dhirfin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirfin
m.f.dh eeg dhirfi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirfin
m.l Nooc digirta ka mid ah, yaryar, oo cagaaran; salbuko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirfi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. Is dh.: qof caraysan iska dhigid. 2. Ka dh.: cid ka xanaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhirfi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. Is dh.: qof caraysan iska dhigid. 2. Ka dh.: cid ka xanaajin. m.f.dh, dhirfin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhirfi
v. anger, make someone angry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhirfi
de: anger, make s.o. angry
lx: dhirfi
pd: (dhirfiyey)
ps: v2a=tr
key: dhirfi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhirfid
(Dhirfid-da)
Dhirif qabasho; dhiidhiyid; xanaaqid; dharsid; camashood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirfid
m.f.dh eeg dhirif².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirfid
-da: (magac, dhedig, keli) qaadanwaa xumaan laga dhiidhiyo oo laga gadoodo. dhirfoon: (tilmaame) gadood iyo qaadanwaa la kacsan oo la kardhanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirfin
m.l Nooc digirta ka mid ah, yaryar, oo cagaaran; salbuko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiirrin
m.f.dh eeg dhiirri².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiirrin
f. n. encouragement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiirrin
-ta: (n) encouragemen (inkooraj-ment); motivation (mowti-veey-shin)'. moral support, inspiration (in-ispareey-shin) animation (ana-meey-shin) ~ dhiirrigalin, boorin, bogaadin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiirrin
de: encouragement
lx: dhiirrin
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: dhiirrin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhiirrin
تشجيع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirfoon
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax caraysan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiin
(Dhiin-ka)
1. Dhacaan layiig ah oo badanaa ka soo baxa miraha dhugca oo aad u bislaada.
2. (midab) guduud aad u guduudan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiin
dhiin¹: m.l 1. Dheecaan yar, layiig ah, oo ka yimaadda miraha, geedaha, nabarrada iyo wixi lamida 2. Midab aad u guduudan.
dhiin²: f.mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) Miro, geedo, nabar iyo wixi lamida dheecaan ka soo bixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiin
dhiin¹: m.l 1. Dheecaan yar, layiig ah, oo ka yimaadda miraha, geedaha, nabarrada iyo wixi lamida 2. Midab aad u guduudan.
dhiin²: f.mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) Miro, geedo, nabar iyo wixi lamida dheecaan ka soo bixid. m.f.dh, dhiimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiin
m. n., [collective] juice oozing from ripe fruit; deep red color, reddish-brown
dhiin: v. become red; ooze
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhiin
name-m a deep red color; lit: beautiful with a brighter light-skin. Syn: Dhiimo, Maadhiin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiin
-ka:: (n) 1. crimson; red color ~ casaan, guduud.
dhiin -dhiimay / dhiintay: (v) discolor (dis-kalar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiin
(tilmaame) midab cas leh.
dhiin -ka: (magac, lab, keli) midab lo'du leedahay oo guduud xiga. Dh: casaan, guduud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darfin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinaca ka raacid. Dh: feedhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhicin
(Dhicin-ta)
1. Xoolo col qaaday ka dabo duulid oo kasoo celin.
2. Ilmo dhicis ah, dhalid.
3. (ka dhicin) Wax ka celin ama ka qabasho; daaficid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhicin
dhicin¹: m.f.dh eeg dhici. la-mid: dhicis¹ (2).
dhicin²: m.dh (daawo) Ka soo dhicid ama ka soo saariid minka ilmo aan sadkooda dhammeysan, (dadka) muddada u dhexeysa bacriminta iyo 24ka asbuuc ee hore.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhicin
m.dh (daaw.) Ka soo dhicid ama ka soo saariid minka ilmo aan sadkooda dhammeysan, (dadka) muddada u dhexeysa bacriminta iyo 24ka asbuuc ee hore.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhicin
vl. n. miscarriage, act of losing a baby
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhicin
-ta: (n) miscarriage (misikaa-reeyj); unintentional abortion (a-boor-shin) ~ dillan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhicin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo aan shinkiisu gaadhin, isaga oo meyd ah soo dhicitaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhicin
de: miscarriage, act of losing a baby
lx: dhicin
pd: (-ta)
ps: vn-f
syn: dhicis
key: dhicin
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHIDIN
(Dhiddin) N Commiphora africana (A.Rich.) Engl. Burseraceae.
NFD,S? Commiphora myrraha (Nees) Engl. Burseraceae.
N Commiphora habessinica (0.Berg.) Engl. Burseraceae.
S,N Commiphora tubuk Sprague. Burseraceae.
N Commiphora samharensis Schweinf. Burseraceae.
NFD Commiphora ellenbeckii Engl. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimin
m.dh la-mid: damqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhirif
(Dhirif-ka)
Sida la noqdo ama layska dareemo kolka xumaan lays taarto; dhiidhi; xanaaq; caro; umal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirif
dhirif¹: m.l Caro; xanaaq.
dhirif²: f.mg1 (-rfay, -riftay; -rfi) Dhirif dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhirif
dhirif¹: m.l Caro; xanaaq.
dhirif²: f.mg1 (-rfay, -riftay; -rfi) Sida la noqda ama layska dareemo marka xumaan lays taarto; dhiidhi; xanaaq; caro; umal. m.f.dh, dhirfid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhirif
v. be ~ get angry
dhirif vl. n. anger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhirif
-dhirfay/dhii rtay: (v) become angry (aan-gari); anger (aan-ger)
dhirif -ka: (n) anger (ang-ger); rage (reeyj); fury (fiy / '); wrath (raath); indignation (in-dig-neey-shin) ~ caro, xanaaq, cadho. Ex: wuu dhirfay; he became angry
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhirif
Ira
Ire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirif
-ka: (magac, lab, keli) cadhoda, qofka marka lagu xad gudbo uu sameeyo. Dh: dhiidhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiriq
(Dhiriq-da)
Digada qoyan oo lo'da; faanto; dhabcan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiriq
m.dh Digo aad u qoyan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiriq
f. n. cattle urine; drips
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiriq
-da: (magac, dhedig, keli) saalada qoyan ee xoolaha, gaar ahaan lo'da.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiriq
cf: dhabcan, faanto
de: cattle urine; drips
lx: dhiriq
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: dhiriq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirir
m.l Mugga sacab fidsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhitin
m.dh la-mid: dhutin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhitin
-ta: (magac, dhedig, keli) laangadhayn oo lug ka heetin. Dh: dhutin, hitiqlayn, heetin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirin
(Diirin-ta)
Wax yar kululayn; qandac ka dhigid; (ama diirrin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirin
m.f.dh eeg diiri. la-mid: diiris¹, diirrimaad, diirrin, diirris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirin
-ta: (magac, dhedig, keli) dabka saarid oo in yar kulaylin ama qabawga ka bi'in. Dh: kulaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirqin
(Dirqin-ta)
Xoog wax ku samayn ama wax ku yeelsiin; ku jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirqin
m.f.dh eeg dirqi². la-mid: dirqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirqin
-ta: (magac, dhedig, keli) qasbid; sandullayn. Dirgin midho laguma goosto. Dh: khasbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirqin
m.f.dh la-mid: harqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirqin
-ka: (magac, lab, keli) weel aad u buuxin; buuxdhaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shirin
(Shirin-ta)
Shir u samayn, isugu keenid: kulmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirin
m.f.dh eeg shiri. la-mid: shiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad meel isugu keenid, shir u wicid; kulmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wirfin
(Wirfin-ta)
Xarig, maro ama wax kale, af inta la qabto, hawada dhexdeeda xoog ugu wareejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wirfin
-ta: (magac, dhedig, keli) xadhig, maro ama wax kale, afka inta la qabto, hawada dhexdeeda xoog ugu wareejin. Dh: wadhfin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaafin
(Dhaafin-ta)
1. Wax meeshi wax kale geyn; ku beddelid; dhaafsiin.
2. Gudbin; marsiin.
3. Seejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafin
m.f.dh eeg dhaafi. la-mid: dhaafis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaafin
vl. n. act of passing over; substituting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafin
-ta: (magac, dhedig, keli) weydaarin; xagga kale u dhaafin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaafin
de: act of passing over; substituting
lx: dhaafin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: dhaafin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharbin
(Dharbin-ta)
1. Qoyaan dharabkoo kale ah u yeelid; biyo yar ku darid; biifid.
2. (xoolaha la lisayo) dharaq ku reebid; dharqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbin
m.dh 1. la-mid: dharbis. eeg dharbi. 2. la-mid: dharqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbin
-ta: (magac, dhedig, keli) laxoox ama wax kale, biyo, shaah, maraq iyo wax la mid ah ku qoyn oo ka dhergin. Laxooxda dharbin la'aan laguma cuno. Dh: qoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhariin
(Dhariin-ta)
Il, biyo yar oo aan qolqoli karini ka soo habyaan; dhashiinto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhariin
m.dh (-iimo, m.l) Meel badanaa dhagax ah oo biyo ka soo dindimaayaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhariin
f. n. spring (of water)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhariin
de: spring (of water)
lx: dhariin
pd: (-ta Pl: dhariimo (/ha))
ps: n1-f
syn: dhashiinto
key: dhariin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharqin
(Dharqin-ta)
Xoolaha la lisa hayo candhadooda, dharaq ku reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharqin
m.f.dh eeg dharqi. la-mid: dharbin (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharqin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, caano dharaq ah naas ugu reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheefin
(Dheefin-ta)
Wax waxtar iyo dheef leh siin; cunno siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheefin
m.f.dh eeg dheefi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhergin
(Dhergin-ta)
Wax badan oo laga dhergo cid siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhergin
m.f.dh eeg dhergi. la-mid: dherjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dherjin
m.dh la-mid: dhergin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibcin
(Dhibcin-ta)
Dhibic ridid; dhibic sii deyn; in yar shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibcin
m.f.dh eeg dhibci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibcin
-ta: (magac, dhedig, keli) in yar oo dhibic le'eg ama ku dhaw tiixin. Dh: tiixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibiin
m.dh (-no, m.l) Biyo mareen yar oo ka dillaaca togagga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiddin
m.l la-mid: dheddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiddin
-ka: (magac, lab, keli) geed ka mid ah geednugaylka, oo jirrid jilicsan oo agabka badhkii laga qorto leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhidhin
m.l Buur bacaad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiftin
(Dhiftin-ta)
Dhufad; dhifasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiftin
m.dh Guntinta xarigga in yar oo ka soo taagan oo la jiido marka la rabo in deg-deg loo furo. la-mid: dhifsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiftin
vl. n. act of snatching
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiftin
de: act of snatching
lx: dhiftin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhiftin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibin
m.f.dh eeg dhiibi. la-mid: dhiibis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiibin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhabarka deri u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiijin
(Dhiijin-ta)
Wax ib yar ah leh, sida naasaha xoolaha oo caano ama wax kaloo shubmaa ku jiraan, xoog u qabasho oo gantaal (toog) ka soo saarid; dhiiq ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiijin
m.f.dh eeg dhiiji. la-mid: dhiijis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiijin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la tuujiyo si dareere uga soo baxo ama marka xoolaha caanaha laga lisayo. Dh: lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiimin
m.f.dh eeg dhiimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiimin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar midab bixin; liinbixin oo midabkiisii ka fasiqid. Dh: fasiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhillin
m.f.dh eeg dhilli. la-mid: dhilqin, dhilqis.