dhirbaaxayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirbaaxayn
m.dh la-mid: dharbaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirbaaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dharbaaxo ku dhifasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirbaaxay
(fal) cid kale, dhirbaaxo ku dhufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbaaxayn
m.dh la-mid: dharbaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbaaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dharbaaxo la dhicid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirbaaxaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: dharbaaxaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirbaaxaysan
(tilmaame) eeg dharbaaxaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibaatayn
m.f.dh eeg dhibaatee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhibaato gaadhsiin. Dh: dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbaaxaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof la dharbaaxay ahaansho. la-mid: dhirbaaxaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbaaxaysan
(tilmaame) mid la dharbaaxay; mid dharbaaxo lala dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirbaax
dhirbaax¹: m.dh la-mid: dharbaaxo.
dhirbaax²: f.g1 (-xay, -xday) la-mid: dharbaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirbaax
(fal) gacantaada oo kala baxsan kaga dhufo wajiga ama meel kale oo jirka ka mid ah. Dh: dharbaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirbaaxo
m.dh la-mid: dharbaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabaalayn
(Dhabaalayn-ta)
1. Dhabbaalo ku dhufasho.
2. Guubaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaalayn
m.f.dh eeg dhabaalee. la-mid: dhabaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) awr, mid kale qallaxato ku dhufasho. Dh: qallacatayn.
dhabaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) guubaabin oo gooddin iyo boorrin iskugu darid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhib iyo kadeed marin. Dh: dhibaatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirbaaxee
f.g2 (-xeeyay, -xeysay) la-mid: dharbaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirbaaxee
(fal) eeg dharbaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirbaaxid
m.dh la-mid: dharbaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirbaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dharbaaxo ku dhifasho. Dh: dharbaaxid. dhirbaaxo -da: (magac, dhedig, keli) gacantaada oo kala fidsan ruux ku dhufashadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibaataysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhibaato hayso ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibaataysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax dhibaato hayso ahaansho. m.f.dh, dhibaataysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibaataysan
der. [adjective] suffering, undergoing extreme hardship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibaataysan
-dhibaataysnaa / ayd: (adj) suffering (safa-ring); in agony (a-gani); experiencing or undergoing suffering or feeling pain or distress ~ dhibban, mashaqaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaataysan
(tilmaame) mid dhibaato qaba. Nin dhibaataysan waa la dhawraa. Dh: dhibban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibaataysan
de: suffering, undergoing extreme hardship
lx: dhibaataysan
pd: (dhibaataysnaa)
ps: adj-der
key: dhibaataysan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaaxaan
(adv) often (ofan); many times; frequently. Ex: dhaaxaan ku iri ha samayn! I told you often not to do that!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbaax
dharbaax¹: m.dh la-mid: dharbaaxo.
dharbaax²: f.g1 (-xay, -xday) Wax dharbaaxo ku dhufasho. la-mid: dharbaaxee, dhirbaax², dhirbaaxee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dharbaax
f.g1 (-xay, -xday) Wax dharbaaxo ku dhufasho. m.f.dh, dharbaaxid. la-mid: dharbaaxee, dhirbaax, dhirbaaxee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharbaax
v. slap, strike, hit; box someone's ears
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dharbaax
-ay/day: (v) slap (islaap); smack (ismaak); slap with the open hand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbaax
(fal) gacantaada oo kala baxsan kaga dhufo wajiga ama meel kale oo jidhka ka mid ah. Dh: dhirbaax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharbaax
de: slap, strike, hit; box s.o.'s ears
lx: dharbaax
pd: (dharbaaxay)
ps: v1=
key: dharbaax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibbaan
(Dhibbaan-ta)
Nabar dhib leh; daqar; qoon; dhaawac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibbaan
m.dh (-nno, m.l) Nabar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibbaan
f. n. wound, injury
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibbaan
de: wound, injury
lx: dhibbaan
pd: (-ta)
ps: n2-f
syn: dhaawac, nabar, qoon
key: dhibbaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaxin
m.f.dh la-mid: dubaaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hibatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka murugoosho wax horay u dhacay laga qoomammeeyo. Dh: shallayn, hibatays, qoomammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irbadayn
(Irbadayn-ta)
1. Irbad ka dhigid.
2. Irbad gaar ah oo dhexda ka daloosha oo dhuun dhalo ah wadata, inta dawo socota lagu shubo, oogada ku mudid oo dawadii ku dhiijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irbadayn
m.f.dh eeg irbadee. la-mid: cirbadayn, cirbadays, irbadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof buka, irbad ku durid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shirbo ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadayn
m.dh la-mid: irbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) irbad ka dhigid ama irbad ku mudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto duco looga jeedo, karin. Xilliga barwaaqada ah daraaraynta beereleydu waa joogto. Dh: casuumadayn, daraarays, ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbadayn
m.f.dh eeg darbadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyaha lagu dabbaalanayo inta hoos loo galo, labada lugood la soo kor mariyo oo lagu dhufdhufto biyaha. Dh: shaambadayn.
darbadayn-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka badin.
darbadayn-ta: (magac, dhedig, keli) kubbad si fiican u laagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalay
(fal) awr, mid kale qallaxatee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharbaaxo
(Dharbaaxa-da)
Sacab furan ama shan farood iyo calaacal, oo si xoog leh, wax loogu dhufto; dhabannaano; (ama dhirbaaxo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbaaxo
m.dh (-ooyin, m.l) Sacab furan oo si xoog leh wax loogu dhufto. la-mid: dharbaax¹, dhirbaax¹, dhirbaaxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dharbaaxo
m.dh (-ooyin, m.l) Sacab furan oo si xoog leh wax loogu dhufto. la-mid: dharbaax, dhirbaax, dhirbaaxo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharbaaxo
f. n. blow, slap; box on the ear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dharbaaxo
-dharbaaxada: (n) slap (islaap); cuff (kaf) ~ dhirbaaxo, dhangalaaso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbaaxo
-da: (magac, dhedig, keli) bogcadka faraha gacanta iyo calaacasha oo fidsan oo cid lagu dhifto. Dharbaaxo ayuu il kaga tuuray oo hoor ka soo qubaye. Dh: dhirbaaxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharbaaxo
de: blow, slap; box on the ear
lx: dharbaaxo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dharbaaxo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dharbaaxo
صَفْعَة ضَرْبةٌ بِالكَفِّ
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhfrbaaxo
Swash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibaadin
(Dhibaadin-ta)
Xoolo dhibaad ah, gabadha la guursadey siin, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibaadin
m.f.dh eeg dhibaadi. la-mid: dhibaadsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh xoolo diiqa ah siin. Dhibaadintu waa dhaqan habboon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhinacayn
(Dhinacayn-ta)
Dhinac marid ama xigid; dhinac isu burin; xag jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinacayn
m.f.dh eeg dhinacee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhan ka marid; barbar ka joogid. Dh: barbarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Meel dhir lagu tallaaley ahaansho. 2. Wax dhir lagu daray ahaansho (cunto, cabitaan iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiraysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Meel dhir lagu tallaaley ahaansho. 2. Wax dhir lagu daray ahaansho (cunto, cabitaan iyo wixi lamida). m.f.dh, dhiraysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiraysan
der. [adjective] planted with vegetation; spiced, seasoned with spices (of food)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiraysan
-dhiraysnaa: (adj) 1. planted (palaantihd), placed seeds or young plants in [ and]; sowed ~ geedayn. 2. spicei (isp taysidh)', season with spices ■ geedaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiraysan
(tilmaame) meel geedo badan laga beeray oo dhir badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiraysan
de: planted with vegetation; spiced, seasoned with spices (of food)
lx: dhiraysan
pd: (dhiraysnaa)
ps: adj-der
see: dhiree
key: dhiraysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhisaalan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax meel lagu ururiyey ahaansho (xirmooyin dhis, sisin iyo wixi lamida).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiradayn
m.dh (naxwe) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diiradayn
m.dh (naxwe) Marka diirad la saaraayo qayb ka mid ah weerta (eeg diirad 2.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaqayn
m.f.dh eeg dubaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dibaaq samayn; foorado samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firaaqayn
(Firaaqayn-ta)
Waxa ku jira ama jooga ka qaadid, ka wadid; ciriiriga ka qaadid; dallaal ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaaqayn
m.f.dh eeg firaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel la joogo ama lagu jiro, sida guri iyo wixii la mid ah, bannayn oo ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irmaanayn
m.f.dh eeg irmaanee. la-mid: irmanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irmaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, caano u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbaqayn
m.f.dh eeg dhabbaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aflagaadayn oo cid iska maagid. Dh: maagid, aflagaadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaalayn
(Dhaqaalayn-ta)
1. Si wanaagsan u ilaalin, wax u siin; si jacayl iyo turaal ku jiro, u dhaqid, u dhawrid.
2. Tashiilid; maradhaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaalayn
m.f.dh eeg dhaqaalee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaqaalayn
-ta: (n) the act of economizing; thrift (thirift) ~ beekhaamin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaqaalayn
Economizzare
To economize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) daryeelid oo dhuuni iyo dheef wuxuu u baahan yahayba siin. Dadka waawayni dhaqaalayn ayay u baahan yihiin. Dh: xanaanayn.
dhaqaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqaala samayn oo wax soosaarka kor u qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbaaxee
f.g2 (-xeeyay, -xeysay) la-mid: dharbaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbaaxee
(fal) eeg dharbaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharbaaxid
(Dharbaaxid-da)
Dharbaaxo ku dhufasho; dhabannaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbaaxid
m.f.dh eeg dharbaax². la-mid: dharbaaxayn, dhirbaaxayn, dhirbaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhirbaaxo la dhicid; bogcadka faraha iyo calaacasha cid ku dhifasho. Dh: dhirbaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharsamayn
m.f.dh eeg dharsamee. la-mid: dharsamays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharsamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar farsamayn oo samayntiisa warshad ama qalab kale u adeegsasho. Dh: dharsamays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawaatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taagnaa burburin oo raad ka yeelid. Daarahan la dhiibsaday illaa laga dhawaateeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibbanaan
(Dhibbanaan-ta)
Dhib qabid; kadeednaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibbanaan
m.f.dh eeg dhibban. la-mid: dhibbanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibbanaan
f. n., [abstract] state of being wounded ~ in difficulty