dhirirtayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirirtayn
m.f.dh eeg dhirirtee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirirtaysi
m.l la-mid: dhirirtaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirirtayso
f.g3 (-stay, -satay) Badar sacab ku qaybsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhirayn
(Dhirayn-ta)
1. Dhul aan dhir lahayn oo geedo lagu abuuro; dhir u yeelid, ku tallaalid.
2. Dhir udgoon cunnada ku darid; geedeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirayn
m.f.dh eeg dhiree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhirayn
-ta: (n) forestation (foores-tey-shin)', afforestation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel, geedo ka beer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhitayn
(Dhitayn-ta)
Dhito ka dhigid; kaydin; dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhitayn
m.f.dh eeg dhitee. la-mid: dhitays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhitayn
-ta: (magac, dhedig, keli) subag kolba inta malintii ay ciirtu dhasho meel ku kaydin. Dh: kaydin.
dhitayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax fudfud ah kolba dhito ridid ama meel dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiirran
Geesi ah; aan biqitin aqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirran
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan cabsanayn ahaansho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiirran
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan cabsanayn ahaansho (nafley). m.f.dh, dhiirranaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiirran
der. [adjective] brave, fearless
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhiirran
name-f brave, fearless
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiirran
-aa / ayd: (adj) courageous (koreey-jas); daring (dheering); brave (bareeyv); full of courage ~ geesinmo, indha-adayg —ku
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhiirran
magaca gabadh lagu naanaysay cabsi la'aan iyo geesinimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiirran
(tilmaame) niyad wanaagsan haya oo calool adag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiirran
cf: geesi
de: brave, fearless
lx: dhiirran
pd: (dhiirranaa)
ps: adj-der
key: dhiirran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirirday
(Dirirday-ga)
Xiddigo naafaha ku jira; waxay u dhexeeyaan koxdin iyo dirir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirirday
m.l Urur xiddiga ah oo Naafuhu ku jiraan oo u dhexeeya Koxdinta iyo Dirirka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirday
-ga: (magac, lab, keli) xiddigo naafaha ku jira oo u dhexeeya koxdinta iyo dirirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirirsan
Dagaal dhex yaal; col ah; isneceb; colloobey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) La d.: qof, qof kale la dagaalay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dirirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) La d.: qof, qof kale la dagaalay ahaansho. m.f.dh, dirirsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirirsan
der. [adjective] fighting, at war, hostile; quarreling, feuding, in disagreement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dirirsan
-aa I aayeen: (adj) hostile (hoos-taiy, hating (heeyting); set against, opposing; antagonistic. Ex: ciidamo dirirsan; hostile forces',
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirirsan
(tilmaame) dad dagaalsan oo colaadi dhextaal. Laba ciidan oo dirirsan lama dhex dego. Dh: dagaalsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirirsan
de: fighting, at war, hostile; quarreling, feuding, in disagreement
lx: dirirsan
pd: (dirirsanaa)
ps: adj-der
key: dirirsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawrtayn
(Dhawrtayn-ta)
Dhawrto ahaan wax u bixin; sadaqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrtayn
m.f.dh eeg dhawrtee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhicisayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl la waday fashilin; wixii oo ujeeddadii laga lahaa aan la gaadhin dhexda ku fashilin. Dh: fashilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhicitaan
m.l la-mid: dhicid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhicitaan
-ka: (n) 1. the act of falling (fooling). 2. the act of expiring; expiration (ekis-pareey-shin). 3. the act of declining or failing; declination (deka-leneey-shin) ~ dhicid, see [eeg] dhac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhihitaan
m.l la-mid: dhihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhihitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimitaan
m.l Yareynta wax intay ahaayeen in yar laga qaado. la-mid: dhimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhimitaan
vl. n. act of cutting back ~ injuring
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhimitaan
-ka:: (n) the act of decreasing (dikriising)', reducing (ri-dhuusing) ~ dhismis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhimid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhimitaan
de: act of cutting back ~ injuring
lx: dhimitaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhimitaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhirifsan
Dhirif ka muuqdo; xanaaqsan; caraysan; umashan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirifsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof xanaaqsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhirifsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof xanaaqsan ahaansho. m.f.dh, dhirifsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhirifsan
der. [adjective] angry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhirifsan
-aa I nad: (adj) angry (an-geri); mad (maadhy disgruntled (dis-gurantlidh) ~ caraysan, xayraansan, ciishaysan, dudsan. —Syn: furious, indignant, irate, ireful, wrathful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirifsan
(tilmaame) mid ka dhiidhisan oo wax wax diiddan. Dh: gadoodsan, cadhaysan. dhirifsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) mid cadhoonaya oo gadoodsan ahaan. Dh: gadoodsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhirifsan
de: angry
lx: dhirifsan
ps: adj-der
key: dhirifsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirirtee
f.g2 (-teeyay, -teysay) Badar sacab ku qaybin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhisitaan
-ka: (magac, lab, keli) aqal, deyr ama wax kale, taagitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiritaan
-ka: (magac, lab, keli) isu'imaad; kulmitaan; shirniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibaatayn
m.f.dh eeg dhibaatee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhibaato gaadhsiin. Dh: dhibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahiritaan
-ka: (magac, lab, keli) nijaasta iyo wasakhda ka maydhid, uskagga ka maydhid Daahiritaan baan ku ogaa masallaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirbaaxayn
m.dh la-mid: dharbaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirbaaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dharbaaxo ku dhifasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhimirdaaweyn
m.dh (daaw.) Hab daaweyn lagu daweeyo isbeddellada dhimirka ku dhaca iyo cuqdada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirayn
m.f.dh eeg ciiree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciiro u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirrayn
m.f.dh eeg cirree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cirro u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharayn
(Dharayn-ta)
Dhar u yeelid, u xirid; hubayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharayn
m.f.dh eeg dharee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, shilin ama dulin kale, ka daawayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhigayn
(Dhigayn-ta)
Dhigo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigayn
m.f.dh eeg dhigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guri dhigo u yeelid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhintay
(adj) 1. become dead (dheedh)', died; deceased (di-siist); passed away 2. junk (jangk)- useless (yuuslis)', worthless; scrap
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhitays
m.l la-mid: dhitayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhitays
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhitayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diifayn
m.f.dh eeg diifee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hagardaamayn oo wax diifi ku taallo ka dhigid. Dh: dhibaatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiqayn
m.f.dh eeg diiqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirran
Yare kulul; qandac ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirran
diirran¹: m.l Isir; dhalan.
diirran²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan aad u kululayn ahaansho. Tusaale: “Caano diirran baan cabbey”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diirran
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan aad u kululayn ahaansho. Tusaale: Caano diirran baan cabbey. m.f.dh, diirranaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diirran
der. [adjective] warm, tepid; intimate, close
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Diirran
name-f warm, tepid; intimate, close. Syn: Diirrane
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
diirran
-aa / ayd: (adj) warm; lukewarm (luuk-woorm); temperate (teem-pareeyt); mild (maayldh) ~ qandac ah
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Diirran
Caloroso
Warm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Diirran
magac loo baxsho gabadh kolkii ay dhalatay aad u firfircoonayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirran
(tilmaame) wax kulul oo aan qaboobayn. Cunto diirran baan cunay. Li: qabaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diirran
de: warm, tepid; intimate, close
lx: diirran
pd: (diirranaa)
ps: adj-der
xe: warm greetings
xv: salaan diirran
key: diirran
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
diirran
دافئ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diririn
(Diririn-ta)
(dayax) habeenka uu dirirka la fariisto (aragga isha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dįririn
m.f.dh eeg dįriri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diririn
-ta: (magac, dhedig, keli) dad dagaal gelin oo dirirsiin. Dh: dirirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waxyeellada jinku u gaysto insiga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hiiraan
pr. n., loc. Hiran [region in south central Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Hiiraan
(n) name of a central region of Somali
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Hiiraan
cf: Beledweyne
de: Hiran [region in south central Somalia]
lx: Hiiraan
ps: n0-loc
key: Hiiraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horrayn
(Horrayn-ta)
Horay jirid, xigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horrayn
m.f.dh eeg horree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horrayn
vl. n. priority; primary, being first
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga u horraysa ahaan; xagga hore ku sugnaan. Ardaydu horraynta ayay u tartamaan. Li: dambayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horrayn
de: priority; primary, being first
lx: horrayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: horrayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiiran
m.l Nooc kalluunka ka mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiran
(tilmaame) mid shiir leh; shuruf leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shirayn
(Shirayn-ta)
Neef shiro u qalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirayn
m.f.dh eeg shiree. la-mid: shirays, shiro.