dhooboobid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooboobid
m.f.dh eeg dhoobow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooboobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoobo noqosho; wax dhooqoobay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooqoobid
m.f.dh eeg dhooqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo, dhooqo noqosho. Biyuhu dhooqoobid kuma nijaasoobaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaboobid
(Dhaboobid-da)
Wax suuraggalay noqosho; dhab noqosho; run noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaboobid
m.f.dh eeg dhabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhab ah noqosho. Dh: rumoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogoobid
m.f.dh eeg doogow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul, doog yeelasho oo tigaad cusub bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calwid
(Calwid-da)
Calow noqday; miirnimadii ka ba'day; dhooboobid; qasmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addoomoobid
m.f.dh eeg addoomow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoomoobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof la addoonsado noqosho; bidde noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaboobid
m.f.dh eeg dharabow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobbi
m.l (-iyo, m.dh) Nin geel ijaar ku ilaasha; qowsaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobbi
-ga: (magac, lab, keli) wiil madiidin ah oo dad kale xoolo uu raaca, shaqaale ahaan. Dh: qosaar, qawsaar.
dhoobbi-ga: (magac, lab, keli) weelka geela lagu liso. Dh: gaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoobid
(Dhoobid-da)
1. Wax meel isugu geyn oo taallo ka dhigid; tuumin.
2. (xoolo, kd.) tuurid; xoomin.
3. (fallaar) waabaayo marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobid
m.f.dh eeg dhoob³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo badan meel ku soo ururin oo soo tubid. Dh: tubid.
dhoobid -da: (magac, dhedig, keli) meel dhoobo ku maliiqid oo ku talbiisid. Aqalku dhoobid uma baahna oo sibidh ayuu leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobmid
m.f.dh eeg dhooban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhoobo qarisay ahaan.
dhoobmid-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo aad iskugu soo ururid oo u soo tubmid. Dhoobmidda dadka muddaaharaadayaa kolba kolka ka dambaysa ayay sii badataa. Dh: tuqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ooroobid
(Ooroobid-da)
1. Ooro ku dhicid.
2. Xumaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooroobid
m.f.dh eeg oorow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooroobid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun ooro ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogoobid
m.f.dh eeg boogow². la-mid: boogow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad u bugta oo boog weyn qabta noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boosoobid
-da: (magac, dhedig, keli) boos noqosho; naafoobid ama curyaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coomoobid
m.f.dh eeg coomow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaloobid
m.f.dh eeg dhalow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhedoobid
m.f.dh eeg dhedow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuroobid
(Dhuroobid-da)
Wax wanaagsan oo dhan helid; liibaanid; bulaalid; tarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuroobid
m.f.dh eeg dhurow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doodoonid
-da: (magac, dhedig, keli) raadraadin oo wax maqan daydayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooloobid
m.f.dh eeg goolow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef gool ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) qool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toodoobid
(Toodoobid-da)
Garasho; dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toodoobid
m.f.dh eeg toodow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toodoobid
-da: (magac, dhedig, keli) garasho, fahanka iyo dareenka. Dh: dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoogoobid
(Xoogoobid-da)
Xoog yeelasho; tabaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogoobid
m.f.dh eeg xoogow². la-mid: xoogow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog biiraya yeelasho. Xoogoobidda daadka ka digtoonow. Dh: xoogoobis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoomoobid
m.f.dh eeg agoomow. la-mid: agoonoobid, agoontoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoomoobid
-da: (magac, dhedig, keli) aabbe waayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoonoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid labadiisii waalid ama midkood ka dhintay, noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaboobid
m.f.dh eeg danabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) danab yeelasho. Isliska walaxaha danaboobid ayaa ka dhalata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhayloobid
(Dhayloobid-da)
(hilib) sida kan dhaylada u jilcid; karshimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayloobid
m.f.dh eeg dhaylow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqoobid
m.f.dh eeg dhiiqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoobo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhilloobid
(Dhilloobid-da)
Dhillo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilloobid
m.f.dh eeg dhillow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhilloobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhillo ah noqosho. Dh: shaqabadoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooroofin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aanu ruuxu ogayn dareensiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doqonoobid
m.f.dh eeg doqonow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doqonoobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof coon iyo nacas ah noqosho. Baahidu doqonoobidda badh bay ku leedahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hororoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqanka hororka yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciddoodoobid
m.f.dh eeg ciddoodow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoontoobid
m.dh la-mid: agoomoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boholyoobid
(Boholyoobid-da)
Boholyow qabid; hiloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholyoobid
m.f.dh eeg boholyow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax maqan oo la tebeyo u xiisaqabid. Hooyo ilmeheedii ka magan yahay boholyoobid ma weydo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqayoobid
(Dhaqayoobid-da)
Dhaqayo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqayoobid
m.f.dh eeg dhaqayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqayoobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef, jani caana yaraysay noqosho. Hashu dhaqayoobid ayay ku dhawdahay. Dh: janiyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharasoobid
m.f.dh eeg dharasow². la-mid: dharasow¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhicisoobid
(Dhicisoobid-da)
(arrin) fashalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhicisoobid
m.f.dh eeg dhicisow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirifoobid
m.f.dh eeg dhirifow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugatoobid
m.f.dh eeg dhugatow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugatoobid
-da: (magac, dhedig, keli) geel dhugato qaba ahaan. Sida qaalin dhugatoobay oo geelii laga reebay, dhallinyaro ma raacee kelaan dhaxanta meeraaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galoofoobid
(Galoofoobid-da)
Galoof noqosho; gurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofoobid
m.dh la-mid: galoofid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoofoobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef guran oo sida neef caano gubayaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabooloobid
(Sabooloobid-da)
Sabool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabooloobid
m.dh la-mid: saboolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) sabool noqosho. Dh: caydhoobid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhoobo xadiid
Pedelfer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aboobid
m.f.dh eeg abow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aboobid
-da: (magac, dhedig, keli) abka ama isirka ka mid noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaboob
inch. v. become real, true
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaboob
-ay / dhabowday: (v) became true; has became true ~ rumow. Ex: sheekadii way dhabowday; the story has became true
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaboob
de: become real, true
lx: dhaboob
pd: (dhaboobay)
ps: v1=inch
key: dhaboob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobad
m.l la-mid: dhoobasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobad
-ka: (magac, lab, keli) wax, dhoobo marsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Dhoobo noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobow
(fal) wax dhoobo leh ahaw. Dh: dhooqow.
dhoobow-ga: (magac, lab, keli) biyo ay dhoogo ku kacday oo ciid u ekaaday ahaan. Dh: dhooqow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoodid
(Dhoodid-da)
Faanid; is'ammaanid; shoolid; dhaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoodid
m.f.dh eeg dhood².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoodid
-da: (magac, dhedig, keli) awr, hal saarasho oo abaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoofid
(Dhoofid-da)
Badda ama cirka socdaal ku marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoofid
m.f.dh eeg dhoof². la-mid: dhoof¹ (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoofid
vl. n. departing, departure, sailing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoofid
-da : (n) departing (di-paarting)-, travelling or leaving (hiving)-, departure (di-paarjar) ~ dhoof, dhoofitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoofid
-da: (magac, dhedig, keli) dalkii aad degganayd ka tegid oo meel kale u guurid. dhoofin -ta: (magac, dhedig, keli) wax, waddan kale geyn; dal kale u qaadid. Dalkeennu wuxu caan ku yahay dhoofinta xoolaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoofid
de: departing, departure, sailing
lx: dhoofid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: dhoofid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhoofid
سفر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doobbin
(Doobbin-ta)
Doob soo rididda awrka qooqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobbin
m.f.dh eeg doobbi². la-mid: doobin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobbin
-ta: (magac, dhedig, keli) doob ridid oo kaga yeedhin. Baarqabka waxa lagu yagaan doobin.