dhirfoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirfoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caraysan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiifoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof firfircoon oo dhega nugul ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiifoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof firfircoon oo dhega nugul ahaansho. m.f.dh, dhiifoonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiifoon
der. [adjective] attentive, alert; active, vivacious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiifoon
(tilmaame) mid feejigan oo soo jeeda. Fiigto dhiifoon lama qaban karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiifoon
de: attentive, alert; active, vivacious
lx: dhiifoon
pd: (dhiifoonaa)
ps: adj-der
key: dhiifoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirfoonaansho
m.l/dh la-mid: dhirfoonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirfoonaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg dhirfoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiifooni
m.dh la-mid: dhiifoonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiifooni
-da: (magac, dhedig, keli) feejigni oo wax digtoon ahaan. Dh: digtooni, feejigni. dhiig: (fal) nabar ku gaadhay awgii dhiig ha kaa soo yaaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirfin
m.f.dh eeg dhirfi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diifoon
(tilmaame) qof ay diifi hayso.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shirdoon
name-m assembly seeker. Cf: Shirshoore, Shirwac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shirdoon
magac loo baxsho wiil meel lagu shirsanaa ku dhashay ama isaga loo shiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirfoonaan
m.f.dh eeg dhirfoon. la-mid: dhirfonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirfoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid kacsan oo xumaan ka gadoodsan ahaan. Dh: kacsanaan, gadoodsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhirifsan
Dhirif ka muuqdo; xanaaqsan; caraysan; umashan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirifsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof xanaaqsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhirifsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof xanaaqsan ahaansho. m.f.dh, dhirifsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhirifsan
der. [adjective] angry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhirifsan
-aa I nad: (adj) angry (an-geri); mad (maadhy disgruntled (dis-gurantlidh) ~ caraysan, xayraansan, ciishaysan, dudsan. —Syn: furious, indignant, irate, ireful, wrathful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirifsan
(tilmaame) mid ka dhiidhisan oo wax wax diiddan. Dh: gadoodsan, cadhaysan. dhirifsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) mid cadhoonaya oo gadoodsan ahaan. Dh: gadoodsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhirifsan
de: angry
lx: dhirifsan
ps: adj-der
key: dhirifsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiifoonaan
m.f.dh eeg dhiifoon. la-mid: dhiifoonaansho, dhiifooni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiifoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax foojigan oo digtoon ahaan. Dh: digtoonaan, feejignaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirifoobid
m.f.dh eeg dhirifow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhifo
f.g/mg3 (-ftay, -fatay) 1. (f. g) Si xoog iyo dhaqso leh wax u jiidid. 2. (f.mg) Ku dh.: wax, wax la dhicid. 3. (f.mg) Ku dh.: maanso ku luqayn. 4. (f.mg) Isku dh.: laba tiro tarankooda soo saarid. 5. (f.mg) Carrabka ku dh.: wax soo hadal qaadid. la-mid: dhufo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhifo
f.g/mg3 (-ftay, -fatay) 1. (f.g) Si xoog iyo dhaqso leh wax u jiidid. 2. (f.mg) Ku dh.: wax, wax la dhicid. 3. (f.mg) Ku dh.: maanso ku luqayn. 4. (f.mg) Isku dh.: laba tiro tarankooda soo saarid. 5. (f.mg) Carrabka ku dh.: wax soo hadal qaadid. m.f.dh, dhifasho. la-mid: dhufo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhifo
v. pull, snatch, jerk away
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhifo
-dhiftay / dhifsatay: (v) pull (puul); jerk (jeerk) ~ dhufo, jiid. [opposite of riix]. Ex: soo dhifo; pull back, -dhifsasho -da: (n) the act of pulling
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhifo
de: pull, snatch, jerk away
lx: dhifo
pd: (dhiftay)
ps: v3b=
key: dhifo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoon
(Dhoon-ta)
1. Haan biyood oo weyn.
2. Tol; qolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoon
m.dh (-oomo, m.l) 1. Haan biyood weyn. 2. Xabag weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhoon
f. n. large water vessel
dhoon [feminine] n. lineage, clan, kinsmen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoon
-ta: (magac, dhedig, keli) xabagta weyn ee ka baxda cadaadda. Dhoonta iiga soo goo geedka.
dhoon -ta: (magac, dhedig, keli) haanta biyaha lagu shubto ee weyn. Dhoonta higaagga u xidh. Dh: haan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhifso
f.g3 (-saday, -satay) Si xoog iyo dhaqso leh wax u jiidasho. la-mid: dhufso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhifso
f.g3 (-saday, -satay) Si xoog iyo dhaqso leh wax u jiidasho. m.f.dh, dhifsasho. la-mid: dhufso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhifso
v. snatch for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhifso
de: snatch for oneself
lx: dhifso
pd: (dhifsaday)
ps: v3a=
key: dhifso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirfi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. Is dh.: qof caraysan iska dhigid. 2. Ka dh.: cid ka xanaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhirfi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. Is dh.: qof caraysan iska dhigid. 2. Ka dh.: cid ka xanaajin. m.f.dh, dhirfin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhirfi
v. anger, make someone angry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhirfi
de: anger, make s.o. angry
lx: dhirfi
pd: (dhirfiyey)
ps: v2a=tr
key: dhirfi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firoon
(tilmaame) wax fiican oo wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirroo
hirroo! -da: (magac, dhedig. keli) eray lagu yidhaahdo qofka lagu orinayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Carfoon
pr. n., [feminine] Arfon
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Carfoon
name-f fragnant; aromatic; scent. Syn: Udgoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carfoon
-aa / ayd: (adj) aromatic (aaromaatik), fragrant (fareey-garant); pleasant odor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carfoon
magac loo baxsho wiil ama gabadh aad loo jecelyahay oo lagu metelay udgoonka cadarka oo kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Carfoon
cf: carfi
de: Arfon
lx: Carfoon
ps: name-f
key: Carfoon
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
chiffon
chiffon, n.m. - Maro calal ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'roon
(tilmaame) in yar ka da' weyn; ka yar cimri weyn.
da'roon-ta: (magac, dhedig, keli) ummad meel ku wada nool intooda xulka ah ama ishu qabanayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafoor
(Dhafoor-ka)
Wejiga labadiisa dhinac: meelaha godgodan oo indhaha iyo dhegaha u dhexeeya, middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafoor
m.l (-rro, m.dh) Meesha godan ee u dhexeysa isha iyo dhegta dadka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhafoor
m.l (-rro, m.dh) Meesha godan ee u dhexeysa isha iyo dhegta dadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhafoor
m. n. temple, side of forehead
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhafoor
-ka: (n) temple (tem-pal); the flat region on either side of the forehead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhafoor
-ka: (magac, lab, keli) wejiga labadiisa dhinac ee daamanka ka sarreeya. War dhafoor buu ku yaallaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhafoor
de: temple, side of forehead
lx: dhafoor
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dhafoor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharoor
m.l (-rro, m.dh) Dhul sare oo buuraley ah.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHAROOR
(Daror) S Commiphora ellenbechii Engl. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibboo
-ga: (magac, lab, keli) askari tababar ku jira oo weli aan rasmi noqon. Sannad dhibboo ah ayaan soo maray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibtoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Dhib la kulmid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibtoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Dhib la kulmid (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibtoo
(fal) mid dhibaato hayso noqo. Sidii aad u najixi lahayd u dhibtoo. Dh: dhibaatoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiftin
(Dhiftin-ta)
Dhufad; dhifasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiftin
m.dh Guntinta xarigga in yar oo ka soo taagan oo la jiido marka la rabo in deg-deg loo furo. la-mid: dhifsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiftin
vl. n. act of snatching
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiftin
de: act of snatching
lx: dhiftin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhiftin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhirayn
(Dhirayn-ta)
1. Dhul aan dhir lahayn oo geedo lagu abuuro; dhir u yeelid, ku tallaalid.
2. Dhir udgoon cunnada ku darid; geedeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirayn
m.f.dh eeg dhiree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhirayn
-ta: (n) forestation (foores-tey-shin)', afforestation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel, geedo ka beer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhirfid
(Dhirfid-da)
Dhirif qabasho; dhiidhiyid; xanaaqid; dharsid; camashood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirfid
m.f.dh eeg dhirif².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirfid
-da: (magac, dhedig, keli) qaadanwaa xumaan laga dhiidhiyo oo laga gadoodo. dhirfoon: (tilmaame) gadood iyo qaadanwaa la kacsan oo la kardhanaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuroob
inch. v. be blessed ~ fortunate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuroob
de: be blessed ~ fortunate
lx: dhuroob
pd: (dhuroobay)
ps: v1=inch
key: dhuroob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digtoon
U warhaya cabsi ama dhib ama arrin kale oo soo socota oo iska jira; digniin qaba; diyaar ah; darban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digtoon
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof diyaar u ah wax uu filayo ahaansho. 2. Qof si toosan u taagan oo labadiisa lugood si simman isu garab yaalliin ahaansho (millatari).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digtoon
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof diyaar u ah wax uu filayo ahaansho. 2. Qof si toosan u taagan oo labadiisa lugood si simman isu garab yaalliin ahaansho (millatari). m.f.dh, digtoonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digtoon
der. [adjective] cautious, forewarned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
digtoon
-aa / ayd: (adj) attentive (a-ten-tiv); vigilant (viji-lant); alert (a-leert); watchful (wooj-fuul); cautious (koo-shas) ~ feejigan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digtoon
(tilmaame) baraarugsan oo gaadmada cadawga ka foojigan. Nin digtoon looma duso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digtoon
de: cautious, forewarned
lx: digtoon
ps: adj-der
key: digtoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirfin
m.l Nooc digirta ka mid ah, yaryar, oo cagaaran; salbuko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirsooc
(fal) qof ama neef xoolo ah halka uu ka soo jeedo daraaddii gooni u saar. Dh: haybsooc.
dirsooc-a: (magac, lab, keli) qof ama neef xoolo ah halka uu ka soo jeedo daraaddii gooni u saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fircoon
m.l 1. Magac boqorradii Masaaridii hore. 2. F. ah: qof naxariis la'.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fircoon
m.l 1. Magac boqorradii Masaaridii hore. 2. F. ah: qof naxariis la'.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Fircoon
-ka: (n) pharaoh (feerow)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firqoon
(indho firqoon) meel fog wax ka arka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firqoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley orgeysan ahaansho (ariga, lo'da iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firqoon
der. [adjective] far-sighted, keensighted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firqoon
(tilmaame) (indha ~) indhafiiqan; meel fog wax ka arka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firqoon
de: far-sighted, keensighted
lx: firqoon
pd: (firqoonaa)
ps: adj-der
key: firqoon
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
harpoon
/harpuun/ (n) damrad (waran kalluumaysatadu nibiriga ku wareemaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormoon
m.l (baayoloji) Dhacaan ay qanjirrada jirka qaarkood dhalaan oo dhiigga ku daraan dabadeedna dhaxalsiiya xubno badani inay shaqadooda fuliyaan, korriimada jirkana qayb weyn ka qaata.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hormoon
m.l (baay.) Dhacaan ay qanjirrada jirka qaarkood dhalaan oo dhiigga ku daraan dabadeedna dhaxalsiiya xubno badani inay shaqadooda fuliyaan, korriimada jirkana qayb weyn ka qaata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hormoon
-ka: (magac, lab, keli) walax kimikeed yar oo uu jidhku soo saaro oo waxtar weyn u leh nudadka jidhka qaarkood.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jirroon
name-f generous, kindly and happy