dhoobmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobmid
m.f.dh eeg dhooban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhoobo qarisay ahaan.
dhoobmid-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo aad iskugu soo ururid oo u soo tubmid. Dhoobmidda dadka muddaaharaadayaa kolba kolka ka dambaysa ayay sii badataa. Dh: tuqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoobid
(Dhoobid-da)
1. Wax meel isugu geyn oo taallo ka dhigid; tuumin.
2. (xoolo, kd.) tuurid; xoomin.
3. (fallaar) waabaayo marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobid
m.f.dh eeg dhoob³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo badan meel ku soo ururin oo soo tubid. Dh: tubid.
dhoobid -da: (magac, dhedig, keli) meel dhoobo ku maliiqid oo ku talbiisid. Aqalku dhoobid uma baahna oo sibidh ayuu leeyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhooban
dhooban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) 1. Wax badan oo meel isugu urursan noqosho. 2. Wax salaaxmay noqosho (guri, xafiis iyo wixi lamida). 3. Wax waabaayo marsantahay noqosho (fallaar, gammuun iyo wixi lamida). m.f.dh, dhoobmid.
dhooban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) 1 . Wax badan oo meel ku urursan ahaansho. 2. Wax salaaxan ahaansho (guri, xafiis iyo wixi lamida). 3. Wax waabaayo marsantahay ahaansho (fallaar, gammuun iyo wixi lamida). m.f.dh, dhoobnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doomid
(Doomid-da)
(ceel, kd.) Doon ka soo saarid, ka soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doomid
m.f.dh eeg doon². la-mid: doonis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doomid
-da: (magac, dhedig, keli) ciidda ka soo saarid. Doomidda godka, ku dhaqso. Dh: qodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobad
m.l la-mid: dhoobasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobad
-ka: (magac, lab, keli) wax, dhoobo marsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobbi
m.l (-iyo, m.dh) Nin geel ijaar ku ilaasha; qowsaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobbi
-ga: (magac, lab, keli) wiil madiidin ah oo dad kale xoolo uu raaca, shaqaale ahaan. Dh: qosaar, qawsaar.
dhoobbi-ga: (magac, lab, keli) weelka geela lagu liso. Dh: gaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoodid
(Dhoodid-da)
Faanid; is'ammaanid; shoolid; dhaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoodid
m.f.dh eeg dhood².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoodid
-da: (magac, dhedig, keli) awr, hal saarasho oo abaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoofid
(Dhoofid-da)
Badda ama cirka socdaal ku marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoofid
m.f.dh eeg dhoof². la-mid: dhoof¹ (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoofid
vl. n. departing, departure, sailing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoofid
-da : (n) departing (di-paarting)-, travelling or leaving (hiving)-, departure (di-paarjar) ~ dhoof, dhoofitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoofid
-da: (magac, dhedig, keli) dalkii aad degganayd ka tegid oo meel kale u guurid. dhoofin -ta: (magac, dhedig, keli) wax, waddan kale geyn; dal kale u qaadid. Dalkeennu wuxu caan ku yahay dhoofinta xoolaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoofid
de: departing, departure, sailing
lx: dhoofid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: dhoofid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhoofid
سفر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooxmid
(Dooxmid-da)
Doox ka imaansho; doox sii deyn; shuban dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooxmid
m.f.dh eeg dooxan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooxmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dooxan oo uurka ka qalan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolmid
m.f.dh eeg hoolan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hoolan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobmid
m.f.dh eeg kooban¹. la-mid: koobniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shoobid
(Shoobid-da)
Xarragood; mardaaddiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shoobid
m.f.dh eeg shoob².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shoobid
-da: (magac, dhedig, keli) xarragood: mardaadiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaabmid
m.f.dh eeg dhaaban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaabmid
-da: (magac, dhedig, keli) si xoog ah meel ugu qotonsamid. Dh: qotonsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooboobid
m.f.dh eeg dhoobow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooboobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoobo noqosho; wax dhooqoobay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoolbirid
m.f.dh eeg dhoolbir². la-mid: dhoolbir¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoolbirid
-da: (magac, dhedig, keli) wejifurnaan; iyo dhoollacaddayn. Dhoolbiriddu waa sadaqad. Dh: dhoollacaddan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadhoobid
m.f.dh eeg cadhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhoobid
-da: (magac, dhedig, keli) cudurka cadhada yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daboolmid
m.f.dh eeg daboolan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahsoomid
m.f.dh eeg dahsoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahsoomid
-da: (magac, dhedig, keli) qarsoomid oo wax aan indhaha dadka u muuqan noqosho. Dh: qarsoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaboobid
(Dhaboobid-da)
Wax suuraggalay noqosho; dhab noqosho; run noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaboobid
m.f.dh eeg dhabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhab ah noqosho. Dh: rumoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaloobid
m.f.dh eeg dhalow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhedoobid
m.f.dh eeg dhedow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuroobid
(Dhuroobid-da)
Wax wanaagsan oo dhan helid; liibaanid; bulaalid; tarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuroobid
m.f.dh eeg dhurow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irdhoobid
(Irdhoobid-da)
Irdho dareemid; fiigid; baydadid; digtoonaansho; feeyig noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irdhoobid
m.f.dh eeg irdhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobammiir
dhoobammiir¹: m.l (-rro, m.dh) Wax biyaha dhoobada lagaga miiro.
dhoobammiir²: f.g1 (-ray, -rtay) Dhoobo ka miirid (biyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoob
(Dhoob-ka)
Wax dhoobo laga sameeyey ama laga dhisay sida aqal daar ah ama weelasha qaarkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoob
dhoob¹: m.l 1. Dhoobo. 2. Weel dhoobo laga sameeyey.
dhoob²: m.l Midab ri' cad dhabannada uga yaal.
dhoob³: f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax badan meel isugu ururin. 2. Guri, xafiis iyo wixi lamida salaaxid. 3. Fallaar, gammuun iyo wixi lamida waabaayo marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhoob
dhoob¹: m.l 1. Dhoobo. 2. Weel dhoobo laga sameeyey.
dhoob²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax badan meel isugu ururin. 2. Guri, xafiis iyo wixi lamida salaaxid. 3. Fallaar, gammuun iyo wixi lamida waabaayo marin. m.f.dh, dhoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoob
v. accumulate; gather, mold (out of clay); plaster ~ daub with mud
dhoob m. n. earthenware, chinaware, something made of clay ~ mud
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoob
-ay / tay: (n) pile up (paayl-ap), gather (ga-ther)-, bring together; convene (kon-viin); assemble. Ex: xoolihii bay soo dhoobtay; she gathered the livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoob
(fal) ciidan badan soo tuq oo soo buuxi.
dhoob: (fal) dhoobo la dhac oo ku talbiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhood
(Dhood-ka)
Faan; ammaan; shool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhood
dhood¹: m.l Faan; baan; tookh.
dhood²: f.mg1 (-day, -dday) Hadal ammaan iyo isla weynaan huwan qof iska sheegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhood
v. brag, praise oneself, boast
dhood vl. n. bragging, boasting
dhood v. go somewhere far off ~ away (of animals, livestock)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhood
(fal) awr, hal abaahi oo u galmoo.
dhood: (fal) intaada fiican dadka uga warran.
dhood -ka: (magac, lab, keli) wanaag la iska sheego oo dadka looga warramo. Dh: faan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doobi
(Doobi-ga)
Haruub qaab gaar ah leh, oo aan dhiil lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobi
doobi¹: m.l (-iyo, m.dh) Weel af ballaaran, dabool lahayn, la tolay ama la qoray oo geela lagu maalo. la-mid: doobke, doobte, toobke, toobte.
doobi²: f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: doobbi².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doobi
m.l (-iyo, m.dh) Weel af ballaaran, dabool lahayn, la tolay ama la qoray oo geela lagu maalo. la-mid: doobke, toobke, toobte.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doobi
m. n. medium-sized milk vessel ~ container
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
doobi
-ga: (n) a container for milking camels ~ toobke
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doobi
(fal) awr, doobta soo saar. Baarqab doobinayaa geela soo galay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doobi
cf: doobke, haruub
de: medium-sized milk vessel ~ container
lx: doobi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: doobi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ka h.: wax meel ka soo daadin. 2. Nafley layn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoobi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ka h.: wax meel ka soo daadin. 2. Nafley layn. m.f.dh, hoobin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoobi
v. mow down, cut down, annihilate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobi
(fal) wax badan, gur oo ururi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoobi
de: mow down, cut down, annihilate
lx: hoobi
pd: (hoobiyey)
ps: v2a=
key: hoobi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomid
(Oomid-da)
Biyo cabbid u baahasho; harraadid; surmiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomid
m.f.dh eeg oon³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomid
-da: (magac, dhedig, keli) aad biyo ugu baahasho. Dh: harraadid, dhanqalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boobid
(Boobid-da)
Si boob ah wax u qaadasho; hooshid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boobid
m.f.dh eeg boob². la-mid: boob¹ (4).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boobid
vl. n. robbery, marauding; hurry, haste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boobid
-da: (magac, dhedig, keli) si dhakhso ah wax xoog ugu qaadasho. Boobid sed laguma biirsado. boobis -ta: (magac, dhedig, keli) si degdeg ah wax qaadasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boobid
a: boobis (ta)
de: robbery, marauding; hurry, haste
lx: boobid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2-f
key: boobid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhamid
(Dhamid-da)
Cabbidda caanaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamid
m.f.dh eeg dhan². la-mid: dhamis, dhamitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamid
-da: (magac, dhedig, keli) caano, afka ku shubasho oo ligid. Caano dhamid mooyee calalis ma laha. Li: calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhebid
m.f.dh la-mid: dhaw².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibid
(Dhibid-da)
Dhib badan gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibid
m.f.dh eeg dhib³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhibaatayn ama wax yeellayn. Dhibidda ka jooji waalidkaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhimid
(Dhimid-da)
1. Wax buuxa ama ebyoon wax ka reebid; qabyo ka dhigid; dhantaalid; yarayn.
2. (wax dhimid) waxyeelid; eed gelid; wax bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimid
m.f.dh eeg dhin. la-mid: dhimis, dhimitaan, dhinniin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhimid
Attenuation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhimid
vl. n. reduction (as of price), curtailment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhimid
-da: (n) decrease (dik-riis); reduction (ri-dhak-shiri) ~ yarayn
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhimid
Riduzione
Reduction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimid
-da: (magac, dhedig, keli) intii ku jirtay wax ka nusqaamin. Dh: inqin. Li: buuxin.
dhimid -da: (magac, dhedig, keli) wax yeellayn oo dhibaato gaadhsiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhimid
de: reduction (as of price), curtailment
lx: dhimid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: dhimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoobo
(Dhooba-da)
Ciid jilicsan oo budo ah oo kolkay qoydo is qabqabsata oo dheryaha, kd., laga sameeyo, waxna lagu dhisto; dhooqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobo
dhoobo¹: m.dh Ciid budo ah, qoyan oo is haysata.
dhoobo²: m.dh (jooloji) Nooc ciidda ka mid ah oo ah budo khafiifa, oo ah ma habe. Dhoobadu waxay noqotaa balaastig marka biyo lagu daro. Dhoobadu waxay ka koobantahay dhadhaabo-lakabeed iyo aluminiya.
dhoobo³: f.g3 (-btay, -batay) 1. Meel istuumin (xoolo, dad iyo wixi lamida). 2. Waabaayo marsasho (fallaar). 3. Dhis (guri iyo wixi lamida) salaaxasho. 4. Wax dhoobo marsasho. 5. Dheri iyo wixi lamida dhoobo ka samaysasho.