dhookee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhookee
f.g2 (-keeyay, -kaysay) Ka dh.: wax, wax kale dul saarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhookee
v. put something on top of something else
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhookee
de: put s.t. on top of s.t. else
lx: dhookee
pd: (dhookeeyey)
ps: v2b=tr
key: dhookee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Wax dhoobo ku maluuqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhoobee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Wax dhoobo ku maluuqid. m.f.dh, dhoobayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoobee
v. smear with mud; whitewash, plaster
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobee
(fal) dhoobo mari; dhoobo ku talbiis. Kaalay girgidda ila dhoobee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoobee
de: smear with mud; whitewash, plaster
lx: dhoobee
pd: (dhoobeeyey)
ps: v2b=tr
key: dhoobee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) 1. Biyo calwin. 2. Dhooqa wax marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhooqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) 1. Biyo calwin. 2. Dhooqa wax marin. m.f.dh, dhooqayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhooqee
v. make muddy ~ turbid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooqee
(fal) biyo, xareednimada ka beddel oo dhoogo ku kici.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhooqee
de: make muddy ~ turbid
lx: dhooqee
pd: (dhooqeeyey)
ps: v2b=tr
key: dhooqee
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhooye
nickname; name-m intelligent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhooye
magac loo baxsho wiil laga filayo inuu yeesho fahmad badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhowee
f.g/mg2 (-weeyay, -weysay) 1. (f.g) Wax, wax kale ag geyn. 2. (f.g) Cid sagootiyid. 3. (f.g) Cid martigelin. 4. (f.g) Weel wax lagu shubay muggiisa in yar ka dhinmid. 5. (f.mg) Soo dh.: cid qaabilid. la-mid: dhawee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhowee
f.g/mg2 (-weeyay, -weysay) 1. (f.g) Wax, wax kale ag geyn. 2. (f.g) Cid sagootiyid. 3. (f.g) Cid martigelin. 4. (f.g) Weel wax lagu shubay muggiisa in yar ka dhinmid. 5. (f.mg) Soo dh.: cid qaabilid. m.f.dh, dhowayn. la-mid: dhawee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhowee
-yey / dhoweysay: (v) make closer; bring near ~ dhawee. Ex: fadlan buuggaas soo dhowee; please bring that book closer
soo dhowee: (v) 1. make closer; bring near. 2. welcome (weel-kam)', greet (giriit), receive (ri-ziiv), entertain cordially or hospitably ~ diyaafadi. Ex: martida soo dhowee; welcome the guest. —sii dhowee: (n) see off (sii of); say goodbye; bid farewell (feerwed); wave goodbye. Ex: martida sii dhowee; see the guests off at the door; Caynaashe waxuu aaday gegida dayuuradaha [eeri-poorka] si uu Aamina u sii dhoweeyo; Ainanshe went to the airport to see Amina off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhowee
(fal) wax dhaw ka dhig. Soo dhowee dhegta aan eegee. Dh: dhawee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogee
f.g2 (-geeyay, -gaysay) Nafley nabar doog reeba ku dhufasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doogee
v. have consequences on ~ for something, have an effect on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogee
(fal) dhul naq helay, doog yeelo.
doogee: (fal) cid dhibaato haysay, soo roonow oo ka soo kabo.
doogee: (fal) nabar hore, hoosta ka soo xanuun oo soo goco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doogee
de: have consequences on ~ for s.t., have an effect on
lx: doogee
pd: (doogeeyey)
ps: v2b=tr
key: doogee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomee
f.mg2 (-meeyay, -maysay) Dhul la falay doomo ka soo bixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomee
(fal) ciidda ka faq oo ka soo saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooyee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Fardo ku ilaala tegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooyee
v. walk slowly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooyee
(fal) dooyo samee oo ilaalo ahaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooyee
de: walk slowly
lx: dooyee
pd: (dooyeeyey)
ps: v2b=
key: dooyee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hooked
/huukidh/ (adj) 1. qaroofan, gan u-eg, e.g. a hooked nose (adj) 2. qabatimay, sida wax qofku u barto ama aad u-jeclaado. e.g. She is hooked on hashish.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosee
f.mg2 (-seeyay, -saysay) Wax meel hoose jirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosee
v. be low; be under ~ below
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosee
(fal) eeg hoosay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosee
de: be low; be under ~ below
lx: hoosee
pd: (hooseeyey)
ps: v2b=intr
xe: It is a land which is coastal and very low.
xv: Waa dhul xeeb ah oo aad u hooseeya.
key: hoosee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rookee
f.g2 (-keeyay, -kaysay) Wax rooko ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rookee
f.g2 (-keeyay, -kaysay) Wax rooko ka dhigid. m.f.dh, rookayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rookee
v. forbid, prohibit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rookee
-yey / rookeysay: (v) abstain (ab-isteeyn) reject (ri-jakt); refuse to deal with someone; boycott (booy-kaat)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rookee
de: forbid, prohibit
lx: rookee
pd: (rookeeyey)
ps: v2b=tr
key: rookee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yookee
f.g2 (-keeyay, -kaysay) 1. Xoolo addimo ka xirid. 2. Xoolo geed ku qabbirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yookee
v. sprout up, stick up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yookee
(fal) eeg yookay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yookee
de: sprout up, stick up
initial: y
lx: yookee
pd: (yookeeyey)
ps: v2b=
key: yookee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoobey
(Dhoobey-da)
Dhul ciiddiisu dhoobo tahay; dhulka webiyada; carramadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobey
m.l/dh 1. Dhul markuu roob ku da'o ciiddiisu noqoto dhiiqo aan lagu socon karin. 2. Dhul ciiddiisu dhoobo tahay; carramadow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhoobey
m.l/dh 1. Dhul markuu roob ku da'o ciiddiisu noqoto dhiiqo aan lagu socon karin. 2. Dhul ciiddiisu dhoobo tahay; carramadow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoobey
f. n., [collective] clay soil, good farm land
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoobey
-da: (n) clayish land;) moist, sticky earth; mud
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoobey
de: clay soil, good farm land (found around the Jubba and Shabeele rivers)
lx: dhoobey
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: dhoobey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooble
m.l (-ayaal, m.l/dh) (juqraafi) Dhagax wareegsan oo baraf weyne uu ka soo qaaday meeshiisii hore geeyayna fogaan door ah; baraf weynuhu markuu dhalaalana halkuu ku dhalaalay ayaa looga tagaa dhagaxaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhooble
m.l (-ayaal, m.l/dh) (juqraafi) Dhagax wareegsan oo baraf weyne uu ka soo qaaday meeshiisii hore geeyayna fogaan door ah; baraf weynuhu markuu dhalaalana halkuu ku dhalaalay ayaa looga tagaa dhagaxaas.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhooble
Erratic block
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoorle
-ha: (magac, lab, keli) qofka ay weli badawnimo ka sii muuqato. Dh: dhoorre. dhoorle -ha: (magac, lab, keli) wiil yar oo aan weli qaangaadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoorre
m.l Wiil yar oo dhoor leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhoorre
m.l Wiil yar oo dhoor leh.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhoorre
nickname; name-m crested bird sp.; one with the Mohawk haircut. Lit: he who was born while that bird was around or he who is in the habit getting a Mohawk haircut
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoorre
-ha: (magac, lab, keli) ninka badawga ah ee aan wax badan aqoon. Dh: badow. Li: ilbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamoojee
f.g2 (-jeeyay, -jeysay) la-mid: dhamaajee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamooqee
f.g2 (-qeeyay, -qeysay) la-mid: dhamaajee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegoolee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Is dhegatirid; wax dhegala' iska dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhegoolee
v. make oneself deaf (to someone), ignore
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegoolee
(fal) sida qof dhegala' oo waxba aan maqlayn iska dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhegoolee
de: make oneself deaf (to s.o.), ignore
lx: dhegoolee
pd: (dhegooleeyey)
ps: v2b=
key: dhegoolee
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHANKERE
(Dankare) S Boscia sp. Capparidaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dharkeen
-ka: (n) name of a plant ~ magac geed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobeyn
m.f.dh eeg dhoobee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dhoobo marin; dhoobo ku talbiisid. Dhoobayntu aqallada way adkaysaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoofiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof badeeco dal kale u iibgeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoofiye
m. n. exporter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoofiye
-dhoofiyaha: (n) exporter (ikis-poorter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoofiye
-ha: (magac, lab, keli) qof wax ama shey dal ka qaada oo dal kale geeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoofiye
de: exporter
lx: dhoofiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhoofiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoohane
-ha: (magac, dhedig, keli) qof muugiisu joogo oo maankiisu maqan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhookayn
m.f.dh eeg dhookee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoorrey
(Dhoorrey-da)
1. Shinbir madaxa, timo dhoor u eg, ku leh.
2. Gabar dhoor leh; foodley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoorrey
m.dh.u 1. Shimbir dhoor leh. 2. Dh. ah: wiil (ama gabar) yar oo dhoor leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoorrey
f. n. crested bird species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoorrey
-da: (magac, dhedig, keli) hablaha yaryar ee foodlayda ah. Dh: foodlay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoorrey
de: crested bird sp. so named because it appears to have a mohawk haircut
lx: dhoorrey
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dhoorrey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malookee
(fal) eeg malookay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoofeer
-ka: (magac, lab, keli) qofka baabuurta wada; darewal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoomeer
-ka: (magac, lab, keli) qof aan shaqo hayn. Dh: baagamuudo. Dh: shoomeerro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgoonee
f.g2 (-neeyay, -neysay) la-mid: udgi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
udgoonee
v. perfume, put scent on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonee
(fal) wax udgoon ka dhig: neecaw laddifan u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
udgoonee
a: udgi
de: perfume, put scent on
initial: u
lx: udgoonee
pd: (udgooneeyey)
ps: v2b=tr
key: udgoonee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madhoodhee
f.g2 (-dheeyay, -dheysay) Wax tiradooda ama tayadooda buunbuunin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madhoodhee
v. amplify, exaggerate (conversation ~ words of another)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhoodhee
(fal) wax tiradooda ama tayadooda buunbuuni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madhoodhee
de: amplify, exaggerate (conversation ~ words of another)
lx: madhoodhee
pd: (madhoodheeyey)
ps: v2b=tr
key: madhoodhee
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hook
Jllaab
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hook
/huuk/ (n) 1. jillaab (jilib, bir yar oo qaroofan oo kalluunka lugu dabo). (n) 2. katabaan, katabaanka dharka la-surto. (v) 3. jillaab ku-dabid. e.g. to hook a fish (v) 4. surid, sida dhar katabaan la suro. 5. get off the hook~ qool ka-saarid, dhibaato ka bixin. 6. by hook or by crook kor iyo hoos (si kasta).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Hook
kullab, soo qabato
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hook
n., (wooden one) hangool, -ki; a fishing hook, jilib or jilaab, -ki.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Choke
Ceeja
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
choke
(v) to prevent normal breathing of, esp. by blocking the windpipe or by polluting the air.
margasho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
choke
/jowk/ (v) 1. ku saxasho (ku margasho) (v) 2. buuxsamid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Choke
Mergesho
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
choke
v.tr., (suffocate) cabudh, siriri; v.r., joogso; be choked, cabudhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakee
f.mg2 (-keeyay, -kaysay) 1. Sariir, kursi iyo wixi lamida ku dul raaxaysasho. 2. Biyo ku dul maraabayn (markab ama doon).