dhillis, dhiliq
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dhillis, dhiliq
Inta birta ah sida dismiska, maaraanka, middida, soofaha, xagaafadda iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibiqdhibiq
(Dhibiqdhibiq-da)
Dheeldheel, cayaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibiqdhibiq
m.dh.u Fal aan laga fiirsan. la-mid: dhubuqdhubuq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibiqdhibiq
f. n. playful conversation, banter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibiqdhibiq
-da: (magac, dhedig, keli) di'id aan isdaba joog ahayn oo kolba tifiq u soo dhacda. Shimbiruhur waxay ka cabbaan dhibiqdhibiqda haamaha biyaha. Dh: tifiqtifiq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibiqdhibiq
de: playful conversation, banter
lx: dhibiqdhibiq
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: dhibiqdhibiq
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Liciifis, dhimid
Damping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibicdhibic
-da: (magac, dhedig, keli) tiixtiix wax qoyani uu kolba hal mar dhibic soo daayo. Dawada indhaha dhibicdhibic isha ugu tiixi.
dhibicdhibic: (tilmaame) maro ama wax kale oo caarcaar leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhirindhirin
(Dhirindhirin-ta)
1. Qodax ama waxyaalo kale, si aayar ah oo farsamo badan, oogada uga soo bixin.
2. (ku soo dhirindhirin) si miyir iyo farsamo badan qof wax uga soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirindhirin
m.f.dh eeg dhirindhiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirindhirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel adag galay, aayar uga soo saarid. Dh: dharaandhirin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
dhiibis lalis
volley pass