dhoogad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoogad
-ka: (magac, lab, keli) qof ama meel, rasaas iyo wax la mid ah, ku toogasho. dhoogasho -da: (magac, dhedig, keli) qof ama meel, rasaas iyo wax la mid ah, ku toogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogad
(Doogad-ka)
Doogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogad
m.l la-mid: doogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogad
-ka: (magac, lab, keli) dhul, naq helid oo doog yeelasho. Dh: doogasho.
doogad -ka: (magac, lab, keli) nabar hore, soo kacdoomid oo dib u bukood. Dh: doogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobad
m.l la-mid: dhoobasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobad
-ka: (magac, lab, keli) wax, dhoobo marsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoolgaad
m.dh Masaar yar oo lagu dagaalamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoogtan
-ka: (magac, lab, keli) toog ku tartamid ama wada samayn. Waataan ku dhoogtamay ninkii dhoosha ka qoslaayay. Dh: shiishtan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhood
(Dhood-ka)
Faan; ammaan; shool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhood
dhood¹: m.l Faan; baan; tookh.
dhood²: f.mg1 (-day, -dday) Hadal ammaan iyo isla weynaan huwan qof iska sheegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhood
v. brag, praise oneself, boast
dhood vl. n. bragging, boasting
dhood v. go somewhere far off ~ away (of animals, livestock)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhood
(fal) awr, hal abaahi oo u galmoo.
dhood: (fal) intaada fiican dadka uga warran.
dhood -ka: (magac, lab, keli) wanaag la iska sheego oo dadka looga warramo. Dh: faan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoog
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama meel, rasaas ku toogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogad
(Hogad-ka)
Hogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogad
m.l la-mid: hogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo, muddo dheer meel tubnaan. Dh: hogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, booqasho ugu tegid. Booqad badan iyo baahi badan la isku пасаа.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhigad
(Dhigad-ka)
Dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigad
m.l la-mid: dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhigad
vl. n. act of studying; placing ~ putting aside for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigad
-ka: (magac, lab, keli) wax barasho; qoraal barasho. Dh: dhigasho.
dhigad -ka: (magac, lab, keli) wax meel dhigasho oo ku kaydsasho. Dh: dhigasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhigad
de: act of studying; placing ~ putting aside for oneself
lx: dhigad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhigad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhugad
(Dhugad-ka)
Dhugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugad
m.l la-mid: dhugasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugad
-ka: (magac, lab, keli) fiirin oo si ka bogasho ah wax u eegid. Dh: fiirsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogid
m.f.dh eeg doog³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doohad
m.dh Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talagalay labadiisa dhinac min labo dhibcood ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorad
(Doorad-ka)
Doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorad
m.l la-mid: doorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorad
-ka: (magac, lab, keli) xulasho oo wax badan oo meel yaal wixii ku cajabiya kala dhex bixid. Dh: doorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hongad
-ka: (magac, lab, keli) qubashada dhiigga oo iska socda ama aan joogsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobad
(Hoobad-ka)
Meel laga degto oo dululub ah; hoos u degad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobad
m.l (-dyo, m.dh) 1. (-dyo, m.dh) Meel degaandeg ah. 2. la-mid: hoobasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoobad
m.l (-dyo, m.dh) 1. (-dyo, m.dh) Meel degaandeg ah. 2. la-mid: hoobasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoobad
vl. n. sliding, going down ~ descending; act of dying, death
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoobad
-ka: (n) an inclined surface: slope (isloop); slant (islaant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobad
-ka: (magac, keli) meel sare ka soo dhicid. Dh: hoobasho.
hoobad -ka: (magac, lab, keli) meel dhaadhac ah, hoos uga daadegid. Dh: hoobasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoobad
a: hoobasho (/da) [vn-f]
de: sliding, going down ~ descending; [fig.] act of dying, death
lx: hoobad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: hoobad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogay
hoogay!: (ereydhawaaq) lagu dhawaaqo kolka uu qofku dareemo hungoobid iyo dhiillo. Dh: ba'ay! jabay! tolla'ay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoogid
(Hoogid-da)
Hoog ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogid
m.f.dh eeg hoog².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato la kulmid, ba' iyo ba'yaale ku dhicid. Dh: ba'id, ba'ayaalid. Li: badhaadhid.
hoogid -da: (magac, dhedig, keli) hoog ku dhicid; dhibaato la kulmid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hoosad
Officina
Workshop
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooyad
vl. n. homecoming, going home
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooyad
a: hooyasho (/da) [vn6-f]
de: homecoming, going home
lx: hooyad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: hooyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toogad
(Toogad-ka)
Toogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toogad
m.l la-mid: toogasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toogad
vl. n. shooting, execution by a firing squad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toogad
-ka: (magac, lab, keli) arrin ama dan la leeyahay, sidii lagu gaadhi lahaa wax ka qabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toogad
de: shooting, execution by a firing squad
initial: t
lx: toogad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: toogo
key: toogad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
toogad
رِمَايَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheegad
(Dheegad-ka)
Dheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheegad
m.l la-mid: dheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheegad
vl. n. copying, forgery
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheegad
a: dheegasho
de: copying, forgery
lx: dheegad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dheegad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhengad
m.dh la-mid: dhenged.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhengad
-da: (n) a thin stick used for punishment ~ sarbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhengad
-da: (magac, dhedig, keli) laan toosan oo geedaha laga goosto xoolahana lagu kaxeeyo ama ujeeddooyin kale loo adeegsado. Dh: ul, xawd, shawdh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhooban
1. (aqal, kd.) dhisan.
2. (dhagax, kd.) meel ku uruursan oo taallo laga dhigay.
3. (xoolo, dad, ...) meel yoobsan; meel tuuran; xoonsan.
4. (fallaar) waabaayaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooban
dhooban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) 1. Wax badan oo meel isugu urursan noqosho. 2. Wax salaaxmay noqosho (guri, xafiis iyo wixi lamida). 3. Wax waabaayo marsantahay noqosho (fallaar, gammuun iyo wixi lamida).
dhooban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1. Wax badan oo meel ku urursan ahaansho. 2. Wax salaaxan ahaansho (guri, xafiis iyo wixi lamida). 3. Wax waabaayo marsantahay ahaansho (fallaar, gammuun iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhooban
dhooban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) 1. Wax badan oo meel isugu urursan noqosho. 2. Wax salaaxmay noqosho (guri, xafiis iyo wixi lamida). 3. Wax waabaayo marsantahay noqosho (fallaar, gammuun iyo wixi lamida). m.f.dh, dhoobmid.
dhooban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1 . Wax badan oo meel ku urursan ahaansho. 2. Wax salaaxan ahaansho (guri, xafiis iyo wixi lamida). 3. Wax waabaayo marsantahay ahaansho (fallaar, gammuun iyo wixi lamida). m.f.dh, dhoobnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhooban
der. [adjective] molded; built, accumulated, piled up; smeared, anointed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhooban
(adj) gathered (ga-theridh), piled up (paaylidh ap)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooban
(tilmaame) dad ama xoolo meel aad u urursan oo buuxdhaafsan. Dh: tuban.
dhooban: (tilmaame) ceel afka dhooqo laga saaray.
dhooban: (tilmaame) dhoobo ku talbiisan oo marsan. Bohoshu afka ayay ka dhooban tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhooban
de: molded; built, accumulated, piled up; smeared, anointed
lx: dhooban
pd: (dhoobnaa)
ps: adj-der
key: dhooban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobay
(fal) dhoobo mari; dhoobo ku talbiis. Dh dhoobee.
dhoobay -da: (magac, dhedig, keli) meel dhoobo badan oo kolka uu roob da'o mariddeeda lagu rafaado. Baabuurkii meel dhoobey ah ayuu ku banjaray. Dh: dhoobalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoobid
(Dhoobid-da)
1. Wax meel isugu geyn oo taallo ka dhigid; tuumin.
2. (xoolo, kd.) tuurid; xoomin.
3. (fallaar) waabaayo marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobid
m.f.dh eeg dhoob³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo badan meel ku soo ururin oo soo tubid. Dh: tubid.
dhoobid -da: (magac, dhedig, keli) meel dhoobo ku maliiqid oo ku talbiisid. Aqalku dhoobid uma baahna oo sibidh ayuu leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoodid
(Dhoodid-da)
Faanid; is'ammaanid; shoolid; dhaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoodid
m.f.dh eeg dhood².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoodid
-da: (magac, dhedig, keli) awr, hal saarasho oo abaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoofid
(Dhoofid-da)
Badda ama cirka socdaal ku marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoofid
m.f.dh eeg dhoof². la-mid: dhoof¹ (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoofid
vl. n. departing, departure, sailing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoofid
-da : (n) departing (di-paarting)-, travelling or leaving (hiving)-, departure (di-paarjar) ~ dhoof, dhoofitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoofid
-da: (magac, dhedig, keli) dalkii aad degganayd ka tegid oo meel kale u guurid. dhoofin -ta: (magac, dhedig, keli) wax, waddan kale geyn; dal kale u qaadid. Dalkeennu wuxu caan ku yahay dhoofinta xoolaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoofid
de: departing, departure, sailing
lx: dhoofid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: dhoofid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhoofid
سفر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoohan
(qof) jooga oo haddana maqan; aan waxa jooga ama dhaca haya dhugmo u lahayn; laab la'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoohan
f.mg4 (-hanaa, hanayd/-hnaa, - hnayd) Qof had iyo jeer aan feejignayn oo waxa hareerihiisa ka dhacaya aan la socon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhoohan
f.mg4 (-hanaa, hanayd/-hnaa, - hnayd) Qof had iyo jeer aan feejignayn oo waxa hareerihiisa ka dhacaya aan la socon. m.f.dh, dhoohanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoohan
der. [adjective] absent-minded
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoohan
-dhoohnaa / dhoohnayd: (adj) mindless (maaynd-les); unthinking (an-thinking)-, absent-minded; empty-headed ~ maqane jooge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoohan
(tilmaame) qof maqan oo aan xiskii joogin. Dh: hebed, dhegweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoohan
de: absent-minded
lx: dhoohan
pd: (dhoohanaa ~ dhoohnaa)
ps: adj-der
syn: laabla'
key: dhoohan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooran
(tilmaame) wax inta la buuxiyay dhoor fiiqan loo yeelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhowaad
m.l 1. Ku dh.: qiyaac aad ugu dhow, wax laga hadlayo. Tusaale: “Cali labaatan ku dh. buu jiraa.” 2. la-mid: dhowaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhowaad
m.l 1. Ku dh.: qiyaas aad ugu dhow, wax laga hadlayo. Tusaale: Cali labaatan ku dh. buu jiraa. 2. la-mid: dhowaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhowaad
vl. n. act of approaching ~ drawing near
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhowaad
-ka: (magac, lab, keli) meel ama milay ku dhowaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhowaad
de: act of approaching ~ drawing near
lx: dhowaad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhowaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogaad
(Doogaad-da)
Tigaad; doogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogaad
m.dh la-mid: doog¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doogaad
f. n., [collective] prosperous land (with green grass and abundant rain)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doogaad
a: doogad (ka) [vn2-m]
cf: tigaad
de: prosperous land (with green grass and abundant rain)
lx: doogaad
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: doogaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogsad
(Doogsad-ka)
Doogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogsad
m.l la-mid: doogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogsad
-ka: (magac, lab, keli) ka soo rayn oo dhib horay loogu jiray ka soo kabasho. Dh: roonaan.
doogsad -ka: (magac, lab, keli) dhul naq helay, doog yeelasho.
doogsad -ka: (magac, lab, keli) gocasho oo hoosta ka soo bukoonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doongad
-da: (magac, dhedig, keli) aqalka marka la sibdhiyo inta yaree ugu dambaysa ee isku sinta. Dh: giingo.