaca oo timaha ka daadiya ama ka hoola. Dh: hano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoolato
de: disease of the scalp (causing loss of hair)
lx: hoolato
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: hoolato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoollad
-ka: (magac, lab, dhedig) deeq iyo hibo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoolaal
dhoolaal¹: m.l Dh. ah: orgi ama dibi doolaalo tagay.
dhoolaal²: m.dh Doolaalada orgiga ama dibigu sameeyaan.
dhoolaal³: f.mg1 (-aalay, -aashay) Orgi ama dibi doolaalo tegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhoolaal
magac ama naanays loo baxsho wiil quruxdiisa iyo qaabdhismeedkiisa meel sheed ah laga arko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoolaal
-ka: (magac, lab, keli) meesha araggu ku dhamaado. Dh: haydhhaydh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooqays
-ka: (magac, lab, keli) dhooqo marmarin. Dharka dhooqayska liga daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooritus
m.l.kh D. ah: neef xoolo ah oo marka ilmihiisu nuugayaan dadka iyo xoolaha kale ka fogaada. la-mid: doorinuug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholatus
boholatus¹: m.l la-mid: boholatusid.
boholatus²: f.mg1 (-say, -stay) U b.: cid si ujeedadeeda looga baajiyo cabsi gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholatus
-ka: (magac, lab, keli) eeg boholadumi. boholatusi: (fal) waani oo dhibaato jirta dhan walba ka tus oo ka cabsii. Wiilka ha ka hadhine boholatusi. Dh: hogatusaalee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoolgaad
m.dh Masaar yar oo lagu dagaalamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooglatag
-a: ((magac, lab, keli) waxtarka ceelka julaal xoolaha ka caba cayil iyo caato hadba midka uu ka muujo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoolaalid
m.f.dh eeg dhoolaal³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooylaawe
m.l la-mid: dhoylaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoolkaqosol
m.l Ilka caddayn; muusood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoolkaqosol
-ka: (magac, lab, keli) qosol dhoollaha laga muunsoodo. Dh: dhoollacaddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooyla'aan
m.dh la-mid: dhoyla'aan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhoollacaddee
بَسمَةَ، ابْتِسَامَةَ، ابْتِسَامِ