dhoobammiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobammiir
dhoobammiir¹: m.l (-rro, m.dh) Wax biyaha dhoobada lagaga miiro.
dhoobammiir²: f.g1 (-ray, -rtay) Dhoobo ka miirid (biyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobammiiro
f.g3 (-rtay, -ratay) Biyo qasan miirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobammiirad
m.l la-mid: dhoobammiirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobammiirid
m.f.dh eeg dhoobammiir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galshaysi
(Galshaysi-ga)
Biyaha balliga oo sii gura haya, hareerihiisa galshooyin ka samaysasho; dhoobammiirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galsho
(Galsha-da)
Kolka biyaha balliga ku jiraa sii gura hayaan, galal yaryar oo balliga hareerihiisa laga qoto, oo xareeddu ku soo miiranto; dhoobammiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobammiirasho
m.f.dh eeg dhoobammiiro. la-mid: dhoobammirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galsho
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha balliga oo sii gudhaya, hareerihiisa galshooyin ka samaysasho. Dh: dhoobammiirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobmid
m.f.dh eeg dhooban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhoobo qarisay ahaan.
dhoobmid-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo aad iskugu soo ururid oo u soo tubmid. Dhoobmidda dadka muddaaharaadayaa kolba kolka ka dambaysa ayay sii badataa. Dh: tuqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoombir
dhoombir¹: m.l (-rro, m.dh) Nooc ka mid ah buntuqyo.
dhoombir²: m.dh Geed gaab leh caleemo dhuudhuuban oo faalala iyo bari la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabammar
(Dabammar-ka)
Toos u socod la'aan iyo hadba wixii laysku ogaa ka noqod; dabammaryo; mardabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabammar
dabammar¹: m.l 1. Khiyaano; dhagar. 2. Gogoldhaaf. 3. la-mid: dhabammarid.
dabammar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Laba waxyaabood ama ka badan oo socda isweydaarsasho. 2. U d.: cid, si khiyaano ku jirti ugu ballan-furid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabammar
dabammar¹: m.l 1. Khiyaano; dhagar. 2. Gogoldhaaf.
dabammar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Laba waxyaabood ama ka badan oo socda isweydaarsasho. 2. U d.: cid, si khiyaano ku jirti ugu ballan-furid. m.f.dh, dabammarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabammar
v., [compound] backbite; make trouble behind someone's back; sodomize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabammar
(fal) u kac dhanka colku ka yimid adoo dabamartaynaya si aanay kuu helin.
dabammar: (fal) ballan aad cid la lahayd, weydaaro Ballantii wuu dabamaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabammar
de: backbite; make trouble behind s.o.'s back; sodomize
lx: dabammar
pd: (dabammaray)
ps: v1=cmp
key: dabammar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoolbir
(Dhoolbir-ka)
Qosol yar oo dhoolluhu muuqdaan, qoslid; muusood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoolbir
dhoolbir¹: m.l 1. Qosol yar oo ilka caddays ah; dhoolla caddeys. 2. la-mid: dhoolbirid.
dhoolbir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Qosol yar ilkuhu muuqdaan qoslid; muusood; muusadbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhoolbir
m.l Qosol yar oo ilka caddays ah; dhoolla caddeys.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoolbir
v., [compound] smile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoolbir
(fal) dhoollaha caddee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoolbir
de: smile
lx: dhoolbir
nt: dhoolbir (ka) [vn2-m]
pd: (dhoolbiray)
ps: v1=cmp
key: dhoolbir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoonbir
-ka: (magac, lab, keli) ninka subeerka ah ee geela jira. Oo dhoonbirkii jirayay dhacanta gees uga qaadayoo…
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobsiin
(Hoobsiin-ta)
Si hoobsi ah, qof caano u siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobsiin
m.f.dh eeg hoobsii. la-mid: hoobsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) si hoobsi ah, qof caano u siin.
hoobsiin-ta: (magac, dhedig, keli) dhinaca u hooseeya marin. Dharka uskagga ah hoobsiinta ka daa oo sarraysii. Li: sarraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobsiis
(Hoobsiis-ka)
Hoobsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobsiis
m.l la-mid: hoobsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoobsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaami
f.g2 (-iyay, -isay) Madaxa iyo gacmaha hoos u laallaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoogaami
v. bend something (e.g., part of the body)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogaami
(fal) soo foororso; hogaani.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoogaami
de: bend s.t. (e.g., part of the body)
lx: hoogaami
pd: (hoogaamiyey)
ps: v2a=tr
key: hoogaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabaqtir
(Dhabaqtir-ka)
Dhabaqtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaqtir
dhabaqtir¹: m.l la-mid: dhabaqtirid.
dhabaqtir²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax dhabaqsan dhabaqa ka saarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabaqtir
v., [compound] prevent a false beat, correct a mistake in rhythm; organize (time, work) so it is flawless
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqtir
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar, sacab iyo wixii la mid ah, dhabaqda ka bi'in oo isku dubbaridid. Dh: badhaqtir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabaqtir
de: prevent a false beat, correct a mistake in rhythm; [fig.] organize (time, work) so it is flawless
lx: dhabaqtir
pd: (dhabaqtiray)
ps: v1=cmp
key: dhabaqtir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigmiir
(Dhiigmiir-ka)
Qofkii ama neefkii oo nool oo dhiig laga shubto, kaydin ama dan kale darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigmiir
m.l Nafley nool oo dhiig laga shubto, kaydin ama dan kale darteed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigmiir
m. n., [compound] blood-sucker; blood extractor; exploiter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigmiir
-ka: (magac, lab, keli) cadaadis dhaqaale oo dadka inta sida ugu badan loogu xoogsado xaqoodana laga duudsiyo.
dhiigmiir-ka: (magac, lab, keli) dareeraha dhiigga oo noolaha laga shubo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigmiir
de: blood-sucker; blood extractor; [fig.] exploiter
lx: dhiigmiir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhiigmiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoobasho
m.f.dh eeg dhoobo³. la-mid: dhoobad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoobasho
vl. n. strike, walkout
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoobasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhoobad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoobasho
de: strike, walkout
lx: dhoobasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhoobasho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoofniin
vl. n. departure, takeoff (as of a plane)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhoofniin
-ka: (n) departure (di-paarjar); departing (di-paarting) ~ bixitaan, dhoofitaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhoofniin
de: departure, takeoff (as of a plane)
lx: dhoofniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: dhoofniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoosaali
(fal) ciyaar badan oo qosol weheliyo dheel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobshiid
m.dh Sumad geel oo ah laba shiilood doobada labadeeda dhinac lagu dhigo. la-mid: doobbashiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooransii
(fal) inaad qof u oggolaato in uu labo shay midkood qaato. Dh: doorransii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaamin
m.f.dh eeg hoogaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosaysii
f.g/mg2 (-iiyay, -iisay) Ka h.: wax, wax kale ka hoos marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoosaysii
f.g/mg2 (-iiyay, -iisay) Ka h.: wax, wax kale ka hoos marin. m.f.dh, hoosaysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosaysii
v. put someone ~ something under ~ underneath something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosaysii
(fal) xagga hoose mari. Alaabta wixii aan jabayn hoosaysii. Li: korraysii sarraysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosaysii
de: put s.o. ~ s.t. under ~ underneath s.t.
lx: hoosaysii
pd: (hoosaysiiyey)
ps: v2a=tr
key: hoosaysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanammiir
m.l Qalab caanaha lagu miiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caanammiir
m.l Qalab caanaha lagu miiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambalmid
m.f.dh eeg dhambalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhambalmid
-da: (magac, dhedig, keli) walax, labo u kala qaybsamid. Dh: qaybsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhanbalmid
(Dhanbalmid-da)
Jeexmid; kala dillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhooboobid
m.f.dh eeg dhoobow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhooboobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoobo noqosho; wax dhooqoobay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoolaalid
m.f.dh eeg dhoolaal³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulgariir
dhulgariir¹: m.l (-rro, m.dh) Ruxashada dhulka ka dhacda oo dushiisa dildillaac u yeesha oo burbur iyo waxyeello badan keenta.
dhulgariir²: m.l (-rro, m.dh) (jooloji) Dhaqaaqa ama jaraynta oogada dhulka oo ku billaabata si dabiici ah, kana billaabata meel ka hooseysa oogada dhulka. Mararka qaarkood dhaqaaqaasi wuxuu u keenaa isbeddel waara heerka sinnaanta dhulka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulgariir
dhulgariir¹: m.l (-rro, m.dh) Ruxashada dhulka ka dhacda oo dushiisa dildillaac u yeesha oo burbur iyo waxyeello badan keenta.
dhulgariir²: m.l (-rro, m.dh) (jool.) Dhaqaaqa ama jaraynta oogada dhulka oo ku billaabata si dabiici ah, kana billaabata meel ka hooseysa oogada dhulka. Mararka qaarkood dhaqaaqaasi wuxuu u keenaa isbeddel waara heerka sinnaanta dhulka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhulgariir
Earthquake
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulgariir
m. n., [compound] earthquake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhulgariir
-ka: : (n) earthquake (eerth-kuweek)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulgariir
-ka: (magac, lab, keli) gilgilashada dhulka ee ka dhalata xuuraanka obocdiisa oo keenta qaabdoorsanka biyoosfeerka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulgariir
de: earthquake
lx: dhulgariir
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhulgariir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhulgariir
زَلْزَالَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosaysiin
m.f.dh eeg hoosaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax, xagga hoose marsiin. Dh: hoosaysiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosaysiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoosaysiin. hoosdaloolo -da: (magac, dhedig, keli) goldaloolo iyo nusqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakhaatiir
m.dh la-mid: takhaatiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doobbashiid
m.dh la-mid: doobshiid
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhoobo xadiid
Pedelfer