dhinacjoogid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinacjoogid
m.f.dh eeg dhinacjoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinacjoogid
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale agtiisa joogso.
dhinacjoogid -da: (magac, dhedig, keli) garab iyo gaashaamba ku taageerid. Dh: agjoogi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinacjoog
f.g1 (-gay, -gtay) Qofka agtiisa joogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhinacjoog
v., [compound] be beside someone ~ something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinacjoog
-ga: (magac, lab, keli) gaashaan iyo garab ba ku taageerid oo hiil iyo hooba la garab istaagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhinacjoog
de: be beside s.o. ~ s.t.
lx: dhinacjoog
pd: (dhinacjoogay)
ps: v1=cmp
key: dhinacjoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamoogid
m.dh la-mid: dhamooqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamoogid
-da: (magac, dhedig, keli) maahid oo mid muuqiisu joogo maankiisuna maqan yahay ahaan. Dh: dhammaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabajoogid
m.f.dh eeg dabajoog². la-mid: dabajoog¹ (2).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dabajoogid
Seguimento
To follow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabajoogid
-da: (magac, dhedig, keli) ka hadhitaan la'aan oo ku raadjoogid. Dabajoogid ayaa xoolaha lagu ilaaliyaa. Dh: dabasocod, dabaggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexjoogid
m.f.dh eeg dhexjoog.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibic joogsi
(n) [ . ] full stop (fuul istop); period indicating the end of a sentence ~ joogsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinacsocosho
m.f.dh eeg dhinacsoco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaboobid
(Dhaboobid-da)
Wax suuraggalay noqosho; dhab noqosho; run noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaboobid
m.f.dh eeg dhabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhab ah noqosho. Dh: rumoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhakoolid
(Dhakoolid-da)
Meel cidla' ah, iska taagnaan ama ka dhisnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakoolid
m.f.dh eeg dhakool². la-mid: dhakool¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhakoolid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhakool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaloobid
m.f.dh eeg dhalow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhamooqid
m.f.dh eeg dhamooq². la-mid: dhamoogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamooqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qoyan oo sida qooshka ah marmarin oo ku maliiqid. Dh: dhaboolaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibadjoog
(Dibadjoog-ta)
Nalleyda aan dadka la dhaqmin; banjoog; duurjoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibadjoog
m.dh.u 1. Ugaar. 2. Goonidaaq. Tusaale: “Ratigii dibadjoog buu noqday”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dibadjoog
m.dh.u 1. Ugaar. 2. Goonidaaq. Tusaale: Ratigii dibadjoog buu noqday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibadjoog
f. n., [collective] wild animal, beast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibadjoog
-ta: (n) wild animal ~ [opposite of gurijoog]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibadjoog
-ta: (magac, dhedig, keli) dugaagga aan dadka la noolayn. Dh: duurjoog. Li: dabjoog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dibadjoog
de: wild animal, beast
lx: dibadjoog
pd: (-ta)
ps: n0-f-col
syn: banjoog
key: dibadjoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duljoogid
m.f.dh eeg duljoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duljoogid
-da: (magac, dhedig, keli) jid liidata oo bukaan ah, dulfadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horjoogid
m.f.dh eeg horjoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horjoogid
-da: (magac, dhedig, keli) waardiyeyn; kormeerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danaboobid
m.f.dh eeg danabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) danab yeelasho. Isliska walaxaha danaboobid ayaa ka dhalata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharroocid
m.f.dh eeg dharrooc².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhayloobid
(Dhayloobid-da)
(hilib) sida kan dhaylada u jilcid; karshimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayloobid
m.f.dh eeg dhaylow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaatood
-ka: (magac, lab, keli) dhibaato dareemid oo kadeed iyo rafaad la kulmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqoobid
m.f.dh eeg dhiiqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoobo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhilloobid
(Dhilloobid-da)
Dhillo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilloobid
m.f.dh eeg dhillow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhilloobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhillo ah noqosho. Dh: shaqabadoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinacsoco
f.g3 (-cday, -cotay) Qof agtiisa socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhinacsoco
v. walk side by side with someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinacsoco
(fal) agtiisa soco; barbarkiisa ahaw oo ha ka dheeraan. Xoolaha dhinac soco oo waraabaha ka dhaw. Dh: agsoco, barbarsoco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhinacsoco
de: walk side by side with s.o.
lx: dhinacsoco
nt: dhinacsocosho (/da) [vn-f]
pd: (dhinacsocday)
ps: v3b=tr
key: dhinacsoco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoosjoogid
(Hoosjoogid-da)
1. Hoosjooge ahaansho.
2. Ku hoos dhaqmid, ku hoos noolaansho; ka tirsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosjoogid
m.f.dh eeg hoosjoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosjoogid
-da: (magac, dhedig, keli) taageero iyo waxsiin ka sugid; ku hoos noolaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarajoogid
m.f.dh eeg sarajoog². la-mid: sarajoog¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarajoogid
-da: (magac, dhedig, keli) sare isu taagid, fadhi ka kicid, sare u kicid, taagnaansho, sarakicid. Dh: taagnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danabsoocid
m.dh (kiim.) Maxsuulka falgalka kiimikaad kana dhasha qulqul danab oo dhexmaraaya gudbiye-milme. Raadkani waxa uu abuuraa aayano u kala socda dhinaca qotinada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabsoocid
-da: (magac, dhedig, keli) midhaha falgalka kiimikaad kana dhasha qulqul danab oo dhexmaraaya gudbiye-milme. Raadkani waxa uu abuuraa aayano u kala socda dhinaca qotinada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalanrogid
(Dhalanrogid-da)
Dhalanrog ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalanrogid
m.f.dh eeg dhalanrog². la-mid: dhalanrog¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalanrogid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhalandoorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqayoobid
(Dhaqayoobid-da)
Dhaqayo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqayoobid
m.f.dh eeg dhaqayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqayoobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef, jani caana yaraysay noqosho. Hashu dhaqayoobid ayay ku dhawdahay. Dh: janiyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaboobid
m.f.dh eeg dharabow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharasoobid
m.f.dh eeg dharasow². la-mid: dharasow¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhicisoobid
(Dhicisoobid-da)
(arrin) fashalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhicisoobid
m.f.dh eeg dhicisow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigjoogsi
m.l (daaw.) Joogsashada dhiig socday oo ay keentay shaqada dabiiciga ah ee jirka oo ka kooban xinjirowga dhiigga iyo iskuroorka xididdada go'ay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigroorid
(Dhiigroorid-da)
Dhiigroor yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigroorid
m.f.dh eeg dhiigroor². la-mid: dhiigroor¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigroorid
-da: (magac, dhedig, keli) dhiigroor yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirifoobid
m.f.dh eeg dhirifow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugatoobid
m.f.dh eeg dhugatow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugatoobid
-da: (magac, dhedig, keli) geel dhugato qaba ahaan. Sida qaalin dhugatoobay oo geelii laga reebay, dhallinyaro ma raacee kelaan dhaxanta meeraaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbajoogid
m.f.dh eeg jilbajoog².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaloobid
m.f.dh eeg dhaqaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax daranyada laga dhabay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiig-joogsi
m.l (daawo) Joogsashada dhiig socday oo ay keentay shaqada dabiiciga ah ee jirka oo ka kooban xinjirowga dhiigga iyo iskuroorka xididdada go'ay.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhinac xagal
Side of an angle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraakoobid
m.f.dh eeg shiraakow. la-mid: shuraakoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraakoobid
-da: (magac, dhedig, keli) urur noqosho oo wax wada qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaqjoogsad
m.l la-mid: dhaqaaqjoogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaaqjoogsad
-ka: (magac, lab, keli) si kolna la socdo kolla la joogsado u socosho. Dh: dhaqaaqjoogleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalandhoolid
(Dhalandhoolid-da)
Qorrax kulul ku socosho; boqoolid; wirwirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalandhoolid
m.f.dh eeg dhalandhool². la-mid: dhalandhool¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalandhoolid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulkoo kulul meel dheer u hayaamid; meel fog u socdaalid. Adigaa dhibtiyo, dhalandhoolidda i baday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaaqjoogle
(Dhaqaaqjoogla-ha)
Socod yar oo hadba kol la istaago; kol dhaqaaq kolna joogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaqjoogle
m.l Socod yar oo hadba kol la istaago; kol dhaqaaq kolna joogsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqaaqjoogle
m. n., [compound] hesitant walk, starting and stopping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaaqjoogle
-ha: (magac, lab, keli) socod la dhaqaaqo haddana la joogsado kolba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqaaqjoogle
de: hesitant walk, starting and stopping
lx: dhaqaaqjoogle
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: dhaqaaqjoogle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaqjoogsi
m.l la-mid: dhaqaajoogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaaqjoogsi
-ga: (magac, lab, keli) si kolna la socdo kolla la joogsado u socod. Dh: dhaqaaqjoogleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaaqjoogso
f.mg3 (-saday, -satay) Dhaqaaqjoogle samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqaaqjoogso
v. stop and start; walk hesitantly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaaqjoogso
(fal) eeg dhaqaaqjooglee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqaaqjoogso
de: stop and start; walk hesitantly
lx: dhaqaaqjoogso
pd: (dhaqaaqjoogsaday)
ps: v3a=intr
key: dhaqaaqjoogso
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiig-joojiye
dhiig-joojiyaha : (n) stancher (istoon-jar); something that stops the flow of blood from [a wound]
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinacfariiso
f.g3 (-stay, -satay) Qofka agtiisa fariisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhinacfariiso
v. sit beside
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinacfariiso
(fal) agtiisa fadhiiso. Orod walaalkaa dhinacfariiso. Dh: agfadhiiso.